Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 146-147

146 Rabbiga ammaana.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Intaan noolahay oo dhan Rabbiga waan ammaani doonaa,
Oo ammaan baan Ilaahay ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
Ha isku hallaynina amiirrada
Iyo binu-aadmiga aan waxba caawimi karin.
Naftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii.
Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baabba'aan.
Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub,
Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,
Oo sameeyey cirka iyo dhulka,
Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,
Oo runtana dhawra weligiisba,
Oo kuwa la dulmay u garsoora,
Oo kuwa gaajaysanna quud siiya.
Rabbigu maxaabiistuu furaa.
Rabbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha,
Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya,
Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.
Rabbigu waa ilaaliyaa kuwa qariibka ah,
Oo isagaa taageera agoonta iyo carmallada,
Laakiinse jidka kuwa sharka leh wuu qalloociyaa.
10 Rabbigu xukun buu haysan doonaa weligiis,
Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab.
Rabbiga ammaana.

147 Rabbiga ammaana.
Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo,
Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.
Rabbigu Yeruusaalem buu dhisaa,
Oo wuxuu isu soo wada ururiyaa kuwa la naco oo reer binu Israa'iil ah.
Isagaa bogsiiya kuwa qalbi jabay,
Oo nabrahoodana wuu duubaa.
Wuxuu sheegaa xiddigaha tiradooda,
Oo kulligoodna magacyo buu u bixiyaa.
Sayidkeennu waa weyn yahay, wuuna xoog badan yahay,
Waxgarashadiisuna waa mid aan la koobi karayn.
Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow,
Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa.
Rabbiga mahadnaqid ugu gabya,
Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,
Kaasoo samada daruuro ku qariya,
Oo dhulka roob u diyaarsha,
Buurahana doog ka soo bixiya.
Wuxuu quud siiyaa xayawaanka,
Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.
10 Isagu kuma farxo xoogga faraska,
Oo kuma reyreeyo lugaha dadka.
11 Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada,
Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.
12 Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan,
Siyoonay, Ilaahaaga ammaan.
13 Waayo, wuxuu xoogeeyey qataarrada irdahaaga,
Carruurtaadana wuu kugu dhex barakeeyey.
14 Soohdimahaaga nabad buu ka dhigaa,
Oo wuxuu kaa dhergiyaa sarreenka ugu wanaagsan.
15 Amarkiisa wuxuu u soo diraa dhulka,
Eraygiisuna aad buu u dheereeyaa.
16 Baraf cad wuxuu u soo daadshaa sida dhogor oo kale,
Sayax barafoobayna wuxuu u kala firdhiyaa sida dambas oo kale.
17 Barafkiisa wuxuu u soo ridaa sida jajab oo kale,
Bal yaa qabowgiisa hor istaagi kara?
18 Wuxuu soo diraa eraygiisa, oo wuu dhalaaliyaa iyaga,
Dabayshiisana wuxuu ka dhigaa inay dhacdo, biyuhuna way qulqulaan.
19 Eraygiisa wuxuu tusaa reer Yacquub,
Qaynuunnadiisa iyo xukummadiisana reer binu Israa'iil.
20 Quruunna sidaas oo kale uma uu samayn.
Xukummadiisiina ma ay garanaynin,
Rabbiga ammaana.

Sabuurradii 111-113

111 Rabbiga ammaana.
Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugaga mahadnaqi doonaa
Guddiga kuwa qumman dhexdiisa iyo ururka dhexdiisaba.
Shuqullada Rabbigu way waaweyn yihiin,
Oo waxaa doondoona kuwa ku faraxsan oo dhan.
Shuqulkiisu waa sharaf iyo haybad,
Oo xaqnimadiisuna weligeedba way waartaa.
Wuxuu ka dhigay in la sii xusuusto shuqulladiisa yaabka badan,
Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad.
Wuxuu cunto siiyey kuwa isaga ka cabsada,
Oo weligiisna wuxuu xusuusnaan doonaa axdigiisii.
Wuxuu dadkiisii tusay xooggii shuqulladiisa,
Markii uu iyaga siiyey quruumaha dhaxalkoodii.
Shuqullada gacmihiisu waa run iyo garsoorid,
Oo amarradiisa oo dhammuna waa hubaal.
Way sii adag yihiin weligood iyo weligoodba,
Oo waxaa lagu sameeyey run iyo qummanaan.
Wuxuu dadkiisa u soo diray furasho,
Oo wuxuu amray in axdigiisu ahaado mid weligiisba waara,
Magiciisu waa quduus, waana mid laga cabsado.
10 Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda,
Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan,
Ammaantiisu way waartaa weligeedba.

112 Rabbiga ammaana.
Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada,
Oo aad ugu farxa amarradiisa.
Farcankiisu wuxuu ku xoog badnaan doonaa dhulka,
Kuwa qumman farcankooduna wuu barakoobi doonaa.
Gurigiisa waxaa ku jira maal iyo taajirnimo,
Xaqnimadiisuna weligeedba way sii waartaa.
Kuwa qumman iftiin baa gudcurka uga soo baxa,
Isagu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, waana xaq.
Waxaa nimcaysan ninkii naxariis leh oo dadka wax amaahiya,
Kaasu danihiisuu ku wadi doonaa caddaalad.
Waayo, isaga weligiis lama dhaqaajin doono,
Oo kii xaq ah weligiisba waa la xusuusan doonaa.
Isagu innaba kama cabsan doono war xun,
Qalbigaa u fadhiya, oo wuxuu isku halleeyaa Rabbiga.
Qalbigaa u fadhiya, oo ma uu cabsan doono,
Ilaa uu wuxuu doonayay ku arko cadaawayaashiisa.
Wax buu kala qaybshay, oo wuxuu wax siiyey kuwii baahnaa,
Xaqnimadiisuna way sii waartaa weligeedba,
Geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa sharaf.
10 Kii shar lahu wuu arki doonaa, wuuna cadhoon doonaa,
Wuu ilko jirriqsan doonaa, oo wuu dhalaali doonaa,
Kuwa sharka leh doonistoodu way baabbi'i doontaa.

113 Rabbiga ammaana.
Rabbiga addoommadiisow, ammaana.
Rabbiga magiciisa ammaana.
Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba
Rabbiga magiciisu mahad ha lahaado.
Qorraxdu markay soo baxdo iyo markay dhacdo inta ka dhex leh
Magaca Rabbiga waa in la ammaano.
Rabbigu quruumaha oo dhan wuu ka wada sarreeyaa,
Ammaantiisuna samooyinka way ka sii sarraysaa.
Bal yaa la mid ah Rabbiga Ilaaheenna ah,
Oo kursigiisa ku leh xagga sare,
Oo hoos u eega
Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba?
Wuxuu miskiinka kor uga qaadaa ciidda,
Oo kan baahanna wuxuu sara uga qaadaa meesha digada,
Inuu isaga la fadhiisiyo amiirro,
Kuwaas oo ah amiirrada dadkiisa.
Oo naagtii madhalays ahna wuxuu ka dhigaa inay reer hayso,
Iyo inay ahaato hooyo faraxsan oo carruur leh.
Rabbiga ammaana.

Ishacyaah 1:1-9

KITAABKII
ISHACYAAH

Quruun Caasi Ah

Kanu waa wixii Ishacyaah ina Aamoos la tusay ee uu ku arkay wax ku saabsan dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem waagii ay Cusiyaah, iyo Yootam, iyo Aaxaas, iyo Xisqiyaah boqorrada ka ahaayeen dalka Yahuudah.

Samooyinkow maqla, dhulkow bal wax dhegayso, waayo, Rabbigu wuu hadlay oo yidhi: Carruur baan quudiyey oo koriyey, oo iyana way igu caasiyoobeen. Dibigu kan isaga leh wuu yaqaan, oo dameerkuna waa yaqaan meeshuu wax ka cuno ee sayidkiisa, laakiinse reer binu Israa'iil waxba ma yaqaaniin, oo dadkayguna waxba garan maayaan. Hoog waxaa leh quruuntan dembiga badan, iyo dadkan xumaanta ku raran, iyo dhashan xumaanfalayaasha, iyo wiilashan si xun u macaamilooda. Iyagu Rabbiga way ka tageen, oo waxay quudhsadeen Ka Quduuska ah ee reer binu Israa'iil dib bayna uga noqdeen. Bal maxaa mar dambe wax laydiinku dhufan doonaa, oo aad u sii fallaagoobi doontaan? Madaxa oo dhammu waa bukaa, oo qalbiga oo dhammuna waa taag daranyahay. Madaxa iyo minjaha inta ka dhex leh innaba caafimaad ma leh, laakiinse waxaa ku yaal nabro, iyo burbur, iyo boogo cusub, lama awdin, lamana duubin, oo saliidna laguma dhayin. Dalkiinnii waa cidla, magaalooyinkiinniina waa la gubay, oo waddankiinniina shisheeyayaal baa hortiinna ku cunay, waana cidla, sidii wax ay shisheeyayaal afgembiyeen. Oo magaalada Siyoonna waxaa looga tegey sidii waab beercanab ku dhex yaal, iyo sidii buul beer khijaar ah ku dhex yaal, iyo sidii magaalo cadow hareereeyey. Haddaan Rabbiga ciidammadu dad aad u yar inoo reebin, sida Sodom baan noqon lahayn, oo sida Gomorana baan noqon lahayn.

2 Butros 3:1-10

Ballanka Imaatinka Rabbiga

Gacaliyayaalow, tanu waa warqaddii labaad oo aan idiin soo qoray, oo labadoodaba waxaan maankiinna daacadda ah ku guubaabinayaa xusuusin, inaad xusuusataan erayadii ay nebiyadii quduuska ahaa hore ugu hadleen, iyo amarkii Rabbiga Badbaadiyaha ah oo ay rasuulladiinnu ku hadleen. Marka hore waxaad og tihiin in maalmaha ugu dambeeya kuwa majaajiloodaa ay la iman doonaan majaajilo iyagoo damacyadooda daba socda, oo waxay odhan doonaan, Ballankii imaatinkiisii meeh? Waayo, haatan iyo maalintii awowayaashii ay dhinteen wax waluba waxay u socdaan sidii ay ahaayeen tan iyo bilowgii abuurniinta. Waayo, iyagu kaas bay u illoobaan in waagii hore samooyin jireen iyo dhul erayga Ilaah biyo lagaga dhex abuuray, kuwaas oo dunidii waagaas jirtay ay ku baabba'day iyadoo daad qaaday. Laakiinse samooyinka haatan jira iyo dhulkaba isku eray baa dab loogu kaydiyey, oo waxaa loo hayaa maalinta xisaabta iyo halligaadda dadka cibaadalaawayaasha ah.

Laakiinse, gacaliyayaalow, waxan keliya ha illoobina in maalin keliyahu Rabbiga la tahay sida kun sannadood, kun sannadoodna la yihiin sida maalin keliya. Rabbigu kama raago inuu ballankiisa oofiyo sida dadka qaarkiis ku tiriyo inay tahay raagid, laakiinse idinkuu idiin dulqaadanayaa, oo dooni maayo in qofnaba halligmo, laakiinse wuxuu doonayaa in kulli la wada toobadkeeno.

10 Laakiinse maalinta Rabbigu waxay u iman doontaa sida tuug oo kale; maalintaas oo ay samooyinku baabbi'i doonaan iyagoo sanqadh weynu ka yeedhayso, oo waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay baabbi'i doonaan. Dhulka iyo shuqullada ku jirana waa la gubi doonaa.

Matayos 25:1-13

Masaalka Ku Saabsan Tobankii Gabdhood

25 Haddaba boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiin doonaa toban gabdhood oo bikrado ah, kuwa intay laambadahooda qaateen, u baxay inay ninka arooska ah ka hor tagaan. Shantood waxay ahaayeen doqonno, shanna caqli bay lahaayeen. Kuwii doqonnada ahaa laambadahoodii bay qaateen, laakiin saliid ma ay qaadan. Kuwa caqliga lahaase laambadahoodii bay qaateen iyo weelal saliidu ku jirto. Laakiin ninkii arooska ahaa waa raagay, taas daraaddeed ayay wada lulmoodeen oo seexdeen. Habeenbadhkiise qaylo ayaa yeedhay, Arooskii waa soo socdaaye, soo baxa oo ka hor taga. Markaasaa bikradihii oo dhammu wada kaceen oo laambadahoodii hagaajiyeen. Kuwii doqonnada ahaa waxay kuwii caqliga lahaa ku yidhaahdeen, Saliiddiinna wax naga siiya, waayo, laambadahayagii waa demayaan. Laakiin kuwii caqliga lahaa ayaa u jawaabay oo waxay ku yidhaahdeen, Maya, waaba intaas oo ay nagu filnaan waydaa annaga iyo idinka; bal u taga kuwa iibiya oo ka soo iibsada. 10 Markay tageen inay soo iibsadaan, ninkii arooska ahaa ayaa yimid, oo kuwii diyaarka ahaa ayaa la galay guriga arooska, albaabkiina waa la xidhay. 11 Dabadeedna waxaa yimid bikradihii kale, oo waxay yidhaahdeen, Sayidow, Sayidow, naga fur. 12 Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Anigu idin garan maayo. 13 Haddaba soo jeeda, waayo, garan maysaan maalinta ama saacadda.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya