Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
24 Rabbigaa iska leh dhulka iyo waxa ka buuxa oo dhan,
Iyo dunida iyo kuwa degganba.
2 Waayo, isagaa badaha dushooda ka aasaasay,
Oo wuxuu ka dul dhisay webiyaasha.
3 Bal yaa fuuli doona Rabbiga buurtiisa?
Oo bal yaa dhex istaagi doona meeshiisa quduuska ah?
4 Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay,
Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin,
Oo aan si khiyaano leh u dhaaran.
5 Kaasu wuxuu Rabbiga ka heli doonaa barako,
Ilaaha badbaadadiisana xaqnimo.
6 Kanu waxaa weeye qarnigii kuwa isaga doondoona,
Oo waa kuwa wejigaaga doondoona, Ilaaha Yacquubow. (Selaah)
7 Irdahow, madaxiinna kor u qaada,
Oo albaabbada daa'imiska ahow, kor ha laydiin qaado,
Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.
8 Bal waa ayo Boqorka ammaantu?
Waa Rabbiga xoog iyo itaal badan,
Waa Rabbiga dagaalka ku xoog badan.
9 Irdahow, madaxiinna kor u qaada,
Oo albaabbada daa'imiska ahow, madaxiinna kor u qaada,
Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.
10 Bal waa ayo Boqorkan ammaantu?
Waa Rabbiga ciidammada,
Isaga weeye Boqorka ammaantu. (Selaah)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
29 Kuwiinna carruurta Ilaah ahow, Rabbiga ammaana,
Rabbiga ka sheega ammaan iyo xoog.
2 Rabbiga ku ammaana ammaanta magiciisu mudan yahay,
Rabbiga ku caabuda quruxda quduuska ah.
3 Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha,
Ilaaha ammaantu wuu onkodaa,
Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan.
4 Rabbiga codkiisu waa xoog badan yahay,
Rabbiga codkiisu waa haybad badan yahay.
5 Rabbiga codkiisu wuxuu jebiyaa geedaha kedarka ah,
Haah, oo Rabbigu wuxuu kala jebjebiyaa geedaha kedarka ah oo Lubnaan.
6 Oo weliba wuxuu iyaga ka dhigaa inay u boodboodaan sida weyl oo kale,
Lubnaan iyo Siryonba wuxuu ka dhigaa sida gisi yar.
7 Rabbiga codkiisu wuxuu googooyaa ololka dabka.
8 Rabbiga codkiisu wuxuu ruxruxaa cidlada,
Rabbigu wuxuu ruxruxaa cidlada Qaadeesh.
9 Rabbiga codkiisu wuxuu dhaliyaa deerooyinka,
Oo kayntana caleemaha wuu ka daadiyaa,
Oo wax kasta oo macbudkiisa ku jiraana waxay yidhaahdaan, Ammaan.
10 Rabbigu wuxuu dul fadhiyaa daadka,
Haah, oo Rabbigu wuxuu weligiisba u fadhiyaa sida boqor oo kale.
11 Rabbigu dadkiisuu xoogayn doonaa,
Oo Rabbigu nabad buu dadkiisa ku barakayn doonaa.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
103 Naftaydoy, Rabbiga ammaan,
Oo inta igu jirta oo dhammay, ammaana magiciisa quduuska ah.
2 Naftaydoy, Rabbiga ammaan,
Oo ha illoobin wanaagga uu kuu sameeyo oo dhan.
3 Isagaa kaa cafiya dembiyadaada oo dhan,
Oo kaa bogsiiya cudurradaada oo dhan,
4 Oo naftaada ka badbaadiya halligaadda,
Oo raxmad iyo naxariis kugu barakeeya,
5 Oo kaa dhergiya waxyaalaha wanwanaagsan,
Si ay dhallinyaranimadaadu ugu cusboonaato sida gorgorka oo kale.
6 Rabbigu wuxuu falaa xaqnimo,
Gar buuna u gooyaa kuwa dulman oo dhan.
7 Isagu wuxuu Muuse garansiiyey jidadkiisii,
Reer binu Israa'iilna falimihiisii.
8 Rabbigu waa raxmad badan yahay, waana nimco miidhan,
Cadho wuu u gaabiyaa, waana naxariis badan yahay.
9 Isagu had iyo goor wax canaanan maayo,
Oo sii cadhaysnaan maayo ilaa weligiis.
10 Isagu inoolama uu macaamiloon sidii dembiyadeennu ahaayeen,
Oo inooguma uu abaalmarin sidii xumaatooyinkeennu ahaayeen.
11 Waayo, sida samadu dhulka uga sarrayso,
Sidaas oo kalaa naxariistiisu ugu weyn tahay kuwa isaga ka cabsada.
12 Sida barigu uga fog yahay galbeedka,
Sidaas oo kaluu xadgudubkeennii inooga fogeeyey.
13 Sida aabbe carruurtiisa ugu naxo oo kale
Ayaa Rabbigu ugu naxaa kuwa isaga ka cabsada.
14 Waayo, abuuristeennuu og yahay,
Oo wuu xusuusan yahay inaan innagu ciid nahay.
15 Laakiinse dadka cimrigiisu waa sida doog oo kale,
Sida ubaxa berrinka ayuu u barwaaqoobaa.
16 Waayo, dabayl baa dul marta, wuuna baabba'aa,
Oo meeshiisiina mar dambe ma aqoon doonto.
17 Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba,
Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda,
18 Kuwaas oo ah kuwa axdigiisa xajiya
Iyo kuwa amarradiisa xusuusta oo wada yeela.
19 Rabbigu carshigiisii wuxuu ka dhistay samooyinka,
Oo boqortooyadiisuna wax walbay u talisaa.
20 Malaa'igihiisa xoogga badan oo eraygiisa oofiya
Oo codka hadalkiisa maqlow,
Rabbiga ammaana.
21 Rabbiga ammaana, ciidammadiisa oo dhammow,
Idinkoo ah midiidinyadiisa wuxuu doonayo sameeyow,
22 Shuqulladiisa oo dhammow, Rabbiga ku ammaana
Meel kasta oo dowladnimadiisa ahba,
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Imaatinkii Boqorka Siyoon
9 Magaalada Siyoonay, si weyn u reyree, magaalada Yeruusaalemay, qayli. Bal eeg, boqorkaagu waa kuu imanayaa. Isagu waa xaq oo guul buu leeyahay, waana qalbi qabow yahay, oo wuxuu fuushan yahay dameer ah qayl dameereed. 10 Oo anigu Efrayim gaadhifardood kasta waan ka baabbi'in doonaa, oo Yeruusaalemna faras kuma reebi doono, oo qaansada dagaalkana waa la baabbi'in doonaa. Isna quruumaha nabad buu kula hadli doonaa, oo dowladnimadiisuna waxay gaadhi doontaa bad ilaa baddeeda kale, iyo tan iyo Webiga iyo xataa dhulka darafyadiisa. 11 Oo weliba adigana dhiiggii axdigaaga daraaddiis maxaabiistaadii waan ka soo bixiyey godkii aan biyuhu ku jirin. 12 Ku noqda qalcadda, maxaabiistiinna rajada lahow, maantadan ayaan caddaynayaa inaan laba jibbaar idin siinayo.
9 Oo wakhtigaas waxaan doondoonayaa inaan wada baabbi'iyo quruumaha Yeruusaalem ku kaca oo dhan.
U Baroorashada Kii Ay Wareemay
10 Oo reer Daa'uud iyo dadka Yeruusaalem degganba waxaan ku shubi doonaa ruuxa raxmadda iyo baryootanka, oo waxay arki doonaan aniga oo ah kii ay wareemeen, oo iyana isagay ugu barooran doonaan sida mid ugu baroorto wiilkiisa madiga ah, oo aad bay ugu murugoon doonaan isaga, sida mid ugu murugoodo curadkiisa. 11 Wakhtigaas Yeruusaalem waxaa jiri doonta baroorasho weyn oo ah sidii baroorashadii Hadad-Rimmoon taasoo ku dhex tiil dooxada Megiddoo.
Ka Maydhidda Dembiga
13 Wakhtigaas waxaa reer Daa'uud iyo dadka Yeruusaalem degganba u furmi doonta il dembiga iyo nijaasta lagaga maydho.
Dilkii Adhijirka Idahaa Ku Kala Yaaca
7 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Seefay, toos oo ku kac adhijirkayga iyo ninka wadaygayga ah. Adhijirka dil, oo iduhuna way kala firdhi doonaan, oo gacantaydaan ku soo celin doonaa kuwa yaryar. 8 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in dalka oo dhan laba dalool baabba'do oo dhimato, laakiinse daloolka saddexaad wuu hadhi doonaa. 9 Oo anna daloolka saddexaad dab baan dhex marsiin doonaa, oo waxaan u kala miiri doonaa sida lacag loo miiro, oo waxaan u tijaabin doonaa sida dahabka loo tijaabsho. Magacaygay igu baryi doonaan oo anna waan maqli doonaa, oo waxaan odhan doonaa, Iyagu waa dadkaygii, oo iyana midkood kastaaba wuxuu odhan doonaa, Rabbigu waa Ilaahay.
12 Dagaalka wanaagsan oo iimaanka dagaallan, oo qabso nolosha weligeed ah, oo laguugu yeedhay, oo aad qirashada wanaagsan ku hor qiratay markhaatiyaal badan. 13 Ilaah hortiis kan wax kasta nooleeya, iyo Ciise Masiix hortiis, kan Bontiyos Bilaatos hortiisa qirashada wanaagsan ku qirtay, waxaan kugu amrayaa 14 inaad amarka ku xajisid iinla'aan iyo ceebla'aan ilaa Rabbigeenna Ciise Masiix muuqdo, 15 muuqashadaas uu wakhtigiisa muujin doono, kan ammaanta leh oo keligiis xoogga leh, oo ah Boqorka boqorrada iyo Sayidka sayidyada, 16 kan keligiis aan dhimanayn, oo ku dhex jira nuurka aan loo dhowaan karin, oo aan ninna arkin, lana arki karin; isagu ha lahaado ciso iyo itaal weligiis. Aamiin.
Ciise Macbudkuu Nadiifiyey(A)
12 Ciise wuxuu galay macbudka Ilaah oo ka eryay kulli kuwii macbudka wax ku iibinayay iyo kuwii wax ka iibsanayay, oo wuxuuna rogay miisaskii kuwii lacagta bedbeddelayay iyo kursiyadii kuwii qoolleyaha iibinayay. 13 Wuxuuna ku yidhi, Waa qoran tahay, Gurigayga waxaa loogu yeedhi doonaa guriga tukashada, laakiin waxaad ka dhigaysaan god tuugo. 14 Waxaana macbudka ugu yimid kuwa indha la' iyo kuwa luga la'; wuuna bogsiiyey. 15 Laakiin wadaaddada sare iyo culimmadu goortay arkeen waxyaalaha yaabka leh oo uu suubbiyey iyo carruurta macbudka ka qaylinaysa, iyagoo leh, Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud, way cadhoodeen 16 oo ku yidhaahdeen, Ma maqlaysaa kuwanu waxay leeyihiin? Ciise ayaa ku yidhi, Haah, miyaydnaan weligiin akhriyin, Ammaanta waxaad ku hagaajisay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga? 17 Markaasuu ka tegey iyaga oo magaaladii ka baxay ilaa Beytaniya, oo halkaasuu ku hoyday.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya