Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Maskiil ah oo uu Eetaan kii reer Cesraax tiriyey.
89 Anigu weligayba waxaan ku gabyi doonaa Rabbiga waxyaalihiisa naxariista leh,
Oo aaminnimadaadana afkaygaan ka ab ka ab ku ogeysiinayaa.
2 Waayo, waxaan idhi, Naxariistu weligeedba way dhisnaan doontaa,
Oo aaminnimadaadana waxaad ku adkayn doontaa samooyinka qudhooda.
3 Axdi baan la dhigtay kii aan doortay,
Oo waxaan u dhaartay addoonkaygii Daa'uud, oo ku idhi,
4 Farcankaaga weligayba waan sii adkayn doonaa,
Oo carshigaaguna wuu dhisnaan doonaa tan iyo ka ab ka ab. (Selaah)
5 Rabbiyow, samooyinku waxay ammaani doonaan yaababkaaga,
Oo weliba aaminnimadaadana waxaa laga dhex sheegi doonaa shirka kuwa quduuska ah.
6 Waayo, bal yaa cirka ku jira oo Rabbiga lala simi karaa?
Bal yaase ku dhex jira wiilasha kuwa xoogga badan oo Rabbiga la mid ah,
7 Kaas oo ah Ilaaha ugu cabsida badan guddiga kuwa quduuska ah,
Oo waajibka tahay in kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu ay ka cabsadaan.
8 Rabbiyow Ilaaha ciidammadow,
Bal yaa sidaada u xoog badan, Rabbiyow?
Aaminnimadaadu hareerahaagay ku wareegsan tahay.
9 Adigaa u taliya badda kibirkeeda,
Oo markii hirarkeedu kacaan adigaa dejiya.
10 Rahab waxaad u kala burburisay sidii mid la dilay,
Oo cadaawayaashaadiina waxaad ku kala firdhisay gacanta xooggaaga.
11 Samooyinka adigaa iska leh, dhulkana adigaa iska leh,
Dunida iyo waxaa ka buuxana adigaa aasaasay.
12 Woqooyi iyo koonfurba adigaa abuuray,
Taaboor iyo Xermoonba magacaagay ku reyreeyaan.
13 Adigu waxaad leedahay dhudhun itaal weyn,
Gacantaaduna way xoog badan tahay, midigtaaduna way sarraysaa.
14 Carshigaaga aasaaskiisu waxa weeye xaq iyo caddaalad,
Oo naxariista iyo runtuna way ku hor socdaan.
15 Waxaa barakaysan dadka yaqaan dhawaaqa farxadda leh,
Rabbiyow, waxay ku socdaan wejigaaga iftiinkiisa,
16 Maalinta oo dhan waxay ku reyreeyaan magacaaga,
Oo waxay ku sara marayaan xaqnimadaada.
17 Waayo, waxaad tahay ammaantii xooggooda,
Oo raallinimadaada daraaddeed ayaa geeskayaga kor loogu sarraysiin doonaa.
18 Waayo, gaashaankayaga waxaa iska leh Rabbiga,
Oo boqorkayagana waxaa iska leh Kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
19 Markaas quduusiintaada waxaad kula hadashay muuqasho,
Oo waxaad ku tidhi, Waxaan caawimaad kor saaray mid xoog badan,
Oo waxaan sarraysiiyey mid dadka laga doortay.
20 Waxaan helay addoonkaygii Daa'uud ahaa,
Oo waxaan ku subkay saliiddaydii quduuska ahayd,
21 Oo gacantaydu isagay la jiri doontaa,
Dhudhunkayguna isaguu xoogayn doonaa.
22 Cadowgu ma dulmi doono,
Wiilka sharnimaduna ma dhibi doono.
23 Oo cadaawayaashiisa hortiisaan ku wada burburin doonaa,
Oo kuwa isaga necebna waan layn doonaa.
24 Laakiinse aaminnimadayda iyo naxariistaydu isagay la jiri doonaan,
Oo geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa magacayga.
25 Oo weliba gacantiisa waxaan ka sarraysiin doonaa badda,
Midigtiisana webiyaasha.
26 Aniguu ii qayshan doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Adigu waxaad tahay aabbahay,
Iyo Ilaahay, iyo dhagaxii weynaa oo badbaadadayda.
27 Oo weliba waxaan isaga ka dhigi doonaa curadkayga,
Oo wuxuu ahaan doonaa boqorrada dunida kan ugu wada sarreeya.
28 Weligayba waxaan isaga u hayn doonaa naxariistayda,
Oo axdigayguna isaguu ku sii adkaan doona.
29 Oo weliba farcankiisana waxaan ka dhigi doonaa mid weligiis waara,
Carshigiisana sida wakhtiga samada.
30 Carruurtiisu hadday sharcigayga ka tagaan,
Oo aanay ku socon xukummadayda,
31 Hadday qaynuunnadayda jebiyaan,
Oo aanay amarradayda dhawrin,
32 Markaas xadgudubkooda waxaan kaga abaalmarin doonaa ul,
Xumaantoodana jeedal.
33 Laakiinse naxariistayda oo dhan kama wada qaadi doono,
Aaminnimadayduna inay isaga gabto uma oggolaan doono.
34 Axdigayga ma jebin doono,
Oo wixii afkayga ka soo baxayna ma beddeli doono.
35 Mar baan waxaan ku dhaartay quduusnimadayda,
Oo Daa'uud been uma sheegi doono,
36 Farcankiisu weligiisuu waari doonaa,
Carshigiisuna wuxuu u waari doonaa sida qorraxda hortayda ka ifaysa.
37 Oo wuxuu weligiisba u sii jiri doonaa sida dayaxa,
Iyo sida markhaatiga daacadda ah oo cirka jooga. (Selaah)
38 Laakiinse adigu waad xoortay oo waad nacday,
Oo waxaad u cadhootay kaaga subkan.
39 Axdigii addoonkaaga waad nacday,
Oo taajkiisiina waad nijaasaysay oo dhulka ku tuurtay.
40 Deyrarkiisii oo dhan waad dumisay,
Oo qalcadihiisii oo dhanna waad burburisay.
41 Wax alla wixii jidka soo mara oo dhanba isagay dhacaan,
Oo derisyadiisana wuxuu u noqday cay.
42 Waxaad kor u qaadday midigtii kuwii dulmayay,
Cadaawayaashiisii oo dhanna waad ka farxisay.
43 Oo weliba afka seeftiisana dib baad u celisaa,
Isagiina kama aad dhigin inuu dagaalka ku sii adkaysto.
44 Iftiinkiisii waad demisay,
Carshigiisiina dhulkaad ku tuurtay.
45 Cimrigii dhallinyaranimadiisii waad soo gaabisay,
Oo waxaad isagii ka muujisay ceeb. (Selaah)
46 Rabbiyow, ilaa goormaad isqarin doontaa? Ma weligaa baa?
Oo ilaa goormay cadhadaadu sida dab u ololi doontaa?
47 Bal xusuuso sida wakhtigaygu u gaaban yahay,
Waayo, sidaad binu-aadmiga oo dhan u abuurtay micnedarnaa!
48 Bal waa ninkee kan iska noolaan doona isagoo aan dhimasho arkin,
Oo naftiisa ka samatabbixin doona xoogga She'ool? (Selaah)
49 Sayidow, meeday naxariistaadii hore,
Oo aad Daa'uud aaminnimadaada ugu dhaaratay?
50 Sayidow, bal soo xusuuso cayda addoommadaada,
Iyo sida aan laabta ugu sido cayda dadka badan oo dhan,
51 Rabbiyow, waana tii ay cadaawayaashaadu igu caayeen,
Oo waa tii ay ku caayeen tallaabooyinka kaaga subkan.
52 Mahad waxaa leh Rabbiga tan iyo weligiisba.
Aamiin, iyo aamiin.
Maalinta Aarsashada Iyo Madaxfurashada Ee Ilaah
63 Yuu yahay kan Edom ka soo socda oo dharka cas Bosraah kala imanaya? Kan dharkiisa ku quruxda badan oo weynaanta xooggiisa ku soo socda waa kuma? Waa anigan xaqnimada ku hadla oo inaan wax badbaadiyo u xoogga badan. 2 Bal maxaa dharkaagu u cas yahay, oo lebbiskaagana maxaa loo moodaa sida dharka kan macsarada canabka ku joogjoogsada? 3 Keligay baan macsarada ku tuntay, oo dadkiina qofna igalama joogin, waxaan iyaga kula tuntay cadhadayda, oo waxaan kula joogjoogsaday xanaaqayga, oo dhiiggooduna lebbiskayguu ku firidhsan yahay, dharkayga oo dhanna waan ku wada wasakheeyey. 4 Waayo, maalintii aarsashadu qalbigaygay ku jirtay, oo kuwaygii aan furtay sannaddoodu waa timid. 5 Waan doondoonay, laakiinse mid i caawiya lama arag, oo inaan la arag mid i tiiriya waan ka yaabay, sidaas daraaddeed gacantayda qudheeda ayaa badbaado ii keentay, waxaana i tiirisay cadhadaydii. 6 Oo dadyowgaan cadhadayda kula tuntay, xanaaqaygana waan ku sakhraamiyey, oo dhiiggoodana dhulkaan ku soo daadiyey.
WARQADDII KOWAAD EE RASUUL BAWLOS U QORAY
TIMOTEYOS
Salaan, Iyo Ka-digidda Cilmiga Beenta Ah
1 Anigoo Bawlos ah oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah amarka Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo Ciise Masiix oo rajadeenna ah, 2 waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo xagga iimaanka ku ah wiilkayga runta ah. Nimco iyo naxariis iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix.
3 Sidaan kugu waaniyey markaan Makedoniya tegayay ayaan haatanna kugu waaninayaa inaad Efesos sii joogtid oo aad kuwo ku amartid inayan cilmi kale dadka barin, 4 ama ayan dhegaysanin sheekooyin iyo abtirsiinyada aan dhammaadka lahayn oo keena su'aalo intay hor marin lahaayeen talada Ilaah oo rumaysadka ku jirta. 5 Laakiin amarka dhammaadkiisu waa jacayl ka soo baxa qalbi daahir ah iyo niyo wanaagsan iyo rumaysad aan labaweji lahayn. 6 Waxyaalahan qaar baa seegay, oo waxay ku leexdeen hadal aan micne lahayn, 7 oo waxay doonayaan inay noqdaan macallimiinta sharciga in kastoo ayan garanayn waxay yidhaahdaan ama waxay ku xaqiiqeeyaan. 8 Waxaynu og nahay in sharcigu wanaagsan yahay haddii loo isticmaalo si sharciga ku qumman. 9 Sidaynu u og nahay, sharciga looma samayn nin xaq ah, laakiin waxaa loo sameeyey sharcilaawayaasha, iyo caasiyiinta, iyo cibaadalaawayaasha, iyo dembilayaasha, iyo kuwa aan quduuska ahayn, iyo kuwa nijaasta ah, iyo kuwa aabbahood dila, iyo kuwa hooyadood dila, iyo gacankudhiiglayaasha, 10 iyo kuwa sinaysta, iyo khaniisiinta, iyo kuwa dadka xada, iyo beenlowyada, iyo kuwa beenta ku dhaarta, iyo hadday jiraan wax kaleeto oo ka gees ah cilmiga runta ah, 11 oo ah sida injiilka ammaanta Ilaaha barakada leh oo laygu ammaaneeyey.
Bawlos Baa Ilaah Naxariistiisa U Mahadnaqay
12 Waxaan ku mahadnaqayaa kan xoogga i siiyey oo ah Rabbigeenna Ciise Masiix, waayo, wuxuu igu tiriyey mid aamin ah intuu hawshiisa ii doortay, 13 in kastoo aan hore u ahaan jiray mid dadka caaya oo silciya, oo dhiba, laakiin waa la ii naxariistay, waayo, aqoonla'aan baan ku sameeyey, anigoo aan rumaysanayn. 14 Nimcada Rabbigeenna waxay aad iyo aad ula badatay rumaysadka iyo jacaylka ku jira Ciise Masiix. 15 Hadalkanu waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo, in Ciise Masiix dunida u yimid inuu badbaadiyo dembilayaasha anoo ah kan ugu daran. 16 Laakiin sababtaas daraaddeed waa la ii naxariistay in, anigoo ah kan ugu daran, Ciise Masiix iga muujiyo dulqaadashadiisa oo dhan, inaan masaal u noqdo kuwa hadda dabadeed isaga rumaysan doona inay nolol weligeed ah helaan. 17 Boqorka daa'imiska ah, oo aan dhiman karin, oo aan la arki karin, oo ah Ilaaha keligiis ah, maamuus iyo ammaanu ha u ahaadeen weligiis iyo weligiis. Aamiin.
Ciise Guul Buu Ku Galay Yeruusaalem(A)
11 Goortay Yeruusaalem ku soo dhowaadeen, halka Beytfaage iyo Beytaniya, xaggii Buur Saytuun, xertiisii ayuu laba ka diray. 2 Wuxuuna ku yidhi, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, oo kolkiiba markaad gashaan waxaad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin. Soo fura oo keena. 3 Haddii nin idinku yidhaahdo, Maxaad waxan u samaynaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu u soo diri doonaa halkan. 4 Markaasay tageen oo heleen qayl ku xidhan irid agteed meel dibadda ah oo jidka dhexdiisaa, wayna soo fureen. 5 Kuwa halkaa taagnaa qaarkood waxay ku yidhaahdeen, Maxaad samaynaysaan oo u furaysaan qaylka? 6 Kolkaasay waxay ku yidhaahdeen sida Ciise u amray, markaasay oggolaadeen. 7 Waxay qaylkii u keeneen Ciise, dharkoodana ayay dusha ka saareen, wuuna ku fadhiistay. 8 Dad badan baa dharkoodii jidka ku goglay, kuwa kalena laamo ayay beeraha ka soo jareen oo jidka ku gogleen. 9 Kuwii hor socday iyo kuwii daba socdayba way qayliyeen oo yidhaahdeen, [a]Hoosanna, waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanayo. 10 Waxaa barakaysan boqortooyada imanaysa oo aabbeheen Daa'uud. Hoosanna ha ku jirto meelaha ugu sarreeya.
11 Markaasaa Ciise Yeruusaalem yimid oo galay macbudka. Goortuu hareeraha iyo wax walbaba eegay, oo gabbalkiina dhacay, ayuu Beytaniya laba-iyo-tobankii ula baxay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya