Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
140 Rabbiyow, ninka sharka leh iga samatabbixi,
Oo iga ilaali ninka dulmiga badan,
2 Kuwaasoo qalbigooda kaga fikira belaayooyin,
Had iyo goorna dagaal bay isu soo urursadaan.
3 Waxay carrabkoodii u afaysteen sidii abeeso oo kale,
Oo bushimahoodana waxaa ku hoos jirta waabaydii jilbiska. (Selaah)
4 Rabbiyow, gacmaha kuwa sharka leh iga dhawr,
Oo iga ilaali ninka dulmiga badan,
Kuwaasoo u qasdiyey inay tallaabooyinkayga dhinac u leexiyaan.
5 Kuwa kibirka badanu waxay ii qariyeen dabin iyo xadhko,
Oo jidka dhinaciisana waxay ii gogleen shabag, oo siriq bay ii qooleen. (Selaah)
6 Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga,
Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.
7 Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow,
Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay.
8 Rabbiyow, kuwa sharka leh ha siin waxay doonayaan,
Oo horay ha u sii wadin xeeladdooda sharka ah, waaba intaasoo ay kor isu qaadaane. (Selaah)
9 Oo kuwa igu wareegsan madaxoodana
Belaayada bushimahooda ka soo baxaysa ha daboosho.
10 Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen,
Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka,
Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin.
11 Ninka sharka ku hadlaa yaanu dhulka ku sii waarin,
Sharku wuxuu u ugaadhsan doonaa ninka dulmiga badan inuu afgembiyo aawadeed.
12 Waan ogahay in Rabbigu kuwa dhibban dacwadooda u gar qaadi doono,
Oo uu kuwa baahanna xaqooda siin doono.
13 Hubaal kuwa xaqa ahu waxay ku mahadnaqi doonaan magacaaga,
Oo kuwa qummanuna waxay joogi doonaan hortaada.
Kanu waa baryootan Maskiil ah ee Daa'uud tiriyey markuu godkii ku jiray.
142 Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa,
Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa.
2 Oo hortiisaan ku cawdaa,
Oo dhibaatadaydana hortiisaan ku muujiyaa.
3 Markii naftaydu gudahayga ku itaal darnaatay, waddadayda waad tiqiin,
Jidka aan ku socdona dabin bay iigu qariyeen.
4 Bal fiiri xaggayga midig, oo bal arag,
Waayo, nin i yaqaan ma jiro,
Meel aan magangalo ayaan waayay, ninna naftayda dan kama leh.
5 Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday,
Oo waxaan idhi, Waxaad tahay magangalkayga,
Iyo qaybta aan dalka kuwa nool ku leeyahay.
6 Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey,
Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.
7 Naftayda xabsiga ka soo bixi, si aan magacaaga ugu mahadnaqo,
Kuwa xaqa ah ayaa igu hareeraysnaan doona,
Waayo, wax badan oo wanaagsan baad ii samayn doontaa.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
141 Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso,
Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.
2 Baryootankaygu ha noqdo sida foox hortaada la dhigay,
Oo gacma-koruqaadiddayduna ha noqoto sida allabariga fiidnimo.
3 Rabbiyow, afkayga waardiye hor jooji,
Oo albaabka bushimahaygana dhawr.
4 Qalbigayga ha u duwin wax shar ah,
Yaanu falimo xumaan ah la gelin
Dadka xumaanta ka shaqeeya,
Oo yaanan wax ka cunin waxyaalahooda macaan.
5 Kan xaqa ahu ha i dilo, raxmad bay ii ahaan doontaa,
Oo ha i canaanto, waxay ii noqon doontaa sida saliid madaxa lagu shubto,
Madaxayguna yaanu diidin,
Waayo, xataa intay sharkooda ku sii jiraan ayaan tukashadayda ka geesta ah sii wadaa.
6 Xaakinnadoodii waxaa lagu tuuray dhagaxa dhinacyadiisa,
Oo iyagu waxay maqli doonaan erayadayda, waayo, way macaan yihiin.
7 Sida markii beerta la qodo oo dhulka la jeexo
Ayaa lafahayagii ugu firidhsan yihiin She'ool afkiisa.
8 Waayo, Ilaahow Sayidow, indhahaygu xaggaagay ku soo jeedaan,
Oo adigaan isku kaa halleeyaa, haddaba naftayda ha dayrin.
9 Iga dhawr dabinka ay ii dhigeen,
Iyo siriqda ay xumaanfalayaashu qooleen.
10 Kuwa sharka lahu ha ku dhex dheceen shabagyadooda
Markaan anigu ka baxsado.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
143 Rabbiyow, tukashadayda maqal, oo baryootankayga dhegta u dhig,
Oo daacadnimadaada iyo xaqnimadaada iigu jawaab.
2 Anoo addoonkaaga ah xukun ha i gelin,
Waayo, inta nool oo dhan ma jiro nin hortaada lagu caddayn doonaa inuu xaq yahay.
3 Waayo, cadowgaa naftayda silciyey,
Noloshaydiina dhulkuu ku tuuray,
Oo wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego, sidii kuwii waagii hore dhintay.
4 Sidaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa,
Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.
5 Waxaan soo xusuustaa wakhtigii hore,
Falimahaaga oo dhanna waan ka fikiraa,
Oo waxaan fiiro u yeeshaa shuqulkii gacmahaaga.
6 Gacmahaygaan kuu hoorsadaa,
Oo naftaydu adigay kuu harraaddaa sida dhul oommane ah. (Selaah)
7 Rabbiyow, dhaqso iigu soo jawaab, waayo, naftaydu way itaal darnaataa.
Wejigaaga ha iga qarin,
Waaba intaasoo aan noqdaa sida kuwa godka ku dhaca oo kale.
8 Aroorta naxariistaada i maqashii,
Waayo, adigaan isku kaa halleeyaa,
I garansii sidii aan u socon lahaa,
Waayo, naftaydaan kor kuugu qaadaa.
9 Rabbiyow, cadaawayaashayda iga samatabbixi,
Waayo, adaan kugu soo cararaa inaad i qariso.
10 I bar si aan doonistaada u sameeyo, waayo, waxaad tahay Ilaahayga,
Ruuxaaga wanaagsanu ha igu dhex hoggaamiyo dalka qummanaanta.
11 Rabbiyow, ii soo noolee magacaaga daraaddiis,
Oo xaqnimadaada naftayda kaga soo bixi dhibaato.
12 Oo raxmaddaada cadaawayaashayda ku wada tirtir,
Kuwa naftayda dhiba oo dhanna baabbi'i,
Waayo, waxaan ahay addoonkaaga.
Rabbigu Wuu Iman Doonaa Wuuna Xukumi Doonaa
14 Bal eeg, waxaa imanaysa maalintii Rabbiga ee waxaagii la dhacay dhexdaada lagu qaybsan doono. 2 Waayo, quruumaha oo dhan waan u soo wada ururin doonaa inay Yeruusaalem la diriraan, oo magaalada waa la qabsan doonaa, guryahana waa la dhici doonaa, naagahana waa la kufsan doonaa, oo magaalada badhkeedna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa, laakiinse dadka intiisii hadhay magaalada lagama baabbi'in doono. 3 Markaasaa Rabbigu soo bixi doonaa, oo quruumahaas buu la diriri doonaa, siduu u diriray maalintii dagaalka. 4 Oo maalintaas cagihiisu waxay ku istaagi doonaan Buur Saytuun, taasoo Yeruusaalem ka horraysa oo xagga bari ka xigta, oo Buur Saytuunna dhexday uga kala dillaaci doontaa xagga bari iyo xagga galbeed, oo waxaa jiri doonta dooxo aad u weyn, oo buurta badhkeed wuxuu u durki doonaa xagga woqooyi, oo badhkeeda kalena wuxuu u durki doonaa xagga koonfureed. 5 Markaasaad ku carari doontaan dooxadii buurahayga, waayo, dooxada buuruhu waxay gaadhi doontaa tan iyo Aaseel. Oo waxaad u carari doontaan sidaad ugu hor cararteen dhulgariirkii dhacay wakhtigii Cusiyaah boqorka ka ahaa dalka Yahuudah. Oo Rabbiga Ilaahayga ahu wuu iman doonaa, oo waxaa la iman doonaa kuwa quduuska ah oo dhan. 6 Oo waxay maalintaas noqon doontaa in iftiinku uusan yeelanayn dhalaal iyo gudcur toona, 7 laakiinse waxay ahaan doontaa maalin uu Rabbigu og yahay, taasoo aan maalin ahayn, oo aan habeenna ahayn, laakiinse waxay ahaan doontaa in markay fiidkii tahay uu iftiin jiri doono. 8 Oo waxay maalintaas noqon doontaa inay biyo noolu Yeruusaalem ka soo baxaan, oo badhkood wuxuu u qulquli doonaa xagga badda bari, oo badhkooda kalena wuxuu u qulquli doonaa xagga badda galbeed, oo waxay ahaan doontaa wakhtiga kulaylka iyo wakhtiga qabowga. 9 Oo Rabbigu boqor buu ka ahaan doonaa dunida oo dhan, oo maalintaas Rabbigu mid buu ahaan doonaa, oo magiciisuna mid buu ahaan doonaa.
10 Oo dalka oo dhammuna wuxuu u rogman doonaa sida Caraabaah, tan iyo Gebac iyo ilaa Rimmoon oo Yeruusaalem xagga koonfureed ka jirta. Oo Yeruusaalemna kor baa loo qaadi doonaa oo waxay iska degganaan doontaa meesheeda, tan iyo iridda Benyaamiin iyo ilaa meesha iridda kowaad, iyo ilaa iridda geeska ku taal, iyo tan iyo munaaradda Xananeel iyo ilaa boqorka macsarooyinkiisa khamriga. 11 Oo dad baa dhexdeeda degganaan doona, oo innaba habaar dambe ma jiri doono, laakiinse Yeruusaalem si ammaan ah ayay u degganaan doontaa.
Injiilka Loo Keenay Dadka Aan Yuhuudda Ahayn
7 Sidaas daraaddeed isdhoweeya sida Masiixuna idiin dhoweeyey in Ilaah la ammaano. 8 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Masiixu wuxuu noqday kuwa gudan midiidinkooda, runta Ilaah aawadeed, inuu u xaqiijiyo ballamadii awowayaashii hore la siiyey, 9 iyo in quruumuhu Ilaah u ammaanaan naxariistiisa, sida qoran,
Sidaas daraaddeed waxaan kugu ammaani doonaa quruumaha dhexdooda,
Oo magacaaga waan u gabyi doonaa.
10 Oo haddana wuxuu leeyahay,
Quruumahow, la reyreeya dadkiisa.
11 Oo haddana,
Rabbiga ammaana, quruumahoo dhammow,
Dadkoo dhammuna ha ammaano isaga.
12 Oo haddana Isayos wuxuu leeyahay,
Waxaa jiri doona xididkii Yesay,
Iyo kan u kacaya inuu u taliyo quruumaha,
Isagayna quruumuhu wax ku rajayn doonaan.
13 Ilaaha rajadu ha idinka buuxiyo farxad iyo nabad oo dhan, idinkoo rumaysan, si rajadiinnu ugu badato xoogga Ruuxa Quduuskaa.
Ciise Guul Buu Ku Galay Yeruusaalem(A)
28 Goortuu waxaas ku hadlay ayuu hore u socday oo Yeruusaalem tegey. 29 Goortuu Beytfaage iyo Beytaniya ku dhowaaday ilaa buurta Buur Saytuun la yidhaahdo ayuu laba xer ah diray, 30 isagoo leh, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, tan goortaad gashaan aad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin; soo fura oo keena. 31 Haddii laydin weyddiiyo oo laydinku yidhaahdo, Maxaad u furaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan. 32 Markaasay kuwii la diray tageen oo heleen sidii lagu yidhi. 33 Kolkay qaylka furayeen ayaa kuwii lahaa ku yidhaahdeen, Maxaad qaylka u furaysaan? 34 Waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaa u baahan. 35 Markaasay Ciise u keeneen, oo dharkoodii bay qaylkii dusha ka saareen, oo Ciise ayay fuusheen. 36 Oo intuu socday, dharkoodii ayay jidka ku gogleen. 37 Goortuu ku soo dhowaanayay xataa meeshii Buur Saytuun laga dego, dadkii oo dhan oo xertii ahaa ayaa bilaabay inay farxaan, oo cod weyn Ilaah ku ammaanaan waxa xoogga leh oo dhan oo ay arkeen aawadood, 38 iyagoo leh, Waxaa barakaysan Boqorka Rabbiga magiciisa ku imanaya. Nabadi jannada ha ku jirto, ammaantuna meelaha ugu sarreeya. 39 Farrisiintii qaarkood oo dadkii badnaa ku dhex jiray ayaa ku yidhi, Macallimow, xertaada canaano. 40 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan idinku leeyahay, Kuwani hadday aamusaan, dhagaxyada ayaa qaylin doona.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya