Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 107:33-108:13

33 Isagu webiyo wuxuu u beddelaa cidlo,
Oo ilo biyo ahna wuxuu u beddelaa dhul oommane ah,
34 Oo dhul barwaaqaysanna wuxuu u beddelaa lamadegaan cusbo leh,
Oo waana kuwa halkaas deggan xumaantooda aawadeed.
35 Cidlada wuxuu u beddelaa balli biyo ah,
Oo dhul engeganna wuxuu u beddelaa ilo biyo ah.
36 Oo halkaasuu kuwa gaajaysan dejiyaa,
Si ay u samaystaan magaalo ay degaan,
37 Oo ay beeraha u abuurtaan, oo ay beero canab ah u beertaan,
Oo ay u helaan midho tiro badan.
38 Oo weliba iyaga wuu barakeeyaa, sidaas daraaddeed aad bay u tarmaan,
Oo weliba uma uu oggolaado in xoolahoodu yaraadaan.
39 Oo haddana way sii dhinmaan, oo waxay la foororsadaan
Dulmi iyo dhib iyo murug.
40 Amiirro wuxuu ku soo daayaa quudhsasho,
Oo wuxuu ka dhigaa inay ku wareegaan cidlada aan jid lahayn.
41 Oo weliba kan baahanna dhibaatada ayuu ka sara mariyaa,
Oo wuxuu u yeelaa qolooyin ah sidii adhi oo kale.
42 Kuwa qummanuna way arki doonaan, wayna ku farxi doonaan,
Oo kolkaas xumaanta oo dhammu afkeeday xidhi doontaa.
43 Ku alla kii caqli lahu wuu dhawri doonaa waxyaalahan,
Oo iyana way ka fiirsan doonaan Rabbiga naxariistiisa.

Kanu waa sabuur gabay ah oo Daa'uud tiriyey.

108 Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya,
Waan gabyi doonaa, haah, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaantayda.
Shareerad iyo kataaradow, toosa,
Aroorta hore waan toosi doonaa.
Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda.
Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda,
Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha.
Ilaahow, samooyinka ka sarree,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,
Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed,
Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab.
Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa,
Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod,
Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh,
Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga,
Yahuudahna waa ushaydii boqornimo.
Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray,
Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa,
Oo Falastiinna waan ku qaylin doonaa.
10 Bal yaa i geeyn doona magaalada deyrka leh?
Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?
11 Ilaahow, sow nama aadan xoorin?
Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.
12 Cadowga naga caawi,
Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.
13 Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonnaa,
Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.

Sabuurradii 33

33 Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku reyreeya,
Waayo, kuwa qumman ammaan baa u habboon.
Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad,
Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.
Gabay cusub isaga ugu gabya,
Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.
Waayo, Rabbiga eraygiisu waa toosan yahay,
Oo shuqulkiisa oo dhanna waxaa lagu sameeyey aaminnimo.
Wuxuu jecel yahay xaqnimo iyo caddaalad,
Dhulka waxaa ka buuxda Rabbiga raxmaddiisa.
Samooyinka waxaa lagu sameeyey Rabbiga eraygiisa,
Oo guutooyinkooda oo dhanna waxaa lagu uumay neefta afkiisa.
Isagu biyaha badda intuu isku ururiyo ayuu wuxuu ka dhigaa sidii taallo oo kale,
Oo moolalka dhaadheerna wuxuu dhex dhigaa maqsinno.
Inta dhulka joogta oo dhammu Rabbiga ha ka cabsadeen,
Inta dunida deggan oo dhammu isaga ha ka baqeen.
Waayo, isagu wuu hadlay, wayna noqotay,
Oo wuu amray, wayna adkaatay.
10 Rabbigu quruumaha taladooda wuu baabbi'iyaa,
Oo dadyowga fikirradoodana wuu buriyaa.
11 Laakiinse Rabbiga taladiisu weligeedba way adkaataa,
Oo fikirrada qalbigiisuna waxay adkaadaan tan iyo ka ab ka ab.
12 Waxaa barakaysan quruunta Ilaaheedu Rabbiga yahay,
Taasoo ah dadka uu isagu u doortay dhaxalkiisa.
13 Rabbigu samaduu wax ka soo fiiriyaa,
Oo wuxuu arkaa binu-aadmiga oo dhan,
14 Oo meesha isaga rugta u ah
Ayuu wuxuu ka soo fiiriyaa kuwa dhulka deggan oo dhan,
15 Waa isaga kan qalbiyadooda oo dhan sameeya,
Oo shuqulladooda oo dhan u wada fiirsada.
16 Ma jiro boqor ku badbaada ciidan weyn,
Ninkii xoog badanuna iskuma samatabbixiyo xoog badan.
17 Faras waa waxmatare in badbaado laysugu halleeyo,
Oo weliba ninnaba kuma samatabbixiyo xooggiisa badan.
18 Bal eega, Rabbiga ishiisu waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada,
Waana kuwa naxariistiisa rajeeya,
19 Inuu naftooda dhimashada ka samatabbixiyo,
Iyo inuu wakhtiga abaartaa sii nooleeyo iyaga.
20 Nafteennu waxay sugtay Rabbiga,
Waayo, isagu wuxuu inoo yahay caawimaad iyo gaashaan.
21 Haddaba qalbigeennu isaguu ku rayrayn doonaa,
Maxaa yeelay, innagu waxaynu isku halleeynay magiciisa quduuska ah.
22 Rabbiyow, naxariistaadu ha noogu soo degto,
Sidii aannu kaa rajaynay.

Samuu'eel Kowaad 9:15-10:1

15 Haddaba Rabbigu wax buu Samuu'eel u muujiyey maalin ka horraysay intaan Saa'uul iman, oo wuxuu ku yidhi, 16 Berri haddaa oo kale waxaan kuu soo dirayaa nin ka yimid dalka reer Benyaamiin, haddaba waa inaad isaga subagtaa inuu amiir u ahaado dadkayga reer binu Israa'iil, oo isna wuxuu dadkayga ka badbaadin doonaa gacanta reer Falastiin, waayo, anigu waxaan soo dhugtay dadkayga, maxaa yeelay, oohintoodii baa i soo gaadhay. 17 Oo Samuu'eelna wuxuu arkay Saa'uul, Rabbiguna wuxuu isaga ku yidhi, Bal eeg, waa kaas ninkii aan kuu sheegay! Kan qudhiisa ayaa dadkayga u talin doona. 18 Markaasaa Saa'uul u soo dhowaaday Samuu'eel oo iridda jooga, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii sheeg wax arkaha gurigiisu meeshuu yahay. 19 Oo Samuu'eelna wuu u jawaabay Saa'uul oo ku yidhi, Wax arkuhu waa aniga, meesha sare hortay taga, waayo, idinku maanta anigaad wax ila cunaysaan, oo subaxdiina waan ku dirayaa, oo kulli waxa qalbigaaga ku jira oo dhanna waan kuu sheegi doonaa. 20 Oo dameerahaaga saddex maalmood hortood kaa lumayna ha ka fikirin innaba, waayo, waa la helay. Bal yaa reer binu Israa'iil dhexdooda laga wada jeclaadaa? Sow ma aha adiga iyo reerka aabbahaa oo dhanba? 21 Markaasaa Saa'uul u jawaabay oo ku yidhi, War sow anigu ma ahi reer Benyaamiin oo u wada yar qabiilooyinka reer binu Israa'iil? Oo weliba jilibkaygu sow ugama sii yara qabiilka reer Benyaamiin jilibyadiisa? Haddaba maxaad sidan iigula hadlaysaa? 22 Markaasaa Samuu'eel wuxuu kexeeyey Saa'uul iyo midiidinkiisii, oo wuxuu keenay qolkii martida, wuxuuna fadhiisiyey kuwii loo yeedhay dhexdooda meeshii ugu wacnayd, oo kuwii loo yeedhayna waxay ahaayeen in soddon qof ku dhow. 23 Markaasaa Samuu'eel wuxuu cuntokariyihii ku yidhi, Qaybtii aan kuu dhiibay ee aan kugu idhi, Adigu ii hay, bal la kaalay. 24 Markaasaa cuntokariyihii wuxuu soo qaaday garabkii iyo wixii ku yiilba, oo wuxuu hor dhigay Saa'uul. Oo Samuu'eelna wuxuu yidhi, Bal eeg wixii laguu kaydiyey, haddaba hortaada dhigo oo cun, waayo, waa laguu hayay ilaa wakhtigii la qawimay, oo anigu waxaan idhi, Dadka waan marti qaaday. Markaasuu Saa'uul maalintaas wax la cunay Samuu'eel. 25 Oo markay ka soo degeen meeshii sare, oo ay magaaladii soo galeen, wuxuu Saa'uul kula sheekaystay guri dushiis. 26 Oo waxay kaceen aroor hore, oo markii waagu soo kaahay, Samuu'eel ayaa Saa'uul gurigii dushiisa uga yeedhay, oo ku yidhi, Kac aan ku diree. Markaasaa Saa'uul kacay, oo isaga iyo Samuu'eelba dibadday u baxeen. 27 Oo markay ka sii dhaadhacayeen magaalada darafkeeda, Samuu'eel ayaa Saa'uul ku yidhi, Midiidinka u sheeg inuu inaga sii hor maro, (markaasuu isna ka hor maray,) laakiinse adigu istaag haatan, aan erayga Ilaah ku maqashiiyee.

10 Markaasaa Samuu'eel wuxuu qaaday weel saliid ah, kolkaasuu madaxiisii ku shubay, oo intuu dhunkaday ayuu yidhi, Sow Rabbigu kuuma subkin inaad amiir u ahaatid dhaxalkiisa?

Falimaha Rasuullada 7:30-43

30 Markii afartan sannadood dhammaatay dabadeed ayaa waxaa isagii Buur Siinay cidladeedii uga muuqatay malaa'ig ku dhex jirta geed dab ka ololayo. 31 Oo markii Muuse arkay ayuu wuxuu arkay la yaabay, oo intuu u soo dhowaanayay inuu arko, ayaa waxaa u yimid codkii Rabbiga oo leh, 32 Anigu waxaan ahay Ilaaha awowayaashaa, Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub. Markaasaa Muuse gariiray oo ku dhici waayay inuu eego. 33 Markaasaa Rabbigu isaga ku yidhi, Kabaha cagahaaga ka furfur; maxaa yeelay, meesha aad ku taagan tahay waa dhul quduus ah. 34 Dadkayga Masar jooga rafaadkooda waan arkay, taahoodana waan maqlay, oo waxaan u imid inaan samatabbixiyo; haddaba kaalay, Masar baan kuu diri doonaaye. 35 Muusahakan ay diideen oo ku yidhaahdeen, Yaa kaa dhigay taliye iyo xaakin? Isagaa Ilaah ugu soo diray gacanta malaa'igtii geedka uga soo muuqatay inuu ahaado taliye iyo samatabbixiye. 36 Kanaa iyaga Masar ka soo saaray, oo yaabab iyo calaamooyin ku sameeyey Masar, iyo Badda Cas, iyo cidlada afartan sannadood. 37 Kanu waa Muusihii ku yidhi reer binu Israa'iil, Ilaah wuxuu walaalihiin idiinka dhex kicin doonaa nebi sidayda oo kale. 38 Kanu waa kii ku dhex jiray kiniisaddii cidlada oo la jiray malaa'igtii isaga kala hadashay Buur Siinay iyo awowayaasheen, kii la siiyey hadallada nool inuu ina siiyo.

39 Isaga awowayaasheen ma ay doonaynin inay addeecaan, laakiin intay iska riixeen ayay qalbigooda geliyeen inay Masar dib ugu jeestaan, 40 oo waxay Haaruun ku yidhaahdeen, Inoo samee ilaahyo ina hor socda; maxaa yeelay, Muusihii inaga soo kaxeeyey dhulka Masar garan mayno waxa ku dhacay. 41 Markaasay waxay wakhtigaas sameeyeen weyl, oo sanamkii waxay u keeneen allabari, oo waxay ku farxeen shuqulkii gacmahoodu sameeyeen. 42 Laakiin Ilaah baa ka jeestay, oo wuxuu faraha uga qaaday inay u adeegaan guutada samada; sida ay ugu qoran tahay kitaabka nebiyada,

Bal reer binu Israa'iilow, afartankii sannadood oo aad cidlada joogteen,
Ma anigaad i siiseen xoolo qalan iyo allabaryo?
43 Weliba waxaad qaadateen taambuuggii Molokh
Iyo xiddigtii ilaaha Remfan,
Oo ah waxyaalihii aad u samaysateen inaad caabuddaan.
Haddaba waxaan idiin kaxayn doonaa Baabuloon shishadeeda.

Luukos 22:39-51

Ciise Wuxuu Ku Tukaday Beer Getsemane(A)

39 Markaasuu baxay oo Buur Saytuun tegey sidii caadadiisu ahayd, xertiina waa raacday. 40 Markuu meeshii joogay ayuu ku yidhi, Tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. 41 Markaasuu intii dhagax la tuuro ka durkay, wuuna jilba joogsaday oo tukaday, 42 isagoo leh, Aabbow, haddaad doonaysid, koobkan iga fogee, hase ahaatee, doonistaydu yaanay noqon, taaduse ha noqoto. 43 Markaasaa waxaa samada kaga muuqatay malaa'ig isaga xoogaynaysa. 44 Isagoo aad u xanuunsan ayuu dadaal ku tukaday, dhididkiisuna wuxuu noqday sida dhibicyo dhiig ah oo dhulka ku dhacaya. 45 Goortuu tukashadiisii ka soo kacay, ayuu xertii u yimid oo wuxuu arkay iyagoo caloolxumo la hurda. 46 Markaasuu ku yidhi, Maxaad u huruddaan? Kaca oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.

Ciise Waa La Qabtay(B)

47 Intuu weli hadlayay, bal eeg, waxaa yimid dad badan, oo kii Yuudas la odhan jiray oo laba-iyo-tobanka ka mid ahaa ayaa hortooda socday. Wuxuuna u soo dhowaaday Ciise inuu dhunkado. 48 Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Yuudasow, ma waxaad Wiilka Aadanaha ku gacangelinaysaa dhunkasho? 49 Kuwii ag joogay goortay garteen waxa dhici doona, waxay yidhaahdeen, Sayidow, seef miyaannu ku dhufannaa? 50 Markaasaa midkood wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dhegta midigta ka gooyay. 51 Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Sii daaya. Markaasuu dhegtiisa taabtay oo bogsiiyey.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya