Book of Common Prayer
Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
55 Ilaahow, tukashadayda dhegta u dhig,
Oo baryootankaygana ha iska qarin.
2 I maqal, oo ii jawaab,
Waxaan la nasan waayaa calaacalkayga, waanan la taahaa,
3 Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis,
Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed,
Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan,
Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan.
4 Wadnuhu aad buu ii xanuunayaa,
Oo waxaa igu dhacday cabsida dhimashada.
5 Baqdin iyo gariir ayaa igu soo degay,
Oo naxdin baa i dabooshay.
6 Oo anna waxaan is-idhi, Waxaan jeclaan lahaa inaan baalal yeesho sida qoolley oo kale!
Markaasaan iska duuli lahaa oo nasan lahaa.
7 Bal eeg, markaasaan iska warwareegi lahaa meel fog,
Oo waxaan degganaan lahaa cidlada. (Selaah)
8 Waxaan gabbaad kaga carari lahaa
Dabaysha hufada ah iyo duufaanka.
9 Sayidow, iyaga baabbi'i, oo afafkoodana kala duw
Waayo, waxaan magaalada ku arkay dulmi iyo dirir.
10 Maalin iyo habeenba derbiyadeeday ku dul wareegaan,
Oo weliba waxaa ku dhex jira xumaan iyo belaayo.
11 Dhexdeedana waxaa ku jira shar,
Dulmi iyo khiyaanona kama tagaan jidadkeeda.
12 Waayo, kii i caayay cadaawe ma ahayn,
Maxaa yeelay, waan u adkaysan kari lahaa,
Mana ahayn kii i necbaa oo iska kay weyneeyey,
Maxaa yeelay, waan ka dhuuman lahaa isaga,
13 Laakiinse wuxuu ahaa adiga oo ah nin ila mid ah,
Iyo jaalkay iyo saaxiibkay.
14 Si wanaagsan baynu u wada sheekaysan jirnay,
Oo waxaynu ku dhex socon jirnay guriga Ilaah, innagoo guuto badan la soconna.
15 Dhimasho ha ku soo kediso iyaga,
Oo iyagoo noolnool She'ool ha ku dhaceen,
Waayo, xumaan baa ku jirta hoygooda iyo dhexdooda.
16 Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa,
Oo Rabbigaa i badbaadin doona.
17 Fiidka, iyo subaxda, iyo duhurkaba, anigu waan cataabi doonaa, oo waan taahi doonaa,
Oo isna codkayguu maqli doonaa.
18 Naftayda nabadduu kaga samatabbixiyey dagaalkii iga geesta ahaa,
Waayo, kuwii ila diriray way badnaayeen.
19 Ilaah oo ah kan weligiis waara,
Wuu maqli doonaa oo u jawaabi doonaa iyaga,
Kuwaas oo aan beddelmin, (Selaah)
Oo aan Ilaah ka cabsan.
20 Isagu wuxuu u gacan qaaday kii isaga heshiiska la ahaa,
Oo axdigiisiina wuu buriyey.
21 Afkiisu wuxuu u nuglaa sidii subag oo kale,
Laakiinse qalbigiisu wuxuu ahaa dagaal,
Erayadiisu saliid way ka jilicsanaayeen,
Laakiinse waxay ahaayeen seefo galkii laga siibay.
22 Culaabtaada Rabbiga saar, oo isna wuu ku xanaanayn doonaa,
Waayo, isagu kan xaqa ah marnaba u dayn maayo in la dhaqaajiyo.
23 Laakiinse, Ilaahow, iyaga waxaad ku dhaadhicin doontaa yamayska halligaadda,
Dhiigyocabyada iyo dadka khaa'innada ahu cimrigooda nus ma kadban doonaan,
Laakiinse anigu waan isku kaa hallayn doonaa.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
138 Qalbigayga oo dhan ayaan kugu mahadnaqi doonaa,
Oo ilaahyada hortooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa,
2 Waxaan u soo tukan doonaa macbudkaaga quduuska ah xaggiisa,
Oo magacaagana waxaan ugu mahadnaqi doonaa raxmaddaada iyo runtaada aawadood,
Waayo, eraygaaga ayaad ka sii weynaysay magacaaga oo dhan.
3 Maalintii aan qayshaday waad ii jawaabtay,
Waanad igu kalsooni gelisay xooggii aad naftayda u yeeshay.
4 Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan,
Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga.
5 Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga,
Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay.
6 Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya,
Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.
7 In kastoo aan ku dhex socdo dhibaato waad i soo noolayn doontaa,
Oo waxaad gacantaada ku soo fidin doontaa cadhada cadaawayaashayda,
Oo gacantaada midigna way i badbaadin doontaa.
8 Rabbigaa kaamil ka dhigi doona waxa igu saabsan,
Rabbiyow, naxariistaadu weligeedba way sii waartaa,
Ha ka tegin shuqulladii gacmahaaga.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
139 Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay.
2 Waad og tahay fadhiisashadayda iyo sara kiciddaydaba,
Oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa.
3 Socodkayga iyo seexashadaydaba waad baadhaa,
Oo jidadkayga oo dhanna waad wada taqaan.
4 Waayo, Rabbiyow, eray aanad aqoonu carrabkayga kuma jiro,
Laakiinse adigu waad wada og tahay.
5 Adigu hor iyo dibba waad iga xidhay,
Oo gacantaadaad i saartay.
6 Aqoontaas oo kale aad iyo aad bay iigu yaab badan tahay,
Waa wax sare, oo anigu ma aan gaadhi karo.
7 Bal xaggee baan ruuxaaga ka tagaa?
Xaggee baanse wejigaaga uga cararaa?
8 Haddaan samada koro, halkaasaad joogtaa,
Haddaan sariirtayda She'ool dhex dhigtona, bal eeg, halkaasna waad joogtaa.
9 Haddaan qaato baalasha subaxda,
Iyo haddaan dego badda darafyadeeda ugu shisheeyaba,
10 Xataa halkaas gacantaada ayaa i hoggaamin doonta,
Oo midigtaada ayaa i soo qaban doonta.
11 Haddaan idhaahdo, Hubaal gudcurkaa i qarin doona,
Oo iftiinka igu wareegsanu habeennimuu noqon doonaa,
12 Xataa gudcurku igama kaa qariyo,
Laakiinse habeenku wuxuu u iftiimaa sida maalinta oo kale,
Gudcurka iyo iftiinku waa isugu kaa mid.
13 Waayo, kelyahayga adigaa sameeyey,
Oo adigaa igu daboolay maxalkii hooyaday.
14 Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waxaa la ii sameeyey si cabsi iyo yaab badan,
Shuqulladaadu waa yaab badan yihiin,
Oo naftayduna taas aad bay u taqaan.
15 Lafahaygu kaama qarsoonayn,
Markii laygu sameeyey qarsoodiga,
Oo farsamada yaabka leh laygu sameeyey dhulka meesha ugu hoosaysa.
16 Indhahaagu way i arkeen markaan uurjiifka ahaa,
Oo xubnahaygu kitaabkaagay ku wada qornaayeen,
Kuwaas oo maalin ka maalin la qabanqaabiyey
Intaan midkoodna jirin ka hor.
17 Ilaahow, fikirradaadu ila qiimo badanaa!
Oo tiro badanaa!
18 Haddaan tiriyo, way ka sii tiro badan yihiin ciidda,
Oo markaan tooso weli adigaan kula joogaa.
19 Ilaahow, hubaal waxaad layn doontaa kuwa sharka leh,
Haddaba iga taga, raggiinna dhiigyocabyada ahow.
20 Waayo, iyagu si xun ayay wax kaaga sheegaan,
Oo cadaawayaashaaduna micnela'aan bay magacaaga ku soo qaadqaadaan.
21 Rabbiyow, sow ma aan nebci kuwa ku neceb?
Oo sow kama aan murugaysni kuwa kugu kaca?
22 Nacayb dhan ayaan ku necbahay iyaga,
Oo waxaan iyaga u haystaa cadaawayaashayda.
23 Ilaahow, i baadh, oo qalbigayga garo,
I tijaabi, oo fikirradayda ogow,
9 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gacmihiinnu xoog ha yeesheen, kuwiinna wakhtigan erayadan ka maqla afka nebiyada kuwaasoo joogay maalintii aasaaskii guriga Rabbiga ciidammada, kaasoo ah macbudka, loo dhigay si loo dhiso. 10 Waayo, wakhtigaas ka hor ninna kiro ma lahayn, neefna kiro ma lahayn innaba, oo kii baxay iyo kii galay toona nabadu uma jirin cadowga daraaddiis, waayo, dadka oo dhan nin kasta waxaan ku diray deriskiisa. 11 Laakiinse Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haatan dadkan hadhay sidii waagii hore u ahaan maayo. 12 Waayo, waxaa jiri doona iniintii nabadda. Geedcanabkuna canabkiisuu dhali doonaa, oo dhulkuna midhihiisuu soo bixin doonaa, oo samooyinkuna sayaxay soo deyn doonaan, oo waxaan ka dhigi doonaa in kuwa dadkan ka hadhay ay waxyaalahan oo dhan dhaxlaan. 13 Dadka dalka Yahuudahow, iyo dadka dalka Israa'iilow, sidaad quruumaha habaar ugu dhex ahaydeen ayaan idiin badbaadin doonaa, oo barako baad ku ahaan doontaan. Ha cabsanina, laakiinse gacmihiinnu xoog ha yeesheen. 14 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Sidii waagii ay awowayaashiin iiga xanaajiyeen oo aan ugu fikiray inaan iyaga wax xun ku sameeyo, oo aanan taas uga soo noqon, 15 sidaas oo kale ayaan haatan ku fikiray inaan wax wanaagsan ku sameeyo Yeruusaalem iyo dadka dalka Yahuudah, haddaba ha cabsanina. 16 Idinku waxaad samaysaan waxyaalahan, ninkiin kastaaba deriskiisa run ha kula hadlo, oo waxaad irdihiinna ku naqdaan garsoorid run ah oo nabad keenta, 17 oo midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin deriskiisa, oo ha jeclaanina dhaar been ah, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahan oo dhammu waa waxyaalo aan necbahay.
Shaabadihii Waa La Furay
6 Oo waan arkayay markii Wankii furay toddobadii shaabadood middood, oo waxaan maqlay afartii xayawaan midkood oo codkiisa la moodo onkod leh, Kaalay oo arag. 2 Oo bal eeg, waxaan arkay faras cad oo kii fuushanaana wuxuu haystay qaanso, oo waxaa isaga la siiyey taaj; oo wuxuu soo baxay isagoo guulaysanaya, wuxuuna u soo baxay inuu guulaysto.
3 Oo haddana markii uu furay shaabaddii labaad ayaa waxaan maqlay xayawaankii labaad oo leh, Kaalay oo arag. 4 Markaasaa waxaa soo baxay faras kale oo xamar ah; oo kii fuushanaana waxaa la siiyey amar inuu dunida nabadda ka qaado iyo in dadka midba midka kale dilo; oo waxaa la siiyey seef weyn.
5 Oo haddana markuu shaabadda saddexaad furay ayaa waxaan maqlay xayawaankii saddexaad oo leh, Kaalay oo arag. Oo bal eeg, waxaan arkay faras madow; oo kii fuushanaana wuxuu gacanta ku haystay miisaan. 6 Oo waxaan afartii xayawaan badhtankooda ka maqlay wax cod la moodo oo leh, Koombo sarreen ah qiimaheedu waa dinaar, saddex koombo oo shaciir ahna qiimahoodu waa dinaar, saliidda iyo khamrigana wax ha yeelin.
7 Oo haddana markuu furay shaabaddii afraad ayaa waxaan maqlay xayawaankii afraad codkiisii oo leh, Kaalay oo arag. 8 Oo bal eeg, waxaan arkay faras cirro leh; oo kii fuushanaana magiciisu wuxuu ahaa Dhimasho; oo waxaa la socday Haadees. Oo waxaa iyaga la siiyey amar ay ku xukumaan dunida waaxdeed oo ay ku laayaan seef, iyo abaar, iyo dhimasho, iyo dugaagga dhulka.
9 Oo haddana markuu furay shaabaddii shanaad waxaan meeshii allabariga hoosteeda ku arkay nafihii kuwii loo dilay eraygii Ilaah aawadiis, iyo markhaatigii ay fureen aawadiis, 10 oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn iyagoo leh, Sayidkayaga quduuskaa oo runtahow, ilaa goormaadan xukumayn oo aadan dhiigayaga nooga aarayn kuwa dhulka jooga? 11 Oo midkood kastaba waxaa la siiyey khamiis cad; oo waxaa loo sheegay inay wakhti yar sii nastaan ilamaa kuwa iyaga addoommada la ah iyo walaalahooda dhowaan sidoodii oo kale loo dili doono ay soo dhammaadaan.
12 Oo haddana waxaan arkay markii uu furay shaabaddii lixaad, markaasaa waxaa dhacay dhulgariir weyn; oo qorraxduna waxay u madoobaatay sidii joonyad dhogor ah, oo dayaxii oo dhammuna wuxuu noqday sidii dhiig oo kale; 13 oo xiddigihii samaduna waxay ku soo daateen dhulka sida geed berde ahi u tuuro midhihiisa aan bislaan markii dabayl weyni ruxdo. 14 Oo samadiina waxaa loo qaaday sidii kitaab la duubay oo kale, oo buur walba iyo gasiirad walbaba meeshoodii waa laga dhaqaajiyey. 15 Oo boqorradii dunida, iyo amiirrada, iyo saraakiisha sare, iyo taajiriinta, iyo kuwa xoogga weyn ah, iyo addoon kasta iyo mid kasta oo xor ahuba, waxay ku dhuunteen godadka iyo dhagaxyada buuraha; 16 oo waxay ku yidhaahdeen buurihii iyo dhagaxyadii, Nagu soo dhaca oo naga qariya kan carshiga ku fadhiya wejigiisa iyo cadhada Wanka, 17 waayo, waxaa timid maalintii weynayd oo cadhadooda; bal yaa awooda inuu istaago?
Maalinta Xisaabta
31 Goortii Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, isaga iyo malaa'igaha oo dhan, markaasuu carshiga ammaantiisa ku fadhiisan doonaa. 32 Quruumaha oo dhan ayaa hortiisa lagu soo ururin doonaa oo wuxuu u kala sooci doonaa mid mid sida adhijirku u kala sooco idaha iyo riyaha. 33 Idaha wuxuu joojin doonaa midigtiisa, riyahana bidixdiisa. 34 Markaasaa Boqorku kuwa midigtiisa jooga ku odhan doonaa, Kaalaya, kuwa Aabbahay barakeeyeyow, oo dhaxla boqortooyada tan iyo aasaaskii dunida laydiin diyaargareeyey. 35 Waayo, waan gaajooday oo cuntaad i siiseen, waan harraadsanaa oo waad i waraabiseen, qariib baan ahaa oo waad i soo dhoweeyseen, 36 waan qaawanaa oo dhar baad i huwiseen, waan bukay oo waad i soo booqateen, xabsi baan ku jiray oo waad ii timaadeen. 37 Markaasaa kuwa xaqa ahu u jawaabi doonaan iyagoo leh, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan oo aannu cunto ku siinnay, ama adigoo harraadsan oo aannu ku waraabinnay? 38 Goormaannu ku aragnay adigoo qariib ah oo aannu ku soo dhowaynay ama adigoo qaawan oo aannu wax ku huwinnay? 39 Goormaannu ku aragnay adigoo buka ama adigoo xabsi ku jira oo aannu kuu nimid? 40 Markaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen.
41 Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa'igihiisa loo diyaargareeyey. 42 Waayo, waan gaajooday, cuntona ima aydnaan siin, waan harraadsanaa, imana aydnaan waraabin. 43 Qariib baan ahaa, imana aydnaan soo dhowayn, waan qaawanaa, dharna ima aydnaan huwin, waanan bukay oo xabsi ku jiray oo ima aydnaan soo booqan. 44 Iyaguna markaasay u jawaabi doonaan oo ku odhan doonaan, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan ama harraadsan ama qariib ah ama qaawan ama buka ama xabsi ku jira oo aannu ku kalmayn waynay? 45 Markaasuu u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayn weydeen mid ka mid ah kuwan u yaryar, anigana waad ii samayn weydeen. 46 Kuwanuna waxay geli doonaan taqsiirta weligeed ah, kuwa xaqa ahuse waxay geli doonaan nolosha weligeed ah.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya