Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
26 Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda,
Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.
2 Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi,
Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh.
3 Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda,
Oo waxaan ku socday runtaada.
4 Lama aan fadhiisan waxmatarayaal,
Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo.
5 Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha,
Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo.
6 Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta,
Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,
7 Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo,
Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
8 Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay,
Iyo meesha ammaantaadu joogto.
9 Naftayda ha la ururin dembilayaal,
Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,
10 Gacmahooda belaayadu ku jirto,
Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.
11 Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda,
Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.
12 Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman,
Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
28 Rabbiyow, adigaan kuu qayshan doonaa,
Dhagaxayga weynow, ha iska kay dhega tirin,
Waaba intaas oo haddaad iga aamusto,
Aan noqdaa sida kuwa yamayska hoos ugu dhaadhaca.
2 Maqal codka baryootankayga markaan kuu qayshado,
Oo aan gacmahayga u soo taago xagga meeshaada quduuska ah.
3 Ha ila jiidin kuwa sharka leh,
Iyo xumaanfalayaasha
Oo deriskooda nabadda kula hadla,
Laakiinse belaayadu qalbigooda ku jirto.
4 Iyaga u abaalmari sida shuqulkoodu yahay, iyo sida ay xumaanta falimahoodu tahay,
Iyaga u abaalmari sida shuqulka gacmahoodu yahay,
Oo waxa ay galabsadaan sii.
5 Iyaga wuu dumin doonaa, mana uu dhisi doono mar dambe,
Maxaa yeelay, kama ay fikirin Rabbiga shuqulladiisii
Iyo hawshii gacmihiisa toona.
6 Mahad waxaa leh Rabbiga,
Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.
7 Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga,
Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey,
Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey,
Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.
8 Rabbigu wuxuu dadkiisa u yahay xoog,
Oo kiisa subkanna wuxuu u yahay qalcad lagu badbaado.
9 Dadkaaga badbaadi, oo dhaxalkaagana barakee,
Oo weliba quudi, oo weligaaba kor u hay.
Kanu waa sabuur uu Daa'uud oo ahaa addoonkii Rabbiga u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
36 Kii shar leh xadgudubkiisu wuxuu qalbigiisa ka yidhaahdaa,
Ilaah ka cabsashadiisu indhahayga ma hor taal.
2 Waayo, wuu isfaaniyaa inaan dembigiisa la garan karin
Oo aan la nebcaanayn.
3 Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano,
Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.
4 Wuxuu sariirtiisa ku hindisaa xumaan,
Oo wuxuu joogsadaa jid aan wanaagsanayn,
Oo weliba sharka ma naco.
5 Rabbiyow, raxmaddaadu samooyinkay ku jirtaa,
Aaminnimadaaduna daruurahay gaadhaa.
6 Xaqnimadaadu waa sida buuraha Ilaah,
Oo xukummadaaduna waa mool dheer,
Rabbiyow, waxaad nabad gelisaa dadka iyo duunyadaba.
7 Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa!
Oo binu-aadmiguna wuxuu magangalaa hooska baalashaada.
8 Aad bay uga dhergi doonaan barwaaqada gurigaaga,
Oo waxaad iyaga ka waraabin doontaa webiga farxaddaada.
9 Waayo, isha noloshu aday kula jirtaa,
Oo iftiinkaagaannu iftiin ku aragnaa.
10 Raxmaddaada ugu sii wad kuwa ku yaqaan,
Oo xaqnimadaadana kuwa qalbigoodu qumman yahay.
11 Cagta kuwa kibirsan yaanay ii iman,
Oo kuwa sharka leh gacantooduna yaanay i eryin.
12 Xumaanfalayaashu halkaasay ku dhaceen,
Iyaga hoos baa loo riday, oo mana ay kari doonaan inay mar dambe soo kacaan.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey Yeduutuun oo ahaa madaxdii muusikaystayaasha.
39 Waxaan idhi, Jidadkaygaan iska jiri doonaa,
Si aanan carrabkayga ugu dembaabin,
Oo afkayga waxaan ku qaban doonaa xakame inta kii shar lahu i hor joogo.
2 Waan carrab beelay oo shib baan iska idhi, oo waan ka aamusay xataa wixii wanaagsanaa,
Tiiraanyadaydiina waa kacday.
3 Qalbigaygu uurkayguu ku kululaaday,
Oo intii aan fikirayay ayaa dabkii shidmay,
Markaasaan carrabkaygii ku hadlay, oo idhi,
4 Rabbiyow, i ogaysii ugu dambaystayda
Iyo cimrigayga dhererkiisu intuu yahay,
Oo i ogaysii inta tabardarradaydu tahay.
5 Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed
Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha,
Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash. (Selaah)
6 Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah,
Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah,
Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.
7 Haddaba Sayidow, bal maxaan sugaa?
Waayo, rajadaydu adigay kugu xidhan tahay.
8 Xadgudubyadayda oo dhan iga samatabbixi,
Oo ha iga dhigin mid nacasyadu caayaan.
9 Anigu waan carrab la'aa, oo afkaygana ma aan kala qaadin,
Maxaa yeelay, sidaasaad yeeshay.
10 Haddaba belaayadaada iga durki,
Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.
11 Markaad dadka canaanta ku edbisid xumaanta daraaddeed,
Waxaad quruxdiisa ka dhigtaa inay u baabba'do sidii balanbaallis oo kale,
Hubaal nin kastaaba waa bilaash. (Selaah)
12 Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig,
Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin,
Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga
Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.
13 Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee,
Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.
Riyadii Oo Rumowday
28 Waxyaalahan oo dhammu waxay ku dheceen Boqor Nebukadnesar. 29 Laba iyo toban bilood dabadoodna wuxuu dhex socday gurigii boqornimada ee reer Baabuloon. 30 Markaasaa boqorkii hadlay oo yidhi, Sow tanu ma aha Baabuloontii weynayd, oo aan u dhisay meel boqornimadu rug u leedahay, oo aan ammaanta weynaantayda ugu dhisay xoogga itaalkayga? 31 Intii hadalkaasu weli boqorka afkiisii ku jiray ayaa cod samada ka dhawaaqay, oo yidhi, Boqor Nebukadnesarow, adaa lagula hadlayaa, boqortooyadii waa kaa tagtay. 32 Oo dadka waa lagaa eryi doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo waxaa lagaa dhigi doonaa inaad doog u cunto sidii dibi, toddoba wakhtina way ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo. 33 Oo isla saacaddiiba waxyaalihii waa ku dheceen Nebukadnesar; kolkaasaa dadkii laga eryay, sidii dibina doog buu u cunay, jidhkiisiina waxaa qoyay dharabkii samada, ilaa ay timihiisii u bexeen sida baalal gorgor, ciddiyihiisiina sida ciddiyo haadeed. 34 Oo markii wakhtigii dhammaaday ayaan anigoo ah Nebukadnesar indhaha kor u taagay, waxgarashadaydiina way ii soo noqotay, markaasaan ku mahadnaqay Ka ugu Sarreeya, waanan ammaanay oo ciseeyey kan weligiis nool; waayo, dowladnimadiisu waa dowladnimo aan weligeed dhammaanayn, boqortooyadiisuna waxay raagtaa fac ilaa fac; 35 oo kuwa dhulka deggan oo dhammu isaga lama simna, siduu doono ayuu ciidanka samada iyo dadka dhulka degganba ka yeelaa; mana jiro mid gacantiisa joojin karaa ama ku odhan karaa, Maxaad samaynaysaa? 36 Isla markiiba waxgarashadaydii way ii soo noqotay; oo ammaanta boqortooyadayda aawadeed ayaa weynaantaydii iyo dhalaalkaygii iigu soo noqdeen; markaasay waaniyayaashaydii iyo saraakiishaydii i doondooneen, oo boqortooyadaydii baa la ii dhisay, oo derejo aad u weyn baa la iigu daray. 37 Haatan anigoo ah Nebukadnesar waxaan ammaanayaa oo sarraysiinayaa, oo cisaynayaa Boqorka samada, waayo, shuqulladiisa oo dhammu waa run, jidadkiisuna waa xaq; oo kuwa kibirka ku socdana isagaa kara inuu hoosaysiiyo.
Ilaah Waa Jacayl
7 Gacaliyayaalow, aynu isjeclaanno; waayo, Ilaah baa leh jacaylka; oo mid walba oo jecel, wuxuu ka dhashay Ilaah, Ilaah buuna yaqaan. 8 Oo ka aan jeclaynina Ilaah ma yaqaan; waayo, Ilaah waa jacayl. 9 Ilaah baa Wiilkiisa keliya oo dhashay dunida u soo diray si aynu ugu noolaanno isaga, oo taasaa jacaylka Ilaah laynoogu muujiyey. 10 Oo taas jacayl baa ku jira, mana aha inaynu Ilaah jeclayn, laakiinse isagaa ina jeclaaday, oo wuxuu Wiilkiisa u soo diray si uu kafaaraggudka dembiyadeenna u noqdo. 11 Gacaliyayaalow, haddii Ilaah sidaa inoo jeclaaday, waa inaynu isjeclaanno. 12 Cidina Ilaah ma arkin marnaba. Haddii aynu isjeclaanno, Ilaah wuu inagu jiraa, oo jacaylkiisu wuu inagu dhan yahay.
13 Ruuxiisuu ina siiyey oo taasaynu ku garanaynaa inaynu ku sii jirno isaga, isaguna inagu sii jiro. 14 Innagu waynu aragnay oo waxaynu markhaati u furaynaa in Aabbuhu Wiilka soo diray si uu Badbaadiyaha dunida u noqdo. 15 Ku alla kii qirta inuu Ciise yahay Wiilka Ilaah, Ilaah baa ku sii jira isaga, isaguna wuu ku sii jiraa Ilaah. 16 Oo innaguna waan garanaynaa oo waan rumaysan nahay jacaylka Ilaah inoo qabo. Ilaah waa jacayl; oo kii ku sii jiraa jacaylka, Ilaah buu ku sii jiraa, Ilaahna isaguu ku sii jiraa. 17 Taasaa jacaylku kaamil inoogu noqday si aynu kalsoonaan u lahaanno maalinta xisaabta; maxaa yeelay, siduu isagu yahay ayaynu innaguna dunidan ku nahay. 18 Jacaylku baqdin ma leh, laakiin jacaylka kaamilka ahi baqdinta dibadduu u saaraa, waayo, baqdintu ciqaab bay leedahay. Oo kii baqaana kaamil kuma noqdo jacaylka.
19 Waynu jecel nahay isaga, waayo, isagaa hore inoo jeclaaday. 20 Haddii qof yidhaahdo, Ilaah waan jeclahay, oo uu walaalkiis neceb yahay, waa beenaaleh, maxaa yeelay, kan aan jeclayn walaalkii uu arko sidee buu u jeclaan karaa Ilaaha uusan arag? 21 Oo waxaynu isaga ka haysannaa qaynuunkan, kaas oo ah, Kii Ilaah jecel, walaalkiina ha jeclaado.
Jinnoolihii La Bogsiiyey(A)
31 Wuxuuna u degay Kafarna'um oo magaalada Galili ah. Oo maalmihii sabtida ayuu dadka wax barayay. 32 Waxbariddiisiina way la yaabeen, waayo, hadalkiisu amar buu lahaa. 33 Waxaana sunagogga joogay nin jinni wasakh leh qaba. Cod weyn ayuu ku qayliyey, oo wuxuu yidhi, 34 Na daa! Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabbi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay, Kan Quduuska ah ee Ilaah. 35 Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. Jinniguna goortuu ninkii dhexda ku tuuray ayuu ka soo baxay, waxbana ma uu yeelin. 36 Yaab weyn ayaa ku wada dhacay; wayna isla wada hadleen oo yidhaahdeen, Waa maxay hadalkan? waayo, jinniyada wasakhda leh ayuu amar iyo xoog ku xukumaa, wayna ka baxaan. 37 Meel kasta oo dalka ku wareegsan ayaa warka isaga ku saabsan gaadhay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya