Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 46

Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, oo waa gabay lagu luuqeeyo Calaamood

46 Ilaah waa magangalkeenna iyo xooggeenna,
Oo waa caawimaad inoo diyaar ah wakhtiga dhibaatada.
Sidaas daraaddeed cabsan mayno in kastoo dhulku beddelmo,
Iyo in kastoo buurahu badda uurkeeda ku dhex dhaqaaqaan,
Iyo in kastoo biyaheedu guuxaan oo qasmaan,
Iyo in kastoo ay buurahu kibirkooda la ruxruxmaan. (Selaah)
Waxaa jira webi durdurradiisu ay ka farxiyaan magaalada Ilaah,
Taasoo ah meesha quduuska ah ee Ilaaha ugu sarreeya taambuugyadiisa.
Ilaah baa iyada ku dhex jira, mana ay dhaqaaqi doonto,
Oo Ilaah baa iyada ku caawin doona marka waagu beryo.
Quruumihii way cabaadeen, oo boqortooyooyinkiina way dhaqdhaqaaqeen,
Codkiisii buu ku hadlay, oo dhulkii baa dhalaalay.
Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa,
Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)
Bal kaalaya arka shuqullada Rabbiga,
Iyo halaagga uu ku sameeyey dhulka.
Dagaallada wuu ku joojiyaa tan iyo dunida meesha ugu dambaysa,
Qaansada wuu jebiyaa, oo warankana wuu jaraa,
Oo gaadhifardoodkana dab buu ku gubaa.
10 Iska daaya oo ogaada inaan anigu Ilaah ahay,
Waa laygu sarraysiin doonaa quruumaha dhexdooda, dhulkana waa laygu sarraysiin doonaa.
11 Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa,
Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)

Sabuurradii 97

97 Rabbigu isagaa taliya, haddaba dhulku ha reyreeyo,
Oo gasiiradaha badanuna ha wada farxeen.
Isaga waxaa ku wareegsan daruuro iyo gudcur,
Oo carshigiisana waxaa aasaas u ah xaqnimo iyo garsoorid.
Waxaa hortiisa socda dab,
Oo wuxuu wada gubaa cadaawayaashiisa ku wareegsan.
Hillaaciisii ayaa dunida iftiimiyey,
Dhulkuna wuu arkay, wuuna gariiray.
Buurihii waxay Rabbiga hortiisa ugu dhalaaleen sidii shamac oo kale,
Iyagoo hor jooga Sayidka dhulka oo dhan.
Samooyinku waxay sheegaan xaqnimadiisa,
Oo dadyowga oo dhammuna waxay arkaan ammaantiisa.
Kuwa sanamyada la qoray u adeega
Iyo weliba kuwa sanamyada ku faana oo dhammu ha ceeboobeen,
Ilaahyada oo dhammow, isaga caabuda.
Rabbiyow, Siyoon way maqashay, wayna faraxday,
Oo gabdhihii reer Yahuudahna waxay ku reyreeyeen garsooriddaadii.
Waayo, Rabbiyow, adigu waad ka sarraysaa dhulka oo dhan,
Oo aad baa lagaaga sarraysiiyey ilaahyada oo dhan.
10 Kuwiinna Rabbiga jeclow, sharka nebcaada,
Isagu wuxuu dhawraa nafaha quduusiintiisa,
Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa gacanta kuwa sharka leh.
11 Waxaa kuwa xaqa ah loo beeray iftiin,
Kuwa qalbigoodu qumman yahayna, farxad.
12 Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa,
Oo magiciisa quduuska ah ku mahadnaqa.

Sabuurradii 96

96 Rabbiga gabay cusub ugu gabya,
Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya.
Rabbiga u gabya, oo magiciisa ammaana,
Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.
Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega,
Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.
Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano.
Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan.
Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo,
Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.
Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin,
Xoog iyo quruxuna meeshiisa quduuska ah ayay ku jiraan.
Dadka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana,
Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.
Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay,
Qurbaan keena, oo barxadihiisa soo gala.
Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada,
Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira.
10 Quruumaha dhexdooda waxaad ka tidhaahdaan, Rabbigaa taliya,
Oo duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin,
Dadyowgana wuxuu ugu garsoori doonaa caddaalad.
11 Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo,
Oo badda iyo waxa ka buuxaaba, ha guuxeen,
12 Berriga iyo waxa ku jira oo dhammuna ha farxeen,
Oo markaasay dhirta duurka oo dhammu Rabbiga hortiisa ku gabyi doonaan farxad daraaddeed,
13 Waayo, isagu waa imanayaa,
Oo wuxuu u imanayaa inuu dunida xukumo.
Isagu wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo,
Dadyowgana runtiisa.

Sabuurradii 100

Kanu waa sabuur mahadnaqid ah.

100 Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.
Rabbiga farxad ugu adeega,
Oo hortiisa gabay la kaalaya.
Ogaada in Rabbigu Ilaah yahay,
Waxaa ina sameeyey isaga, oo waxaynu nahay kuwiisii,
Waxaynu nahay dadkiisii iyo idihii daaqsintiisa.
Irdihiisa mahadnaqid la gala,
Barxadihiisana ammaan.
Isaga u mahadnaqa, oo magiciisa ammaana.
Waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, naxariistiisuna weligeed way sii waartaa,
Aaminnimadiisuna tan iyo ka ab ka ab.

Ishacyaah 52:7-10

Buuraha dushooda ku qurux badanaa cagaha kan warka wanaagsan keena, oo nabadda naadiya, oo waxyaalaha wanaagsan warka wanaagsan ka keena, oo badbaadada naadiya, oo Siyoon ku yidhaahda, Ilaahaagii baa boqornimada haysta. Waa ka codka waardiyayaashaadu! Codkooday kor u qaadayaan, oo dhammaantood way wada heesayaan, waayo, indhahooday ku arki doonaan markii Rabbigu Siyoon ku soo noqonayo. Yeruusaalem meelaheeda baabba'ayow, dhammaantiin farxa, oo kulligiin hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo Yeruusaalemna wuu soo furtay. 10 Waayo, Rabbigu wuxuu gacantiisii quduuska ahayd bayaan ugu muujiyey quruumaha oo dhan hortooda, oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna waxay wada arki doonaan badbaadinta Ilaaheenna.

Muujintii 21:22-27

22 Oo dhexdeedana macbud kuma arag; waayo, Rabbiga ah Ilaaha Qaadirkaa iyo Wanka ayaa waxay yihiin macbudkeeda. 23 Oo magaaladuna uma baahna qorrax iyo dayax toona inay dusheeda ka iftiimaan; waayo, ammaanta Ilaah ayaa iftiin u ahayd, oo laambadeeduna waa Wanka. 24 Oo quruumuhuna waxay ku dhex socon doonaan iftiinkeeda, oo boqorrada dhulkuna ammaantooda iyaday soo gelin doonaan. 25 Oo irdaheedana sinaba looma xidhi doono maalinta (waayo, halkaas habeen ma jiri doono); 26 oo waxay iyada soo gelin doonaan ammaanta iyo cisada quruumaha; 27 oo gudaheedana sinaba uma ay geli doonaan wax nijaas ah amase kii sameeya karaahiyo iyo been; laakiinse waxaa keliyahoo geli doona kuwa ku qoran kitaabka nolosha ee Wanka.

Matayos 12:14-21

14 Laakiin Farrisiintu waa baxeen, oo waxay ka wada hadleen si ay u dilaan.

Midiidinkii La Doortay

15 Ciise goortuu ogaaday ayuu halkaas ka tegey, oo waxaa raacay dad badan, dhammaantoodna wuu wada bogsiiyey. 16 Wuxuuna ku amray inaanay cidna u sheegin, 17 si ay u noqoto wixii lagaga dhex hadlay nebi Isayos isagoo leh,

18 Eeg midiidinkaygii aan doortay,
Kan aan jeclahay oo ay naftaydu ku faraxsan tahay.
Ruuxayga ayaan dul saari doonaa,
Wuxuuna quruumaha u sheegi doonaa xukunka.
19 Ma uu ilaaqtami doono, mana qaylin doono,
Ninnana codkiisa jidadka kama maqli doono.
20 Cawsduur nabar leh ma jebin doono,
Dubaalad qiiqaysana ma demin doono,
Ilaa uu xukunka u soo bixiyo libta.
21 Oo quruumuhu waxay ku rajayn doonaan magiciisa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya