Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 41

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

41 Waxaa barakaysan kii ka fikira miskiinka,
Maalinta shar jiro Rabbigu waa samatabbixin doonaa isaga.
Rabbigu wuu dhawri doonaa, wuuna sii noolayn doonaa, oo isaguna dhulkuu ku barakaysnaan doonaa.
Rabbow, isaga ha u gacangelin sida cadaawayaashiisu rabaan.
Rabbigu wuxuu isaga ku gargaari doonaa sariirta taagdarradiisa.
Oo markuu bukana sariirtiisa oo dhan waad u hagaajisaa.
Anigu waxaan idhi, Rabbiyow, ii naxariiso,
Oo naftayda bogsii, waayo, waan kugu dembaabay.
Cadaawayaashaydu shar bay iga sheegaan, oo waxay yidhaahdaan,
War goormuu dhiman doonaa, oo magiciisu baabbi'i doonaa?
Oo midkood hadduu i soo booqdona been buu ku hadlaa,
Oo qalbigiisuna xumaatuu urursadaa; oo markuu dibadda u baxo ayuu ka warramaa.
Kuwa i neceb oo dhammu anigay ii wada faqaan,
Oo waxay iigu wada tashadaan si ay wax ii yeelaan.
Waxay yidhaahdaan, Cudur xun baa isagii ku dhacay,
Oo haatan wuu jiifaa, mar dambena sooma uu kici doono.
Xataa saaxiibkaygii aan isku halleeyey, oo kibistaydii cunay,
Ayaa cedhibtiisa ii qaaday.
10 Laakiinse, Rabbiyow, ii naxariiso, oo mar i sara jooji,
Aan iyaga ka aar goostee.
11 Tan ayaan ku garanayaa inaad igu faraxsan tahay,
Maxaa yeelay, cadowgaygu igama guulaysto.
12 Laakiinse aniga waxaad ii tiirisaa daacadnimadayda aawadeed,
Oo weligaaba waxaad i fadhiisisaa wejigaaga hortiisa.
13 Weligiis iyo weligiisba
Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil.
Aamiin iyo Aamiin.

Sabuurradii 52

Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, markii Do'eeg oo reer Edom ahaa uu Saa'uul u yimid oo u sheegay oo ku yidhi, Daa'uud waa yimid Axiimeleg gurigiisa.

52 Ninka xoogga badanow, bal maxaad xumaanta ugu faanaysaa?
Naxariista Ilaah had iyo goorba way sii waartaa.
Carrabkaagu wuxuu hindisaa xumaato weyn,
Oo sida mandiil afaysan ayuu ka shaqeeyaa khiyaano.
Wanaagga waxaad ka jeceshahay xumaanta,
Oo inaad xaqnimo ku hadashidna waxaad ka jeceshahay beensheegidda. (Selaah)
Waxaad jeceshahay erayada wax baabbi'iya oo dhan,
Iyo carrab khiyaano miidhan ah.
Ilaahna sidaas oo kaluu kuu halligi doonaa weligaaba,
Oo isna kor buu kuu qaadi doonaa, oo wuxuu kaa bixin doonaa teendhadaada,
Oo wuxuu kaa saari doonaa kuwa nool dalkooda. (Selaah)
Kuwa xaqa ahuna way arki doonaan, oo way cabsan doonaan,
Wayna ku qosli doonaan, oo waxay odhan doonaan,
Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu,
Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan,
Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.
Laakiinse anigu waxaan la mid ahay sida geed qoyan oo saytuun ah, oo guriga Ilaah ku dhex yaal,
Anigu weligay iyo weligayba waxaan isku hallaynayaa naxariista Ilaah.
Weligayba waan kugu mahadnaqayaa, maxaa yeelay, adigu waad samaysay,
Oo magacaaga ayaan wax ku rajaynayaa, waayo, wuu ku wanaagsan yahay quduusiintaada hortooda.

Sabuurradii 44

Kanu waa sabuur Maskiil ah oo reer Qorax u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

44 Ilaahow, dhegahayagaannu ku maqallay, oo waxaa noo sheegay awowayaashayo
Shuqulkii aad samaysay wakhtigoodii oo ahaa waa hore.
Quruumihii gacantaadaad ku eriday, oo meeshoodii awowayaashayo baad ku beertay,
Dadyowgii waad dhibtay, oo dibaddaad ku kala firdhisay.
Waayo, iyagu dalka kuma hantiyin seeftooda,
Oo cududdooduna ma ay badbaadin,
Laakiinse midigtaada iyo cududdaada iyo nuurka wejigaaga ayaa badbaadshay iyaga,
Maxaa yeelay, raalli baad ka ahayd.
Ilaahow, waxaad tahay boqorkayga,
Haddaba reer Yacquub samatabbixin u amar.
Adiga daraaddaa ayaannu cadaawayaashayada hoos ugu riixaynaa,
Oo magacaaga daraaddiis ayaan kula tumanaynaa kuwa nagu kaca.
Waayo, qaansadayda isku hallayn maayo,
Oo seeftayduna i badbaadin mayso.
Laakiinse adigu cadaawayaashayadaad naga badbaadisay,
Oo kuwa na necebna waad ceebaysay.
Maalinta oo dhan waxaannu ku faannaa Ilaah,
Oo annana weligayo waxaannu ku mahadnaqaynaa magacaaga. (Selaah)
Laakiinse haatan waad na xoortay, oo sharafdarrona waad nagu soo dejisay,
Oo weliba ciidammadayadana ma aad hor kacdid.
10 Waxaa dib nooga celisaa cadowgayaga hortiisa,
Oo kuwa na necebuna way na dhacaan.
11 Waxaad naga dhigtay sidii ido la qalayo,
Oo waxaad nagu kala firdhisay quruumaha dhexdooda.
12 Dadkaaga qiimola'aan baad ku iibisaa,
Oo maalkaagana kuma aad kordhin qiimahoodii.
13 Deriskayaga waxaad nooga dhigtaa cay,
Oo kuwa hareerahayaga ku wareegsanna waxaad nooga dhigtaa quudhsasho iyo qosol.
14 Quruumaha dhexdooda waxaad nooga dhigtaa halqabsi,
Dadyowga dhexdoodana waxaad nooga dhigtaa kuwa madaxa laga lulo.
15 Maalinta oo dhan sharafdarradaydu way i hor taal,
Oo waxaa iga muuqatay ceebtii wejigayga,
16 Waayo, sababtu waxaa weeye codka kan i caaya oo i af xumeeya,
Iyo cadowga iyo kan iga aarguta daraaddood.
17 Waxyaalahaas oo dhammu way nagu dhaceen, laakiinse weli kuma aannu illoobin,
Axdigaagana khiyaano kuma aannu samayn.
18 Qalbigayagu dib uma noqon,
Oo tallaabooyinkayaguna jidkaaga kama baydhin,
19 Adiguse waxaad si xun noogu jebisay meeshii dawacooyinka,
Oo waxaad nagu qarisay hooskii dhimashada.
20 Haddii aannu illownay magicii Ilaahayaga,
Ama aannu gacmahayaga u kala bixinnay ilaah qalaad,
21 Ilaah miyaanu waxaas baadhayn?
Waayo, isagu waa wada og yahay qalbiga waxyaalihiisa qarsoon.
22 Haah, oo adiga daraaddaa ayaa naloo laayaa maalinta oo dhan,
Oo waxaannu noqonnaa sida ido la qalayo.
23 Toos, maxaad u huruddaa, Sayidow?
Sara joogso, oo ha na xoorin weligaa.
24 Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa,
Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?
25 Waayo, naftayadu ciidday ku foororsatay,
Oo calooshayaduna dhulkay ku dhegtaa.
26 Caawimaaddayada daraaddeed u sara joogso,
Oo raxmaddaada daraaddeed noo furo.

Sharciga Kunoqoshadiisa 8:11-20

11 Digtoonaada, waaba intaasoo aad Rabbiga Ilaahiinna ah illowdaan markaad xajin weydaan amarradiisa iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa, oo aan maanta idinku amrayo, 12 oo markaad wax cuntaan oo aad dheregtaan, oo aad guryo wanaagsan dhisataan oo aad degtaan, 13 oo lo'diinna iyo idihiinnu ay tarmaan, oo lacagtiinna iyo dahabkiinnuna ay bataan, oo waxaad haysataan oo dhammuna ay tarmaan, 14 uu qalbigiinnu kor u kacaa oo aad illowdaan Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga. 15 Isagaa idin soo dhex mariyey cidladii weynayd oo cabsida badnayd oo ay ka buuxeen abeesooyin qaniinyo kulul iyo hangarallayaal, oo ahaa dhul oommane ah oo aan biyo lahayn, oo dhagaxmadowgii ayuu biyo idiinka soo bixiyey. 16 Oo intaad cidladii joogtay ayuu idinku quudiyey maanna aan awowayaashiinna aqoon. Waxaas oo dhan wuxuu u sameeyey si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo, si uu ugu dambaystiinna wanaag idiinku sameeyo, 17 waaba intaasoo aad qalbiga iska tidhaahdaan, Xooggayaga iyo itaalka gacantayada ayaannu maalkan ku helnay. 18 Laakiinse waa inaad xusuusataan Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, kan xoogga aad maalka ku heshaan idin siiyaa waa isaga, inuu adkeeyo axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay, siday maanta tahay. 19 Oo haddaad Rabbiga Ilaahiinna ah illowdaan oo aad ilaahyo kale raacdaan oo u adeegtaan oo caabuddaan, hubaal waxaan maanta idiin markhaati furayaa inaad baabba'aysaan. 20 Sidii quruumihii Rabbigu hortiinna ka baabbi'iyey oo kale ayaad idinkuna baabba'aysaan, maxaa yeelay, waad diiddeen inaad codkii Rabbiga Ilaahiinna ah maqashaan.

Cibraaniyada 2:11-18

11 Waayo, kan quduus ka dhiga iyo kuwa quduus laga dhigaaba kulli mid keliya ayay ka yimaadaan; taas aawadeed isagu kalama xishoodo inuu iyaga ugu yeedho walaalo, 12 isagoo leh,

Magacaaga waxaan u sheegi doonaa walaalahay,
Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.

13 Oo haddana, Isagaan aamini doonaa, oo haddana, Bal eega, aniga iyo carruurta Ilaah i siiyey. 14 Carruurtu waxay qayb ka heleen jidh iyo dhiig, taas aawadeed isaguna sidaas oo kale ayuu uga qayb qaatay, inuu dhimasho ku baabbi'iyo kii xoogga dhimashada lahaa, oo ah Ibliiska, 15 iyo inuu furo kulli kuwii cimrigoodii oo dhan addoonnimo ugu hoos jiray cabsida dhimashada. 16 Waayo, runtii, ma uu qaadan suuradda malaa'igaha, wuxuuse qaatay tan dhashii Ibraahim. 17 Haddaba waxaa isaga u ekayd inuu wax walba ugu ekaado walaalihiis, inuu wadaad sare oo naxariis iyo aamin badan leh u noqdo xagga waxyaalaha Ilaah, si uu cadhotir ugu noqdo dembiyada dadka. 18 Waayo, isaga qudhiisu wuu xanuunsaday isagoo la jirrabay, taas aawadeed wuu karaa inuu caawiyo kuwa la jirrabo.

Yooxanaa 2:1-12

Arooskii Magaalada Kaana Lagu Sameeyey

Maalintii saddexaad waxaa Kaana tii Galili jiray aroos, Ciise hooyadiisna halkaasay joogtay. Waxaana arooska loogu yeedhay Ciise iyo xertiisii. Markii khamrigu dhammaaday Ciise hooyadiis waxay isaga ku tidhi, Khamri ma ay qabaan. Markaasaa Ciise wuxuu iyada ku yidhi, Islaan yahay, aniga iyo adiga maxaa inoo dhexeeya? Saacaddaydu weli ma iman. Kolkaasaa hooyadiis waxay midiidinyadii ku tidhi, Wax kastuu idinku yidhaahdo, yeela. Meeshaas waxaa yiil lix ashuun oo dhagax ah, oo loo dhigay caadada Yuhuudda oo daahirinta, mid kastaana wuxuu qaadi jiray qiyaas laba ama saddex [a]metritas. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ashuummada biyo ka buuxiya, goortaasay buuxiyeen ilaa girgirka. Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Ka soo dhura oo u geeya ka miiska arooska madaxda u ah, wayna u geeyeen. Kii madaxda ahaa markuu dhadhamiyey biyihii khamriga noqday ma uu ogayn meel ay ka yimaadeen, laakiin midiidinyadii oo soo dhuray way ogaayeen; markaasaa kii madaxda ahaa u yeedhay ninkii arooska ahaa, 10 oo ku yidhi, Nin kastaa marka hore wuxuu soo saaraa khamriga wanaagsan, oo markay u cabbaan siday doonayaan dabadeedna ayuu keenaa kan liita; adiguse khamriga wanaagsan ilaa haddeer ayaad dib u dhigtay. 11 Calaamooyinka Ciise tii ugu horraysay waxay ahayd tan uu ku sameeyey Kaana tii Galili, oo wuxuu ku muujiyey ammaantiisii, xertiisiina way rumaysteen.

12 Waxaas dabadeed wuxuu tegey Kafarna'um, waxaana la socday hooyadiis iyo walaalihiis iyo xertiisii, oo maalmo aan badnayn ayay meeshaas joogeen.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya