Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 146-149

146 Rabbiga ammaana.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Intaan noolahay oo dhan Rabbiga waan ammaani doonaa,
Oo ammaan baan Ilaahay ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
Ha isku hallaynina amiirrada
Iyo binu-aadmiga aan waxba caawimi karin.
Naftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii.
Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baabba'aan.
Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub,
Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,
Oo sameeyey cirka iyo dhulka,
Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,
Oo runtana dhawra weligiisba,
Oo kuwa la dulmay u garsoora,
Oo kuwa gaajaysanna quud siiya.
Rabbigu maxaabiistuu furaa.
Rabbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha,
Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya,
Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.
Rabbigu waa ilaaliyaa kuwa qariibka ah,
Oo isagaa taageera agoonta iyo carmallada,
Laakiinse jidka kuwa sharka leh wuu qalloociyaa.
10 Rabbigu xukun buu haysan doonaa weligiis,
Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab.
Rabbiga ammaana.

147 Rabbiga ammaana.
Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo,
Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.
Rabbigu Yeruusaalem buu dhisaa,
Oo wuxuu isu soo wada ururiyaa kuwa la naco oo reer binu Israa'iil ah.
Isagaa bogsiiya kuwa qalbi jabay,
Oo nabrahoodana wuu duubaa.
Wuxuu sheegaa xiddigaha tiradooda,
Oo kulligoodna magacyo buu u bixiyaa.
Sayidkeennu waa weyn yahay, wuuna xoog badan yahay,
Waxgarashadiisuna waa mid aan la koobi karayn.
Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow,
Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa.
Rabbiga mahadnaqid ugu gabya,
Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,
Kaasoo samada daruuro ku qariya,
Oo dhulka roob u diyaarsha,
Buurahana doog ka soo bixiya.
Wuxuu quud siiyaa xayawaanka,
Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.
10 Isagu kuma farxo xoogga faraska,
Oo kuma reyreeyo lugaha dadka.
11 Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada,
Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.
12 Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan,
Siyoonay, Ilaahaaga ammaan.
13 Waayo, wuxuu xoogeeyey qataarrada irdahaaga,
Carruurtaadana wuu kugu dhex barakeeyey.
14 Soohdimahaaga nabad buu ka dhigaa,
Oo wuxuu kaa dhergiyaa sarreenka ugu wanaagsan.
15 Amarkiisa wuxuu u soo diraa dhulka,
Eraygiisuna aad buu u dheereeyaa.
16 Baraf cad wuxuu u soo daadshaa sida dhogor oo kale,
Sayax barafoobayna wuxuu u kala firdhiyaa sida dambas oo kale.
17 Barafkiisa wuxuu u soo ridaa sida jajab oo kale,
Bal yaa qabowgiisa hor istaagi kara?
18 Wuxuu soo diraa eraygiisa, oo wuu dhalaaliyaa iyaga,
Dabayshiisana wuxuu ka dhigaa inay dhacdo, biyuhuna way qulqulaan.
19 Eraygiisa wuxuu tusaa reer Yacquub,
Qaynuunnadiisa iyo xukummadiisana reer binu Israa'iil.
20 Quruunna sidaas oo kale uma uu samayn.
Xukummadiisiina ma ay garanaynin,
Rabbiga ammaana.

148 Rabbiga ammaana.
Rabbiga samooyinka ka ammaana,
Meelaha sarsarena ka ammaana.
Malaa'igihiisa oo dhammow, ammaana isaga,
Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga.
Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga,
Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.
Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow,
Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow.
Iyagu magaca Rabbiga ha ammaaneen,
Waayo, isagu wuu amray, oo iyana way abuurmeen.
Oo weliba isagaa adkeeyey iyaga weligood iyo weligoodba,
Oo wuxuu sameeyey xad aan la gudbi doonayn.
Rabbiga dhulka ka ammaana,
Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow,
Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow,
Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow,
Buuro iyo kuro oo dhammow,
Dhir midho badan iyo dhir kedar la yidhaahdo oo dhammow,
10 Dugaag iyo xoolo oo dhammow,
Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,
11 Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow,
Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,
12 Barbaar iyo hablow,
Odayaal iyo carruuray,
13 Ha ammaaneen magaca Rabbiga,
Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa,
Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.
14 Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa,
Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan,
Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow.
Rabbiga ammaana.

149 Rabbiga ammaana.
Rabbiga gabay cusub ugu gabya,
Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.
Reer binu Israa'iil kii iyaga uumay ha ku reyreeyeen,
Oo reer Siyoonna boqorkooda ha ku farxeen.
Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen,
Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.
Waayo, Rabbigu wuxuu ku farxaa dadkiisa,
Wuxuu kuwa camalka qabowna ku qurxin doonaa badbaado.
Quduusiintu ammaan ha ku reyreeyeen,
Oo farxad ha ku gabyeen iyagoo sariirahooda jiifa.
Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto,
Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto,
Si ay quruumaha uga aargutaan,
Oo ay dadyowgana u ciqaabaan,
Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan,
Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan,
Si ay iyaga ugu soo dejiyaan xukunka qoran,
Quduusiintiisa oo dhammuna waxay leeyihiin sharaftan.
Rabbiga ammaana.

Yexesqeel 37:1-14

Dooxada Lafaha Engegan

37 Gacantii Rabbiga ayaa i dul saarnayd, oo Ruuxiisuu kor iigu qaaday, oo igu dhex riday dooxo ay lafo ka buuxaan, oo hareerahooda ayuu igu wareejiyey, oo bal eega, waxaa dooxada bannaankeeda yiil lafo aad iyo aad u tiro badan, oo bal eega, aad iyo aad bay u qallalnaayeen. Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, lafahanu miyey noolaan karaan? Oo waxaan ugu jawaabay: Sayidow, Rabbiyow, adaa og. Oo haddana wuxuu igu yidhi, Lafahan la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Lafahan engeganow, bal erayga Rabbiga maqla. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu lafahan ku leeyahay, Bal eega, neef baan idin gelin doonaa, oo idinku waad noolaan doontaan. Oo seedaan idin kor saari doonaa, oo hilib baan idiin yeeli doonaa, oo harag baan idinku dabooli doonaa, oo neef baan idin gelin doonaa, oo waad noolaan doontaan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. Sidaas darteed ayaan wax u sii sheegay sidii laygu amray, oo intaan wax sii sheegayay ayaa sanqadh weyni yeedhay, oo dhulgariir baa dhacay, oo lafihiina way isku soo wada urureen, oo lafuba lafteedii bay u tagtay. Oo intaan fiirinayay ayaa waxaa soo kor fuulay seedo, oo hilib baana ka dul baxay oo harag baa ku kor daboolmay, laakiinse neefu kuma jirin. Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, dabaysha la hadal, la hadal, oo waxaad dabaysha ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dabayshay, afarta qalbadood ka kaalay oo kuwan la laayay si ay u soo noolaadaan aawadeed ku neefso. 10 Sidaas daraaddeed waxaan ku hadlay siduu igu amray, oo neef baa iyagii soo gashay, oo way soo wada noolaadeen, oo cagahay ku istaageen, oo waxay ahaayeen ciidan aad iyo aad u faro badan. 11 Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, lafahanu waa reer binu Israa'iil oo dhan. Bal eeg, iyagu waxay yidhaahdaan, Lafahayagii way engegeen, oo rajadayadiina way go'day, oo waannu wada baabba'nay. 12 Sidaas daraaddeed hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dadkaygow, bal eega, qabuurihiinnaan wada furi doonaa, oo qabuurihiinnaan idinka soo bixin doonaa, waxaanan idin keeni doonaa dalkii reer binu Israa'iil. 13 Dadkaygow, markaan qabuurihiinna wada furo, oo aan qabuurihiinna idinka soo bixiyo, waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. 14 Ruuxaygaan idin gelin doonaa, waanad soo noolaan doontaan, oo waxaan idin keeni doonaa dalkiinnii. Oo markaasaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan saas ku hadlay, oo aan weliba oofiyey, ayaa Rabbigu leeyahay.

Falimaha Rasuullada 3:11-26

11 Oo intuu Butros iyo Yooxanaa ku dhegganaa ayay dadkii oo dhammu ku soo wada ordeen balbaladii la odhan jiray Balbaladii Sulaymaan iyagoo aad u yaabsan.

Wacdigii Butros Ka Dhex Wacdiyey Macbudka

12 Markuu Butros dadkii arkay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, Maxaad waxan ula yaabsan tihiin, ama maxaad sidaas noogu fiirinaysaan sidii annagoo xooggayaga ama cibaadadayada ku socodsiinnay isaga? 13 Ilaaha Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub, oo ahaa Ilaaha awowayaasheen, wuxuu ammaanay Midiidinkiisii Ciise, kii aad gacangeliseen oo aad Bilaatos hortiisa ku diideen markuu goostay inuu sii daayo. 14 Laakiin idinku waxaad diideen Kan Quduuska iyo Xaqaba ah, oo waxaad weyddiisateen nin dhiig qaba in laydiin sii daayo, 15 oo waxaad disheen Amiirkii nolosha, kan Ilaah ka sare kiciyey kuwii dhintay, annaguna markhaatiyaal baannu ka nahay. 16 Magiciisa ayaa xoogsiiyey kan aad arkaysaan oo garanaysaan, rumaysadka uu magiciisa ku rumaystay aawadiis. Rumaysadka uu ku rumaystay isaga ayaa ninkan idinka oo dhan hortiinna ku siiyey caafimaadkan.

17 Waxaanan ogahay, walaalayaalow, inaad tan aqoonla'aan u samayseen, sidii madaxdiinnuba yeeshay oo kale. 18 Laakiin Ilaah sidaasuu u dhammeeyey waxyaalihii uu hore uga sheegay afafkii nebiyada oo dhan oo ahaa in Masiixu silci doono. 19 Haddaba toobadkeena oo soo noqda, si dembiyadiinna loo tirtiro, si ay wakhtiyo qabowjis lihii uga yimaadaan Rabbiga hortiisa, 20 oo uu soo diro Ciise Masiix, kii uu hore idiinku doortay, 21 kan ay waajibka tahay inay samadu aqbasho tan iyo wakhtiyada la soo celinayo wax walba oo Ilaah kaga hadlay afkii nebiyadiisii quduuska ahaa tan iyo bilowgii. 22 Muuse wuxuu yidhi, Rabbiga Ilaaha ahu wuxuu walaalihiinna dhexdooda idiinka kicin doonaa nebi anoo kale ah. Waa inaad isaga ka dhegaysataan wax kastuu idinku yidhaahdo. 23 Waxay noqon doontaa in naf kastoo aan nebigaas dhegaysan dadka laga dhex saari doono oo la baabbi'in doono. 24 Nebiyadii oo dhan tan iyo Samuu'eel iyo kuwii ka dambeeyey, in alla intii hadashay, waxay wada sheegeen maalmahan. 25 Waxaad tihiin wiilashii nebiyada iyo wiilashii axdigii Ilaah la dhigtay awowayaashiin, markuu Ibraahim ku yidhi, Qabiilooyinka dunida oo dhammu farcankaagay ku barakoobi doonaan. 26 Ilaah markuu Midiidinkiisii kiciyey, idinkuu markii hore idiin soo diray inuu idin barakeeyo markuu midkiin kasta dembiyadiisa ka soo jeediyo.

Yooxanaa 15:12-27

12 Kanu waa qaynuunkayga inaad isjeclaataan sidaan idiin jeclaaday. 13 Ninna ma leh jacayl kan ka weyn inuu nin naftiisa u bixiyo saaxiibbadiis. 14 Saaxiibbaday baad tihiin haddaad yeeshaan waxaan idinku amro. 15 Mar dambe addoommo idiinku yeedhi maayo, maxaa yeelay, addoonku garan maayo wuxuu sayidkiisu sameeyo, laakiin saaxiibbo waan idiinku yeedhay, maxaa yeelay, waxaan Aabbahay ka soo maqlay oo dhan ayaan idin ogeysiiyey. 16 Idinku ima aydnaan dooran, laakiinse anaa idin doortay, waanan idiin diray inaad tagtaan oo midho soo dhashaan, iyo in midhihiinnu sii jiraan, in wax alla waxaad Aabbaha magacayga ku weyddiisataan uu idin siiyo. 17 Waxyaalahaas ayaan idiinku amray inaad isjeclaataan.

Dunida Iyo Ruuxa Runta

18 Dunidu hadday idin nebcaato, waad garanaysaan inay hortiin i nebcaatay. 19 Haddaad kuwa dunida ahaan lahaydeen, dunidu kuweeda way jeclaan lahayd, laakiin kuwa dunida ma ihidin, waanse idinka doortay dunida, taas aawadeed dunidu way idin neceb tahay. 20 Xusuusta hadalkaan idinku idhi, Addoon kama weyna sayidkiisa. Hadday i silciyeen, idinkana way idin silcin doonaan. Hadday hadalkayga xajiyeen, kiinnana way xajin doonaan. 21 Laakiin waxyaalahaas oo dhan waxay idiinku samayn doonaan magacayga aawadii, maxaa yeelay, waxaanay garanayn kii i soo diray. 22 Haddaanan iman oo aanan la hadlin, dembi ma ay lahaadeen, laakiin hadda dembigooda marmarsiinyo uma haystaan. 23 Kii i neceb, waxaa kaluu neceb yahay Aabbahay. 24 Haddaanan dhexdooda ku samayn shuqullada aan nin kale samayn, dembi ma ay lahaadeen, haddase aniga iyo Aabbahayba way na arkeen oo na nebcaadeen. 25 Laakiin sidaas waxay u noqotay inuu dhammaado hadalka sharcigooda ku qorani, Way ii nebcaadeen sababla'aan.

26 Laakiin markuu yimaado Gargaaraha oo aan xagga Aabbaha ka soo diri doono, isagoo ah Ruuxa runta oo xagga Aabbaha ka soo baxa, ayuu ii marag furi doonaa. 27 Idinkuna waad marag furi doontaan, waayo, tan iyo bilowgii waad ila jirteen.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya