Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Beginning

Read the Bible from start to finish, from Genesis to Revelation.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Luukos 6-7

Wax Sabti Dhawridda Ku Saabsan(A)

Maalin sabti ah waxaa dhacay inuu beeraha dhex marayay, xertiisuna waxay jarteen sabuulladii, oo intay gacmahooda ku xoqeen ayay cuneen. Laakiin Farrisiintii qaarkood waxay ku yidhaahdeen, Maxaad u samaynaysaan wixii aan xalaal ahayn in sabtida la sameeyo? Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin wixii Daa'uud sameeyey goortuu gaajooday, isaga iyo kuwii la jiray, siduu gurigii Ilaah u galay oo uu u qaaday [a]kibistii tusniinta oo u cunay oo u siiyey kuwii la jiray, tan aan xalaal u ahayn in la cuno wadaaddada maahee? Markaasuu iyagii ku yidhi, Wiilka Aadanahu waa sayidka sabtida.

Waxaa sabti kale dhacay inuu sunagogga galay oo wax ku baray; halkaasna waxaa joogay nin gacantiisa midigeed engegnayd. Culimmadii iyo Farrisiintii ayaa fiirinayay inuu sabtida wax bogsiinayo iyo in kale, si ay ugu helaan wax ay ku ashtakeeyaan. Isaguse wuxuu gartay fikirradoodii; goortaasuu ninkii gacanta engegnaa ku yidhi, Kac oo dhexda isa soo taag. Wuuna kacay oo istaagay. Ciise wuxuu ku yidhi, Wax baan idin weyddiinayaa, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar, in naf la badbaadiyo ama in la dilo? 10 Markaasuu isha wada mariyey, wuxuuna ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Markaasuu yeelay sidaas, gacantiisuna waa bogsatay. 11 Markaasay aad u cadhoodeen, oo waxay ka wada hadleen waxay Ciise ku samayn lahaayeen.

Ciise Wuxuu Doortay Laba Iyo Tobankii Rasuul(B)

12 Maalmahaas waxaa dhacay inuu buurta u baxay inuu tukado. Habeenkii oo dhan wuxuu waday inuu Ilaah u tukado. 13 Oo goortay maalin noqotay ayuu xertiisii u yeedhay. Markaasuu laba iyo toban ka soo saaray, wuxuuna u bixiyey rasuullo; 14 oo waxay ahayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub iyo Yooxanaa, iyo Filibos iyo Bartolomayos, iyo 15 Matayos iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon oo la odhan jiray Qiiroleh, 16 iyo Yuudas ina Yacquub, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey. 17 Markaasuu hoos ula degay, oo bannaan ayuu istaagay, isaga iyo qaar badan oo xertiisa ah, iyo dad badan oo Yahuudiya iyo Yeruusaalem iyo xeebaha Turos iyo Siidoon uga yimaadeen inay maqlaan iyo in cudurradooda laga bogsiiyo. 18 Oo kuwo jinniyo wasakh leh derdereenna waa la bogsiiyey. 19 Dadkii badnaa oo dhan waxay doonayeen inay taabtaan isaga, waayo, xoog baa ka soo baxay oo wada bogsiiyey.

Kuwa Barakaysan Iyo Kuwa Hoogga Leh(C)

20 Markaasuu kor u fiiriyey oo xertiisii eegay oo ku yidhi, Waxaa barakaysan kuwiinna masaakiinta ah, waayo, boqortooyadii Ilaah idinkaa leh. 21 Waxaana barakaysan kuwiinna haddeer gaajaysan, waayo, waad dhergi doontaan. Waxaana barakaysan kuwiinna haddeer ooyaya, waayo, waad qosli doontaan. 22 Waad barakaysan tihiin goortii dadku idin necbaado, oo goortay dhexdooda idinka saaraan, oo idin caayaan, oo magacyadiinna sida wax shar leh u tuuraan Wiilkii Aadanaha aawadiis. 23 Maalintaas reyreeya oo farxad ku boodbooda, waayo, bal ogaada, abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay jannada, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii ku samayn jireen. 24 Hoog waxaa leh kuwiinna hodanka ah, waayo, gargaarkiinna waad hesheen. 25 Hoogna waxaa leh kuwiinna haddeer dheregsan, waayo, waad gaajoon doontaan; hoogna waxaa leh kuwiinna haddeer qoslaya, waayo, waad barooran doontaan oo ooyi doontaan. 26 Waa idiin hoog markii dadka oo dhammu wanaag idinka sheego, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii beenta ahaa ku samayn jireen.

Cadowyadiinna Jeclaada(D)

27 Laakiin waxaan idinku leeyahay kuwiinna maqlaya, Cadowyadiinna jeclaada, kuwa idin necebna wax wanaagsan u sameeya. 28 Kuwa idin habaara u duceeya, kuwa idin caayana Ilaah u barya. 29 Kii dhabanka kaa dhirbaaxa, kan kalena u du; oo kii maradaada kaa qaata, khamiiskaagana ha ka celin. 30 Mid walba oo wax kaa barya, sii; kii waxaaga qaatana, ha ka baryin. 31 Oo sidaad doonaysaan in dadku idiin sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya iyaga. 32 Haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba way jecel yihiin kuwa jecel iyaga. 33 Haddaad wanaag u fashaan kuwa wanaag idiin fala, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba sidaasay yeelaan. 34 Haddaad wax amaahisaan kuwa aad ka rajaynaysaan inaad ka heshaan, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba way amaahiyaan dembilayaasha inay ka helaan intii oo kale. 35 Laakiin cadowyadiinna jeclaada, oo wanaag u sameeya, oo amaahiya, idinkoo aan waxba ka rajaynaynin, abaalgudkiinnuna waa badan doonaa, oo waxaadna noqon doontaan wiilashii Kan ugu sarreeya, waayo, isagu waa u roon yahay kuwa aan mahadnaqin iyo kuwa sharka leh. 36 Naxariis lahaada sida Aabbihiin naxariis u leeyahay.

Dad Kale Ha Xukumina(E)

37 Cidna ha xukumina, idinkana laydinma xukumi doono. Ninnana wax ha ku garaynina, idinkana wax laydinkuma garayn doono e; dhaafa oo waa laydin dhaafi doonaa. 38 Siiya oo waa laydin siin doonaa; qiyaas wanaagsan oo hoos u riixriixan oo ruxan oo buuxdhaafaya ayaa laydinku siin doonaa faraqiinna, waayo, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doonaa.

39 Markaasuu masaal kula hadlay. Indhoole indhoole ma hagi karaa? Labadoodu miyaanay god ku dhici doonin? 40 Qof xer ah macallinkiisa kama sarreeyo, laakiin mid walba markuu wanaag u dhan yahay wuxuu noqon doonaa sida macallinkiisa oo kale. 41 Saxarka isha walaalkaa ku jira maxaad u aragtaa, dogobka ishaada ku jirase aad u fiirsan weydaa? 42 Sidee baad walaalkaa ugu odhan kartaa, Walaalow i daa, saxarka ishaada ku jira aan kaa saaree, adiga oo aan arkaynin dogobka ishaada ku jira? Labawejiile yahow, horta dogobka ishaada ku jira iska saar, goortaasaad bayaan u arkaysaa inaad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarto. 43 Waayo, ma jiro geed wanaagsan oo midho xun dhalaa, welibana ma jiro geed xun oo midho wanaagsan dhalaa. 44 Maxaa yeelay, geed kasta waxaa laga garanayaa midhihiisa. Waayo, berde lagama guro qudhac, canabkana lagama guro geed qodxan leh. 45 Ninka wanaagsan wuxuu maalka wanaagsan oo qalbiga ku jira ka soo saaraa wax wanaagsan; kan sharka lehna wuxuu sharka ka soo saaraa wax shar ah; waayo, afkiisu wuxuu ku hadlaa waxa qalbiga ku badan.

Labada Aasaas(F)

46 Maxaad iigu yeedhaan, Rabbow, Rabbow, oo aad u yeeli weydaan wixii aan leeyahay? 47 Kii kasta oo ii yimaada, oo ereyadayda maqla, oo yeela, waxaan idin tusayaa kuu u eg yahay. 48 Isagu wuxuu u eg yahay nin guri dhisay, oo qoday oo hoos u dheereeyey; aasaaskiina ayuu dhagax weyn ka dul dhisay. Goortii daadku yimid ayaa webigu ku soo jabay gurigaas, xoog uu ku gilgilose ma lahayn, waayo, si wanaagsan ayaa loo dhisay. 49 Laakiin kii maqla oo aan yeelin, wuxuu u eg yahay nin dhulka ka dhisay guri aan aasaas lahayn. Kan webigu ku soo jabay, oo kolkiiba ayuu dumay, oo dumiddii gurigaasu waa weynayd.

Addoonkii Boqol-u-Taliyaha Waa La Bogsiiyey(G)

Goortuu hadalladiisa ku dhammeeyey dadka dhegaysadkooda ayuu Kafarna'um galay.

Boqol-u-taliye addoonkiisii uu jeclaa ayaa bukay oo dhimashuu u dhowaa. Goortuu maqlay wax Ciise ku saabsan, ayuu waayeelladii Yuhuudda u diray isaga, oo ka baryay inuu yimaado oo addoonkiisa bogsiiyo. Goortay Ciise u yimaadeen, aad bay u baryeen oo ku yidhaahdeen, Isagu waa istaahilaa inaad waxaas u yeeshid, waayo, quruunteenna ayuu jecel yahay, oo sunagog ayuu noo dhisay. Markaasaa Ciise raacay, oo isagoo aan guriga ka fogayn, ayaa boqol-u-taliyihii saaxiibbo u soo diray oo ku yidhi, Sayidow, ha isdhibin, waayo, anigu ma istaahilo inaad saqafka gurigayga hoostiisa soo gashid. Saas aawadeed uma aan malaynaynin inaan istaahilo inaan kuu imaado; laakiin hadal dheh, midiidinkayguna waa bogsan doonaa. Waayo, anigu waxaan ahay nin laga sarreeyo, oo askar baa iga hoosaysa. Kan waxaan ku idhaahdaa, Tag, wuuna tagaa; mid kalena, Kaalay, wuuna yimaadaa; midiidinkaygana, Waxan samee, wuuna sameeyaa. Goortuu Ciise taas maqlay, wuu ka yaabay, oo intuu dadkii la socday ku jeestay ayuu ku yidhi, Waxaan idinku leeyahay, Rumaysad sidaas u weyn oo kale reer binu Israa'iil kama dhex helin. 10 Kuwii la soo dirayna kolkay gurigii ku noqdeen, waxay heleen addoonkii oo ladan.

Carmalkii Na'in Joogtay Wiilkeedii Waa La Soo Nooleeyey

11 Markii dambe waxaa noqotay inuu galay magaalada Na'in la odhan jiray; waxaana raacay xertiisii, iyo dad badanba. 12 Oo goortuu iriddii magaalada ku soo dhowaaday, waxaa dibadda loo waday nin meyd ah oo madi u ahaa hooyadiis; iyaduna waxay ahayd carmal. Oo waxaa iyada la jiray dad badan oo magaalada. 13 Rabbigu goortuu arkay iyada, ayuu u naxariistay oo ku yidhi, Ha ooyin. 14 Oo intuu ku soo dhowaaday, ayuu taabtay rabrabtii. Kuwii sidayna way joogsadeen. Markaasuu yidhi, Dhallinyarow, waxaan kugu leeyahay, Kac. 15 Kolkaasaa kii dhintay sara fadhiistay oo bilaabay inuu hadlo, oo markaasaa Ciise isagii u dhiibay hooyadiis. 16 Kulligood baqdin baa ku wada dhacday, oo Ilaah bay ammaaneen iyagoo leh, Nebi weyn ayaa dhexdeenna ka kacay. Ilaahna waa soo booqday dadkiisa. 17 Warkaas isaga ku saabsan ayaa gaadhay Yahuudiya oo dhan iyo dhulka ku wareegsan oo dhan.

Yooxanaa Baabtiisaha(H)

18 Yooxanaa xertiisa ayaa waxaas oo dhan uga warrantay. 19 Markaasaa Yooxanaa wuxuu u yeedhay laba xertiisii ah oo Ciise u soo diray, oo ku yidhi, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kalaannu dhawrnaa? 20 Nimankii goortay u yimaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha ayaa noo soo kaa diray isagoo leh, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kalaannu dhawrnaa? 21 Saacaddaas qudheeda ayuu dad badan ka bogsiiyey bukaankooda iyo cudurradooda iyo jinniyadooda sharka leh. Indhoolayaal badanna wuxuu ugu roonaaday inay wax arkaan. 22 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen. Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugahala'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegahala'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa, 23 oo waxaana barakaysan kan aan iga xumaanin.

24 Kuwii Yooxanaa diray goortay tageen, wuxuu bilaabay inuu dadkii badnaa wax uga sheego Yooxanaa. Maxaad cidlada ugu baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan cawsduur dabaylu ruxayso? 25 Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan nin dhar jilicsan qaba? Kuwa dharka wanaagsan qaba oo hodan ku nool waxay joogaan guryaha boqorrada. 26 Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad nebi soo aragtaan? Haah, waxaan idinku leeyahay, Mid nebi ka sarreeya. 27 Kanu waa kii laga qoray,

Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga,
Kan jidkaaga ku sii diyaargarayn doona hortaada.

28 Waxaan idinku leeyahay, Intii dumar ka dhalatay, mid Yooxanaa ka weyn ma jiro, laakiin kan boqortooyada Ilaah ugu yar ayaa ka weyn. 29 Dadkii maqlay oo dhan iyo cashuurqaadayaashiiba waxay caddeeyeen inuu Ilaah yahay xaq, iyagoo ah kuwii lagu baabtiisay baabtiiskii Yooxanaa. 30 Laakiin Farrisiintii iyo kuwii sharciga yiqiin ayaa waanadii Ilaah naftooda darteed u diiday iyagoo aan Yooxanaa baabtiisin. 31 Haddaba maxaan nimanka qarnigan u ekaysiiyaa? Maxay u eg yihiin? 32 Waxay u eg yihiin carruur suuqa fadhida oo isu yeedhyeedhaysa iyagoo leh, Biibiile baannu idiin yeedhinnay, oo waad cayaari weydeen, waannu baroorannay oo waad ooyi weydeen. 33 Waayo, Yooxanaa Baabtiisaha waa yimid isagoo aan kibis cunaynin oo aan khamri cabbaynin; waxaadna tidhaahdaan, Jinni buu qabaa. 34 Wiilka Aadanahu waa yimid isagoo wax cunaya oo cabbaya, waxaadna tidhaahdaan, Eeg, waa nin cir weyn oo khamriyacab ah oo saaxiib la ah cashuurqaadayaal iyo dembilayaal. 35 Xigmaddu inay xaq tahay waa laga caddeeyey xaggii carruurteeda oo dhan.

Cagasubkintii Ciise Iyo Masaalka Ku Saabsan Labadii Nin Oo Daynka Qabtay

36 Farrisiinta midkood ayaa weyddiistay inuu wax la cuno, wuuna galay gurigii Farrisiga oo cunto u fadhiistay. 37 Bal eeg, naag magaalada joogtay oo dembi lahayd goortay ogaatay inuu gurigii Farrisiga cunto u fadhiyo, waxay soo qaadatay weel [b]alabastar ah oo cadar ku jiro. 38 Way isdaba taagtay cagihiisa agtooda iyadoo ooyaysa, waxayna bilaabtay inay ilmada cagihiisa ku qoyso, oo ay timaha madaxeeda ku tirtirto, oo cagihiisay dhunkatay, oo cadarkii marisay. 39 Farrisigii u yeedhay isaga, goortuu arkay, ayuu isla hadlay isagoo leh, Ninkan hadduu nebi yahay, wuu ogaan lahaa naagtan taataabatay cid ay tahay iyo waxay tahay inay tahay dembile. 40 Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Simoonow, hal baan ku leeyahay. Wuxuu yidhi, Dheh, Macallimow. 41 Waxaa jiray amaahiye laba nin amaah ku lahaa, mid wuxuu ku lahaa shan boqol oo dinaar, midka kalena konton. 42 Goortii ay waayeen waxay bixiyaan, ayuu labadoodiiba u dhaafay. Haddaba iyamaa ahaan doona kan jacayl badan? 43 Simoon baa u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan u malaynayaa, kan uu wax badan u dhaafay. Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan baad u qiyaastay. 44 Kolkaasuu naagtii u jeestay, oo wuxuu Simoon ku yidhi, Naagtan ma aragtaa? Anigu gurigaagaan galay; biyo cagahayga iima aad siin, laakiin iyadu cagahayga ayay ilmadeeda ku qoysay oo ay timaheeda ku tirtirtay. 45 Dhunkasho ima aad dhunkan, iyaduse tan iyo wakhtigaan soo galay kama dayn inay cagahayga dhunkato. 46 Madaxaygana saliid ma aad marin, iyaduse cagahayga ayay cadar marisay. 47 Sidaa darteed waxaan kugu leeyahay, Dembiyadeedii badnaa waa cafiyan yihiin, waayo, aad bay u jeclayd. Kii wax yar loo dhaafay, ayaa wax yar jecel. 48 Wuxuu iyada ku yidhi, Dembiyadaadii waa cafiyan yihiin. 49 Kuwii cunto ula fadhiyey waxay bilaabeen inay isku yidhaahdaan, Yuu yahay kan dembiyo cafiya haddana? 50 Wuxuu naagtii ku yidhi, Rumaysadkaaga ayaa ku badbaadiyey ee nabad ku tag.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya