Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
61 Ilaahow, qayladayda maqal,
Oo baryadaydana dhegta u dhig.
2 Markii qalbigaygu itaal darnaado, waxaan kaaga qayshan doonaa darafka dhulka ugu shisheeya,
Ii hoggaami dhagaxa iga dheer.
3 Waayo, waxaad ii ahayd magangal,
Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.
4 Anigu weligayba waxaan degganaan doonaa taambuuggaaga,
Oo waxaan magangeli doonaa baalashaada meeshooda qarsoon. (Selaah)
5 Waayo, Ilaahow, nidarradaydii waad maqashay,
Oo waxaad i siisay kuwa magacaaga ka cabsada dhaxalkooda.
6 Boqorka noloshiisa waad dheeraynaysaa,
Oo cimrigiisuna wuxuu noqon doonaa sida qarniyo badan.
7 Oo weligiisba wuxuu joogi doonaa Ilaah hortiisa,
Raxmad iyo run u diyaari, inay isaga dhawraan.
8 Markaasaan weligayba magacaaga ammaan ugu gabyi doonaa,
Si aan maalin kasta nidarradayda u oofiyo.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha. Oo wuxuu u tiriyey sidii Yeduutuun.
62 Naftaydu waxay sugtaa Ilaah oo keliya,
Oo badbaadadayduna waxay ka timaadaa xaggiisa.
2 Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah,
Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.
3 Balse idinku ilaa goormaad nin ku weeraraysaan,
Inaad kulligiin isaga dumisaan,
Sida derbi dhacaya, iyo deyr ligliganaya?
4 Iyagu waxay keliyahoo ku tashadaan si ay isaga sharaftiisa uga dejiyaan,
Oo waxay ku farxaan beensheegidda,
Afka way ka duceeyaan, laakiinse uurka way ka habaartamaan. (Selaah)
5 Naftaydoy, Ilaah oo qudha sug,
Waayo, isagaan wax ka filanayaa.
6 Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah,
Isagu waa munaaraddayda, oo aniga layma dhaqaajin doono.
7 Badbaadadayda iyo ammaantayduba waxay la jiraan Ilaah,
Dhagaxii xooggayga iyo magangalkaygaba waa xagga Ilaah.
8 Dadkow, isaga isku halleeya wakhti kastaba,
Oo qalbigiinna waxba ha kula hadhina Ilaah hortiisa,
Waayo, Ilaah baa magangal inoo ah. (Selaah)
9 Hubaal dad gun ahu waa xumbo,
Oo dad gob ahuna waa been,
Markii la miisaamo way kor mari doonaan,
Oo iyagu dhammaantood xumbo way ka fudud yihiin.
10 Dulmiga ha isku hallaynina,
Waxdhiciddana ha ku kibrina.
Maal hadduu idinku batona qalbigiinna ha raacinina.
11 Ilaah mar buu hadlay,
Oo laba goor baan maqlay,
In Ilaah xoogga iska leeyahay,
12 Oo weliba, Sayidow, adigu naxariis baad leedahay,
Waayo, nin kasta waxaad ugu abaalguddaa sidii camalladiisu ahaayeen.
112 Rabbiga ammaana.
Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada,
Oo aad ugu farxa amarradiisa.
2 Farcankiisu wuxuu ku xoog badnaan doonaa dhulka,
Kuwa qumman farcankooduna wuu barakoobi doonaa.
3 Gurigiisa waxaa ku jira maal iyo taajirnimo,
Xaqnimadiisuna weligeedba way sii waartaa.
4 Kuwa qumman iftiin baa gudcurka uga soo baxa,
Isagu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, waana xaq.
5 Waxaa nimcaysan ninkii naxariis leh oo dadka wax amaahiya,
Kaasu danihiisuu ku wadi doonaa caddaalad.
6 Waayo, isaga weligiis lama dhaqaajin doono,
Oo kii xaq ah weligiisba waa la xusuusan doonaa.
7 Isagu innaba kama cabsan doono war xun,
Qalbigaa u fadhiya, oo wuxuu isku halleeyaa Rabbiga.
8 Qalbigaa u fadhiya, oo ma uu cabsan doono,
Ilaa uu wuxuu doonayay ku arko cadaawayaashiisa.
9 Wax buu kala qaybshay, oo wuxuu wax siiyey kuwii baahnaa,
Xaqnimadiisuna way sii waartaa weligeedba,
Geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa sharaf.
10 Kii shar lahu wuu arki doonaa, wuuna cadhoon doonaa,
Wuu ilko jirriqsan doonaa, oo wuu dhalaali doonaa,
Kuwa sharka leh doonistoodu way baabbi'i doontaa.
115 Rabbiyow, yaanay noo ahaan, yaanay noo ahaan,
Laakiinse magacaaga ammaani ha u ahaato,
Naxariistaada iyo runtaada daraaddood.
2 Bal maxay quruumuhu u odhanayaan,
Haddaba Ilaahoodu meeh?
3 Laakiinse Ilaahayagu samooyinkuu ku jiraa,
Oo wax alla wixii uu doonayayna wuu sameeyey.
4 Sanamyadoodu waa lacag iyo dahab,
Oo waa wax dad gacmaha ku sameeyey.
5 Waxay leeyihiin af, laakiinse ma hadlaan,
Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,
6 Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan,
Sanna way leeyihiin, laakiinse waxba ma urshaan,
7 Gacmo way leeyihiin, laakiinse waxba ma qabtaan,
Cagona way leeyihiin, laakiinse ma socdaan,
Oo hungurigoodana hadal kama soo saaraan.
8 Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan,
Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaba.
9 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga isku halleeya,
Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
10 Reer Haaruunow, Rabbiga isku halleeya,
Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
11 Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga isku halleeya,
Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
12 Rabbigu aad buu inoo xusuusnaa, wuu ina barakayn doonaa,
Reerka Israa'iilna wuu barakayn doonaa,
Reerka Haaruunna wuu barakayn doonaa.
13 Wuxuuna barakayn doonaa kuwa Rabbiga ka cabsada,
Yar iyo weynba.
14 Rabbigu aad iyo aad ha idiin kordhiyo,
Idinka iyo carruurtiinnaba.
15 Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka
Ayaa idin barakeeyey.
16 Samooyinku waa samooyinkii Rabbiga,
Laakiinse dhulka wuxuu siiyey binu-aadmiga.
17 Kuwii dhintay Rabbiga ma ay ammaanaan,
Kuwa hoos ugu dhaadhaca meesha aamusnaantana ma ay ammaanaan isaga,
18 Laakiinse annagu Rabbiga waannu ammaani doonnaa
Haatan intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
Rabbiga ammaana.
Biqilka Ka Soo Bixi Doonaa Yesay
11 Oo jiridda Yesay biqil baa ka soo biqli doona, oo xididdadiisana laan baa ka soo dhalan doonta, 2 oo waxaa ku dul joogi doona Ruuxa Rabbiga oo ah ruuxa xigmadda iyo waxgarashada, iyo ruuxa talada iyo xoogga, iyo ruuxa aqoonta iyo ka cabsashada Rabbiga. 3 Wuxuuna ku farxi doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa, oo isagu wax uma xukumi doono siduu wax u arko, oo siduu wax u maqlana innaba uma gar gooyn doono, 4 laakiin masaakiinta wuxuu ugu gar qaybin doonaa xaqnimo, oo dhulka kuwiisa hooseeyana wuxuu ugu gar gooyn doonaa caddaalad, oo wuxuu dhulka ku dhufan doonaa usha afkiisa, oo kan sharka lehna wuu ku dili doonaa neefta bushimihiisa. 5 Wuxuu dhexda ku xidhan doonaa xaqnimo, miskihiisana wuxuu ku xidhan doonaa aaminnimo. 6 Oo yeydu waxay la joogi doontaa baraarka, shabeelkuna wuxuu la jiifsan doonaa waxarta, oo weysha iyo dhasha libaaxa iyo neefka buuranu way wada joogi doonaan, oo waxaa iyaga hor kici doona ilma yar. 7 Oo waxaa wada daaqi doona saca iyo orsada, oo ubadkooduna way isla wada jiifsan doonaan, oo libaaxuna sida dibiga oo kale caws buu u cuni doonaa. 8 Oo caanonuuggu wuxuu ku dul cayaari doonaa godka jilbiska, ilmaha naaska laga gudhiyeyna wuxuu gacantiisa saari doonaa hogga abeesada. 9 Oo buurtayda quduuska ah oo dhan, waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan, waayo, dhulka waxaa ka buuxsami doona aqoonta Rabbiga, siday biyuhu badda uga buuxaan.
Shayddaanka Waxaa La Xidhay Kun Sannadood
20 Oo markaasaan arkay malaa'ig samada ka degaysa, oo waxay gacanta ku haysatay furihii yamayska iyo silsilad weyn. 2 Oo markaasay qabsatay masduulaagii ahaa maska duqa ah, kaasoo ah Ibliiska iyo Shayddaanka, oo intii kun sannadood ah ayay xidhay, 3 oo waxay ku ridday yamayskii, markaasay xidhay oo shaabad ku awday inaanu quruumaha mar dambe khiyaanayn ilamaa kunka sannadood ay dhammaadaan; oo taas ka dib waa in isaga la furo wakhti yar.
4 Oo markaasaan arkay carshiyo, oo waxaa kuwa ku fadhiyey la siiyey amar ay ku xukumaan; oo haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa looga jaray markhaatigii ay Ciise u fureen aawadiis, iyo eraygii Ilaah aawadiis, iyo kuwii aan caabudin bahalkii iyo sanamkiisa toona, oo aan aqbalin in sumaddii lagaga dhigo wejigooda iyo gacantooda; way soo noolaadeen oo kun sannadood ayay Masiix wax la xukumeen. 5 Oo dadkii dhintay intoodii kalena sooma ay noolaan ilamaa ay kunkii sannadood dhammaadeen. Kanu waa sarakicidda kowaad. 6 Waxaa barakaysan oo quduus ah kii ka qayb gala sarakicidda kowaad; kuwaas dhimashada labaadi amar kuma laha, laakiinse waxay wadaaddo u ahaan doonaan Ilaah iyo Masiixa, oo waxay isaga wax la xukumi doonaan kun sannadood.
Furniinka Shayddaanka Iyo Dagaalka Ugu Dambeeya
7 Oo markii kunkii sannadood ay dhammaadaan ayaa Shayddaanka laga furi doonaa xabsigii lagu xabbisay, 8 oo wuxuu u soo bixi doonaa inuu khiyaaneeyo quruumaha deggan dhulka afartiisa gees, kuwaas oo ah Juuj iyo Maajuuj inuu iyaga u soo ururiyo dagaalka; oo tiradooduna waa sida ciidda badda. 9 Oo waxay ku soo kor baxeen ballaadhka dhulka, oo waxay hareereeyeen kaambadii quduusiinta iyo magaaladii la jeclaa; markaasaa waxaa samada ka soo degay dab, wuuna laastay iyagii. 10 Oo Ibliiskii iyaga khiyaanayn jirayna waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka iyo baaruudda ahayd, halkaas oo ay ku jiraan bahalkii iyo nebigii beenta ahaa, oo iyaga waxaa la cadaabi doonaa habeen iyo maalinba weligood iyo weligoodba.
Maragga Ciise Loo Furo
30 Waxba keli ahaantayda ma samayn karo. Sidaan wax u maqlo ayaan u xukumaa, xukunkayguna waa xaq, waayo, doonistayda ma doono, waxaanse doonaa doonista kii i soo diray. 31 Haddaan isu marag furo, maraggaygu run ma aha. 32 Laakiin waxaa jira mid kale oo ii marag fura, waanan ogahay maragguu ii furaa inuu run yahay. 33 Waxaad cid u soo dirteen Yooxanaa, wuuna u marag furay runta. 34 Aniguse xagga dadka marag kama aan qaato, laakiin waxyaalahan waxaan u idhaahdaa inaad badbaaddaan. 35 Isagu wuxuu ahaa laambad baxaysa oo ifaysa, idinkuna waxaad doonayseen inaad saacad ku faraxdaan nuurkiisa. 36 Laakiin maraggaan leeyahay waa ka weyn yahay kii Yooxanaa, waayo, shuqullada Aabbuhu i siiyey inaan dhammeeyo waa kuwaan hadda samaynayo, wayna ii marag furayaan in Aabbuhu i soo diray. 37 Aabbihii i soo dirayna waa ii marag furay. Idinkuna codkiisa ma maqlin goornaba, mana aydnaan arkin muuqiisa. 38 Mana haysataan ereygiisa oo idinku sii jira, waayo, kii uu soo diray waad rumaysan weydeen. 39 Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa. 40 Idinkuna dooni maysaan inaad ii timaadaan inaad nolol lahaataan.
41 Anigu dadka ammaan kama qaato. 42 Laakiin waan idin aqaan inaan jacaylka Ilaah idinku jirin. 43 Waxaan ku imid Aabbahay magiciis, idinkuna waad i aqbali weydeen. Haddiise mid kale magiciisa ku yimaado, kaasaad aqbalaysaan. 44 Sidee baad u rumaysan kartaan, idinkoo dhexdiinna ammaan iska aqbalaya, oo aydnaan doonayn ammaanta ka timaada Ilaaha keligiis ah? 45 Ha u malaynina inaan Aabbaha idinku ashtakaynayo: kan idin ashtakaynayaa waa Muuse, kii aad isku hallayseen. 46 Waayo, haddaad Muuse rumaysateen, anigana waad i rumaysan lahaydeen, waayo, wax buu iga qoray. 47 Laakiin haddaydnan rumaysan wuxuu qoray, sidee baad u rumaysan doontaan ereyadayda?
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya