Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Shoshanniim.
69 Ilaahow, i badbaadi,
Waayo, biyaa naftii ii keenay.
2 Waxaan ku dhex liimbadaa dhoobo mool dheer oo aan lahayn meel laysku taago,
Waxaan ku dhacay biyo mool dheer, oo daad baa halkaas igu qarqinaya.
3 Waxaan ku daalay qayladaydii, oo hungurigaygu waa qallalay,
Oo intii aan Ilaahay sugayo ayay indhahaygu dem yidhaahdaan.
4 Kuwa sababla'aanta ii nebcaadaa way ka sii badan yihiin timaha madaxayga,
Kuwa doonaya inay i baabbi'iyaan iyagoo cadaawayaashayda gardarro igu ah waa xoog badan yihiin,
Markaasaan magdhabay wax aanan qaadan.
5 Ilaahow, waad og tahay nacasnimadayda,
Oo dembiyadayduna kaama qarsoona.
6 Sayidow, Ilaaha ciidammadow, kuwa ku sugaya yaanan ceeb u soo jiidin,
Ilaaha reer binu Israa'iilow, kuwa ku doondoonaya yaanan sharafjab u soo jiidin.
7 Maxaa yeelay, adiga daraaddaa ayaan cay u qaaday,
Oo waxaa wejigaygii ka muuqatay ceeb.
8 Waxaan walaalahay u noqday shisheeye,
Oo ilma hooyadayna waxaan u noqday ajanabi.
9 Qiiradii aan gurigaaga u qabay ayaa i gubtay,
Oo caydii kuwii ku caayay ayaa igu kor dhacday.
10 Markaan ooyay, oo aan naftayda soon ku edbiyey,
Taasu waxay igu noqotay ceeb.
11 Markaan joonyado dhar ka dhigtayna,
Waxaan iyagii u noqday masaal.
12 Kuwa iridda fadhfadhiyaa way igu sheekaystaan,
Oo kuwa sakhraanka ahuna way igu gabyaan.
13 Laakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow,
Ilaahow, naxariistaada badan
Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab.
14 Dhoobada iga samatabbixi, oo yaanan ku liimban,
Oo ha layga samatabbixiyo kuwa i neceb, iyo biyaha moolka dheer.
15 Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin,
Oo yaan moolku i liqin,
Oo yamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan.
16 Rabbiyow, ii jawaab, waayo, raxmaddaadu waa wanaagsan tahay,
Naxariistaada badnaanteeda aawadeed iigu soo jeeso.
17 Oo wejigaaga ha iga qarin anoo addoonkaaga ah,
Waayo, waan dhibaataysnahay, ee haddiiba ii jawaab.
18 Naftayda u soo dhowow, oo furo,
Oo cadaawayaashayda daraaddood ii samatabbixi.
19 Waad og tahay caydayda iyo ceebtayda iyo sharafdarradayda,
Oo cadaawayaashayda oo dhammu hortaaday joogaan.
20 Cay baa i qalbi jebisay, waanan quusanayaa,
Oo waxaan doondoonay mid ii jixinjixa, laakiinse waan waayay,
Oo waxaan doondoonay kuwo i qalbi qaboojiya, laakiinse ma aanan helin.
21 Oo weliba waxay cunto ahaan ii siiyeen xammeeti,
Oo markaan harraadsanaana waxay i cabsiiyeen khal.
22 Miiskoodu hortooda ha ku noqdo dabin,
Oo markay nabdoon yihiinna shirqool ha ku noqdo.
23 Indhahoodu ha madoobaadeen si aanay waxba u arkin,
Oo simahooduna had iyo goorba ha gariireen.
24 Xanaaqaaga iyaga ku deji,
Oo cadhadaada kulaylkeeduna ha qabsado.
25 Gurigoodu cidla ha noqdo,
Ninnana yaanu teendhooyinkooda degin,
26 Waayo, iyagu waxay silciyaan kii aad dishay,
Oo waxay ka sheekeeyaan kuwaad dhaawacday murugtooda.
27 Xumaantooda xumaan ugu sii dar,
Oo yaanay xaqnimadaada soo gelin.
28 Magacooda ha laga tirtiro kitaabka kuwa nool,
Oo yaan iyaga lala qorin kuwa xaqa ah.
29 Laakiinse anigu miskiin baan ahay, waanan murug badnahay,
Ilaahow, badbaadintaadu meel sare ha i saarto.
30 Rabbiga magiciisa ayaan gabay ku ammaani doonaa,
Oo waxaan isaga ku weynayn doonaa mahadnaqid.
31 Oo taasuna Rabbiga way ka farxin doontaa in ka sii wanaagsan intii uu ku farxi lahaa dibi,
Ama dibi sange ah oo geeso iyo qoobab leh.
32 Kuwa camal qabow way arkeen, waana faraxsan yihiin,
Kuwiinna Ilaah doondoonow, qalbigiinnu ha noolaado.
33 Waayo, Rabbigu wuu maqlaa kuwa baahan,
Oo maxaabiistiisana ma uu quudhsado.
34 Samada, iyo dhulka, iyo badaha,
Iyo waxa ku dhex dhaqaaqa oo dhammuba isaga ha ammaaneen.
35 Waayo, Ilaah Siyoon wuu badbaadin doonaa, oo magaalooyinka reer Yahuudahna wuu dhisi doonaa,
Oo iyana halkaasay degi doonaan, oo hanti ahaan bay u lahaan doonaan.
36 Oo weliba waxaa halkaas dhaxli doona farcanka addoommadiisa,
Oo kuwa magiciisa jecelna way dhex degganaan doonaan.
Kitaabka Saddexaad
Sabuurrada 73-89
Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.
73 Hubaal Ilaah waa u roon yahay reer binu Israa'iil,
Iyo xataa kuwa qalbigoodu daahirka yahay.
2 Laakiinse anigu waan turunturoon gaadhay,
Oo tallaabooyinkayguna waxay u dhowaadeen inay simbiriirixdaan.
3 Waayo, waxaan ka hinaasay kuwa qabka weyn,
Markaan arkay barwaaqada ay kuwa sharka lahu haystaan.
4 Waayo, geeridoodu xanuun ma leh,
Laakiinse xooggoodu waa adag yahay.
5 Iyagu dhib kuma jiraan sida dadka kale,
Oo sida dadka kalena uma belaayaysna.
6 Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan,
Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin.
7 Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin,
Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.
8 Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan,
Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya.
9 Afkoodii waxay gaadhsiiyeen samooyinka,
Oo carrabkooduna wuxuu dhex maraa dhulka oo dhan.
10 Sidaas daraaddeed dadkiisii halkanay ku soo noqdaan,
Oo koob biyo ka buuxa ayay madhsadeen.
11 Oo waxay yidhaahdaan, Ilaah sidee buu wax u yaqaan?
Kan ugu sarreeyana aqoonu ma ku jirtaa?
12 Bal eeg, kuwanu waa kuwa sharka leh,
Oo mar kasta iyagoo istareexsan ayay hodantinimadoodu sii korodhaa.
13 Hubaal wax aan micne lahayn ayaan qalbigaygii ku nadiifshay,
Oo aan ku faraxashay anigoo aan eed lahayn,
14 Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay,
Oo subax kastana waa lay edbinayay.
15 Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa,
Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.
16 Markaan ku fikiray si aan tan ku ogaado,
Aad bay iigu xanuun badnayd,
17 Ilaa aan galay meesha quduuska ah ee Ilaah,
Oo aan ka fiirsaday ugudambaystooda.
18 Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah,
Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baabba'aan.
19 Sidee bay daqiiqad ugu noqdeen meel cidla ah!
Dhammaantood waxay ku baabba'een cabsi.
20 Sayidow, sidii mid riyo ka toosay
Markaad toostid, waxaad quudhsan doontaa ekaantooda.
21 Waayo, qalbigaygu wuu murugooday,
Oo waxaa layga muday kelyaha,
22 Waxaan ahaa doqon iyo jaahil,
Oo hortaada waxaan ku ahaa sidii xoolo oo kale.
23 Habase yeeshee had iyo goorba waan kula joogaa,
Oo waxaad i qabatay gacanta midig.
24 Waxaad igu hoggaamin doontaa taladaada,
Oo dabadeedna waxaad igu dhowayn doontaa ammaanta.
25 Bal, yaan samada ku leeyahay adiga mooyaane?
Oo dhulkana laguma arko mid aan kaa jeclahay.
26 Jiidhkayga iyo qalbigayguba waa itaal darnaadeen,
Laakiinse Ilaah wuxuu weligiis ii yahay xooggii qalbigayga iyo qaybtayda.
27 Waayo, bal eeg, kuwa kaa fogu way halligmi doonaan,
Oo waad wada baabbi'isay kuwii kaa caasiyoobay oo dhan.
28 Laakiinse aniga waxaa ii roon inaan Ilaah u soo dhowaado,
Waayo, Sayidka Ilaahaa waxaan ka dhigtay magangalkayga,
Inaan ka sheekeeyo shuqulladaada oo dhan.
Bawlos Faankiisii
11 Doqon baan noqday; idinkaase igu qasbay. Waxay ahayd inaad i ammaantaan, waayo, sinaba ugama aan liidan rasuulladii ugu wada waaweynaa, in kastoo aanan waxba ahayn. 12 Hubaal rasuul calaamooyinkiis ayaa si dulqaad leh laydiinka dhex sameeyey xagga calaamooyin iyo yaabab iyo shuqullo xoog leh. 13 Maxaa idinka dhiman oo aad uga liidataan kiniisadaha kale, anigoo aan idin culaysin mooyaane? Xumaantan aawadeed iga raalli ahaada.
14 Markan waa markii saddexaad oo aan diyaar u ahay inaan idiin imaado; oo idinma culaysin doono, maxaa yeelay, idinkaan idin doonayaa ee ma doonayo wixiinna; waayo, ma aha inay carruurtu waalidkood wax u kaydiso, laakiin waa inuu waalidku carruurta wax u kaydiyo. 15 Anna si farxad leh ayaan isu bixin, naftiinnaanan isu bixin. Haddii aan aad idiin jeclahay, ma si ka yar baa lay jecel yahay? 16 Hase ahaatee, anigu idinma aan culaysin, laakiin khaa'in baan noqday oo sir baan idinku qabtay. 17 Miyaan faa'iido ahaan wax idiinkaga qaatay kuwii aan idiin soo diray midkoodna? 18 Tiitos waan waaniyey, walaalkeenna waan la diray isagii. Tiitos miyuu faa'iido ahaan wax idiinkaga qaatay? Miyaannan isku ruux ku socon? Miyaannan isku tallaabooyin ku socon?
19 Haatan waxaad u malaynaysaan inaannu iska kiin daafacayno. Ilaah hortiisa waxaannu u hadlaynaa sida kuwo Masiix, oo gacaliyayaalow, wax kastaba waxaannu u samaynaa si aad u dhisantaan. 20 Waayo, waxaan ka cabsanayaa in, kolkaan imaado, aan idinka waayo sidaan doonayo inaad ahaataan, idinna aad iga weydaan sidaad doonaysaan inaan ahaado, waaba intaasoo ay jiraan dirir, iyo masayr, iyo xanaaq, iyo iskala qaybqaybin, iyo cay, iyo xan, iyo qabweynaan, iyo rabshooyin; 21 waaba intaasoo kolkaan mar kale imaado uu Ilaahay hortiinna igu hoosaysiiyaa, oo aan u baroortaa kuwo badan oo hadda ka hor dembaabay, oo aan ka toobadkeenin wasakhnimadii iyo sinadii iyo nejisnimadii ay faleen.
Ciise Waa U Ooyay Yeruusaalem
41 Oo markuu ku soo dhowaaday, ayuu magaalada arkay oo u ooyay, 42 isagoo leh, Adigu haddii aad maalintan garan lahayd waxa nabad ah! Laakiin hadda waa laga qariyey indhahaaga. 43 Waayo, maalmuhu way kuu iman doonaan markii cadowyadaadu ay xaggaaga dhufays u soo qodan doonaan, oo ay kugu wareegi doonaan oo ay dhinac walba kaa celin doonaan. 44 Way ku dumin doonaan, adiga iyo carruurtaada kugu jirta, oo kuguma dayn doonaan dhagax dhagax dul saaran, waayo, waad garan weyday wakhtigii booqashadaada.
Ciise Macbudkuu Nadiifiyey(A)
45 Wuxuu galay macbudka oo bilaabay inuu ka eryo kuwii wax ku iibinayay, 46 isagoo ku leh, Waa qoran tahay, Gurigaygu wuxuu ahaan doonaa guriga tukashada, laakiin idinku waxaad ka dhigteen god tuugo.
47 Maalin walba ayuu macbudka ku jiri jiray isagoo wax baraya; laakiin wadaaddada sare iyo culimmada iyo madaxda dadku waxay dooneen inay dilaan, 48 oo ay waayeen waxay ku sameeyaan, waayo, dadka oo dhan ayaa aad u dhegaysanayay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya