Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Beginning

Read the Bible from start to finish, from Genesis to Revelation.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Samuu'eel Labaad 22-24

Gabaygii Daa'uud Ku Ammaanay Rabbiga

22 Daa'uud wuxuu Rabbiga kula hadlay erayadii gabaygan maalintii Rabbigu ka samatabbixiyey gacantii cadaawayaashiisa oo dhan, iyo gacantii Saa'uulba: oo wuxuu yidhi,

Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah, iyo qalcaddayda iyo samatabbixiyahayga, xataa waa kayga;
Iyo Ilaaha ah gabbaadkayga, isagaan isku hallayn doonaa;
Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer, iyo magangalkayga,
Iyo badbaadshahayga, waxaad iga badbaadisaa dulmiga.
Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano,
Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.
Waayo, waxaa i hareereeyey hirarkii dhimashada,
Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadola'aanta.
Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool;
Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada.
Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay,
Haah, waxaan u qayshaday Ilaahay;
Oo isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay,
Oo qayladayduna dhegihiisay gashay.
Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray,
Oo samada aasaaskeediina wuu dhaqdhaqaaqay,
Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.
Oo dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq,
Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya;
Oo dhuxulaa ka shidmay isaga.
10 Oo samooyinkiina wuu soo foororshay, oo hoos buu u soo degay,
Oo cagihiisana waxaa hoos yiil gudcur weyn.
11 Wuxuuna fuulay Keruub, wuuna duulay;
Haah, oo waxaa lagu arkay isagoo fuushan dabaysha baalasheeda.
12 Oo gudcurkii wuxuu ka dhigay taambuug hareerihiisa ku wareegsan,
Iyo biyo urursan, iyo daruuraha qarada waaweyn oo cirka.
13 Oo nuurka hortiisa yaal aawadiisna
Dhuxulo dab ah ayaa shidmay.
14 Rabbiguna wuxuu ka onkoday samada,
Sarreeyuhuna wuxuu ku hadlay codkiisii.
15 Markaasuu fallaadho soo ganay, oo kala firdhiyey iyagii,
Oo wuxuu soo diray hillaac, wuuna baabbi'iyey iyagii.
16 Oo canaantii Rabbiga aawadeed, iyo dulalka sankiisa neefta ka soo baxaysa aawadeed
Ayaa durdurradii baddu la muuqdeen,
Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.
17 Xagga sare ayuu cid ka soo diray, oo wuu i qaaday;
Oo wuxuu iga soo dhex bixiyey biyo badan.
18 Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa,
Iyo kuwii i necbaaba; waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.
19 Waxay igu soo kediyeen maalintii aan belaayaysnaa;
Laakiinse Rabbigu wuxuu ii ahaa tiir.
20 Weliba wuxuu i keenay meel ballaadhan;
Wuu i samatabbixiyey, maxaa yeelay, wuu igu farxay.
21 Rabbigu wuxuu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd;
Oo sida ay nadiifsanaantii gacmahaygu ahayd ayuu iigu abaalguday.
22 Waayo, anigu waan xajiyey jidadkii Rabbiga,
Oo Ilaahayna sii caasinimo ah ugama tegin.
23 Waayo, xukummadiisii oo dhammu hortayday yiilleen,
Oo qaynuunnadiisana anigu kama aan tegin.
24 Oo weliba xaggiisana waan ku qummanaa,
Oo waan iska dhawray xumaantaydii.
25 Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd;
Iyo sidii nadiifsanaantaydii ay ku ahayd indhihiisa hortooda.
26 Kii naxariis leh waad u naxariisanaysaa,
Oo ninkii qummanna waad u qummanaanaysaa.
27 Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa.
Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.
28 Oo dadka dhibaataysanna waad badbaadinaysaa;
Laakiinse indhahaagu way arkaan kuwa kibirsan inaad hoos u dejiso.
29 Waayo, Rabbiyow, waxaad tahay laambaddayda;
Oo Rabbiga ayaa gudcurkayga iftiiminaya.
30 Oo adaan col kuugu dhex ordaa,
Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.
31 Ilaah jidkiisu waa qumman yahay;
Rabbiga eraygiisuna waa mid la tijaabiyey;
Oo isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isku halleeya oo dhan.
32 Bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane?
Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?
33 Ilaah waa qalcaddayda xoogga badan;
Oo isagu wuxuu hoggaamiyaa kuwa jidkiisa ku qumman.
34 Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada,
Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sarsare.
35 Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka;
Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.
36 Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadadaada;
Oo roonaantaada ayaa i weynaysay;
37 Adigu tallaabooyinkayga ayaad ku ballaadhisay hoostayda,
Oo cagahayguna ma ay simbiriirixan.
38 Anigu waxaan eryaday cadaawayaashaydii, oo waan baabbi'iyey;
Dibna ugama soo noqon jeeray wada baabbe'een.
39 Oo iyagaan baabbi'iyey, waanan wada laayay, si aanay mar dambe u awoodin inay soo sara kacaan,
Oo cagahaygay ku soo hoos dhaceen.
40 Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis;
Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.
41 Oo cadaawayaashaydiina waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan,
Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.
42 Wax bay fiirsadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya;
Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin.
43 Markaasaan iyagii u duqeeyey sida boodhka dhulka,
Waan ku tuntay sidii dhoobada jidadka taal oo kale, markaasaan kala firdhiyey.
44 Oo waxaad kaloo iga samatabbixisay murankii dadkayga;
Oo waxaad iga sii dhigtay quruumaha madaxdoodii;
Oo dad aanan aqoon ayaa ii adeegi doona.
45 Oo shisheeyayaashu way isu kay dhiibi doonaan,
Oo mar alla markay warkayga maqlaan way i addeeci doonaan.
46 Shisheeyayaashu way libdhi doonaan,
Oo iyagoo gariiraya ayay qolalkooda ka soo bixi doonaan.
47 Rabbigu waa nool yahay; oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn;
Oo ha sarreeyo Ilaaha ah dhagaxa weyn ee badbaadintayda;
48 Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda,
Oo dadkana hoostayda ku soo tuura,
49 Oo wuxuu iga soo bixiyaa cadaawayaashayda;
Haah, waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca;
Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.
50 Sidaas daraaddeed, Rabbiyow, anigu waxaan kuugu mahadnaqi doonaa quruumaha dhexdooda,
Oo magacaaga ammaan baan ugu gabyi doonaa.
51 Rabbigu si weyn buu boqorkiisa u samatabbixiyaa,
Oo wuxuu weligiis raxmad u sameeyaa kii uu subkaday,
Kaasoo ah Daa'uud iyo farcankiisaba weligiis iyo weligiis.

Erayadii Ugu Dambeeyey Ee Daa'uud

23 Haddaba erayadanu waa kuwii ugu dambeeyey oo Daa'uud.

Daa'uud ina Yesay wuxuu leeyahay,
Ninkii kor loo qaadayna wuxuu leeyahay,
Kaasoo ah kii Ilaaha Yacquub subkay,
Ee ugu sabuur macaan reer binu Israa'iil oo dhan:
Rabbiga ruuxiisii baa iga dhex hadlay,
Oo eraygiisiina carrabkayguu saarnaa.
Ilaaha reer binu Israa'iil baa yidhi,
Oo Dhagaxii weynaa ee reer binu Israa'iil ayaa ila hadlay, isagoo leh,
Waxaa jiri doona mid dadka si xaq ah ugu taliya,
Oo Ilaah cabsidiisa wax ku xukuma,
Kaasu wuxuu ahaan doonaa sida iftiinka subaxdii, marka qorraxdu soo baxdo,
Iyo sida aroor aan cadar ahayn;
Markuu doog jilicsanu dhulka ka soo baxo,
Oo uu bayaan u dhalaalayo roobka dabadiis.
Sida runta ah reerkaygu xagga Ilaah saas kuma aha;
Laakiinse axdi aan weligiis dhammaanayn ayuu ila dhigtay,
Oo wax kastaba wuu hagaajiyey, wuuna adkeeyey;
Oo in kastoo uusan soo bixin weliba waa badbaadadayda oo dhan iyo doonistayda oo dhanba.
Laakiinse kuwa waxmatarayaasha ah dhammaantood waxay noqonayaan sidii qodxanta layska tuuro,
Waayo, iyaga gacanta laguma qaadi karo;
Laakiinse ninkii iyaga taabta
Waa in hub looga dhigaa bir iyo waran samaydiisa;
Oo iyana dhammaantood meeshoodaa lagu gubi doonaa.

Nimankii Xoogga Badnaa Ee Daa'uud

Kuwanu waa magacyadii nimankii xoogga badnaa oo Daa'uud haystay: Yoshebbashebed oo ahaa reer Taxkemon, oo saraakiisha madax u ahaa, kaasoo ahaa Cadiinoo kii reer Cesen, oo warankiisa u qaaday siddeedda boqol oo isku mar qudha dilay. Oo kaas dabadiisna waxaa jiray Elecaasaar ina Dooday, oo ahaa reer Axoo'ax, oo kaasu wuxuu ahaa saddexdii nin oo Daa'uud la jirtay midkood, markay caayeen reer Falastiin oo halkaas isugu urursaday inay la diriraan, oo ay dadkii reer binu Israa'iilna mar hore sii tageen. 10 Wuu kacay, oo laayay reer Falastiin ilaa ay gacantii daashay, oo gacantii seeftii ku dhegtay; oo Rabbiguna maalintaas aad buu u guuleeyey, markaasaa dadkiina u soo noqdeen inay wax dhacaan oo keliya. 11 Oo isaga dabadiisna waxaa jiray Shammaah oo ahaa ina Agee oo qoladiisuna ahayd reer Haraarii. Oo reer Falastiinna waxay isu soo wada urursadeen inay soo dhacaan meel misir ka buuxo, oo dadkiina waxay ka carareen reer Falastiin. 12 Laakiinse isagu beertuu isdhex taagay oo daafacay, wuuna laayay reer Falastiin; oo Rabbiguna aad buu u guuleeyey. 13 Oo soddonkii madaxda ahaa saddex ka mid ah ayaa tegey, oo Daa'uud ugu yimid godkii Cadullaam xilligii beergooyska; oo colkii reer Falastiinna waxay soo degeen dooxadii Refaa'iim. 14 Oo markaas Daa'uud wuxuu ku jiray dhufayska, oo ciidankii reer Falastiin xeradooduna waxay ahayd Beytlaxam. 15 Oo Daa'uud intuu biyo u xiisooday ayuu yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in biyo layga siiyo ceelka Beytlaxam ee iridda ku ag yaal! 16 Markaasaa saddexdii nin ee xoogga badnaa ayaa dhex maray ciidankii reer Falastiin, oo waxay biyo ka soo dhaamiyeen ceelkii Beytlaxam ee iridda ku ag yiil, oo intay soo qaadeen ayay Daa'uud u keeneen, laakiinse wuu diiday inuu ka cabbo biyahaas, Rabbiguuse u daadshay. 17 Oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, Ha iga fogaato inaan saas yeelo; ma waxaan cabbaa dhiiggii raggii naftooda biimeeyey? Sidaas daraaddeed wuu diiday inuu cabbo. Oo saddexdii nin oo xoogga badnaana saasay yeeleen. 18 Oo saddexdoodana waxaa madax u ahaa Abiishay oo ahaa Yoo'aab walaalkiis, oo ay Seruuyaah dhashay. Oo kaasu wuxuu waran u qaatay saddex boqol oo nin, wuuna wada laayay, saddexdiina magac buu ku lahaa. 19 Isagu miyaanu saddexdooda ugu ciso badnayn? Sidaas daraaddeed waxaa looga dhigay sirkaal, habase yeeshee saddexdii hore ma uu gaadhin. 20 Oo Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo uu dhalay nin xoog weyn oo reer Qabse'eel ahu, kaasoo sameeyey falimo waaweyn, wuxuu dilay labadii wiil oo Arii'eel kii reer Moo'aab, oo haddana wuu tegey oo libaax buu god ku dhex dilay wakhtiga barafka, 21 oo wuxuu kaloo dilay nin Masri ah oo dheer, oo Masriguna wuxuu gacanta ku haystay waran, laakiinse isagu wuxuu ula tegey ul, oo warankii ka dhufsaday gacantii Masriga, oo isagii ku dilay warankiisii. 22 Oo waxyaalahan waxaa sameeyey Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo isna saddexdii nin ee xoogga badnaa magac buu ku lahaa. 23 Oo weliba isagu wuu ka ciso badnaa soddonka, laakiinse ma uu gaadhin saddexdii hore. Oo Daa'uudna wuxuu isaga madax uga dhigay lataliyayaashiisii.

24 Oo soddonka waxaa ka mid ahaa Casaaheel oo Yoo'aab walaalkiis ahaa, iyo Elxaanaan oo ahaa ina Doodoo oo reer Beytlaxam ahaa, 25 iyo Shammaah oo ahaa reer Xarod, iyo Eliiqaa oo ahaa reer Xarod, 26 iyo Xeles oo ahaa reer Faltii, iyo Ciiraa ina Ciqeesh oo ahaa reer Teqooca, 27 iyo Abiiceser oo ahaa reer Canaatood, iyo Mebunnay oo ahaa reer Xushaad; 28 iyo Salmoon oo ahaa reer Axoo'ax, iyo Maharay oo ahaa reer Netofaah, 29 iyo Xeeleb ina Bacanaah oo ahaa reer Netofaah, iyo Itay ina Riibay oo ahaa reer Gibecaah oo qoladiisu ahayd reer Benyaamiin; 30 iyo Benaayaah oo ahaa reer Fircaatoon, iyo Xidday oo ka yimid durdurradii Gacash; 31 iyo Abiicalboon oo ahaa reer Caraabaah, iyo Casmaawed oo ahaa reer Barxum; 32 iyo Elyaxbaa oo ahaa reer Shacalbiim, iyo wiilashii Yaasheen, Yoonaataan, 33 iyo Shammaah oo ahaa reer Haraarii, iyo Axiyaam ina Shaaraar oo ahaa reer Araarii; 34 iyo Eliifeled ina Axasbay, oo ahaa wiilkii kii reer Macakaah, iyo Eliicaam ina Axiitofel oo ahaa reer Giloh; 35 iyo Xesroo oo ahaa reer Karmel, iyo Facaray oo ahaa reer Araab; 36 iyo Yigaal ina Naataan oo ahaa reer Soobaah, iyo Baanii oo ahaa reer Gaad; 37 iyo Seleq oo ahaa reer Cammoon, iyo Naxaray oo ahaa reer Bi'irod, iyo kuwii gaashaanka u qaadi jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay; 38 iyo Ciiraa oo ahaa reer Yeter, iyo Gaareeb oo ahaa reer Yeter, 39 iyo Uuriyaah oo ahaa reer Xeed; oo kulligoodna waxay ahaayeen toddoba iyo soddon.

Daa'uud Oo Tirinaya Nimankii Dagaalyahanka Ahaa

24 Oo haddana Rabbiga cadhadiisii aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo Daa'uud buu iyagii ku soo kiciyey, oo wuxuu yidhi, Tag oo soo tiri reer Israa'iil iyo reer Yahuudah. Markaasaa boqorkii ku yidhi Yoo'aab oo ahaa sirkaalkii ciidanka oo isaga la joogay, Horay iyo dib u dhex mar qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac, oo dadka soo tiriya si aan u ogaado dadka tiradiisa. Markaasaa Yoo'aab boqorkii ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ahu ha badiyo dadka, oo in kastoo ay yihiinba, ha ku daro boqol jibbaar, oo indhahaagu, boqorow, sayidkaygiiyow, taas ha arkeen; laakiinse maxaad taas ugu farxaysaa, boqorow, sayidkaygiiyow? Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalladii Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankaba. Markaasaa Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankuba boqorka hortiisii ka tageen inay dadkii soo tiriyaan. Oo waxay ka gudbeen Webi Urdun, oo degeen Carooceer, oo ku taal xagga midigta oo magaalada ku dhex taal dooxadii Gaad, iyo tan iyo Yacser, oo haddana waxay yimaadeen Gilecaad, iyo ilaa dalkii Taxtiim Xodshii; oo waxay yimaadeen Daan Yacan, iyo Siidoon hareeraheeda, oo waxay yimaadeen dhufayskii Turos, iyo magaalooyinkii reer Xiwi iyo reer Kancaan oo dhan; oo waxay tageen xagga koonfureed oo dalka Yahuudah ilaa Bi'ir Shebac. Haddaba markay dalkii oo dhan horay iyo dib u dhex mareen ayay Yeruusaalem ku soo noqdeen sagaal bilood iyo labaatan maalmood dabadood. Markaasaa Yoo'aab boqorkii siiyey tiradii dadka; oo waxaa dalka Israa'iil ku jiray siddeed boqol oo kun oo nin oo seefqaad ah oo xoog leh; oo waxaa dalka Yahuudahna ku jiray shan boqol oo kun oo nin.

10 Oo Daa'uudna qalbigiisii ayaa naxay markuu dadka tiriyey dabadeed. Markaasaa Daa'uud Rabbiga ku yidhi, Waxaan sameeyey aad baan ugu dembaabay; haddaba Rabbiyow, waan ku baryayaaye, iga fogee dembigayga anoo addoonkaaga ah, waayo, nacasnimo weyn baan sameeyey. 11 Oo markii Daa'uud subixii toosay ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Gaad, oo ahaa Daa'uud wax arkihiisa, oo wuxuu yidhi, 12 Tag oo Daa'uud la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Saddexdan waxyaalood baan ku siinayaa, ee ka dooro mid aan kugu sameeyo. 13 Sidaas daraaddeed Gaad baa Daa'uud u yimid, oo intuu u warramay ayuu ku yidhi, Toddoba sannadood dalkaaga abaari ma kuugu soo degtaa? Mase saddex bilood baad cadaawayaashaada ka cararaysaa iyagoo ku eryanaya? Mase saddex maalmood baa belaayo dalkaaga lagu soo dejiyaa? Haddaba tasho, oo ka fiirso jawaabta aan u celiyo kii i soo diray. 14 Markaasaa Daa'uud wuxuu Gaad ku yidhi, Cidhiidhi weyn baan ku jiraa; haddaba Rabbiga gacantiisa aan ku dhacno; waayo, naxariistiisu waa badan tahay; laakiinse yaanan dad gacantiis ku dhicin. 15 Saas aawadeed Rabbigu belaayo ayuu ku soo dejiyey reer binu Israa'iil, taasoo timid subaxdii iyo ilaa wakhtigii loo qabtay; oo ilaa Daan iyo tan iyo Bi'ir Shebac waxaa dadkii ka dhintay toddobaatan kun oo nin. 16 Markii malaggii gacanta u fidiyey inuu baabbi'iyo Yeruusaalem ayaa Rabbigu belaayadii ka qoomamooday, oo wuxuu ku yidhi malaggii dadka baabbi'inayay, Bes weeye, haddaba gacanta soo celi. Oo malaggii Rabbiguna wuxuu ag joogay meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo uu Arawnaah kii reer Yebuus lahaa. 17 Markaasaa Daa'uud wuxuu la hadlay Rabbiga kolkuu arkay malaggii dadka laayay, oo yidhi, Bal eeg, waan dembaabay, oo wax qalloocan baan sameeyey, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay.

Daa'uud Oo Dhisay Meel Allabari

18 Oo Gaadna maalintaas ayuu Daa'uud u yimid, oo ku yidhi, Tag, oo Rabbiga meel allabari uga dhis meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray ee Arawnaahkii reer Yebuus. 19 Oo Daa'uud baa ku tegey wixii uu Gaad ku yidhi iyo sidii Rabbigu ku amray. 20 Oo Arawnaah ayaa arkay boqorkii iyo addoommadiisii oo xaggiisa u soo socda; markaasaa Arawnaah soo baxay, oo boqorka hortiisii ayuu ku sujuuday, wejigana dhulkuu saaray. 21 Oo Arawnaah wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, maxaad iigu timid anoo addoonkaaga ah? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Waxaan kuugu imid inaan kaa iibsado meesha wax lagu tumo, si aan Rabbiga uga dhiso meel allabari inay belaayadu dadka ka joogsato. 22 Oo Arawnaahna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, qaado oo Ilaah u bixi wax alla wixii kula wanaagsan; bal eeg, waa kuwan dibidii qurbaanka la gubo, waana kuwan alaabtii wax lagu tumayay iyo alaabtii dibidu si ay qoryihii u noqdaan. 23 Boqorow, waxan oo dhan anoo Arawnaah ah ayaan ku siinayaa. Oo Arawnaah wuxuu boqorkii ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ahu ha ku aqbalo. 24 Markaasaa boqorkii wuxuu Arawnaah ku yidhi, Maya, laakiinse sida runta ah qiimaan kaaga iibsanayaa, oo Rabbiga Ilaahayga ahna qurbaanno la gubo ugu bixin maayo wax aanan waxba ka bixin. Haddaba Daa'uud wuxuu meeshii wax lagu tumi jiray iyo dibidiiba ku iibsaday konton sheqel oo lacag ah. 25 Markaasaa Daa'uud halkaas Rabbiga uga dhisay meel allabari, oo wuxuu u bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino. Haddaba Rabbigu waa aqbalay baryadii dalkii loo baryay, oo belaayadiina dalkii way ka joogsatay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya