Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 87

Kanu waa sabuur gabay ah oo ay reer Qorax tiriyeen.

87 Aasaaskiisu wuxuu ku jiraa buuraha quduuska ah.
Rabbigu degmooyinka reer Yacquub oo dhan
Wuxuu ka jecel yahay irdaha Siyoon.
Magaalada Ilaahay,
Waxyaalo ammaan badan ayaa lagaa sheegaa. (Selaah)
Anigu waxaan ka sheekayn doonaa Rahab iyo Baabuloon sidii kuwo i yaqaan,
Bal eeg, Falastiin, iyo Turos, iyo Itoobiya.
Midkanu halkaasuu ku dhashay.
Haah, oo Siyoonna waxaa laga odhan doonaa, Midkan iyo midkaasuba iyaduu ku dhashay,
Oo Ilaaha ugu sarreeya ayaa iyada dhisi doona.
Rabbigu wuu tirin doonaa markuu dadka qorayo,
Midkanu halkaasuu ku dhashay. (Selaah)
Kuwa gabya iyo kuwa cayaaraaba waxay odhan doonaan,
Waxaa kugu jira ilahayga oo dhan.

Sabuurradii 90

Kitaabka Afraad

Sabuurrada 90-106

Kanu waa baryootankii Muuse oo ahaa ninkii Ilaah.

90 Rabbiyow, tan iyo ka ab ka ab
Adigu waxaad noo ahayd meesha aannu degganaanno.
Intaan buuruhu dhalan ka hor,
Iyo intaanad samayn dhulka iyo dunida,
Iyo xataa weligeed iyo weligeedba adigu waxaad tahay Ilaah.
Dadka waxaad ku soo celisaa baabba',
Oo waxaad ku tidhaahdaa, Noqda, binu-aadmigow.
Waayo, kun sannadood waxay hortaada ku yihiin
Sida shalay oo kale markay dhammaadaan.
Oo waxay la mid yihiin sida wakhti la soo jeedo oo habeennimo.
Waxaad iyaga u qaaddaa sida daadku wax u qaado, oo iyagu waxa weeye sida hurdo oo kale,
Oo subaxdana waxay u baxaan sida doog oo kale.
Subaxda way cagaaraan, wayna soo baxaan,
Oo fiidkana waa la jaraa, wayna engegaan.
Waayo, annagu cadhadaadii baannu ku baabba'nay,
Oo waxaan ku dhibtoonnay xanaaqaagii.
Xumaatooyinkayagii waxaad dhigtay hortaada,
Oo dembiyadayadii qarsoonaana waxaad dhigtay iftiinka wejigaaga.
Waayo, maalmahayagii oo dhammu waxay nagu dhaafeen cadhadaada,
Oo cimrigayagiina wuxuu u dhammaaday sidii sheeko la sheegay.
10 Waayo, wakhtiga cimrigayagu waxa weeye toddobaatan sannadood,
Oo xataa hadduu xoog aawadiis ku sii dheeraado waa siddeetan sannadood,
Laakiinse faankiisu waa hawl iyo caloolxumo miidhan,
Waayo, haddiiba wuu iska dhammaadaa, oo annana waannu duulnaa.
11 Bal yaa yaqaan cadhadaada xooggeeda,
Iyo xanaaqaaga kaas oo waafaqsan cabsida kugu habboon in lagaa cabsado?
12 Haddaba na bar inaannu tirinno maalmaha cimrigayaga,
Si aannu u helno qalbi xigmad leh.
13 Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa?
Oo raalli ka ahow addoommadaada.
14 Aroorta naxariistaada naga dhergi,
Si aannu u rayrayno oo aannu u faraxsanaano maalmaha cimrigayaga oo dhan.
15 Nooga farxi intii ay ahaayeen maalmihii aad na dhibtay,
Iyo sannadihii aan sharka aragnay in le'eg.
16 Shuqulkaagu ha u muuqdo addoommadaada,
Ammaantaaduna carruurtooda.
17 Oo Rabbiga Ilaahayaga ah nicmadiisu ha na dul joogto,
Oo korkayaga ku adkee shuqulka gacmahayaga,
Haah, shuqulka gacmahayaga adkee.

Sabuurradii 136

136 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Ku mahadnaqa Ilaaha ilaahyada,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Ku mahadnaqa Sayidka sayidyada,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kan keligiis sameeya yaabab waaweyn,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kan samada waxgarashada ku sameeyey,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kan dhulka biyaha korkooda ku goglay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kan sameeyey iftiimmo waaweyn,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Qorraxdu inay maalinta xukunto,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Dayaxa iyo xiddiguhuna inay habeenka xukumaan,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
10 Kan Masar curadyadii ka laayay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
11 Oo reer binu Israa'iilna ka soo dhex saaray,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
12 Kan kaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud fidsan,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
13 Kan Badda Cas kala qaybiyey,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
14 Oo reer binu Israa'iilna dhex marshay iyada,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
15 Laakiinse Fircoon iyo ciidankiisiiba wuu ku afgembiyey Badda Cas dhexdeeda,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
16 Kan dadkiisa cidlada dhex hoggaamiyey,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
17 Kan boqorro waaweyn wax ku dhuftay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
18 Oo laayay boqorro caan ah,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
19 Kuwaas oo ahaa Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
20 Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
21 Oo dalkoodiina u bixiyey dhaxal ahaan,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
22 Kaasoo ahaa dhaxalkii uu siiyey addoonkiisii Israa'iil,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
23 Kan ina soo xusuustay markaan gunta ahayn,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
24 Oo inaga soo samatabbixiyey cadaawayaasheennii,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
25 Kan cunto siiya wax kastoo jidh leh,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
26 Ku mahadnaqa Ilaaha samada,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

Yoo'eel 3:9-17

Haddaba quruumaha dhexdooda saas ka naadiya, Dagaal isu diyaariya, oo ragga xoogga badan oo dhan soo kiciya. Ragga dagaalyahanka ah oo dhammu ha soo dhowaadeen oo iyagu ha soo baxeen. 10 Haddaba birtii marashiyadiinna seefo ka tunta, oo manjooyinkiinnana warmo ka tunta, oo kii itaal yaru ha yidhaahdo, Xoog baan leeyahay. 11 Quruumaha nagu wareegsan oo dhammow, kaalaya oo soo dhaqsada, oo dhammaantiin isa soo wada urursada. Rabbiyow, kuwaaga xoogga badan halkan u soo dir. 12 Haddaba quruumuhu ha kaceen, oo ha yimaadeen dooxada Yehooshaafaad, waayo, halkaasaan u fadhiisan doonaa inaan xukumo quruumaha hareeraha ku wareegsan oo dhan. 13 Waxa beerta laga goosan lahaa way bislaadeene haddaba mindi la gala, oo macsaradii canabku way buuxdaaye kaalaya ku tunta, berkedihii macsarooyinka way buuxdhaafeen, waayo, iyaga xumaantoodu way weyn tahay. 14 Dad badan oo badan ayaa ku jira dooxada xukunka la gooyay, waayo, maalintii Rabbigu way ku soo dhow dahay dooxada xukunka. 15 Qorraxdii iyo dayaxii way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen. 16 Rabbigu Buur Siyoon buu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu kaga hadli doonaa Yeruusaalem, oo kolkaasay samooyinka iyo dhulkuba gariiri doonaan, laakiinse Rabbigu wuxuu dadkiisa u ahaan doonaa magangal, oo reer binu Israa'iilna wuxuu u ahaan doonaa qalcad adag.

Barakaynta Dadka Ilaah

17 Oo sidaasaad ku ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aan deggan ahay Siyoon oo ah buurtayda quduuska ah, oo markaasay Yeruusaalem quduus noqon doontaa, oo shisheeyayaal dambena iyada ma dhex mari doonaan innaba.

Yacquub 2:1-13

Kadigidda Kala-eexashada

Walaalahayow, iimaanka Rabbigeenna Ciise Masiix kan ammaanta leh eexasho ha ku haysanina. Haddii nin kaatun dahab ah iyo dhar quruxsan qabaa shirkiinna soo galo, oo haddana haddii nin kale oo miskiin ah oo dhar uskag leh qabaa soo galo, oo aad fiirisaan ka dharka quruxdasan qaba oo aad ku tidhaahdaan, Adigu kaalay oo halkan wanaagsan fadhiiso, oo aad ku tidhaahdaan ka miskiinka ah, Adigu xaggaas istaag ama halkan cagahayga ag fadhiiso, miyeydnaan kala qaybsamin oo miyeydnaan noqonin kuwa fikirrada sharka leh wax ku xukuma? I dhegaysta, walaalahayga aan jeclahayow. Miyaan Ilaah u dooran kuwa ah masaakiinta xagga dunida inay ahaadaan kuwa hodan ku ah rumaysadka oo dhaxla boqortooyaduu u ballanqaaday kuwa isaga jecel? Laakiin idinku waad maamuus jebiseen miskiinkii. Taajiriintu miyaanay idin dulmin oo miyaanay idiin jiidin maxkamadda? Miyaanay caayin magaca wanaagsan oo laydiinku yeedhay? Haddaba haddaad oofisaan sharciga boqornimada siduu Qorniinku leeyahay, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada, si wanaagsan baad yeeshaan. Laakiin haddaad dadka u kala eexataan waad dembaabtaan, oo sharcigu wuu idinku caddeeyey inaad tihiin kuwa xadgudbay. 10 Ku alla kii sharciga oo dhan xajiya oo qaynuun keliya ku gafa, kulli wuu ku eedaysan yahay. 11 Waayo, kii yidhi, Ha sinaysan; wuxuu kaloo yidhi, Cidna ha dilin. Haddaanad sinaysanin laakiin aad dad disho, waxaad noqotay ku sharciga ku xadgudbay. 12 Sidii kuwo sharciga xorriyadda lagu xukumi doono, u hadla oo u yeela. 13 Xukunku naxariis uma leh kii aan dadka u naxariisan; naxariistu way ka faantaa xukunka.

Luukos 16:10-18

10 Kan waxa u yar aamin ku ah, ayaa weliba wax badan aamin ku ah. Kan waxa u yar ku xaqdaran, ayaa waxa badanna ku xaqdaran. 11 Haddii aydnaan maalka xaqdaran aamin ku ahayn, waxa run ah yaa idinku aaminaya? 12 Haddii aydnaan wixii qof kale leeyahay aamin ku ahayn, yaa idin siinaya wixiinna? 13 Midiidinna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal.

Farrisiintii Waa La Canaantay

14 Farrisiintii lacagta jeclayd ayaa waxaas oo dhan maqashay, wayna ku qosleen. 15 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin kuwa dadka hortooda isku soo caddeeya inaad xaq tihiin, laakiin Ilaah waa garanayaa qalbiyadiinna, waayo, wixii dadka dhexdooda lagu sarraysiiyaa, Ilaah hortiisa waa ka karaahiyo. 16 Sharciga iyo nebiyadu waxay jireen ilaa Yooxanaa; tan iyo wakhtigaas injiilka boqortooyada Ilaah waa lagu wacdiyey, oo mid walbaba xoog buu ku galaa. 17 Laakiin in sharciga dhibic keliya ka dhacdo waxaa ka hawl yar in cirka iyo dhulku ay idlaadaan. 18 Mid walba oo naagtiisa fura oo mid kale guursadaa wuu sinaystaa, oo kii guursadaa mid nin laga furay wuu sinaystaa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya