Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 75-76

Kanu waa sabuur gabay ah oo Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed.

75 Ilaahow, adaan kuu mahadnaqnaa,
Waannu kuu mahadnaqnaa, waayo, magacaagu waa noo dhow yahay,
Dadku waxay ka sheekeeyaan shuqulladaada yaabka badan.
Wakhtiga aan qawimay,
Ayaan si qumman wax u xukumi doonaa.
Dhulka iyo waxa kor deggan oo dhammuba way wada dhalaaleen,
Tiirarkiisa anigaa qotomiyey. (Selaah)
Kuwa kibirka leh waxaan ku idhi, Ha kibrina,
Kuwa sharka lehna waxaan ku idhi, Geeskiinna kor ha u taagina,
Geeskiinna kor ha u taagina,
Oo madaxadayg ha ku hadlina.
Waayo, sarrayntu kama timaado xagga bari ama xagga galbeed,
Ama xataa xagga koonfureed toona.
Laakiinse Ilaah baa xaakin ah,
Isagu mid buu dejiyaa, ku kalena wuu sarraysiiyaa.
Waayo, Rabbiga gacantiisa waxaa ku jira koob, oo waxaa ka xumbaynaysa khamri,
Oo waxaa ka buuxa wax laysku qooshay, oo kaasuu wax ka shubaa,
Hubaal huubadiisa waxaa heenheensan doona oo cabbi doona dunida kuweeda sharka leh oo dhan.
Laakiinse anigu weligayba waan rayrayn doonaa,
Oo waxaan ammaan ugu gabyi doonaa Ilaaha Yacquub.
10 Oo weliba kuwa sharka leh geesahooda oo dhan waan wada jejebin doonaa,
Laakiinse kuwa xaqa ah geesahooda waa la sarraysiin doonaa.

Kanu waa sabuur gabay ah oo Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.

76 Ilaah baa reer Yahuudah lagu dhex yaqaan,
Oo magiciisuna reer binu Israa'iil dhexdooda waa ku weyn yahay.
Oo taambuuggiisu wuxuu ku yaal Saalem,
Hoygiisuna wuxuu ku yaal Siyoon.
Oo halkaas wuxuu ku jejebiyey fallaadhihii qaansada,
Iyo gaashaankii, iyo seeftii, iyo dagaalkiiba. (Selaah)
Adigu waxaad ka ammaan iyo haybad badan tahay buuraha ugaadha leh.
Kuwii qalbiga adkaa waa la dhacay, oo hurdadoodii ayay wada gam'een,
Oo raggii xoogga badnaana midkoodna gacmihiisii waxba kuma samayn.
Ilaaha Yacquubow, canaantaadii aawadeed
Ayaa gaadhifardood iyo fardoba waxay kula dhex dheceen hurdo weyn.
Adigase waa in lagaa cabsadaa,
Bal yaa hortaada istaagi kara mar haddaad cadhootid?
Waxaad ka dhigtay in xukun samada laga maqlo,
Oo dhulkiina waa baqay, oo wuu aamusay,
Markuu Ilaah xukunka u sara kacay
Inuu badbaadsho kuwa camalka qabow oo dhulka jooga oo dhan. (Selaah)
10 Hubaal waxaa ku ammaani doonta dadka cadhadiisa,
Oo waxaad dhexda ku xidhan doontaa cadhada inteeda hadhay.
11 Rabbiga Ilaahiin ah wax u nidra, oo u oofiya,
Inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu isaga hadiyado ha u keeneen kan ay waajibka tahay in laga cabsado.
12 Isagu wuxuu gooyn doonaa amiirrada ruuxooda,
Boqorrada dunidana wuu u cabsi badan yahay.

Sabuurradii 23

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

23 Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo.
Wuxuu i fadhiisiyaa doog qoyan dhexdiis,
Oo wuxuu ii hoggaamiyaa biyaha deggan dhinacooda.
Naftayda wuu soo celiyaa.
Oo magiciisa aawadiis wuxuu igu hor kacaa waddooyinka xaqnimada.
In kastoo aan ku dhex socdo dooxada hooska dhimashada,
Sharna ka baqi maayo, waayo, waad ila jirtaa,
Ushaada iyo hangoolkaaga ayaa ii raaxeeya.
Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis,
Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buuxdhaafaa.
Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis,
Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.

Sabuurradii 27

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

27 Rabbigu waa nuurkayga iyo badbaadadayda, bal yaan ka cabsadaa?
Oo Rabbigu waa xoogga noloshayda, bal yaan ka baqaa?
Markii xumaanfalayaashu iigu yimaadeen inay hilibkayga cunaan,
Kuwaasoo ah cadaawayaashayda iyo colkayga, way turunturoodeen, wayna dheceen.
In kastoo ciidan col ah i ag dego,
Qalbigaygu cabsan maayo,
In kastoo dagaal igu soo kaco,
Xataa markaas waan kalsoonaanayaa.
Wax keliya ayaan Rabbiga ka baryay, oo taas aad baan u doonayaa,
Waana inaan cimrigayga oo dhan dhex degganaado guriga Rabbiga,
Oo aan fiiriyo Rabbiga quruxdiisa, oo aan wax ku baryo macbudkiisa.
Waayo, isagu maalinta dhibta wuxuu igu qarin doonaa teendhadiisa,
Oo meesha qarsoon oo taambuuggiisa ayuu igu xasayn doonaa,
Kor buu ii qaadi doonaa oo dhagax weyn buu i saari doonaa.
Imminka waxaa madaxayga laga sarraysiin doonaa cadaawayaashayda igu wareegsan,
Oo waxaan taambuugga Rabbiga ku dhex bixin doonaa allabari dhawaaq farxadeed leh,
Waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan Rabbiga ugu gabyi doonaa.
Rabbiyow, markaan codkayga ku qayliyo, i maqal,
Weliba ii naxariiso, oo ii jawaab.
Markaad tidhi, Wejigayga doondoona, ayaa qalbigaygu wuxuu kugu yidhi,
Rabbiyow, wejigaaga waan doondoonayaa.
Ilaaha badbaadadaydow, wejigaaga ha iga qarin,
Anoo addoonkaaga ah cadho ha igu eryin,
Caawimaad baad ii ahayde,
Ha i xoorin, hana i dayrin.
10 Waayo, aabbahay iyo hooyaday way i dayriyeen,
Laakiinse Rabbigaa i qaadan doona.
11 Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood
Jidkaaga i bar,
Oo igu hoggaami waddo bannaan.
12 Oo gacanta ha ii gelin cadaawayaashayda,
Waayo, waxaa igu kacay markhaatiyaal been ah iyo kuwa nacweynaanta ku hadla.
13 Waan itaal darnaan lahaa haddaanan rumaysnayn
Inaan wanaagga Rabbiga ku arkayo dalka kuwa nool.
14 Rabbiga sug,
Adkayso, oo qalbigaagu ha dhiirranaado,
Haah, Rabbiga sug.

Yeremyaah 5:20-31

20 Waxan dadka Yacquub ka dhex sheega, oo dadka Yahuudah ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan, 21 Dadka nacasyada ahu oo aan waxgarashada lahayn, oo indhaha leh laakiinse aan waxba arkin, oo dhegaha leh laakiinse aan waxba maqlinow, bal haatan waxan maqla: 22 Rabbigu wuxuu leeyahay, War miyeydaan iga cabsanayn? Oo miyeydaan hortayda ku gariirayn? Waayo, anigu waxaan ahay kii cammuudda badda uga dhigay soohdinta, oo amar weligiis ah bixiyey inayan soo dhaafin, oo in kastoo ay mawjadaheedu aad u dhacaan, innaba kama ay adkaan karaan, oo in kastoo ay guuxaanna marna sooma ay dhaafi karaan. 23 Laakiinse dadkanu waxay leeyihiin qalbi fallaagoobaya oo caasiyoobay, way fallaagoobeen oo way iska tageen. 24 Oo innaba qalbigooda iskama ay yidhaahdaan, War haatan aynu ka cabsanno Rabbiga Ilaaheenna ah oo roobka hore iyo kan dambeba xilligiisa ina siiya, oo toddobaadyada beergoosashada loo go'ay inoo haya. 25 Xumaatooyinkiinna ayaa waxyaalahan idinka celiyey, oo dembiyadiinna ayaa waxyaalo wanwanaagsan idinka diiday. 26 Waayo, dadkayga dhexdiisa waxaa laga helaa niman shar ah. Waxay u gabbadaan sida kuwa wax dabta, oo intay dabin u qoolaan ayay dad qabsadaan. 27 Sida qafas shimbirro ka buuxaan oo kale ayaa guryahooda khiyaano uga buuxdaa, oo sidaas daraaddeed ayay u weynaadeen oo u taajiroobeen. 28 Aad bay u buurnaadeen oo cayileen, oo xataa falimaha sharka ahna aad bay u badiyaan, ma garsooraan oo agoontana uma ay muddacaan si ay u barwaaqoobaan, oo masaakiintana xaqooda uma ay sameeyaan. 29 Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruuntii tan oo kale ah?

30 Wax baas oo yaab miidhan ah ayaa dalka lagu dhex sameeyey. 31 Nebiyadii waxay sii sheegaan wax been ah, oo wadaaddadiina waxay wax ku xukumaan iyaga taladooda, oo dadkaygiina saasay jecel yihiin, laakiinse bal maxaad ugudambaysta samayn doontaan?

Rooma 3:19-31

19 Waannu og nahay in wax alla wixii sharcigu yidhaahdo, uu ku leeyahay kuwa sharciga ku hoos jira, in af kasta la xidho, oo dunida oo dhammu ay Ilaah ku hor gar darnaato. 20 Maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo, sharciga ayaa lagu gartaa dembiga.

Xaqnimada Waxaa Lagu Helaa Rumaysadka Xagga Ciise Masiix

21 Laakiin haatan sharciga la'aantiis ayaa xaqnimadii Ilaah la muujiyey, waxaana u marag furay sharciga iyo nebiyadii, 22 waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh. 23 Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah; 24 iyagoo hadiyad ahaan xaq lagaga dhigay nimcadiisa xagga madaxfurashada Ciise Masiix ku furtay, 25 kan Ilaah u soo bixiyey inuu dhiiggiisa kafaaraggud ku noqdo xagga rumaysadka la rumaystay dhiiggiisa aawadiis, inuu xaqnimadiisa ku muujiyo dembidhaafka uu dembiyadii hore loo sameeyey ku dhaafay samirkii Ilaah; 26 waxaa weeye muujinta xaqnimadiisa ee haatan joogta inuu isaga qudhiisu xaq ahaado iyo kan xaq ka dhiga kan Ciise rumaysan. 27 Haddaba faankii meeh? Waa reebban yahay. Sharci caynkee ah buu ku hadhay? Ma xagga shuqulladaa? Maya; laakiinse wuxuu ku hadhay sharciga rumaysadka. 28 Sidaas daraaddeed waxaannu ku tirinnaa in nin xaq ku noqdo rumaysadka ee uusan xaq ku noqon shuqullada sharciga. 29 Ama Ilaah ma Ilaaha Yuhuudda oo keliya baa? Miyuusan ahayn kan quruumaha kalena? Haah, waa yahay kan quruumaha kalena, 30 hadday tahay in Ilaah mid keliya yahay oo uu kuwa gudan xaq kaga dhigi doono rumaysadka, kuwa buuryoqabka ahna rumaysadka. 31 De miyaannu haddaba sharciga ku burinnaa rumaysadka? Yaanay noqon! Laakiin sharciga waannu taagnaa.

Yooxanaa 7:1-13

Ciise Iyo Walaalihiis

Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa Galili ku dhex wareegay, waayo, ma u doonaynin inuu Yahuudiya ku wareego, maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay doonayeen inay dilaan. Iiddii Yuhuudda oo tii waababka ahayd way dhowayd. Walaalihiis haddaba waxay ku yidhaahdeen, Halkan ka bax oo Yahuudiya tag in xertaadiina aragto shuqullada aad samaynaysid. Ma jiro nin si qarsoon wax u sameeyaa markuu doonayo in bayaan loo ogaado. Haddaad waxyaalahan samayso, dunida isu muuji. Xataa walaalihiis ma ay rumaysan isaga. Sidaa aawadeed Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Wakhtigaygu weli ma iman, laakiin wakhtigiinnu goor walba wuu joogaa. Dunidu idinma nebcaan karto, anigase way i neceb tahay, waayo, waxaan ka marag furaa in shuqulladeedu ay shar yihiin. Idinku iidda u kaca, anigu iiddan weli u kici maayo, waayo, wakhtigaygu weli ma dhammaan. Markuu waxyaalahaas iyagii ku yidhi, weli wuxuu sii joogay Galili.

10 Markii walaalihiis iiddii u kaceen, ayuu isaguna markaas xaggeeda u kacay, bayaan kuma tegin, laakiin sidii mid isqarinaya buu u tegey. 11 Yuhuuddu haddaba iidday ka dooneen, oo waxay yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa? 12 Dadkii badnaa aad bay uga gunuuneceen isaga, qaarkood waxay yidhaahdeen, Waa nin wanaagsan; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Sidaas ma aha, laakiin dadkii badnaa ayuu khiyaaneeyaa. 13 Haddaba ninna bayaan isaga ugama hadlin cabsiday ka cabsanayeen Yuhuudda aawadeed.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya