Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.
85 Rabbiyow, dalkaagii waad u roonaatay,
Oo waxaad soo celisay maxaabiistii reer Yacquub.
2 Xumaantii dadkaagana waad cafiday,
Oo dembigoodii oo dhanna waad qarisay. (Selaah)
3 Cadhadaadii oo dhan waad fogaysay,
Oo waad ka soo noqotay kulaylkii xanaaqaaga.
4 Ilaaha Badbaadadayadow, na soo celi,
Oo dhirifkaaga naga jooji.
5 Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa?
Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab?
6 Miyaanad mar dambe na soo noolaynayn,
Si ay dadkaagu kuugu reyreeyaan?
7 Rabbiyow, naxariistaada na tus,
Oo badbaadadaada na sii.
8 Waan maqli doonaa waxa Ilaaha Rabbiga ahu ku hadlo,
Waayo, nabad buu kula hadli doonaa dadkiisa iyo quduusiintiisa,
Laakiin yaanay nacasnimo ku noqon.
9 Hubaal badbaadadiisu way u dhow dahay kuwa isaga ka cabsada,
Si ay ammaanu dalkayaga u degganaato.
10 Naxariis iyo runu way isla kulmeen,
Xaqnimo iyo nabaduna way isdhunkadeen.
11 Runtu waxay ka soo baxdaa dhulka,
Xaqnimaduna waxay hoos ka soo fiirisaa samada.
12 Haah, Rabbigu wuxuu ina siin doonaa waxa wanaagsan,
Oo dalkeennuna wuxuu soo bixin doonaa midhihiisa.
13 Hortiisa waxaa socon doonta xaqnimo,
Oo waxay tallaabooyinkiisa ka dhigi doontaa jid la maro.
Kanu waa sabuur gabay ah oo ay reer Qorax tiriyeen.
87 Aasaaskiisu wuxuu ku jiraa buuraha quduuska ah.
2 Rabbigu degmooyinka reer Yacquub oo dhan
Wuxuu ka jecel yahay irdaha Siyoon.
3 Magaalada Ilaahay,
Waxyaalo ammaan badan ayaa lagaa sheegaa. (Selaah)
4 Anigu waxaan ka sheekayn doonaa Rahab iyo Baabuloon sidii kuwo i yaqaan,
Bal eeg, Falastiin, iyo Turos, iyo Itoobiya.
Midkanu halkaasuu ku dhashay.
5 Haah, oo Siyoonna waxaa laga odhan doonaa, Midkan iyo midkaasuba iyaduu ku dhashay,
Oo Ilaaha ugu sarreeya ayaa iyada dhisi doona.
6 Rabbigu wuu tirin doonaa markuu dadka qorayo,
Midkanu halkaasuu ku dhashay. (Selaah)
7 Kuwa gabya iyo kuwa cayaaraaba waxay odhan doonaan,
Waxaa kugu jira ilahayga oo dhan.
136 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
2 Ku mahadnaqa Ilaaha ilaahyada,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
3 Ku mahadnaqa Sayidka sayidyada,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
4 Kan keligiis sameeya yaabab waaweyn,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
5 Kan samada waxgarashada ku sameeyey,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
6 Kan dhulka biyaha korkooda ku goglay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
7 Kan sameeyey iftiimmo waaweyn,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
8 Qorraxdu inay maalinta xukunto,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
9 Dayaxa iyo xiddiguhuna inay habeenka xukumaan,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
10 Kan Masar curadyadii ka laayay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
11 Oo reer binu Israa'iilna ka soo dhex saaray,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
12 Kan kaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud fidsan,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
13 Kan Badda Cas kala qaybiyey,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
14 Oo reer binu Israa'iilna dhex marshay iyada,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
15 Laakiinse Fircoon iyo ciidankiisiiba wuu ku afgembiyey Badda Cas dhexdeeda,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
16 Kan dadkiisa cidlada dhex hoggaamiyey,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
17 Kan boqorro waaweyn wax ku dhuftay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
18 Oo laayay boqorro caan ah,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
19 Kuwaas oo ahaa Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
20 Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
21 Oo dalkoodiina u bixiyey dhaxal ahaan,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
22 Kaasoo ahaa dhaxalkii uu siiyey addoonkiisii Israa'iil,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
23 Kan ina soo xusuustay markaan gunta ahayn,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
24 Oo inaga soo samatabbixiyey cadaawayaasheennii,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
25 Kan cunto siiya wax kastoo jidh leh,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
26 Ku mahadnaqa Ilaaha samada,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Muuse Iyo Geedka Ololayey
3 Muuse wuxuu ilaalinayay adhigii soddoggiis Yetroo oo ahaa wadaadkii Midyaan, oo wuxuu adhigii u soo kexeeyey meeshii cidlada ahayd shishadeeda, markaasuu wuxuu yimid buurtii Ilaah oo ahayd Xoreeb. 2 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay uga muuqatay dab ololaya oo ka baxaya geed dhexdiis, kolkaasuu fiiriyey oo wuxuu arkay geedkii oo ololaya oo dabku gubayo, geedkuna ma basayn. 3 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Anigu waan ku leexan doonaa, waanan arki doonaa muuqashadan weyn, iyo waxa geedku u guban waayay. 4 Oo markuu Rabbigu arkay inuu ku soo leexday inuu arko ayaa Ilaah uga yeedhay geedka dhexdiisii, oo wuxuu ku yidhi, Muusow, Muusow. Markaasuu yidhi, Waa i kan. 5 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Halkan ha u soo dhowaan, kabahana iska siib, waayo, meesha aad taagan tahay waa dhul quduus ah. 6 Oo weliba wuxuu kaloo ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaahii aabbahaa oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub. Markaasaa Muuse wejigiisii qariyey, waayo, wuxuu ka cabsaday inuu Ilaah eego. 7 Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Hubaal waxaan arkay dhibaatada dadkayga ku haysata Masar, oo waan maqlay oohintii ay ooyeen kuwa hawsha ku qaxraya aawadood, waayo, anigu waan ogahay caloolxumadooda; 8 oo waxaan u imid inaan ka samatabbixiyo gacanta Masriyiinta, iyo inaan ka soo bixiyo dhulkaas, oo keeno dhul wanaagsan oo ballaadhan, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan; waana meesha ay deggan yihiin reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus. 9 Oo haatan bal eeg, waxaa i hor timid oohintii reer binu Israa'iil, oo weliba waxaan arkay cadaadinta ay Masriyiintu ku cadaadinayaan iyaga. 10 Haddaba kaalay, oo waxaan kuu dirayaa Fircoon, inaad dalka Masar ka soo kaxaysid dadkayga reer binu Israa'iil ah. 11 Markaasaa Muuse wuxuu Ilaah ku yidhi, Bal yaan ahay anigu, markaan Fircoon u tegayo, oo aan reer binu Israa'iil ka soo bixinayo dalka Masar? 12 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Xaqiiqa anigaa kula jiraya, oo taasaa calaamo kuu noqonaysa, inaan anigu ku soo diray; markii aad dadka ka soo bixiso Masar, Ilaah baad buurtan ugu adeegi doontaan.
23 Muusena markuu dhashay, waalidkiis rumaysad bay ku qariyeen saddex bilood, maxaa yeelay, waxay arkeen inuu ilmo wanaagsan yahay, kamana ay cabsan amarkii boqorka. 24 Muuse markuu weynaaday rumaysad buu ku diiday in loogu yeedho wiilkii gabadha Fircoon. 25 Oo wuxuu ka doortay in lala silciyo dadkii Ilaah intuu wakhti yar dembi ku farxi lahaa; 26 isagoo ku tirinaya cayda lagu caayo Masiixa aawadiis inay ka qiimo weyn tahay maalka Masar, waayo, wuxuu filanayay abaalgudka. 27 Rumaysad buu kaga tegey Masar isagoo aan ka cabsanayn boqorka cadhadiisii, waayo, wuxuu u adkaystay sidii mid fiirinaya kan aan la arkin. 28 Rumaysad buu ku sameeyey Kormaridda iyo dhiigga rushayntiisii inuusan Baabbi'iyihii curadyadu iyaga taaban. 29 Rumaysad bay ku dhex mareen Badda Cas sidii dhul engegan, laakiin markay Masriyiintu saas isku dayeen, way liqday.
30 Derbiyadii Yerixoo rumaysad bay ku dumeen kolkii toddoba maalmood lagu warwareegay dabadeed. 31 Dhilladii Raxab rumaysadkeedii aawadiis lama ay halligmin kuwii caasiyiinta ahaa, maxaa yeelay, basaasyadii bay nabad ku dhowaysay.
6 Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee. 7 Haddaad i garateen, Aabbahayna waad garan lahaydeen. Hadda ka dib waad garanaysaan, waadna aragteen.
8 Filibos baa ku yidhi, Sayidow, Aabbaha na tus, waana nagu filan yahay. 9 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma intaas badan baan idinla joogay, oo aanad i garanaynin, Filibosow? Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. Sidee baad u leedahay, Aabbaha na tus? 10 Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya. 11 I rumaysta inaan Aabbaha ku jiro, oo Aabbuhuna aniga igu jiro, haddii kale shuqullada aawadood ii rumaysta. 12 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, shuqullada aan sameeyo, isna wuu samayn doonaa, oo shuqullo kuwan ka waaweynna wuu samayn doonaa, maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa. 13 Oo wax alla waxaad magacayga ku weyddiisataan, waan samayn doonaa in Aabbuhu ku ammaanmo Wiilka. 14 Haddii aad wax igu weyddiisataan magacayga, waan samayn doonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya