Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Beginning

Read the Bible from start to finish, from Genesis to Revelation.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ishacyaah 36-41

Seenxeeriib Wuxuu U Hanjabay Yeruusaalem

36 Haddaba Boqor Xisqiyaah sannaddiisii afar iyo tobnaad ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur ku kacay magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, wuuna qabsaday. Oo boqorkii Ashuurna wuxuu Laakiish ka diray Rabshaaqeeh oo ciidan faro badan wata, oo wuxuu Boqor Xisqiyaah ugu diray Yeruusaalem. Oo wuxuu is ag taagay biyomareenkii balliga sare kaasoo ku dhex yiil waddada berrinkii dharmaydhaha. Oo markaasaa waxaa u soo baxay Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraaniga ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo ahaa taariikhqorihii. Markaasaa Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Xisqiyaah haddeer ku tidhaahdaan, Boqorka weyn ee boqorka Ashuur ah wuxuu kugu leeyahay, War waxaad ku kalsoon tahay oo aad isku hallaynaysaa waa maxay? Waxaan kugu leeyahay, Waxaad tidhaahdaa, Dagaal waxaa loo hayaa talo iyo xoog, laakiin afka uun baad ku tidhi. Haddaba waadiga iga fallaagoobaye bal yaad isku hallaynaysaa? Bal ogow, waxaad isku hallaynaysaa oo ul ahaan u qaadanaysaa cawsduurkan burburay, kaasoo ah Masar, oo isna haddii nin ku tiirsado gacantuu ka galaa oo ka mudaa, oo boqorka Masar oo Fircoon ahu saasoo kaluu u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan. Laakiinse haddaad igu tidhaahdid, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan? Haddaba waan ku baryayaaye bal sharad la dhigo sayidkayga oo ah boqorka Ashuur, haddaba waxaan ku siin doonaa laba kun oo faras, haddaad rag fuula u heli kartid. Bal sidee baad u celin kartaa sirkaal ka mid ah kuwa ugu yaryar ee addoommada sayidkayga, oo sidee baad Masar isugu hallaynaysaa inay ku siinayso gaadhifardood iyo rag fardooley ah? 10 Haddaba miyaan Rabbiga la'aantiis ugu kacay meeshan inaan baabbi'iyo? Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dalkaas ku kac oo soo baabbi'i. 11 Markaasaa Elyaaqiim iyo Shebnaa iyo Yoo'aax waxay Rabshaaqeeh ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye nagula hadal afka reer Suuriya, annagoo addoommadaada ah, waayo, isagaannu garanaynaa, oo ha nagula hadlin afka Yuhuudda iyadoo dadka derbiga dul jooga ay na maqlayaan. 12 Laakiinse Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Sayidkaygu ma wuxuu ii soo diray inaan sayidkiinna iyo idinka erayadan kula hadlo? Sow iima uu soo dirin nimanka derbiga dul joogaa inay saxaradooda cunaan oo ay kaadidooda idinla cabbaan? 13 Markaasuu Rabshaaqeeh istaagay, oo intuu cod weyn ku qayliyey ayuu afka Yuhuudda ku hadlay oo yidhi, War maqla erayadii boqorka weyn ee ah boqorka Ashuur. 14 Boqorkii wuxuu idinku leeyahay, Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn, waayo, isagu ma uu awoodi doono inuu idin samatabbixiyo. 15 Oo weliba Xisqiyaah yuusan Rabbiga idin aaminsiin isagoo leh, Hubaal Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa, oo magaaladan laguma ridi doono gacanta boqorka Ashuur. 16 Haddaba Xisqiyaah ha maqlina, waayo, boqorkii Ashuur wuxuu leeyahay, Nabad ila dhigta, oo ii soo baxa, oo midkiin waluba wax ha ka cuno canabkiisa iyo geedkiisa berde, oo midkiin waluba ha cabbo biyaha ceelkiisa, 17 intaanan iman oo idiin kaxayn dal dalkiinna la mid ah, oo ah dal hadhuudh iyo khamri leh, oo ah dal kibis iyo beerocanab leh. 18 Iska jira oo yuusan Xisqiyaah idin sasabin isagoo leh, Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa. Waayo, quruumaha ilaahyadoodii midkoodna miyuu dalkiisii ka samatabbixiyey gacanta boqorka Ashuur? 19 Bal meeye ilaahyadii Xamaad iyo Arfaad? Oo meeye ilaahyadii Sefarwayiim? Iyagu miyey Samaariya ka samatabbixiyeen gacantayda? 20 Bal waa kuwee kuwa ku jira ilaahyada dalalka oo dhan oo dalkooda ka samatabbixiyey gacantayda? Haddaba Rabbigu sidee buu Yeruusaalem gacantayda uga samatabbixin karaa? 21 Laakiinse way iska aamuseen oo xataa eray keliya uguma ay jawaabin, waayo, boqorku wuxuu ku amray oo yidhi, Ha u jawaabina. 22 Markaasaa waxaa Xisqiyaah u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo taariikhqorihii ahaa, iyagoo dhar jeexjeexan, oo waxay isagii u sheegeen Rabshaaqeeh erayadiisii.

Samatabbixiddii Yeruusaalem Oo La Sii Sheegay

37 Oo markii Boqor Xisqiyaah taas maqlay intuu dharkiisii jeexjeexay oo joonyad guntaday ayuu gurigii Rabbiga galay. Markaasuu Elyaaqiim oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo duqowdii wadaaddada iyagoo joonyado qaba u diray Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos. Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Xisqiyaah wuxuu kugu leeyahay, Maanta waa maalin dhibaato, iyo canaan, iyo cay, waayo, carruurtii way dhalan lahayd, laakiinse xoog lagu dhalaa ma jiro. Waxaa laga yaabaa in Rabbiga Ilaahaaga ahu uu wada maqlo erayadii Rabshaaqeeh, kaasoo sayidkiisii ahaa boqorka Ashuur uu u soo diray inuu caayo Ilaaha nool, waana suurtowdaa inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu canaanto kan uu erayadiisii maqlay, haddaba sidaas daraaddeed u ducee kuwa hadhay. Sidaas daraaddeed Boqor Xisqiyaah addoommadiisii waxay u yimaadeen, Ishacyaah. Oo Ishacyaah wuxuu ku yidhi, Waxaad sayidkiinnii ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ha ka cabsan erayadii aad maqashay oo midiidinnadii boqorka Ashuur ay igu caayeen. Bal ogow, ruux baan gelin doonaa, oo belef buu maqli doonaa, markaasuu ku noqon doonaa dalkiisii, oo waxaan ka dhigi doonaa in seef lagu dilo, isagoo dalkiisii jooga. Markaasaa Rabshaaqeeh intuu noqday wuxuu helay boqorkii Ashuur oo la diriraya Libnaah, waayo, wuxuu maqlay inuu Laakiish ka tegey. Oo markuu maqlay iyadoo la leeyahay, Boqorka Itoobiya oo Tirhaaqaah ah ayaa kugu soo baxay si uu kuula diriro, ayuu haddana wargeeyayaal u diray Xisqiyaah isagoo leh, 10 Xisqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaan, Ilaahaaga aad isku hallaysaa yuusan ku khiyaanayn, isagoo kugu leh, Yeruusaalem gacanta loo gelin maayo boqorka Ashuur. 11 Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalkan oo dhan ku sameeyeen iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi'iyeen, haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa? 12 Quruumihii ay awowayaashay baabbi'iyeen ilaahyadoodii miyey samatabbixiyeen kuwaasoo ahaa Goosaan, iyo Xaaraan, iyo Resef, iyo reer Ceeden oo Telasaar degganaa? 13 Oo bal meeye boqorkii Xamaad, iyo boqorkii Arfaad, iyo boqorkii magaalada Sefarwayiim, iyo kii Xeenac iyo kii Ciwaah?

Baryadii Xisqiyaah

14 Markaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaaday gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga, oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa. 15 Oo Xisqiyaah wuxuu baryay Rabbiga, oo yidhi, 16 Rabbiyow, Rabbiga ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iil, kan keruubiimta ku dul fadhiyow, waxaad tahay Ilaah, oo adiga keligaa ayaa ah Ilaaha boqortooyooyinka dunida oo dhan, oo cirka iyo dhulkana adigaa sameeyey. 17 Rabbiyow, dhegta u dhig oo maqal, oo Rabbiyow, indhahaaga fur oo arag, bal maqal Seenxeeriib erayadii uu u soo diray inuu Ilaaha nool ku caayo oo dhan. 18 Rabbiyow, sida runta ah boqorrada Ashuur waxay baabbi'iyeen quruumihii oo dhan iyo dalalkoodiiba, 19 oo ilaahyadoodiina dab bay ku dhex tuureen, waayo, iyagu ilaahyo ma ay ahayn, laakiinse waxay ahaayeen wax gacanta lagu sameeyey, oo ahaa qoryo iyo dhagaxyo, oo sidaas daraaddeed iyagu way baabbi'iyeen. 20 Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, Ilaahayagow, gacantiisa naga badbaadi, in boqortooyooyinka dunida oo dhammu ay ogaadaan inaad adiga keliyuhu Rabbiga tahay.

Dhiciddii Seenxeeriib

21 Markaasaa Ishacyaah ina Aamoos u soo cid diray Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Seenxeeriib oo ah boqorka Ashuur waad iga bariday, 22 taas aawadeed Rabbigu wuxuu ku hadlay eraygan isaga ku saabsan,

Gabadha bikradda ah oo Siyoon ahu
Way ku fududaysatay, oo intay kugu qososhay ayay ku quudhsatay,
Yeruusaalem madaxay kaa ruxatay.
23 Bal adigu kumaad yaraysatay oo aad cayday?
Oo bal yaad codkaaga kor ugu qaadday
Oo aad indhahaaga ku taagtay?
Waa kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
24 Addoommadaada ayaad Sayidka ku cayday
Oo waxaad tidhi,
Gaadhifardoodkayga badan
Ayaan ku soo fuulay buuraha meesha ugu dheer,
Iyo meelaha ugu hooseeya ee Lubnaan gudaheeda,
Oo waxaan jari doonaa geedaheeda dhaadheer oo kedarka ah, iyo geedaheeda la doortay oo berooshka ah,
Oo waxaan geli doonaa meeshiisa ugu dheer oo fog iyo kaynta berrinkeeda oo midhaha badan.
25 Anigu waan qoday oo biyaan cabbay,
Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.
26 War sow ma aad maqal
Sidaan waa hore u sameeyey,
Oo aan wakhtiyadii hore u qabanqaabiyey?
Haddaba anigaa saas ka yeelay
Inaad magaalooyin deyr leh baabbi'isid oo aad ka dhigtid taallooyin burbur ah.
27 Oo sidaas daraaddeed dadkii degganaa way xoog yaraayeen,
Wayna naxeen oo wareereen,
Oo waxay ahaayeen sida cawska berrinka, iyo sida doogga, iyo sida cawska guryaha korkooda ka soo baxa, iyo sida hadhuudh intaanu korin.
28 Laakiinse waan aqaan fadhigaaga, iyo bixiddaada, iyo soo geliddaada, iyo cadhadaadii aad ii cadhootayba.
29 Cadhadaadii aad ii cadhootay
Iyo islaweynaantaadii waxay soo gaadheen dhegahayga,
Oo sidaas daraaddeed sanka waxaan kaa sudhi doonaa qabatadayda,
Bushimahaagana waxaan gelin doonaa xakamahayga,
Oo waxaan kugu celin doonaa jidkii aad ku timid.

30 Oo tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamad, sannaddan waxaad cuni doontaan waxa iska soo baxa, oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxay, oo sannadda saddexaadna idinku wax beerta, oo haddana goosta, oo beero canab ah tabcada, oo midhahooda cuna. 31 Markaasay kuwii hadhay oo reer Yahuudah ka baxsaday mar kalay xididdo hoos u bixin doonaan, midhona kor bay u dhali doonaan. 32 Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona, oo qiirada Rabbiga ciidammada ayaa taas samayn doonta. 33 Haddaba Rabbigu saasuu uga hadlay boqorka Ashuur oo yidhi, Isagu magaaladan iman maayo, fallaadhna ku soo gani maayo, horteedana gaashaan la iman maayo, taallo ciid ahna ag tuuli maayo. 34 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Jidkuu ku yimid ayuu ku noqon doonaa, oo magaaladan iman maayo. 35 Waayo, anigu magaaladan waxaan u daafici doonaa oo u badbaadin doonaa aniga daraadday iyo addoonkaygii Daa'uud daraaddiis.

36 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu baxday oo waxay xeradii reer Ashuur ka laysay boqol iyo shan iyo siddeetan kun oo nin, oo aroor hore markii la toosay waxay wada ahaayeen meyd. 37 Markaasaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur intuu tegey Nineweh ku noqday oo degay. 38 Oo markuu wax ku caabudayay gurigii ilaahiis Nisrog ayay wiilashiisii oo ahaa Adrammeleg iyo Shareser isagii seef ku dileen, markaasay u carareen dalkii Araarad. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Eesar Xaddoon.

Jirradii Xisqiyaah

38 Oo waagaas ayaa Xisqiyaah bukooday, oo geeri buu u dhowaaday. Markaasaa Nebi Ishacyaah ina Aamoos u yimid, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reerkaaga la dardaaran, waayo, waad dhimanaysaa oo sii noolaan maysid. Markaasaa Xisqiyaah wejigiisii derbiga ku sii jeediyey, oo Rabbiga baryay oo yidhi, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, bal haatan xusuuso sidaan hortaada ugu socday runta iyo qalbi qumman, iyo sidaan u sameeyey waxa hortaada ku wanaagsan. Xisqiyaahna aad buu u ooyay. Markaasaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Ishacyaah oo ku yidhi, Tag, oo waxaad Xisqiyaah ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Daa'uud wuxuu leeyahay, Baryootankaagii waan maqlay, ilmadaadiina waan arkay, haddaba cimrigaagiina waxaan kuugu dari doonaa shan iyo toban sannadood. Oo adiga iyo magaaladanba waan ka samatabbixin doonaa gacanta boqorka Ashuur, oo magaaladanna waan daafici doonaa. Oo haddaba calaamadda xagga Rabbiga kaaga imanaysa in Rabbigu samaynayo wixii uu Rabbigu ballanqaaday waxay ahaan doontaa tan: bal eeg, waxaan dib u soo celin doonaa hooska derejooyinka, intuu hore uga socday toban derejo oo ah derejooyinkii Aaxaas. Sidaasay qorraxdu dib ugu soo noqotay toban derejo oo ay hore u dhaaftay.

Kanu waa qorniinkii Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo uu qoray markuu bukay, oo uu haddana cudurkiisii ka bogsaday.

10 Anigu waxaan is-idhi, Cimrigayga oo badh ah ayaan irdihii She'ool sii mari doonaa,
Oo intii cimrigayga ka hadhayna waa layga qaaday.
11 Waxaan is-idhi, Ma aan arki doono Rabbiga, kaasoo ah Rabbiga dalka kuwa nool jooga,
Mar dambena ma arki doono qof ka mid ah dadka dunida deggan.
12 Rugtaydii waa layga fogeeyey, oo sidii adhijir teendhadiis ayaa la iiga qaaday.
Sida dharsameeye ayaan noloshaydii u duudduubay, oo wuxuu iga gooynayaa alaabtiisa uu dharka ku sameeyo,
Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.
13 Oo tan iyo aroortii ayaan fikirayay, isagu lafahayga oo dhan ayuu u jejebiyaa sida libaax oo kale,
Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.
14 Sidii dabafallaadh iyo saratoosiye oo kale ayaan u dhawaaqay.
Oo waxaan u baroortay sidii qoolley oo kale, oo indhahaygu daal bay la gudheen sidaan kor u fiirinayay, Rabbiyow, waa lay dulmay, ee i caawi.
15 Haddaba bal maxaan idhaahdaa? Isagu wuu ila hadlay, oo weliba isaga qudhiisaa waxan sameeyey.
Haddaba cimrigayga oo dhan tartiib baan u socon doonaa qadhaadhka naftayda aawadiis.
16 Sayidow, dadku waxyaalahanuu ku nool yahay,
Oo ruuxa noloshayduna wuxuu ku jiraa waxyaalahan oo dhan.
Haddaba i bogsii, oo i noolaysii.
17 Bal eeg, nabadgelyadayda aawadeed ayaan qadhaadh weyn u qabay,
Laakiinse naftayda waad jeclaatay, oo sidaas daraaddeed yamayskii qudhunka waad ka samatabbixisay,
Waayo, dembiyadaydii oo dhan waxaad ku tuurtay gadaashaada.
18 Waayo, She'ool kuguma mahadnaqi karo, oo dhimashaduna kuma ammaani karto,
Oo kuwa yamayska hoos ugu dhacana runtaada rajo kama qabi karaan.
19 Kan nool, kan nool oo keliya ayaa kugu mahadnaqi doona sidaan aniguba maanta yeelayo.
Aabbuhu wuxuu runtaada ogeysiin doonaa carruurtiisa.
20 Rabbigu waa u diyaar inuu i badbaadiyo,
Haddaba sidaas daraaddeed annagu cimriga noloshayada oo dhan
Waxaannu guriga Rabbiga ku dhex gabyi doonnaa gabayadayda annagoo alaab xadhko leh ku cayaarayna.

21 Nebi Ishacyaah wuxuu yidhi, Ha la qaado fud berde ah, oo kasoobaxa ha la saaro, oo isna wuu bogsan doonaa. 22 Oo weliba Xisqiyaahna wuxuu yidhi, Maxaa calaamad ii ah inaan guriga Rabbiga u kici doono?

Ergooyin Ka Yimid Baabuloon

39 Waagaas Merodag Baladaan oo ahaa ina Baladaan, oo boqorkii Baabuloon ahaa ayaa warqado iyo hadiyad Xisqiyaah u soo diray, waayo, wuxuu maqlay inuu bukay oo haddana bogsaday. Oo Xisqiyaahna aad buu iyagii ugu farxay, oo wuxuu tusay gurigii ay yiilleen waxyaalihiisii qaaliga ahaa, kuwaasoo ahaa lacagtii, iyo dahabkii, iyo uunsigii, iyo saliiddii qaaliga ahayd, iyo gurigiisii hubka oo dhan, iyo kulli waxyaalihii khasnadihiisa ku jiray oo dhan. Oo Xisqiyaah wax uusan iyaga tusin laguma arag gurigiisa iyo dowladdiisa oo dhan. Markaasaa Nebi Ishacyaah u yimid Boqor Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, War nimankanu maxay yidhaahdeen? Xaggee bayse kaaga yimaadeen? Kolkaasaa Xisqiyaah yidhi, Waxay iiga yimaadeen dal fog, kaasoo ah Baabuloon. Markaasuu ku yidhi, Maxay gurigaaga ku arkeen? Oo Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Way wada arkeen waxa gurigayga yaal oo dhan, oo khasnadahayga kuma jiraan wax aanan tusin. Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga ciidammada. Bal eeg, waxaa iman doona maalmaha waxa gurigaaga yaal oo dhan iyo wixii ay awowayaashaa ilaa maantadan kaydiyeen Baabuloon loo qaadan doono. Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxba ma hadhi doonaan. Wiilashaada kaa soo bixi doona, oo aad dhali doontana waa la kaxaysan doonaa, oo iyana waxay ahaan doonaan bohommo jooga daarta boqorka Baabuloon. Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Erayga Rabbiga oo aad ku hadashay waa wanaagsan yahay. Oo weliba wuxuu kaloo yidhi, Waayo, waxaa jiri doona nabad iyo run intaan noolahay.

Dadkii Ilaah Oo La Qalbi Qaboojiyey

40 Ilaahiinnu wuxuu leeyahay, Dadkayga qalbi qaboojiya oo sii qalbi qaboojiya! Yeruusaalem qalbigeeda la hadla, oo iyada u qayliya oo u sheega in dagaalkeedu dhammaaday, iyo in xumaanteeda laga saamaxay, iyo inay dembiyadeedii oo dhan aawadood laba jibbaar gacantii Rabbiga uga heshay.

Waxaa yeedhaya mid qaylinaya codkiis oo leh, Jidkii Rabbiga cidlada dhexdiisa ka hagaajiya, oo lamadegaanka dhexdiisa jid weyn Ilaahayaga aawadiis uga toosiya. Dooxo walba kor baa loo qaadi doonaa, oo qar iyo buur walbana waa la gaabin doonaa, waxa qalloocanna waa la toosin doonaa, oo meelaha xunxunna waxaa laga dhigi doonaa bannaan siman, oo waxaa la muujin doonaa ammaanta Rabbiga, uunka oo dhammuna way wada arki doonaan, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay. Waxaa yeedhaya codka kan leh, Qayli. Oo isna wuxuu yidhi, Maxaan ku qayliyaa? Wax kasta oo jiidh lahu waa caws, oo wanaagsanaantiisa oo dhammuna waa sida ubaxa duurka oo kale. Cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa, maxaa yeelay, neefta Rabbigu way afuuftaa, sida xaqiiqada ah dadku waa caws oo kale. Cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa, laakiinse erayga Ilaaheennu weligiisba wuu waari doonaa.

Kaaga warka wanaagsan Siyoon u keenayow, buurta dheer kor u sii fuul, kaaga warka wanaagsan Yeruusaalem keenayow, codkaaga kor xoog ugu qaad, kor u sii qaad, oo innaba ha cabsan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaa, War bal Ilaahiinna eega! 10 Bal eega, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu la iman doonaa xoog weyn, oo gacantiisaa wax isaga ugu talin doonta! Bal eega, abaalgudkiisii wuu wadaa oo abaalmarintiisuna way ka soo horraysaa. 11 Isagu adhigiisuu u daajin doonaa sida adhijir oo kale, naylahana gacantiisuu ku ururin doonaa, oo wuxuu ku qaadi doonaa laabtiisa, oo kuwa la nuugana qunyar buu u hor kici doonaa.

12 Bal yaa biyaha sacabkiisa godan ku qiyaasay, oo samada taako ku qiyaasay, oo ciidda dhulka miisaan ku qiyaasay, oo buuraha miisaammo saaray, oo kurahana kafado ku miisaamay? 13 Bal yaa Ruuxa Rabbiga la taliyey? Bal yaase intuu lataliyihiisii noqday isaga wax baray? 14 Bal yuu isagu la tashaday? Oo bal yaa tacliimiyey, oo dhabbaha caddaaladda baray? Oo yaa aqoon baray, oo jidka waxgarashada tusay? 15 Bal eega, quruumuhu waxay isaga la yihiin sida dhibic biyeed oo baaldi ku jirta oo kale, oo wuxuu ku xisaabaa sida boodh kafado dul saaran oo kale, oo bal eega, gasiiradahana wuxuu kor ugu qaadaa sida habaas fudud oo kale. 16 Oo Lubnaan in la gubo kuma filla, oo xayawaankeedana qurbaan la gubo uguma filla. 17 Quruumaha oo dhammu waxay hortiisa ku yihiin sida wax aan jirin oo kale, oo waxay isaga la xisaabsan yihiin wax ka sii yar baabba' iyo waxaan waxba ahayn. 18 Haddaba bal yaad Ilaah u ekaysiinaysaan? Amase masaalkee baad isaga kala mid dhigaysaan? 19 Ninkii saanac ahu sanam xardhan buu shubaa, oo dahabtumuhuna dahab buu ku dahaadhaa, oo wuxuu u tumaa silsilado lacag ah. 20 Kii miskiin ah oo aan qurbaan awoodi karinuse wuxuu doortaa geed aan bololi karin, oo wuxuu doondoontaa nin saanac ah oo hagaajiya sanam xardhan oo aan dhaqaaqi karin. 21 Miyeydaan ogayn? Miyeydaan maqlin? Miyaan bilowgii laydiin sheegin? Oo miyeydaan garan tan iyo aasaaskii dhulka? 22 Waa isaga kan wareegga dhulka dul fadhiya, oo dadka kor degganuna waa sida kabajaan oo kale, oo waa isaga kan samooyinka sida daah u kala fidiya, oo wuxuu u kala bixiyaa sida teendho lagu hoydo oo kale. 23 Isagu amiirrada wuxuu ka dhigaa sida wax aan jirin oo kale, oo xaakinnada dhulkana wuxuu ka dhigaa sida wax aan waxba ahayn oo kale. 24 Hubaal iyaga lama beerin, lamana abuurin, jirriddooduna dhulka xidid kuma yeelan, weliba wuu afuufaa, oo iyana way engegaan, oo dabaysha cirwareenta ah ayaa iyaga sida xaab oo kale u qaada. 25 Haddaba kan Quduuska ahu wuxuu leeyahay, Bal yaad ii ekaysiinaysaan si aan ula mid noqdo? 26 Bal indhihiinna kor u qaada oo eega. Yaa waxyaalahaas uumay? Waa kan ciidankooda tirada ku soo bixiya, oo kulligoodba magacyo ugu yeedha. Itaalkiisu wuu weyn yahay oo isagu wuu xoog badan yahay, oo sidaas daraaddeed midkoodna ma dhinna.

27 Reer Yacquubow, bal maxaad u leedahay, Reer binu Israa'iilow, bal maxaad ugu hadlaysaa, Jidkaygu Rabbiga wuu ka qarsoon yahay, oo Ilaahayna gartayda dan kama galo? 28 War miyaadan ogayn? Oo miyaadan maqlin in Ilaaha daa'imka ah oo ah Rabbiga ah Uumaha dhulka darafyadiisa uusan itaal darnaan ama uusan daalin? Waxgarashadiisana lama baadhi karo. 29 Isagu kuwa itaalka daran xoog buu siiyaa, oo kuwa aan tabarta lahaynna tabar buu u kordhiyaa. 30 Xataa dhallinyaradu way itaal darnaan doonaan, oo daali doonaan, oo barbaarraduna aad bay u dhici doonaan. 31 Laakiinse kuwa Rabbiga isku halleeyaa xoog cusub bay heli doonaan. Way ordi doonaan, mana ay daali doonaan, oo way socon doonaan, mana ay itaal darnaan doonaan.

Caawiyaha Reer Binu Israa'iil

41 Gasiiradahow, hortayda ku aamusa, oo dadkuna xooggooda ha cusboonaysiisteen, ha soo dhowaadeen, oo ha hadleen. Aynu dhammaanteen garsoorid u soo wada dhowaanno. Waa kuma kan mid xagga bari ka soo kiciyey, oo isaga xaqnimo ugu yeedhay inuu raaco? Quruumaha hortiisuu ku siiyaa, oo isaga ka dhigaa inuu boqorro u taliyo. Iyaga wuxuu seeftiisa kaga dhigaa sida boodh oo kale, oo qaansadiisana wuxuu kaga dhigaa sida xaab bidaya oo kale. Isagu wuu eryadaa iyaga, oo ammaan buu ku dhaafaa jid uusan mar hore marin. Yaa waxan sameeyey oo sidan yeelay isagoo facaca bilowgii uga yeedhaya? Anigoo Rabbiga ah, oo ah Kan ugu horreeya iyo Kan kuwa dambe la jira, isagaan ahay. Gasiiradahu way arkeen, wayna cabsadeen, oo dhulka darafyadiisuna way gariireen, wayna soo dhowaadeen oo yimaadeen. Midkood waluba wuxuu caawiyey deriskiisii, oo midkood waluba wuxuu walaalkiis ku yidhi, Dhiirranow. Markaasuu nijaarkii dahabtumihii dhiirrigeliyey, oo kii dubbaha wax ku simi jirayna birtumihii buu dhiirrigeliyey, isagoo leh, Laxaamaddu way wanaagsan tahay. Markaasuu masaamiir ku sii adkeeyey si ayan u dhaqdhaqaaqin.

Laakiinse reer binu Israa'iilow, waxaad tihiin addoommadayda, reer Yacquubkii aan doortayow, farcankii saaxiibkay Ibraahimow, waxaan idinka soo kaxaystay dhulka darafyadiisa, oo geesihiisa waan idiinka yeedhay, oo waxaan idinku idhi, Waxaad tihiin addoommadayda, waanan idin doortay, idinmana xoorin. 10 Ha cabsanina, waayo, waan idinla jiraa, ha nixina, maxaa yeelay, Ilaahiinna baan ahay, waan idin xoogayn doonaa, waanan idin caawin doonaa, oo waxaan idinku tiirin doonaa midigtayda xaqa ah. 11 Bal eega, kuwa idinku cadhaysan oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, wayna sharafjabi doonaan, oo kuwa idinla dirirayaana waxay noqon doonaan sida wax aan jirin, wayna wada halligmi doonaan. 12 Waad doondooni doontaan, mana aad heli doontaan, xataa kuwa idinla diriraya, kuwa idinla dagaallamayaana waxay noqon doonaan sida wax aan jirin oo kale, iyo sida wax baabbah ah. 13 Waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa gacanta midig idinku qaban doona anoo idinku leh, Ha cabsanina, anigaa idin caawin doone. 14 Dixiriga reer Yacquub ahow, ha cabsan, dadkiinnan reer binu Israa'iilow, waan idin caawin doonaa, ayuu leeyahay Rabbiga Bixiyihiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil. 15 Bal eega, waxaan idinka dhigi doonaa alaab cusub oo af badan oo ilka leh oo wax lagu tumo, oo waxaad tumi doontaan buuraha, waanad daqiijin doontaan, oo kurahana waxaad ka dhigi doontaa sida buunshe oo kale. 16 Waad haadin doontaan, oo dabayshaa kaxaysan doonta, cirwareentuna way kala firdhin doontaa, oo waxaad ku rayrayn doontaan Rabbiga, waanad ku faani doontaan kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil. 17 Masaakiinta iyo saboolka baahanuba biyay doondoonaan, mana jiraan, carrabkoodiina oon buu la engegay, anigoo Rabbiga ah ayaa u jawaabi doona, anigoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ma dayrin doono. 18 Meelaha sarsare ayaan webiyo ka furi doonaa, ilona dhooxooyinka dhexdood ayaan ka soo dayn doonaa. Oo cidladana waxaan ka dhigi doonaa balli biya ah, dhulka engeganna durdurro biya ah. 19 Waxaan cidlada ku soo beeri doonaa geedaha la yidhaahdo kedar, iyo qudhac, iyo hadaas, iyo geedsaliid, oo lamadegaankana waxaan ka soo bixin doonaa geedaha ah beroosh, iyo tidhaar, iyo te'ashuur, 20 in la arko, oo la ogaado, oo laga fiirsado, oo dhammaan la wada garto in gacanta Rabbigu ay waxaas samaysay, iyo in kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil uu waxaas uumay.

21 Rabbigu wuxuu leeyahay, Dacwadiinna keena. Boqorka reer Yacquub wuxuu leeyahay, Sababihiinna adag soo saara. 22 Iyagu ha soo saareen, oo waxa dhici doona ha noo sheegeen. Waxyaalihii jiri jiray iyo waxay yihiin noo sheega, si aannu uga fiirsanno, oo aannu u ogaanno waxay ugudambaystoodu noqon doonto, amase waxyaalaha iman doona na tusa. 23 Waxyaalaha hadda dabadeed iman doona noo sheega si aannu u ogaanno inaad idinku ilaahyo tihiin. Bal wanaag ama shar sameeya, si aannu u naxno, oo aannu dhammaantayo u wada fiirinno. 24 Bal eega, idinku waxaad tihiin sida waxaan jirin oo kale, oo shuqulkiinnuna waa baabba', oo kii idin doortaana waa karaahiyo.

25 Mid baan xagga woqooyi ka soo kiciyey, wuuna yimid, kaasoo tan iyo marka qorraxdu soo baxdo magacayga ku baryootama, oo wuxuu amiirro ugu dul tuman doonaa sida dhoobada malaasta ah loogu tunto oo kale, iyo sida dheryasameeyuhu dhoobada ugu tunto oo kale. 26 Kumaase waa hore sii sheegay, si aannu u nidhaahno, Waa runtiis? Hubaal mid wax sheega ma jiro, oo mid wax tusa ma jiro, oo mid erayadiinna maqla ma jiro. 27 Anaa ah Kan ugu horreeya oo Siyoon ku yidhi, Bal eega, bal eega iyaga, oo waxaan Yeruusaalem siin doonaa mid war wanaagsan u keena. 28 Oo markaan eego, ninna ma jiro, oo markaan wax weyddiiyana taliye eray iigu jawaabi kara dhexdooda laguma arag. 29 Bal eega, kulligood shuqulladoodu waa wax aan waxba ahayn, waana baabba' oo sanamyadooda la shubayna waa dabayl iyo wax aan micne lahayn.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya