Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 40

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

40 Anigu Rabbiga samir baan ku sugay,
Oo isna wuu i soo jalleecay, qayladaydiina wuu maqlay,
Oo weliba wuxuu iga soo bixiyey yamays baabba' ah, iyo dhoobada dhiriqda ah,
Oo wuxuu cagaha ii saaray dhagax weyn, oo socodkaygiina wuu xoogeeyey.
Oo afkaygiina wuxuu geliyey gabay cusub, kaas oo ah ammaanta Ilaaheenna.
Kuwo badan baa arki doona, wayna cabsan doonaan,
Rabbigayna isku hallayn doonaan.
Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya,
Oo aan u jeedin kuwa kibirsan ama kuwa beenta ku leexda.
Rabbiyow, Ilaahayow, shuqullada yaabka badan oo aad samaysay way badan yihiin,
Oo fikirradaada aad naga qabtidna way badan yihiin,
Oo iyaga lama xisaabi karo,
Haddii aan sheego oo ka hadlo,
Iyagu way ka sii badan yihiin wax la tirin karo.
Allabari iyo qurbaan kuma aad faraxsanid,
Oo anna dhegahaygii waad ii furtay,
Qurbaan la gubo iyo qurbaanka dembiga midna ima aad weyddiisan.
Oo markaasaan idhi, Bal eeg, anigu waan imid,
Oo kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran.
Ilaahayow, waxaan jeclahay inaan sameeyo doonistaada,
Haah, oo sharcigaagu wuxuu ku dhex jiraa qalbigayga.
Xaqnimo baan shirka weyn ku dhex wacdiyey,
Oo bal eeg, inaanan bushimahayga ka joojin,
Waad og tahay, Rabbiyow.
10 Xaqnimadaada qalbigayga kuma aan qarin,
Aaminnimadaada iyo badbaadintaadana waan sheegay,
Oo raxmaddaada iyo runtaadana kama aan qarin shirka weyn.
11 Rabbiyow, naxariistaada ha iga ceshan,
Raxmaddaada iyo runtaaduna had iyo goorba ha i dhawreen.
12 Waayo, xumaatooyin aan la tirin karin ayaa i hareereeyey,
Oo dembiyadaydii ayaa i qabsaday, sidaas daraaddeed kor ma fiirin karo,
Iyagu way ka badan yihiin timaha madaxayga, oo qalbigaygiina waa i gabay.
13 Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i samatabbixi,
Rabbiyow, u soo dhaqso inaad i caawiso.
14 Kuwa doonaya inay naftayda halligaan ha ceeboobeen,
Oo dhammaantood ha wareereen,
Oo kuwa waxyeelladayda ku farxana
Dib ha loo celiyo, oo sharafdarro ha ku soo degto.
15 Kuwa aniga, Ahaa, Ahaa, igu yidhaahda,
Ceebtooda daraaddeed ha la fajeceen.
16 Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen,
Oo kuwa badbaadintaada jecelu had iyo goorba ha yidhaahdeen,
Rabbiga ha la weyneeyo!
17 Laakiinse anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan,
Sayidkuse waa i xusuustaa.
Ilaahayow, waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga,
Haddaba ha iga raagin.

Sabuurradii 54

Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, markii ay reer Sif Saa'uul u yimaadeen oo ay ku yidhaahdeen, Daa'uud miyaanu dhuumasho noo dhex joogin? Waxaana lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.

54 Ilaahow, magacaaga igu badbaadi,
Oo xooggaaga iigu garsoor.
Ilaahow, baryadayda maqal,
Oo erayada afkayga dhegta u dhig,
Waayo, shisheeyayaal baa igu kacay,
Oo rag dulmi badan ayaa doonayay inay nafta iga qaadaan,
Iyagu Ilaah kama fikirin. (Selaah)
Bal eega, Ilaah waa gargaarahayga,
Oo Sayidkuna wuxuu la jiraa kuwa naftayda tiiriya.
Isagu sharka wuxuu ku celin doonaa cadaawayaashayda,
Iyaga runtaada ku baabbi'i.
Waxaan kuu qali doonaa qurbaan ikhtiyaar ah,
Rabbiyow, magacaaga waan ku mahadnaqi doonaa, waayo wuu wanaagsan yahay.
Waayo, isagu wuxuu iga samatabbixiyey dhibaato oo dhan,
Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay.

Sabuurradii 51

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha markii nebi Naataan u yimid, kolkuu Batshebac u tegey dabadeed.

51 Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay,
Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay.
Xumaantayda iga wada maydh,
Oo iga nadiifi dembigayga.
Waayo, anigu waan ogahay xadgudubyadayda,
Oo dembigayguna hortayduu yaallaa had iyo goorba.
Adiga keliya ayaan kugu dembaabay,
Oo waxaan sameeyey wax hortaada ku xun,
Inaad xaq ahaatid markaad hadashid,
Oo aad daahir ahaatid markaad wax xukunto.
Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan,
Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi.
Bal eeg, waxaad uurka ka jeceshahay run,
Oo meesha qarsoon waxaad iga ogeysiinaysaa xigmad.
Haddaba geed husob ah igu daahiri, oo anna nadiif baan ahaan doonaa,
I maydh, oo anna baraf cad waan ka sii caddaan doonaa.
I maqashii farxad iyo rayrayn,
Inay lafihii aad jejebisay farxaan.
Wejigaaga ka qari dembiyadayda,
Oo iga tirtir xumaatooyinkayga oo dhan.
10 Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah,
Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.
11 Hortaada ha iga xoorin,
Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.
12 Farxaddii badbaadintaada ii soo celi,
Oo ruux raalli ah igu tiiri.
13 Oo markaas kuwa xadgudba jidkaagaan bari doonaa,
Oo dembilayaashuna adigay kuu soo noqon doonaan.
14 Ilaahow, Ilaaha badbaadadaydow, dhiiggelidda iga samatabbixi,
Markaasaa carrabkaygu wuxuu aad uga gabyi doonaa xaqnimadaada.
15 Sayidow, bushimahayga fur,
Oo afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaantaada.
16 Waayo, adigu kuma faraxdid allabari, haddii kalese waan bixin lahaa,
Qurbaan gubanna kuma cajebiyo.
17 Allabaryada Ilaah waa ruux is-hoosaysiintiisa,
Ilaahow, adigu quudhsan maysid qalbi hoosaysan oo qoomamaysan.
18 Siyoon wanaag ugu samee sidaad doonayso,
Oo Yeruusaalem derbiyadeedana dhis.
19 Oo markaas adigu waxaad ku farxi doontaa allabaryada xaqnimada iyo qurbaan guban, iyo allabari wada guban dhammaantiis,
Oo markaasay dibiyo ku dul bixin doonaan meeshaada allabariga.

Ishacyaah 10:5-19

Xukunkii Ilaah Ee Ku Dhacay Aashuur

Hoog waxaa leh ka reer Ashuur oo ah ushii cadhadayda iyo hangoolka dhirifkaygu gacanta ugu jiro. Isagaan u diri doonaa inuu quruun cibaadalaawayaal ah ku kaco, oo waxaan ku amri doonaa amar ka gees ah dadka aan u cadhooday, inuu maalkooda dhaco, oo uu maxaabiis kexeeyo, oo uu iyaga ugu tunto sida dhoobada jidadka dhex taal. Habase ahaatee isagu saas kuma talo jiro, oo qalbigiisuna saas kuma fikiro, laakiinse waxaa qalbigiisa ku jira inuu baabbi'iyo oo jaro quruumo aan yarayn. Waayo, isagu wuxuu leeyahay, Amiirradaydu dhammaantood sow boqorro ma aha? Kalnoo sow ma aha sida Karkemiish? Xamadna sow ma aha sida Arfaad? Samaariyana sow ma aha sida Dimishaq oo kale? 10 Sidii ay gacantaydu u gaadhay boqortooyooyinkii sanamyada, oo ay taswiirahoodii la xardhay ka sii badnayeen kuwa Yeruusaalem iyo Samaariya, 11 iyo sidii aan Samaariya iyo sanamyadeedii ku sameeyey oo kale, miyaanan Yeruusaalem iyo sanamyadeedaba ku samayn doonin?

12 Sidaas daraaddeed markii Sayidku shuqulkiisa oo dhan ku dhammaystiro Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, wuxuu odhan doonaa, Boqorka Ashuur ayaan u ciqaabi doonaa midhaha qalbigiisa isla weyn iyo faanka indhihiisa kibrayba. 13 Waayo, isagu wuxuu yidhi, Tan waxaan ku sameeyey xoogga gacantayda iyo xigmaddayda, maxaa yeelay, miyir baan leeyahay, oo waxaan durkiyey dadyowga soohdintooda, khasnadahoodiina waan dhacay, oo sidii nin geesi ah oo kale ayaan kuwii carshiyada ku fadhiyey u soo dejiyey. 14 Oo gacantayduna waxay maalkii dadka u heshay sidii buul shimbireed oo kale, oo sida loo soo ururiyo ukumo laga tegey ayaan u soo ururiyey dhulka oo dhan, oo lamana arag mid baal dhaqaajiyey, ama afka kala qaaday, amase ciyey. 15 Miyuu faasku ka faanaa kan isaga wax ku gooya? Minshaartuna miyey iska sii weynaysaa kan iyada ku shaqeeya? Waa sida haddii ulu iska gilgisho kuwa iyada kor u qaada, amase sida hangool kor u qaada kan aan qori ahayn?

16 Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Sayidka ciidammadu wuxuu kuwiisa cayilay ku soo diri doonaa macaluul, oo sharaftiisa meesheedana waxaa lagu shidi doonaa olol ah sida olol dabeed. 17 Iftiinka Israa'iilna wuxuu noqon doonaa dab, oo kiisa Quduuska ahuna olol, oo maalin qudha ayuu gubi doonaa oo baabbi'in doonaa qodxantiisa iyo yamaaruggiisba, 18 oo wuxuu dhammayn doonaa ammaanta duuddiisa iyo beertiisa midhaha badanba, iyo naf iyo jidhba, oo waxay noqon doontaa sidii markii calanqaade taag darnaado. 19 Oo geedaha duuddiisa ku hadhayna waxay noqon doonaan in yar oo ilma yaru tiradooda qori karo.

2 Butros 2:17-22

17 Kuwanu waa ilo aan biyo lahayn, iyo ceeryaamo uu duufaan kaxeeyo, oo waxaa iyaga daraaddood loo sii dhigay madowga gudcurka. 18 Waayo, iyagu waxay ku hadlaan hadal faan ah oo aan micne lahayn, oo kuwa in yar kaga baxsanaya kuwa qaladka ku socda ayay ku sasabtaan damacyada jidhka xagga nijaasta; 19 oo waxay iyaga ugu ballanqaadaan xorriyad, laakiinse iyaga qudhooduba waa addoommadii kharribaadda. Waayo, wixii ka adkaada nin ayaa isaga addoonsada. 20 Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore. 21 Intii ay jidka xaqnimada aqoon lahaayeen oo ay dib uga noqon lahaayeen amarka quduuska ah oo iyaga la siiyey, waxaa uga wanaagsanaan lahayd inayan aqoon jidkaas. 22 Wixii maahmaahda runta ah lagu yidhi ayaa iyaga ku dhacay. Eeygu wuxuu ku noqdaa mantaggiisa. Doofaarraddii maydhatayna waxay dib ugu noqotaa gelgelinta dhoobada.

Matayos 11:2-15

Yooxanaa Baabtiisaha(A)

Goortii Yooxanaa xabsiga ka maqlay shuqulladii Masiixa, laba xertiisii ah ayuu u soo diray oo ku yidhi, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kale aannu dhawrnaa? Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen. Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugahala'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegahala'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa, oo waxaana barakaysan kan aan iga xumaanin. Markay tageen, Ciise wuxuu bilaabay inuu dadkii badnaa wax uga sheego Yooxanaa oo wuxuu yidhi, Maxaad cidlada ugu baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan cawsduur dabaylu ruxayso? Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan nin dhar jilicsan qaba? Kuwa dharka jilicsan qaba waxay joogaan guryaha boqorrada. Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad nebi soo aragtaan? Haah, waxaan idinku leeyahay, mid nebi ka sarreeya. 10 Kanu waa kii laga qoray,

Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga,
Kan jidkaaga kuu sii diyaargarayn doona hortaada.

11 Runtii waxaan idinku leeyahay, Intii dumar ka dhalatay, mid Yooxanaa Baabtiisaha ka weyn kama dhex kicin, laakiin kan boqortooyadii jannada ugu yar ayaa ka weyn. 12 Tan iyo wakhtigii Yooxanaa Baabtiisaha boqortooyada jannada waa la xoogay, oo kuwii xoogayna ayaa qaatay. 13 Waayo, nebiyadii iyo sharcigu waxay wax sii sheegeen ilaa Yooxanaa. 14 Haddii aad doonaysaan inaad tan aqbashaan, Kanu waa Eliyaas kan iman lahaa. 15 Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya