Book of Common Prayer
Kanu waa mid dhibaataysan baryootankiis markuu taag darnaado, oo uu Rabbiga u cawdo.
102 Rabbiyow, baryootankayga maqal,
Qayladayduna ha ku soo gaadho.
2 Wejigaaga ha iga qarin maalinta aan dhibaataysnahay,
Dhegta ii dhig,
Oo maalinta aan ku baryo, dhaqso iigu soo jawaab.
3 Waayo, maalmahaygu waxay u dhammaadaan sida qiiq oo kale,
Oo lafahayguna waxay u gubtaan sida qori ololaya oo kale.
4 Wadnahayga wax baa lagu dhuftay, sida caws oo kalena wuu engegay,
Waayo, waan iska illoobaa inaan kibistayda cuno.
5 Codkii taahiddayda daraaddiis
Ayaa lafahaygu jidhkayga ku dhegaan.
6 Anigu waxaan la mid ahay haad cantalyaa ah oo cidlada joogta,
Oo waxaan la mid noqday haad guumays ah oo lamadegaanka dhex joogta.
7 Waan soo jeedaa, oo waxaan noqday
Sidii shimbir yar oo keligeed guri dhaladiis saaran.
8 Maalinta oo dhan cadaawayaashaydu way i caayaan,
Oo kuwa ii cadhaysanuna magacaygay ku caytamaan.
9 Waayo, dambas baan u cunay sidii kibis oo kale,
Oo cabniinkaygiina waxaan ku darsaday ilmadaydii.
10 Sababtuna waa dhirifkaagii iyo cadhadaadii aawadood,
Waayo, kor baad ii qaadday, dabadeedna waad i xoortay.
11 Cimrigaygu waa sida hoos sii libdhaya,
Oo waxaan u engegay sida caws oo kale.
12 Laakiinse Rabbiyow, adigu weligaaba waad sii jiri doontaa,
Oo waa lagu sii xusuusan doonaa ka ab ka ab.
13 Waad sara joogsan doontaa, oo Siyoon baad u naxariisan doontaa,
Waayo, waa wakhtiga iyada loo jixinjixo, haah, oo wakhtigii la ballamay waa yimid.
14 Waayo, addoommadaadu waxay u bogaan dhagaxyadeeda,
Oo waxay u jixinjixaan ciiddeeda.
15 Haddaba quruumuhu waxay ka cabsan doonaan magaca Rabbiga,
Boqorrada dunida oo dhammuna ammaantaada,
16 Waayo, Rabbigu wuxuu dhisay Siyoon,
Oo wuxuu ka dhex muuqday ammaantiisii,
17 Wuxuu u fiirsaday kuwa dan daraysan tukashadoodii,
Oo baryadoodiina ma uu quudhsan.
18 Tan waxaa loo qori doonaa farcanka soo socda,
Oo dad la abuuri doono ayaa Rabbiga ammaani doona.
19 Waayo, isagu wuxuu wax ka soo fiiriyey meeshiisa sare oo quduuska ah,
Rabbigu dhulkuu ka soo eegay samada,
20 Inuu maqlo taaha maxbuuska,
Iyo inuu sii daayo kuwa dilka lagu xukumay,
21 Si dadku magaca Rabbiga uga sheego Siyoon dhexdeeda,
Ammaantiisana Yeruusaalem dhexdeeda,
22 Markii dadyowgu isu soo wada ururaan,
Iyo xataa boqortooyooyinkuba, inay Rabbiga u adeegaan aawadeed.
23 Isagu xooggayguu ku dhex dhimay jidka,
Oo cimrigaygiina wuu gaabiyey.
24 Anigu waxaan idhi, Ilaahayow, ha i sii qaadin cimrigayga oo badh ah,
Sannadahaagu waxay sii waaraan tan iyo ka ab ka ab.
25 Waa hore ayaad aasaaska dhulka dhigtay,
Samooyinkuna waa shuqulkii gacmahaaga.
26 Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii waari doontaa,
Haah, oo kulligood waxay u duugoobi doonaan sida dhar oo kale,
Oo waxaad iyaga u beddeli doontaa sida maro oo kale, wayna beddelmi doonaan,
27 Laakiinse adigu isku si uun baad tahay had iyo goorba,
Oo sannadahaaguna ma idlaan doonaan.
28 Carruurta addoommadaadu way sii jiri doonaan,
Oo farcankooduna hortaaday ku xoogaysan doonaan.
Kitaabka Shanaad
Sabuurrada 107-150
107 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa.
2 Kuwa Rabbigu soo furtay sidaas ha yidhaahdeen,
Waana kuwa uu isagu ka soo furtay gacantii cadowga,
3 Oo uu ka soo ururiyey dalalka,
Xagga bari, iyo xagga galbeed,
Xagga woqooyi, iyo xagga koonfureedba.
4 Waxay dhex wareegi jireen cidlada iyo jid lamadegaan ah,
Mana ay helin magaalo ay degaan.
5 Way gaajoodeen, wayna harraadeen,
Oo naftoodiina way ku dhex taag darnaatay.
6 Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban,
Oo isna wuu ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii.
7 Oo weliba wuxuu iyagii ku hoggaamiyey jid toosan,
Si ay u tagaan magaalo ay degaan.
8 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
9 Waayo, isagu wuxuu dhergiyaa nafta aad wax u doonaysa,
Oo nafta gaajaysanna wuxuu ka dhergiyaa wanaagga.
10 Kuwii dhex fadhiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada,
Oo ku xidhnaa dhibaatada iyo birta,
11 Waxay ku caasiyoobeen erayadii Ilaah,
Oo waxay fududaysteen taladii Ilaaha ugu sarreeya,
12 Sidaas daraaddeed ayuu qalbigoodii daal ku soo dejiyey,
Wayna dheceen, mid iyaga caawiyaana ma jirin.
13 Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban,
Oo isna wuu ka badbaadiyey dhibaatooyinkoodii.
14 Wuxuu ka soo dhex bixiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada,
Silsiladihii ku xidhnaana wuu kala jejebiyey.
15 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
16 Waayo, irdihii naxaasta ahaa wuu kala jejebiyey,
Qataarradii birta ahaana wuu burburiyey.
17 Nacasyadu waxay u dhibban yihiin xadgudubkooda aawadiis,
Iyo xumaatooyinkooda aawadood.
18 Naftoodu waxay nacdaa cunto kasta,
Oo waxay ku soo dhowaadaan irdaha dhimashada.
19 Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban,
Oo isna wuxuu ka soo badbaadiyaa dhibaatooyinkooda.
20 Wuxuu soo diraa eraygiisa, wuuna bogsiiyaa iyaga,
Oo wuxuu ka samatabbixiyaa halligaaddooda.
21 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
22 Iyagu allabariga mahadnaqidda ha bixiyeen,
Oo shuqulladiisa gabay ha ku sheegeen.
23 Kuwa badda doonniyaha ku mara,
Oo shuqulkooda ku sameeya biyaha badan,
24 Kuwaasu waxay arkaan Rabbiga shuqulladiisa,
Iyo yaababkiisa moolka ku jira.
25 Waayo, wuxuu amraa oo kiciyaa dabaysha duufaanka,
Taas oo kor u qaadda hirarka badda.
26 Waxay u kacaan xagga samada, oo haddana waxay hoos ugu soo dhacaan moolalka,
Naftoodiina waxay ku dhalaashay dhibaato daraaddeed.
27 Hore iyo dib bay isaga daba noqdaan, oo sida nin sakhraan ah bay dhacdhacaan,
Oo waxay sameeyaan ayay garan waayaan.
28 Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban,
Oo isna wuxuu ka soo bixiyaa dhibaatooyinkooda.
29 Wuxuu dejiyaa duufaanka,
Si ay hirarkiisu u xasillaan.
30 Way farxaan, maxaa yeelay, way xasilloon yihiin,
Oo sidaasuu iyaga ku keenaa marsada ay doonayaan.
31 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
32 Iyagu ha ku sarraysiiyeen shirka dadka dhexdiisa,
Oo ha ku ammaaneen fadhiga odayaasha.
3 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan soo dirayaa wargeeyahayga, oo isna jidka ayuu hortayda ku sii diyaargarayn doonaa. Oo Sayidka aad doondoonaysaanna dhaqsiyuu macbudkiisa u iman doonaa, oo bal eega, wargeeyihii axdiga oo aad ku faraxdaanna wuu imanayaa. 2 Laakiinse bal yaa u adkaysan kara maalinta imaatinkiisa? Bal yaase taagnaan doona markuu muuqdo? Waayo, isagu waa sida dabka lacagmiiraha iyo sida saabuunta dharmaydhaha. 3 Oo wuxuu u fadhiyi doonaa sida kan lacagta miira oo safeeya, oo reer Laawi wuu daahirin doonaa, oo iyaguu u safayn doonaa sida dahabka iyo lacagta loo safeeyo, oo iyana si xaqnimo ah ayay Rabbiga qurbaanno ugu bixin doonaan. 4 Markaasaa qurbaanka dadka Yahuudah iyo kan reer Yeruusaalem noqon doona mid Rabbigu ku farxo, sidii waagii hore iyo sidii sannadihii qadiimka ahaa. 5 Oo anigu waan idiin soo dhowaan doonaa inaan idin xukumo aawadeed, oo markhaati dheereeya baan ku noqon doonaa saaxiriinta, iyo dhillayada, iyo dhaarbeenlowyada, iyo kuwa shaqaale mushahaaradiisa ku dulma, iyo kuwa carmalka iyo agoonta dhiba, iyo kuwa qariibka gartiisa ka qalloociya, iyo kuwa aan iga cabsan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.
Rabbiga Oo La Dhacaya
6 Ilma Yacquubow, anigoo Rabbiga ah isma beddelo, haddaba sidaas daraaddeed idinku ma aydaan wada baabbi'in.
7 Tan iyo wakhtigii awowayaashiin ayaad amarradaydii gees uga leexanayseen, oo ma aydaan dhawraynin iyagii. Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Xaggayga u soo noqda, oo anna waan idiin soo noqon doonaa. Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Sidee baannu u noqonaynaa?
8 Nin miyuu Rabbiga dhacaa? Idinkuse waad i dhacdaan. Laakiinse waxaad tidhaahdaan, Maxaannu kaa dhacnay? Waxaad iga dhacdeen meeltobnaadyo iyo qurbaanno. 9 Idinku, quruuntiinnan oo dhammu, waxaad ku inkaaran tihiin inkaartii, waayo, waad i dhacdaan. 10 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeltobnaadyada oo dhan khasnadda soo geliya in gurigayga cunto ku jirto aawadeed, oo haddaba taas igu tijaabiya, haddii aan idiin furi waayo daaqadaha samada, oo aan idinkaga soo shubi waayo barako aan meel qaadi karta la arag. 11 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Daraaddiin baan u canaanan doonaa kan wax cuna, oo isna midhaha dhulkiinna ma uu baabbi'in doono, oo canabkiinna beerta ku yaallana xilligiisa ka hor midhihiisa ma xoori doono. 12 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Quruumaha oo dhammu waxay idiinku yeedhi doonaan, Kuwa barakaysan, waayo, idinku waxaad ahaan doontaan dal aad u faraxsan.
Waano Ku Saabsan Dulqaadashada
7 Haddaba, walaalayaalow, dulqaata ilaa imaatinka Rabbiga. Bal ogaada, ninka beerrey ahu wuxuu sugaa midhaha qiimaha leh ee dhulka, isagoo u dulqaata ilaa uu helo roobka hore iyo kan dambe. 8 Idinkuna dulqaata, qalbiyadiinnana xoogeeya, waayo, imaatinka Rabbigu wuu dhow yahay. 9 Ha iska cabanina, walaalayaalow, yaan laydin xukumine. Bal ogaada, xaakinku albaabbada hortooduu taagan yahaye. 10 Walaalayaalow, u qaata tilmaan dhibaato iyo dulqaadasho ah nebiyadii ku hadlay magaca Rabbiga. 11 Bal ogaada! Waxaynu ugu yeedhnaa kuwo barakaysan kuwii adkaystay. Waad maqasheen adkaysashadii Ayuub, waadna aragteen dhammaadkii qasdiga Rabbiga, waayo, Rabbigu waa raxmad badan yahay, naxariisna wuu leeyahay.
12 Laakiin wax walba hortood, walaalahayow, ha dhaaranina; ha ku dhaaranina jannada, ama dhulka, ama dhaar kale; haahdiinnu haah ha ahaato, mayadiinnuna maya ha ahaato, yeydnan ku dhicin xukun hoostiis.
Masaalka Ku Saabsan Carmalka Iyo Xaakinka
18 Si Ciise u tuso inay waajib ku tahay iyaga inay mar walba tukadaan oo aanay ka qalbi jabin, wuxuu iyaga kula hadlay masaal isagoo leh, 2 Waxaa magaalo joogay xaakin aan Ilaah ka baqi jirin, ninnana aan danayn jirin. 3 Waxaana magaaladaas joogtay carmal ninkeedii ka dhintay, marar badanna way u timid, iyadoo ku leh, Cadowgayga iga xaq sii. 4 Intii wakhti ah ayuu yeeli waayay, laakiin dabadeed wuxuu isku yidhi, In kastoo aanan Ilaah ka baqin, oo aanan ninna danayn, 5 weliba dhibta ay carmalkan i dhibayso aawadeed, waan xaq siin doonaa, si aanay marar badan iigu soo noqnoqon oo ii daalin. 6 Markaasaa Rabbigu yidhi, Maqla wixii xaakinkii xaqa darnaa yidhi. 7 Ilaahna miyaanu xaq siin doonin kuwuu doortay oo habeen iyo maalinba u qayliya; oo miyaanu u dulqaadan doonin? 8 Waxaan idinku leeyahay, Dhaqsoba wuu u xaq siin doonaa; hase ahaatee goortuu Wiilka Aadanahu yimaado, markaas rumaysad ma ka heli doonaa dhulka?
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya