Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 18

Kanu waa sabuur addoonkii Rabbiga oo Daa'uud ahaa u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo wuxuu Rabbiga kula hadlay erayada gabaygan maalintii Rabbigu ka samatabbixiyey gacantii cadaawayaashiisa oo dhan, iyo gacantii Saa'uulba, oo wuxuu yidhi,

18 Rabbiyow, xooggaygiiyow, anigu waan ku jeclahay.
Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga,
Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa,
Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.
Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano,
Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.
Waxaa i hareereeyey xadhkihii dhimashada,
Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadala'aanta.
Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool,
Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada.
Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay,
Oo waxaan u qayshaday Ilaahay,
Isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay,
Oo qayladayda hortiisa ka yeedhaysaana dhegihiisay gashay.
Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray,
Oo buuraha aasaaskoodiina wuu dhaqdhaqaaqay,
Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.
Dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq,
Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya, oo dhuxulaa ka shidmay isaga.
Oo weliba samooyinka wuu soo foorarshay, oo hoos buu u soo degay,
Oo cagihiisana waxaa hoos yiil gudcur weyn.
10 Oo wuxuu fuulay keruub, wuuna duulay,
Haah, oo wuxuu si dheeraysa ugu duulay oo fuulay dabaysha baalasheeda.
11 Wuxuu gudcurka ka dhigtay meeshiisii dhuumashada, iyo taambuuggiisa hareerihiisa ku wareegsan,
Iyo biyo gudcur ah, iyo daruuraha qarada waaweyn oo cirka.
12 Nuurkii hortiisa yiil aawadiis ayay daruurihii qarada waaweynaa tageen,
Roobkii dhagaxyada lahaa iyo dhuxulihii dabka ahaana way carareen.
13 Rabbiguna wuxuu ka onkoday samooyinka,
Sarreeyuhuna wuxuu ku hadlay codkiisii,
Oo soo daayay roob dhagaxyaale iyo dhuxulo dab ah.
14 Markaasuu fallaadhihiisii soo ganay oo kala firdhiyey iyagii,
Haah, oo wuxuu u soo diray hillaac badan, wuuna baabbi'iyey iyagii.
15 Rabbiyow, canaantaadii aawadeed iyo dulalka sankaaga neefta ka soo baxaysa aawadeed
Ayaa durdurradii biyuhu la muuqdeen,
Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.
16 Xagga sare ayuu cid ka soo diray, oo wuu i qaaday,
Oo wuxuu iga soo dhex bixiyey biyo badan.
17 Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa,
Iyo kuwii i necbaaba, waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.
18 Waxay igu soo kediyeen maalintii aan belaayaysnaa,
Laakiinse Rabbigu wuxuu ii ahaa tiir.
19 Oo weliba wuxuu i keenay meel ballaadhan,
Wuu i soo samatabbixiyey, maxaa yeelay, wuu igu farxay.
20 Rabbigu wuxuu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd,
Oo sidii ay nadiifsanaantii gacmahaygu ahayd ayuu iigu abaalguday.
21 Waayo, anigu waan xajiyey jidadkii Rabbiga,
Oo Ilaahayna si caasinimo ah ugama tegin.
22 Waayo, xukummadiisii oo dhammu hortayday yiilleen,
Oo qaynuunnadiisiina anigu iskama tuurin.
23 Oo weliba xaggiisana waan ku qummanaa,
Oo waan iska dhawray xumaantaydii.
24 Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd,
Iyo sidii nadiifsanaanta gacmahaygu ay ku ahayd indhihiisa hortooda.
25 Kii naxariis leh waad u naxariisanaysaa,
Oo ninkii qummanna waad u qummanaanaysaa.
26 Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa,
Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.
27 Waayo, waxaad badbaadinaysaa dadka dhibaataysan,
Laakiinse indhaha kibirsan waad soo dejinaysaa.
28 Waayo, waxaad daaraysaa laambaddayda,
Rabbiga Ilaahayga ah ayaa gudcurkayga iftiiminaya.
29 Waayo, adaan col kuugu dhex ordaa,
Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.
30 Ilaah jidkiisu waa qumman yahay,
Rabbiga eraygiisuna waa mid la tijaabiyey,
Isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
31 Waayo, bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane?
Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?
32 Kaasoo ah Ilaaha ii guntiya xoog,
Jidkaygana qummaatiya.
33 Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada,
Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sare.
34 Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka,
Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.
35 Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadintaada,
Oo waxaa kor ii qaadday gacantaada midig,
Oo roonaantaada ayaa i weynaysay.
36 Adigu tallaabooyinkayga waxaad ku ballaadhisay hoostayda,
Oo cagahayguna ma ay simbiriirixan.
37 Anigu waxaan eryan doonaa cadaawayaashayda, oo waan gaadhi doonaa,
Oo jeeray wada baabba'aanna dib uga soo noqon maayo.
38 Waan wada layn doonaa si aanay mar dambe u awoodin inay kacaan,
Oo cagahaygay ku soo hoos dhici doonaan.
39 Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis,
Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.
40 Oo weliba cadaawayaashaydii waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan,
Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.
41 Iyagu way qayshadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya,
Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin.
42 Markaasaan iyagii u duqeeyey sida boodhka dabaysha hor kaca,
Oo waxaan iyagii dibadda ugu tuuray sidii dhoobada jidadka taal oo kale.
43 Waxaad iga samatabbixisay murankii dadka,
Oo waxaad iga dhigtay quruumaha madaxdoodii,
Oo dad aanan aqoon ayaa ii adeegi doona.
44 Oo mar alla markii ay warkayga maqlaan way i addeeci doonaan,
Oo shisheeyayaashuna way isu kay dhiibi doonaan,
45 Shisheeyayaashu way libdhi doonaan,
Oo iyagoo gariiraya ayay qolalkooda ka soo bixi doonaan.
46 Rabbigu waa nool yahay, oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn,
Oo Ilaaha i badbaadiyeyna ha sarreeyo,
47 Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda,
Oo dadkana hoostayda ku soo tuura.
48 Isagu wuxuu iga badbaadiyaa cadaawayaashayda,
Haah, oo adigu waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca,
Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.
49 Sidaas daraaddeed, Rabbiyow, anigu waxaan kuugu mahadnaqi doonaa quruumaha dhexdooda,
Oo magacaaga ammaan baan ugu gabyi doonaa.
50 Rabbigu si weyn buu boqorkiisa u samatabbixiyaa,
Oo wuxuu weligiis raxmad u sameeyaa kii uu subkaday,
Kaasoo ah Daa'uud, iyo farcankiisaba weligiis iyo weligiis.

Ishacyaah 2:12-22

12 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu maalin u haystaa ku kasta oo kibra oo madax weynaada, iyo ku kasta oo kor isu qaada, waana la hoosaysiin doonaa, 13 iyo weliba geedaha kedar la yidhaahdo ee Lubnaan ee dhaadheer ee sare u baxa oo dhan, iyo geedaha eelaah la yidhaahdo ee Baashaan oo dhan, 14 iyo buuraha dhaadheer oo dhan, iyo kuraha sare u jooga oo dhan, 15 iyo munaarad kasta oo dheer, iyo derbi kasta oo deyr leh, 16 iyo doonniyaha Tarshiish oo dhan, iyo taswiiro la jecel yahay oo dhan. 17 Oo kibirka binu-aadmiga hoos baa loo soo dejin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana waa la hoosaysiin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa. 18 Oo sanamyaduna dhammaantood way wada baabbi'i doonaan. 19 Markii Rabbigu u soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo ayay dadku cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa ka geli doonaan qorrofyada dhagaxyada, iyo godadka dhulka. 20 Oo maalintaas dadku sanamyadooda lacagta ah iyo sanamyadooda dahabka ah oo ay u samaysteen inay caabudaan waxay u tuuri doonaan jiirarka iyo fiidmeeraha, 21 si ay cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa uga galaan qorrofyada dhagaxyada iyo qararka meelahooda dildillaacsan markii Rabbigu uu soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo. 22 Ka joogsada binu-aadmiga ay neeftiisu ku jirto dulalka sankiisa, waayo, bal maxaa isaga lagu tiriyaa?

1 Tesaloniika 3

Wixii Timoteyos Loo Soo Diray

Sidaas daraaddeed markii aannu is-hayn kari waynay, way nala wanaagsanayd inaannu keliyahaantayo Ateenay ku hadhno; oo waxaannu idiin soo dirnay walaalkayo Timoteyos, oo ah midiidinka Ilaah xagga injiilka Masiixa, inuu idin xoogeeyo oo idin dhiirrigeliyo xagga rumaysadkiinna, inaan dhibaatooyinkani ninna dhaqdhaqaajin, waayo, idinka qudhiinnuba waad ogsoon tihiin in tan lanoo doortay. Waayo, markii aannu idinla joognay, horaannu idiinku sii sheegnay inaannu dhibtoonayno; waana sida ay noqotay, idinkuna waad og tihiin. Sababtaas daraaddeed markii aan is-hayn kari waayay, waxaan idiinku soo cid diray inaan rumaysadkiinna ogaado, waaba intaasoo kii wax jirrabi jiray idin jirrabay oo hawshayadii wax aan waxtar lahayn noqotaye. Laakiinse haatan markii Timoteyos nooga kiin yimid, wuxuu noo keenay warka wanaagsan oo ku saabsan rumaysadkiinna iyo jacaylkiinna, iyo inaad kol kasta si wanaagsan noo xusuusataan idinkoo xiiso u qaba inaad na aragtaan sida aannu annaguba xiiso ugu qabno inaannu idin aragno; sababtaas daraaddeed, walaalayaalow, dhibkayagii iyo qaxarkayagii oo dhan waxaannu kaga qalbi qabownay xaggiinna, rumaysadkiinna aawadiis; maxaa yeelay, haatan annagu waa nool nahay haddaad xagga Rabbiga ku xoogaysataan. Waayo, mahad intee le'eg baannu Ilaah ugu naqi karnaa idinka aawadiin iyo farxaddii oo dhan oo aannu ku faraxnay Ilaahayaga hortiisa idinka aawadiin? 10 Habeen iyo maalinba aad iyo aad baannu Ilaah u baryaynaa inaannu wejigiinna aragno oo aannu dhammaystirno waxa ka dhiman rumaysadkiinna.

11 Haddaba Ilaaha ah Aabbeheenna iyo Rabbigeenna Ciise qudhiisu jidkayaga xaggiinna ha ku soo toosiyeen. 12 Rabbigu ha idiin kordhiyo oo ha idiin badiyo jacaylka midkiinba midka kale u qabo iyo dadka kale oo dhanba, sida aan annaguba idiin jecel nahay, 13 inuu xoogeeyo qalbiyadiinna iyagoo aan ceeb lahayn oo quduusnimo ku jira Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiisa, goortii Rabbigeenna Ciise la yimaado quduusiintiisa oo dhan.

Luukos 20:27-40

Sarakicidda Kuwii Dhintay(A)

27 Waxaa u yimid qaar Sadukiin ah, kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. 28 Oo waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, Muuse wuxuu noo qoray, Nin walaalkiis hadduu dhinto isagoo naag leh oo aan carruur lahayn, walaalkiis naagtiisa waa inuu dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo. 29 Haddaba waxaa jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey naag buu qabay, wuuna dhintay carruurla'aan. 30 Kii labaadna wuu guursaday, 31 oo kii saddexaadna waa dumaalay. Sidaasay toddobadii u wada guursadeen, carruurna kama ay tegin, wayna dhinteen. 32 Kulligood dabadeed naagtiina waa dhimatay. 33 Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay, iyaga kee bay naagtiisa ahaan doontaa? Waayo, toddobadu way wada guursadeen. 34 Ciise wuxuu ku yidhi, Wiilashii wakhtigan waa guursadaan, guurna waa la siiyaa, 35 laakiin kuwa loo xisaabay inay istaahilaan inay gaadhaan wakhtigaas iyo ka soo sarakicidda kuwii dhintay ma guursadaan, guurna lama siiyo, 36 waayo, kol dambe ma dhiman karaan, maxaa yeelay, waxay yihiin sida malaa'igaha, oo waxay yihiin wiilashii Ilaah iyagoo ah wiilashii sarakicidda. 37 Laakiin in kuwii dhintay la sara kiciyo Muuse ayaa tilmaamay xaggii geedka markuu Rabbiga ugu yeedhay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub. 38 Laakiin isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool, waayo, dhammaan isagay u nool yihiin. 39 Culimmada qaarkood ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, si wanaagsan ayaad u hadashay. 40 Kol dambe kuma ay dhicin inay wax weyddiiyaan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya