Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur gabay ah oo Aasaaf tiriyey.
83 Ilaahow, shib ha odhan,
Oo ha aamusin, afkana ha haysan, Ilaahow.
2 Waayo, bal eeg, cadaawayaashaadu way buuqaan,
Oo kuwii ku nebcaana madaxay kor u qaadeen.
3 Dadkaagay xeelad ugu tashadaan,
Oo waxay dhammaantood u arrinsadaan kuwaad qarisay.
4 Waxay isku yidhaahdeen, Kaalaya, aan baabbi'innee, yaanay mar dambe quruun ahaanine.
Si aan magaca Israa'iil dib loogu soo xusuusan.
5 Waayo, iyagoo isku waafaqsan ayay ku arrinsadeen,
Oo axdi kaa gees ah ayay isla dhigtaan,
6 Teendhooyinkii reer Edom iyo reer Ismaaciil,
Iyo reer Moo'aab iyo reer Hagariim,
7 Reer Gebal iyo reer Cammoon iyo reer Camaaleq,
Reer Falastiin iyo kuwii Turos degganaa,
8 Oo xataa reer Ashuurna way ku darsameen,
Oo waxay kaalmeeyeen ilma Luud. (Selaah)
9 Iyaga ku samee wixii aad ku samaysay reer Midyaan,
Iyo Siiseraa iyo Yaabiin markii ay ag joogeen Webi Qiishoon,
10 Waxay ku halligmeen Ceyn Door,
Oo waxay dhulka u noqdeen digo.
11 Nimankooda gobta ah oo dhan waxaad ka dhigtaa sida Cooreeb iyo Se'eeb,
Oo amiirradooda oo dhanna sida Sebah iyo Salmunnac,
12 Kuwaas oo isyidhi, War aan iska qaadanno oo hantinno Ilaah degmooyinkiisa.
13 Ilaahayow, iyaga ka dhig sida boodhka warwareega,
Iyo sida xaab dabaysha ka horreeya,
14 Sida dabka duurka guba,
Iyo sida ololka buuraha huriya,
15 Sidaasoo kale iyaga duufaankaaga ku eri,
Hufadaadana ku cabsii.
16 Rabbiyow, wejigoodu wareer ha ka buuxsamo,
Si ay magacaaga u doondoonaan.
17 Weligood ha ceeboobeen, hana baqeen,
Ha wareereen, hana baabbe'een,
18 Si ay u ogaadaan in adigoo magacaagu Ilaah yahay
Aad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan.
146 Rabbiga ammaana.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
2 Intaan noolahay oo dhan Rabbiga waan ammaani doonaa,
Oo ammaan baan Ilaahay ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
3 Ha isku hallaynina amiirrada
Iyo binu-aadmiga aan waxba caawimi karin.
4 Naftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii.
Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baabba'aan.
5 Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub,
Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,
6 Oo sameeyey cirka iyo dhulka,
Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,
Oo runtana dhawra weligiisba,
7 Oo kuwa la dulmay u garsoora,
Oo kuwa gaajaysanna quud siiya.
Rabbigu maxaabiistuu furaa.
8 Rabbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha,
Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya,
Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.
9 Rabbigu waa ilaaliyaa kuwa qariibka ah,
Oo isagaa taageera agoonta iyo carmallada,
Laakiinse jidka kuwa sharka leh wuu qalloociyaa.
10 Rabbigu xukun buu haysan doonaa weligiis,
Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab.
Rabbiga ammaana.
147 Rabbiga ammaana.
Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo,
Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.
2 Rabbigu Yeruusaalem buu dhisaa,
Oo wuxuu isu soo wada ururiyaa kuwa la naco oo reer binu Israa'iil ah.
3 Isagaa bogsiiya kuwa qalbi jabay,
Oo nabrahoodana wuu duubaa.
4 Wuxuu sheegaa xiddigaha tiradooda,
Oo kulligoodna magacyo buu u bixiyaa.
5 Sayidkeennu waa weyn yahay, wuuna xoog badan yahay,
Waxgarashadiisuna waa mid aan la koobi karayn.
6 Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow,
Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa.
7 Rabbiga mahadnaqid ugu gabya,
Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,
8 Kaasoo samada daruuro ku qariya,
Oo dhulka roob u diyaarsha,
Buurahana doog ka soo bixiya.
9 Wuxuu quud siiyaa xayawaanka,
Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.
10 Isagu kuma farxo xoogga faraska,
Oo kuma reyreeyo lugaha dadka.
11 Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada,
Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.
12 Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan,
Siyoonay, Ilaahaaga ammaan.
13 Waayo, wuxuu xoogeeyey qataarrada irdahaaga,
Carruurtaadana wuu kugu dhex barakeeyey.
14 Soohdimahaaga nabad buu ka dhigaa,
Oo wuxuu kaa dhergiyaa sarreenka ugu wanaagsan.
15 Amarkiisa wuxuu u soo diraa dhulka,
Eraygiisuna aad buu u dheereeyaa.
16 Baraf cad wuxuu u soo daadshaa sida dhogor oo kale,
Sayax barafoobayna wuxuu u kala firdhiyaa sida dambas oo kale.
17 Barafkiisa wuxuu u soo ridaa sida jajab oo kale,
Bal yaa qabowgiisa hor istaagi kara?
18 Wuxuu soo diraa eraygiisa, oo wuu dhalaaliyaa iyaga,
Dabayshiisana wuxuu ka dhigaa inay dhacdo, biyuhuna way qulqulaan.
19 Eraygiisa wuxuu tusaa reer Yacquub,
Qaynuunnadiisa iyo xukummadiisana reer binu Israa'iil.
20 Quruunna sidaas oo kale uma uu samayn.
Xukummadiisiina ma ay garanaynin,
Rabbiga ammaana.
Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.
85 Rabbiyow, dalkaagii waad u roonaatay,
Oo waxaad soo celisay maxaabiistii reer Yacquub.
2 Xumaantii dadkaagana waad cafiday,
Oo dembigoodii oo dhanna waad qarisay. (Selaah)
3 Cadhadaadii oo dhan waad fogaysay,
Oo waad ka soo noqotay kulaylkii xanaaqaaga.
4 Ilaaha Badbaadadayadow, na soo celi,
Oo dhirifkaaga naga jooji.
5 Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa?
Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab?
6 Miyaanad mar dambe na soo noolaynayn,
Si ay dadkaagu kuugu reyreeyaan?
7 Rabbiyow, naxariistaada na tus,
Oo badbaadadaada na sii.
8 Waan maqli doonaa waxa Ilaaha Rabbiga ahu ku hadlo,
Waayo, nabad buu kula hadli doonaa dadkiisa iyo quduusiintiisa,
Laakiin yaanay nacasnimo ku noqon.
9 Hubaal badbaadadiisu way u dhow dahay kuwa isaga ka cabsada,
Si ay ammaanu dalkayaga u degganaato.
10 Naxariis iyo runu way isla kulmeen,
Xaqnimo iyo nabaduna way isdhunkadeen.
11 Runtu waxay ka soo baxdaa dhulka,
Xaqnimaduna waxay hoos ka soo fiirisaa samada.
12 Haah, Rabbigu wuxuu ina siin doonaa waxa wanaagsan,
Oo dalkeennuna wuxuu soo bixin doonaa midhihiisa.
13 Hortiisa waxaa socon doonta xaqnimo,
Oo waxay tallaabooyinkiisa ka dhigi doontaa jid la maro.
Baryootankii Daa'uud.
86 Rabbiyow, dhegtaada ii soo dhig, oo ii jawaab,
Waayo, waxaan ahay miskiin iyo mid baahane.
2 Naftayda dhawr, waayo, waxaan ahay mid cibaado leh,
Ilaahayow, i badbaadi anigoo ah addoonkaaga isku kaa halleeya.
3 Sayidow, ii naxariiso,
Waayo, maalinta oo dhan adaan kuu qayshadaa.
4 Sayidow, addoonkaaga naftiisa ka farxi,
Waayo, naftayda adigaan kor kuugu soo qaadaa.
5 Waayo, Sayidow, waad wanaagsan tahay, oo waxaad diyaar u tahay inaad dembidhaafto,
Waanad u naxariis badan tahay kuwa ku barya oo dhan.
6 Rabbiyow, baryadayda dhegta u dhig,
Oo codka baryootankayga maqal.
7 Maalinta aan dhibaataysnahay adaan ku baryi doonaa,
Waayo, waad ii jawaabi doontaa.
8 Sayidow, adigoo kale ilaahyada kuma jiro,
Oo shuqulladaadana wax la mid ahu ma jiraan.
9 Sayidow, quruumihii aad samaysay oo dhammu way iman doonaan oo hortaaday ku sujuudi doonaan,
Waxay ammaani doonaan magacaaga.
10 Waayo, adigu waad weyn tahay, oo waxyaalo yaab badanna waad samaysaa,
Oo adiga keliya ayaa Ilaah ah.
11 Rabbiyow, jidkaaga i bar, oo anna runtaadaan ku socon doonaa,
Qalbigayga mid ka dhig si aan magacaaga uga cabsado.
12 Sayidow Ilaahayow, qalbigayga oo dhan waan kugu ammaanayaa,
Oo weligayba waxaan ammaani doonaa magacaaga.
13 Waayo, naxariistaadu xaggayga way ku weyn tahay,
Naftaydana waxaad ka soo samatabbixisay She'oolka ugu hooseeya.
14 Ilaahow, kuwa kibirka lahu way igu keceen,
Ururka dadka dulmiga badanna waxay doonayeen inay nafta iga qaadaan,
Oo adigana kuuma ay soo jeesan.
15 Laakiinse adigu Sayidow, waxaad tahay Ilaah ay raxmad iyo nimco ka buuxaan,
Oo cadhada u gaabiya, oo naxariis iyo runba badan.
16 Ii soo jeeso, oo ii naxariiso,
Oo anoo addoonkaaga ah xoog i sii,
Oo i badbaadi anoo wiilka addoontaada ah.
17 Calaamad wanaaggaaga lagu garto i tus,
Si ay kuwa i necebu u arkaan, oo ay u ceeboobaan,
Maxaa yeelay, Rabbiyow, waad i caawisay, oo waad i qalbi qaboojisay.
Ammaanta Siyoon
60 Sare joogso, oo dhalaal, waayo, iftiinkaagii waa yimid, oo ammaantii Rabbiguna way soo baxday oo ku iftiimisay. 2 Waayo, bal ogow, dhulka gudcur baa dabooli doona, oo dadyowgana mugdi dam ah ayaa qarin doona, laakiinse Rabbigaa soo bixi doona oo ku iftiimin doona, oo ammaantiisana korkaagaa lagu arki doonaa. 3 Oo quruumo baa iftiinkaaga u iman doona, oo boqorrona waxay u iman doonaan dhalaalka sarakiciddaada. 4 Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Intay isa soo wada urursadaan ayay kuu yimaadaan. Wiilashaadii meel fog bay ka iman doonaan, oo gabdhahaagana gacmahaa lagu soo qaadi doonaa. 5 Markaasaad arki doontaa oo nuuri doontaa, oo qalbigaaguna farxad buu la gariiri doonaa, wuuna rayrayn doonaa, waayo, badda maalkeeda badan adigaa laguu soo leexin doonaa, oo hodantinimada quruumahuna adigay kuu iman doontaa. 6 Waxaa kuu badan doona awr iyo qaalmihii reer Midyaan iyo reer Ceefah, kulligood waxay ka iman doonaan Shebaa, oo waxay keeni doonaan dahab iyo foox. Rabbiga ammaantiisana waa la naadin doonaa. 7 Adhyaha reer Qedaar oo dhammuna adigay kugu soo wada ururi doonaan, oo wananka Nebayodna waxay noqon doonaan wax laguugu adeego, meeshayda allabariga dusheeda way iman doonaan, iyagoo la aqbalo, oo gurigayga ammaanta leh waan ammaani doonaa. 8 Waa kuwee kuwan u duulaya sida daruur oo kale, iyo sida qoolleyo buulalkooda u duulaya? 9 Hubaal gasiiraduhu anigay i sugi doonaan, oo doonniyaha Tarshiish ayaa marka hore iman doona inay wiilashaadii meelo fog ka keenaan iyagoo lacagtoodii iyo dahabkoodiiba wata, oo waxay u iman doonaan magaca Rabbiga ah Ilaahaaga iyo Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, maxaa yeelay, isagu wuu ku ammaanay. 10 Oo derbiyadaada waxaa dhisi doona shisheeyayaal, oo boqorradooduna adigay kuu adeegi doonaan, waayo, cadhadayda aawadeed ayaan wax kuugu dhuftay, laakiinse raallinimadayda aawadeed ayaan kuugu naxariistay. 11 Weliba irdahaagu had iyo goorba way furnaan doonaan, oo habeen iyo maalin toona lama xidhi doono in laguu keeno hodantinimada quruumaha iyo boqorradooda la kaxaystay. 12 Waayo, quruuntii iyo boqortooyadii aan kuu adeeginuba way halligmi doonaan, hubaal quruumahaas waa la wada baabbi'in doonaa. 13 Waxaa kuu iman doonta quruxdii Lubnaan, taasoo ah geedaha la yidhaahdo beroosh, iyo tidhaar, iyo te'ashuurba si ay u qurxiyaan meeshayda quduuska ah, oo meesha cagahayga waxaan ka dhigi doonaa mid ammaan badan. 14 Oo kuwii ku dhibi jiray wiilashooda ayaa kuu iman doona iyagoo ku hor foororsanaya, kuwii ku quudhsan jiray oo dhammuna cagahaaga hortooday ku wada sujuudi doonaan, oo waxay kugu magacaabi doonaan, Magaaladii Rabbiga, oo ah Siyoontii Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil. 15 In kastoo lagaa tegey oo lagu necbaaday, oo uusan ninna ku dhex mari jirin, waxaan kaa dhigi doonaa sharaf weligeed ah iyo farxadda dadka qarniyada badan. 16 Oo waxaad nuugi doonta caanaha quruumaha, oo waxaad nuugi doontaa naasaha boqorrada, oo waxaad ogaan doontaa inaan anigoo Rabbiga ahu ahay Badbaadiyahaaga, iyo Bixiyahaaga, iyo Kan xoogga badan ee reer Yacquub. 17 Meeshii naxaasta dahab baan ka keeni doonaa, meeshii birtana lacag baan ka keeni doonaa, meeshii qorigana naxaas baan ka keeni doonaa, oo meeshii dhagaxantana bir baan ka keeni doonaa, oo saraakiishaadana waxaan ka dhigi doonaa kuwa nabdeed, oo kuwa kuu taliyana waxaan ka dhigi doonaa kuwa xaqa ah.
Kadigidda Muranka
14 Waxyaalahan iyaga xusuusi oo Rabbiga hortiisa ku amar inayan hadal ku murmin, waayo, kaasu faa'iido ma leh, laakiinse kuwa maqla ayuu sii kharribaa. 15 Ku dadaal inaad nafsaddaada loo bogay Ilaah siisid, adigoo ah shaqeeye aan dadka ka xishoonin, oo hadalka runta ah si hagaagsan u wada. 16 Laakiinse ka fogow hadalka aan micnaha lahayn, oo nijaasta ah, waayo, kuwaas waxay hore u sii wadi doonaan cibaadola'aanta, 17 oo hadalkoodu sida waraabowgu u faafo ayuu u sii faafi doonaa; iyaga waxaa ka mid ah Humenayos iyo Fileetos, 18 oo ah kuwa xagga runta ka gefay iyagoo leh, Sarakicidda waa horaa la soo dhaafay, oo qaar bay iimaanka ka halleeyaan. 19 Habase yeeshee aasaaskii adkaa oo Ilaah dhigay wuu taagan yahay, isagoo leh sumaddan, Rabbigu wuu yaqaan kuwiisa; oo mid kasta oo magaca Rabbiga soo qaada xaqnimola'aanta ha ka tago. 20 Haddaba kuma jiraan guri weyn weelal dahab iyo lacag keliya ahi, laakiinse waxaa kaloo yaal kuwo qoryo iyo dhoobo ah; oo qaarkoodna wax sharaf leh ayay taraan, qaarna wax aan sharaf lahayn. 21 Sidaas daraaddeed haddii nin iska daahirsho kuwan, kaasu wuxuu ahaan doonaa weel sharaf leh, oo quduus laga dhigay, oo sayidka wax u tara, oo shuqul kasta oo wanaagsan loo diyaariyey. 22 Haddaba ka fogow damacyada xunxun ee dhallinyaronimada, laakiinse xaqnimo, iyo rumaysad, iyo jacayl, iyo nabad la raac kuwa Rabbiga uga yeedha qalbi daahir ah. 23 Iska diid su'aalaha nacasnimada iyo jaahilnimada ah, adigoo og inay dagaallo dhalaan. 24 Addoonka Rabbigu waa inuusan ilaaqtamin, laakiin waa inuu ahaado mid dadka u wada roon, oo waxbaridda ku wanaagsan, oo dulqaadasho badan, 25 oo si qabow u edbiya kuwa isaga diida; mindhaa Ilaah waa siin doonaa toobadkeenid inay runtay gartaan, 26 oo ay dabinka Ibliiska ka baxsadaan, iyagoo lagu qabtay si ay muraadkiisa u yeelaan.
Nin Dhallinyar Oo Hodan Ah Baa Doonayay Nolosha Weligeed Ah(A)
17 Goortuu jidka u soo baxay, mid baa ku soo orday oo intuu u jilba joogsaday ayuu weyddiiyey oo ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo? 18 Ciise wuxuu ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa, Wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah. 19 Qaynuunnada waad taqaan. Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Waa inaanad waxba dulmin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus. 20 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii ayaan dhawrayay. 21 Markaasaa Ciise intuu eegay jeclaaday oo ku yidhi, Wax keliya ayaa kuu dhiman. Tag oo iibi waxaad haysatid oo dhan, oo masaakiintana sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac. 22 Hadalkaas ayuu ka qulbay, wuuna baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.
Hodanka Faa'iidola'aantiisa(B)
23 Ciise ishuu wada mariyey oo xertiisuu ku yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan! 24 Xertiisii hadalladiisii bay ka yaabeen. Laakiin Ciise mar kaluu u jawaabay oo ku yidhi, Ilma yahow, siday ugu adag tahay kuwa maalka isku halleeya inay boqortooyada Ilaah galaan! 25 Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso. 26 Aad bay u yaabeen, waxayna isku lahaayeen, Haddaba yaa badbaadi kara? 27 Markaasaa Ciise eegay oo ku yidhi, Waxanu uma suurtoobaan dadka, waxbase uma aha Ilaah, waayo, wax waluba waa u suurtoobaan Ilaah. 28 Kolkaasaa Butros bilaabay inuu ku yidhaahdo, Annagu wax walba waannu ka wada tagnay, waana ku raacnay. 29 Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Ma jiro nin aawaday iyo injiilka aawadiis uga tegey guri, ama walaalo, ama hooyo, ama aabbe, ama carruur, ama beero, 30 oo aan haatan oo la joogo helayn boqol laab guryo ah, iyo walaalo, iyo hooyooyin, iyo carruur, iyo beero, wuxuuna la heli doonaa silec, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah. 31 Laakiin kuwa badan oo hore waa dambayn doonaan, kuwa dambena waa horrayn doonaan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya