Book of Common Prayer
105 Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya,
Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.
2 Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya,
Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.
3 Ku faana magiciisa quduuska ah,
Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.
4 Rabbiga iyo xooggiisa doondoona,
Oo weligiinba wejigiisa doondoona.
5 Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey,
Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,
6 Kuwiinna farcankii addoonkiisii Ibraahim ahow,
Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow.
7 Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah,
Xukummadiisuna waxay ku jiraan dhulka oo dhan.
8 Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba,
Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray,
9 Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay,
Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,
10 Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub,
Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,
11 Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa
Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,
12 Markay dad tiro yar ahaayeen,
Oo ay aad u yaraayeen, qariibna dalka ku ahaayeen,
13 Oo iyagu quruunba quruun bay uga bexeen,
Oo intay boqortooyo ka tageen ayay dad kale u gudbeen.
14 Isagu ninna uma oggolaanin inuu wax yeelo,
Haah, oo daraaddood ayuu boqorro u canaantay,
15 Oo wuxuu ku yidhi, Ha taabanina kuwayga subkan,
Oo nebiyadaydana waxba ha yeelina.
16 Dhulkiina abaar buu ugu yeedhay inay ku dhacdo,
Ushii cuntada oo ay ku tiirsanaayeen oo dhanna wuu wada jebiyey.
17 Oo nin buu iyaga ka sii hor diray,
Kaas oo ahaa Yuusuf oo loo iibiyey addoon ahaan.
18 Cagihiisii waxay ku xanuujiyeen bircago,
Oo naftiisii waxay gashay silsilado bir ah,
19 Ilaa wakhtigii eraygiisu noqday
Eraygii Rabbiga ayaa isaga tijaabiyey.
20 Markaasaa boqorkii u cid diray oo furay,
Kaas oo ahaa taliyihii dadyowga, wuuna sii daayay.
21 Oo wuxuu isagii ka dhigay sayidkii reerkiisa,
Iyo taliyihii maalkiisa oo dhan,
22 Inuu amiirradiisa xidho markuu doonayoba,
Oo uu odayaashiisana xigmad baro.
23 Israa'iilna wuxuu yimid dalkii Masar,
Yacquubna wuxuu qariib ahaan u joogay dalkii Xaam.
24 Oo isagu dadkiisii aad buu u badiyey,
Oo wuxuu ka dhigay inay ka xoog bataan cadaawayaashoodii.
25 Qalbigoodii wuxuu u beddelay si ay dadkiisa u nebcaadaan,
Iyo si ay addoommadiisa u khiyaaneeyaan.
26 Wuxuu u soo diray addoonkiisii Muuse,
Iyo Haaruun oo uu doortay.
27 Oo waxay dhexdooda ku sameeyeen calaamooyinkiisii,
Oo dalkii Xaamna waxay ku sameeyeen yaabab.
28 Wuxuu u soo diray gudcur, dalkiina gudcur buu ka dhigay,
Oo iyana hadalkiisii kuma ay caasiyoobin.
29 Biyahoodii wuxuu u beddelay dhiig,
Oo kalluunkoodiina wuu wada laayay.
30 Rahyo waa ku bateen dhulkoodii
Iyo qolalka boqorkoodiiba.
31 Isagu waa hadlay, markaasaa waddankoodii oo dhan
Waxaa yimid duqsi faro badan iyo injir.
32 Oo roob ahaan wuxuu u siiyey roob dhagaxyaale,
Dalkoodiina wuxuu ku soo daayay dab ololaya.
33 Wuxuu wax ku dhuftay geedahoodii canabka ahaa iyo geedahoodii berdaha ahaaba,
Oo dhirtii waddankooda ku tiilna wuu jejebiyey.
34 Wuu hadlay, markaasaa waxaa yimid ayax,
Iyo diir aan la tirin karin,
35 Oo waxay wada cuneen geedo yaryar oo kasta oo dalkooda ku yiil,
Wayna dhammaysteen midhihii dhulkooda.
36 Oo weliba wuxuu wada laayay curadyadii dalkooda oo dhan,
Kuwaas oo ahaa bilowgii xooggooda.
37 Oo wuxuu dibadda u bixiyey reer binu Israa'iil iyagoo wata lacag iyo dahab,
Oo qabiilooyinkiisiina mid taagdarani kuma uu jirin.
38 Reer Masarna way ku farxeen kolkay ambabbexeen,
Waayo, cabsidoodii baa ku dhacday.
39 Wuxuu korkooda ku kala bixiyey daruur inay qariso,
Iyo dab habeenkii iftiin u noqda.
40 Wax bay weyddiisteen, markaasuu u keenay digaag duur,
Oo wuxuu ka dhergiyey kibistii samada.
41 Dhagaxii ayuu dillaaciyey, markaasay biyo ka soo buqdeen,
Oo meelihii engegnaa ayay ku durdureen sidii webi oo kale.
42 Waayo, wuxuu soo xusuustay eraygiisii quduuska ahaa,
Oo uu kula hadlay addoonkiisii Ibraahim.
43 Dadkiisiina wuxuu soo bixiyey iyagoo faraxsan,
Kuwii uu doortayna iyagoo gabyaya.
44 Oo wuxuu iyagii siiyey dalalkii quruumaha,
Oo iyana waxay hanti ahaan u qaadeen waxay dadyowgu ku hawshoodeen,
45 Inay amarradiisa dhawraan,
Oo ay qaynuunnadiisa xajiyaan.
Rabbiga ammaana.
Shirqoolkii Absaaloom
15 Oo taas dabadeedna Absaaloom ayaa diyaarsaday gaadhifardood iyo fardo, iyo konton nin oo hortiisa orodda. 2 Markaasaa Absaaloom aroortii kacay, oo ag istaagay jidkii iridda, oo markuu nin dacwo qaba boqorka xukun ugu imanayo ayuu Absaaloom u yeedhi jiray, oo wuxuu ku odhan jiray, Magaaladee baad ka timid? Oo isna wuxuu odhan jiray, Anoo addoonkaaga ah waxaan ka mid ahay qabiilooyinka reer binu Israa'iil midkood. 3 Markaasaa Absaaloom wuxuu ku odhan jiray, Xaalalkaagu waa wanaagsan yihiin, waana qumman yihiin; laakiinse nin boqorku amray oo ku maqlayaa ma jiro. 4 Oo Absaaloom wuxuu kaloo yidhi, Way, bal maa aniga dalka xaakin la iiga dhigo, si nin alla ninkii dacwo ama muraad lihi iigu yimaado oo aan caddaalad ugu xukumo! 5 Oo waxay ahaatay in ninkii inuu sujuudo ugu soo dhowaadaba, uu Absaaloom intuu gacanta soo fidiyo oo qabto dhunkan jiray. 6 Oo reer binu Israa'iil kii boqorka xukun ugu yimid oo dhan Absaaloom sidaasuu ku samayn jiray dhammaantood; oo sidaasuu Absaaloom qalbiga uga xaday dadkii reer binu Israa'iil.
7 Oo markay afartan sannadood dhammaadeen ayaa Absaaloom boqorkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii daa aan Xebroon tagee, waayo, waxaan doonayaa inaan halkaas ku bixiyo nidar aan Rabbiga u galay. 8 Waayo, anoo addoonkaaga ah nidar baan galay intii aan joogay Geshuur oo ku taal Suuriya, oo waxaan idhi, Haddii Rabbigu Yeruusaalem mar kale igu celiyo, markaasaan Rabbiga allabari u bixin doonaa. 9 Boqorkiina wuxuu ku yidhi, Nabad ku tag. Kolkaasuu kacay oo tegey Xebroon. 10 Laakiinse Absaaloom jaajusiin buu u diray qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Markaad buunka dhawaaqiisa maqashaan, waxaad tidhaahdaan, Absaaloom waa ku boqramay Xebroon. 11 Oo Absaaloomna Yeruusaalem waxaa ka raacay laba boqol oo nin, oo la marti qaaday, oo waxay tageen iyagoo xog la', oo aan waxba ogayn. 12 Oo Absaaloomna wuxuu magaaladii Giloh ahayd ugu cid dirsaday Axiitofel kii reer Giloh, oo ahaa Daa'uud taliyihiisa, intuu allabarigii bixinayay. Oo sirqoolkiina aad buu u xoog badnaa; waayo, dadkii Absaaloom la jiray way soo kordhayeen had iyo goorba.
Cararkii Daa'uud
13 Oo markaasaa Daa'uud waxaa u yimid wargeeye; isagoo leh, Dadkii reer binu Israa'iil qalbigoodii wuxuu raacay Absaaloom. 14 Daa'uudna wuxuu addoommadiisii Yeruusaalem la joogay oo dhan ku yidhi, War ina kiciya aynu cararnee; haddii kalese midkeenna Absaaloom ka baxsan maayo; haddaba dhaqsada oo baxa, waaba intaasoo uu haddiiba ina soo qabtaaye, oo belaayo inagu ridaaye, oo uu magaaladana seef ku laayaaye! 15 Markaasaa boqorka addoommadiisii boqorkii ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagoo ah addoommadaadu diyaar baannu u nahay inaannu samayno wax kasta oo aad doorato, boqorow, sayidkayagiiyow. 16 Markaasaa boqorkii baxay, isagoo reerkiisii oo dhammu daba socdaan. Oo boqorkii toban naagood oo addoommo ahaa ayuu uga tegey inay gurigii dhawraan. 17 Boqorkiina wuu baxay, oo dadkii oo dhammuna isagay daba socdeen; oo meel fog bay joogsadeen. 18 Oo addoommadiisii oo dhammuna way dhinac mareen, iyaga iyo reer Kereetiim oo dhan, iyo reer Feleetii oo dhan, iyo reer Gad oo dhan, kuwaasoo ahaa lix boqol oo nin oo Gad ka soo raacday, dhammaantood boqorkii way hor mareen.
Rabshad Baa Yeruusaalem Ka Dhacday, Oo Bawlos Waa La Xidhay
27 Oo kolkii toddobadii maalmood u dhowayd inay dhammaadaan ayaa Yuhuuddii Aasiya ka timid isagii macbudka ku aragtay, markaasay dadkii oo dhan kiciyeen, wayna qabteen isagii, 28 iyagoo qaylinaya oo leh, Nimankii reer binu Israa'iilow, na caawiya. Kanu waa ninka bara dadka oo dhan oo meel kasta jooga inay ka gees noqdaan dadka iyo sharciga iyo meeshan. Weliba wuxuu macbudka keenay dad Gariig ah, meeshan quduuska ahna xaaraan buu ka dhigay. 29 Maxaa yeelay, mar hore waxay magaalada kula arkeen Torofimos oo reer Efesos ahaa, kaasoo ay u maleeyeen in Bawlos macbudka keenay. 30 Markaasaa magaaladii oo dhammu kacday, dadkuna waa isku soo yaacay; kolkaasay Bawlos qabteen oo macbudka ka jiideen; oo markiiba albaabbadii waa la xidhay. 31 Markay damceen inay isagii dilaan ayaa war u yimid sirkaalkii ka sarreeyey ciidankii in Yeruusaalem oo dhan rabshaysan tahay. 32 Markaasuu wuxuu watay askar iyo kuwo boqol askari u taliya, hoos buuna u soo orday; iyaguna, markay arkeen sirkaalkii sare iyo askartii, ayay Bawlos garaacidda ka daayeen. 33 Markaasaa sirkaalkii sare ku soo dhowaaday oo qabtay isagii, oo wuxuu ku amray in lagu xidho laba silsiladood; waana weyddiiyey ninkuu yahay iyo wuxuu sameeyey. 34 Qaar waxay ku qayliyeen wax, qaarna wax kale, dadkii badnaa dhexdiis, oo markuu runtii garan kari waayay rabshaddii aawadeed ayuu ku amray in qalcaddii la geeyo. 35 Oo markii Bawlos sallaankii fuulay, waxaa dhacay in askartii kor u qaadday isagii dadkii badnaa xooggooda aawadiis, 36 waayo, dadkii faraha badnaa waa daba socday, iyagoo qaylinaya oo leh, Naga fogeeya.
Mar Saddexaad Ayaa Ciise Sii Sheegay Dhimashadiisa(A)
32 Waxay ku socdeen jidka xaggii Yeruusaalem, Ciisena waa hor marayay. Wayna yaabeen oo intay daba socdeen way baqeen. Kolkaasuu laba-iyo-tobankii haddana waday oo bilaabay inuu u sheego waxa isaga ku dhici doona, 33 oo wuxuu ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem. Wiilka Aadanaha waxaa loo dhiibi doonaa wadaaddada sare iyo culimmada; oo waxay ku xukumi doonaan dhimasho. Waxayna u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn. 34 Wayna ku kajami doonaan, oo ku tufi doonaan, oo karbaashi doonaan, wayna dili doonaan, saddex maalmood dabadeedna wuu soo sara kici doonaa.
Waxaa La Weyddiistay Derejada Dunida(B)
35 Waxaa u yimid Yooxanaa iyo Yacquub oo ahaa wiilashii Sebedi, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu doonaynaa inaad noo yeeshid wixii aannu weyddiisanno. 36 Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo? 37 Waxay ku yidhaahdeen, Na sii inaannu fadhiisanno mid midigtaada, kii kalena bidixdaada xaggii ammaantaada. 38 Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Garan maysaan waxaad weyddiisanaysaan. Ma karaysaan inaad ka cabtaan koobka aan ku dhowahay inaan ka cabbo, iyo in laydinku baabtiiso baabtiiska laygu baabtiisay? 39 Waxay ku yidhaahdeen, Waannu karaynaa. Markaasaa Ciise ku yidhi, Koobka aan ka cabbayo waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa, 40 laakiin inaad midigtayda iyo bidixdayda fadhiisataan anigu ma lihi inaan idin siiyo, laakiin waxaa la siin doonaa kuwa loo diyaargareeyey.
Weynaanta Runta Ah(C)
41 Tobankii goortay taas maqleen waxay bilaabeen inay Yacquub iyo Yooxanaa u cadhoodaan. 42 Laakiin Ciise baa u yeedhay oo ku yidhi, Idinku waad garanaysaan in kuwa loo malaynayo inay quruumaha madaxdooda yihiin ay u taliyaan, oo kuwooda u waaweynna ay xukun ku leeyihiin. 43 Laakiin sidaasu dhexdiinna ma aha, laakiin ku alla kii doonaya inuu dhexdiinna u weynaado, midiidinkiinna waa inuu ahaado, 44 oo ku alla kii doonaya inuu idiin horreeyo, kulli waa inuu addoon u ahaado. 45 Waayo, Wiilka Aadanahu uma iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya