Book of Common Prayer
97 Rabbigu isagaa taliya, haddaba dhulku ha reyreeyo,
Oo gasiiradaha badanuna ha wada farxeen.
2 Isaga waxaa ku wareegsan daruuro iyo gudcur,
Oo carshigiisana waxaa aasaas u ah xaqnimo iyo garsoorid.
3 Waxaa hortiisa socda dab,
Oo wuxuu wada gubaa cadaawayaashiisa ku wareegsan.
4 Hillaaciisii ayaa dunida iftiimiyey,
Dhulkuna wuu arkay, wuuna gariiray.
5 Buurihii waxay Rabbiga hortiisa ugu dhalaaleen sidii shamac oo kale,
Iyagoo hor jooga Sayidka dhulka oo dhan.
6 Samooyinku waxay sheegaan xaqnimadiisa,
Oo dadyowga oo dhammuna waxay arkaan ammaantiisa.
7 Kuwa sanamyada la qoray u adeega
Iyo weliba kuwa sanamyada ku faana oo dhammu ha ceeboobeen,
Ilaahyada oo dhammow, isaga caabuda.
8 Rabbiyow, Siyoon way maqashay, wayna faraxday,
Oo gabdhihii reer Yahuudahna waxay ku reyreeyeen garsooriddaadii.
9 Waayo, Rabbiyow, adigu waad ka sarraysaa dhulka oo dhan,
Oo aad baa lagaaga sarraysiiyey ilaahyada oo dhan.
10 Kuwiinna Rabbiga jeclow, sharka nebcaada,
Isagu wuxuu dhawraa nafaha quduusiintiisa,
Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa gacanta kuwa sharka leh.
11 Waxaa kuwa xaqa ah loo beeray iftiin,
Kuwa qalbigoodu qumman yahayna, farxad.
12 Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa,
Oo magiciisa quduuska ah ku mahadnaqa.
99 Rabbigu isagaa taliya, dadyowgu ha gariireen,
Isagu wuxuu ku fadhiyaa keruubiimta, dhulku ha dhaqdhaqaaqo.
2 Rabbigu Siyoon dhexdeeda waa ku weyn yahay,
Oo dadyowga oo dhanna wuu ka wada sarreeyaa.
3 Iyagu ha ammaaneen magacaaga weyn oo laga cabsado,
Isagu waa quduus.
4 Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid,
Caddaalad baad adkaysaa,
Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub.
5 Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya,
Oo meeshuu cagaha saartona ku sujuuda,
Isagu waa quduus.
6 Muuse iyo Haaruun waxay ka mid ahaayeen wadaaddadiisa,
Samuu'eelna wuxuu ka mid ahaa kuwa magiciisa u yeedha,
Iyagu waxay baryeen Rabbiga, oo isna wuu u jawaabay.
7 Wuxuu iyagii kala dhex hadlay tiirkii daruurta ahaa,
Iyana waxay xajiyeen markhaatifurkiisii iyo qaynuunkii uu iyaga siiyey.
8 Rabbiyow Ilaahayagiiyow, waad u jawaabtay,
Oo waxaad ahayd Ilaah iyaga cafiyey,
In kastoo aad falimahoodii ka aargoosatay.
9 Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya,
Oo isaga ku caabuda buurtiisa quduuska ah,
Waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa quduus.
Kanu waa sabuur mahadnaqid ah.
100 Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.
2 Rabbiga farxad ugu adeega,
Oo hortiisa gabay la kaalaya.
3 Ogaada in Rabbigu Ilaah yahay,
Waxaa ina sameeyey isaga, oo waxaynu nahay kuwiisii,
Waxaynu nahay dadkiisii iyo idihii daaqsintiisa.
4 Irdihiisa mahadnaqid la gala,
Barxadihiisana ammaan.
Isaga u mahadnaqa, oo magiciisa ammaana.
5 Waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, naxariistiisuna weligeed way sii waartaa,
Aaminnimadiisuna tan iyo ka ab ka ab.
94 Rabbiyow, Ilaaha aargudashada lahow,
Ilaaha aargudashada lahow, soo iftiin.
2 Xaakinka dunidow, sara joogso,
Oo kuwa kibray abaalkooda mari.
3 Rabbiyow, kuwa sharka lahu ilaa goormay,
Kuwa sharka lahu ilaa goormay guulaysanayaan?
4 Way bulxamaan, oo kibir bay ku hadlaan,
Oo xumaanfalayaasha oo dhammu way faanaan.
5 Rabbiyow, iyagu waxay burburiyaan dadkaaga,
Oo dhaxalkaagay silciyaan.
6 Carmalka iyo shisheeyaha ayay laayaan,
Oo agoontay nafta ka qaadaan.
7 Oo waxay isyidhaahdaan, Waxan Rabbigu ma arki doono,
Oo Ilaaha reer Yacquubna kama fikiri doono.
8 Kuwiinna doqonnada ah oo dadka ku dhex jirow, fiirsada,
Oo kuwiinna nacasyada ahow, goormaad caqli yeelanaysaan?
9 Kii dhegta abuuray, sow wax maqli maayo?
Kii isha sameeyeyna, sow wax arki maayo?
10 Kan quruumaha edbiyaa, sow wax hagaajin maayo?
Kaasoo ah kan dadka aqoonta bara?
11 Rabbigu waa og yahay fikirrada binu-aadmigu
Inay micnela'aan yihiin.
12 Rabbiyow, waxaa barakaysan ninkii aad edbiso,
Oo aad sharcigaaga wax ka barto,
13 Si aad uga nasiso maalmaha belaayada
Inta kan sharka lahaa godka loo qodayo.
14 Waayo, Rabbigu dadkiisa xoori maayo,
Oo dhaxalkiisana dayrin maayo.
15 Waayo, garsooriddu waxay ku soo noqon doontaa xaqnimada,
Oo inta qalbigoodu qumman yahay oo dhammuna way raaci doonaan.
16 Bal yaa ii kacaya oo sharfalayaasha iga hor joogsanaya?
Oo yaa ii soo istaagaya oo xumaanfalayaasha iga celinaya?
17 Rabbigu haddaanu i caawin,
Hadda naftaydu waxay joogi lahayd meesha aamusnaanta.
18 Markaan idhi, Rabbiyow, cagtaydu waa simbiriirixanaysaa,
Waxaa kor ii qaadday naxariistaada.
19 Kolkay fikirro badan igu dhex jiraan
Waxaa naftayda ka farxiya qalbiqaboojintaada.
20 Carshiga sharnimadu ma xidhiidh buu kula yeelanayaa,
Kaasoo belaayo qaynuun ku qabanqaabiya?
21 Waxay dhammaantood isu soo wada urursadaan kan xaqa ah naftiisa,
Oo waxay xukumaan dhiig aan eed lahayn.
22 Laakiinse Rabbigu waxa weeye munaaraddayda,
Ilaahayna waa dhagaxii magangalkayga.
23 Oo wuxuu dushooda ku soo celiyey xumaatadoodii,
Oo wuxuu iyaga ku dhex baabbi'in doonaa sharnimadooda,
Rabbiga Ilaaheenna ahu wuu wada baabbi'in doonaa.
95 Kaalaya, aynu Rabbiga u gabaynee,
Oo aynu farxad ugu qaylinno dhagaxa badbaadadeenna.
2 Aynu hortiisa la nimaadno mahadnaq,
Oo aynu isaga farxad ugu qaylinno innagoo sabuurro ugu gabyayna.
3 Waayo, Rabbigu waa Ilaah weyn,
Waana boqor weyn oo ilaahyada oo dhan ka wada sarreeya.
4 Dhulka meelihiisa ugu mool dheeru gacantiisay ku jiraan,
Oo buuraha dheeraantoodana isagaa iska leh.
5 Baddana isagaa iska leh, oo isagaa sameeyey,
Oo dhulka engeganna isagaa gacmihiisa ku sameeyey.
6 Haddaba kaalaya aynu isaga caabudnee oo u sujuudnee,
Oo Rabbiga ina abuuray aan hortiisa ku jilba joogsanno,
7 Waayo, isagu waa Ilaaheen,
Oo innaguna waxaynu nahay dadkii daaqsintiisa, iyo idaha gacantiisa ku jira.
Bal maanta maad codkiisa maqashaan!
8 Qalbigiinna ha adkaynina, sidii markii Meriibaah la joogay,
Iyo sidii maalintii la joogay Masaah oo cidlada ku dhex taal,
9 Markay awowayaashiin i jirrabeen,
Oo ay i tijaabiyeen, oo ay shuqulkaygii arkeen.
10 Dadkii qarnigaas afartan sannadood waan u cadhaysnaa,
Oo waxaan idhi, Waa dad qalbigooda ka qaldama,
Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii,
11 Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan waxaan ku dhaartay
Inaanay nasashadayda gelin.
Quduus Ka Dhigiddii Sabtida
19 Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag oo waxaad istaagtaa iridda dadka oo ay boqorrada dalka Yahuudah ka soo galaan kana baxaan, iyo weliba irdaha Yeruusaalem oo dhanba. 20 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Bal erayga Rabbiga maqla, boqorrada dalka Yahuudah, iyo dadka Yahuudah oo dhan, iyo dadka Yeruusaalem deggan oo irdahan ka soo gala oo dhammow. 21 Rabbigu wuxuu leeyahay, Isdhawra, oo maalinta sabtida innaba rar ha qaadina, oo irdaha Yeruusaalemna ha soo gelinina, 22 oo maalinta sabtidana guryihiinna rar ha ka bixinina, oo innaba wax shuqul ah ha samaynina, laakiinse maalinta sabtida waxaad quduus uga dhigtaan sidaan awowayaashiin ku amray. 23 Laakiinse ma ay maqlin, oo dhegna uma ay dhigin, illowse way madax adkaadeen, si ayan u maqlin, ama ayan waano u qaadan. 24 Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad aad ii maqashaan, oo aydaan maalinta sabtida innaba rar soo gelin irdaha magaaladan, laakiinse aad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, oo aydaan maalintaas innaba wax shuqul ah samayn, 25 markaas boqorro iyo amiirro carshigii Daa'uud ku fadhiisan doona ayaa irdaha magaaladan soo geli doona iyagoo fuushan gaadhifardood iyo fardo, iyaga, iyo amiirradooda, iyo dadka dalka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem degganba, oo magaaladanna weligeedba waa la sii degganaan doonaa. 26 Oo waxay ka iman doonaan magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan, iyo dalka reer Benyaamiin, iyo dalka hoose, iyo buuraha, iyo xagga koonfureedba, oo waxay guriga Rabbiga keeni doonaan qurbaanno la gubo, iyo allabaryo, iyo qurbaanno hadhuudh ah, iyo foox, iyo allabaryo mahadnaqid loo keeno. 27 Laakiinse haddaad i maqli weydaan inaad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, iyo inaydaan maalinta sabtida rar qaadin markaad irdaha Yeruusaalem soo gelaysaan, markaas anigu dab baan ku sii dayn doonaa irdaheeda, oo isna wuxuu baabbi'in doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem, oo innaba lama demin doono.
13 Haddaba wixii wanaagsanaa miyey dhimasho ii noqdeen? Ma suurtowdo! Laakiin dembigu, inuu muuqdo inuu dembi yahay, ayuu wax wanaagsan igaga dhex shaqeeyey oo dhimasho ii keenay, in dembigu amarka ku noqdo dembi miidhan.
Dadka Labadiisa Dabci
14 Waayo, waxaynu og nahay in sharcigu ku saabsan yahay ruuxa, laakiinse anigu waxaan ahay mid jidhka raaca oo lagu iibiyey dembiga hoostiisa. 15 Waayo, waxaan samaynayo garan maayo, maxaa yeelay, ma sameeyo wixii aan doonayo, laakiin waxaan sameeyaa wixii aan necbahay. 16 Laakiin haddaan sameeyo waxa aanan doonayn, de markaas waxaan gartay in sharcigu wanaagsan yahay. 17 Haddabase haatan ma aha aniga kan waxaas sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira. 18 Waayo, waan ogahay inaan wax wanaagsanu igu dhex jirin, taas waxaan ula jeedaa, jidhkayga wax wanaagsanu kuma jiraan, waayo, waan ku talo jiraa inaan waxa wanaagsan sameeyo, laakiin ma sameeyo. 19 Waayo, waxa wanaagsan oo aan doonayo inaan falo, ma sameeyo, laakiinse waxa sharka ah oo aanan doonayn inaan falo, ayaan sameeyaa. 20 Laakiin haddaan sameeyo wixii aanan doonayn inaan falo, de haatan ma aha aniga kan sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira. 21 Haddee waxaan arkaa qaynuunka in shar ila jiro in kastoo aan doonayo inaan waxa wanaagsan sameeyo. 22 Waayo, sharciga Ilaah ayaan kaga farxaa ninka gudaha ah. 23 Laakiin waxaan xubnahayga ka arkaa qaynuun kale, isagoo la dagaallamaya qaynuunka maankayga oo maxbuus iiga dhigaya qaynuunka dembiga oo xubnahayga ku jira. 24 Nin belaysan baan ahay. Yaa iga furan doona jidhkan dhimashada leh? 25 Waxaan Ilaah ugu mahadnaqayaa inuu Rabbigeen Ciise Masiix igu furan doono. Sidaas daraaddeed aniga qudhaydu waxaan maankayga ugu adeegaa sharciga Ilaah; laakiinse waxaan jidhka ugu adeegaa qaynuunka dembiga.
16 Markii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii badda u baxday. 17 Waxayna fuuleen doonni, oo badday ka tallaabayeen ilaa Kafarna'um. Oo markiiba gudcur bay ahayd, Ciisena weli uma uu iman. 18 Badduna way isku kacday, dabayl weyn oo dhacday aawadeed. 19 Haddaba markay seeb ku wadeen qiyaas shan iyo labaatan ama soddon [a]istaadiyon, waxay arkeen Ciise oo badda ku dul socda oo doonnida u soo dhowaanaya, wayna baqeen. 20 Laakiin wuxuu ku yidhi, Waa aniga ee ha baqina. 21 Sidaa aawadeed waxay doonayeen inay doonnida ku qaadaan, oo markiiba doonnidu waxay joogtay dhulkay u socdeen.
Dadku Waxay Doonayeen Calaamo
22 Maalintii labaad dadkii badnaa oo badda dhankeeda kale taagnaa, waxay arkeen inaan doonni kale joogin mid maahee, oo aan Ciisena taas la fuulin xertiisii, laakiin in xertiisii keligood baxeen. 23 Laakiin waxaa Tiberiyas ka yimid doonniyo, wayna u soo dhowaadeen meeshii kibistii lagu cunay markuu Rabbigu mahadnaqay dabadeed. 24 Markii dadkii badnaa arkeen inaan Ciise halkaas joogin iyo xertiisiiba, waxay fuuleen doonniyihii, wayna yimaadeen Kafarna'um, iyagoo Ciise doondoonaya.
25 Oo markay isaga ka heleen badda dhinaceeda kale, waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, goormaad halkan timid?
Kibista Nolosha
26 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Iima doondoontaan calaamooyinkii aad aragteen aawadood ee waa kibistii aad cunteen oo aad ka dheregteen aawadeed. 27 Ha u shaqaynina cuntada hallaabaysa, laakiin u shaqeeya cuntada sii jiraysa ilaa nolosha weligeed ah ee Wiilka Aadanahu idin siin doono, waayo, isaga Aabbaha Ilaaha ah ayaa caddeeyey.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya