Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
26 Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda,
Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.
2 Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi,
Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh.
3 Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda,
Oo waxaan ku socday runtaada.
4 Lama aan fadhiisan waxmatarayaal,
Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo.
5 Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha,
Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo.
6 Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta,
Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,
7 Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo,
Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
8 Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay,
Iyo meesha ammaantaadu joogto.
9 Naftayda ha la ururin dembilayaal,
Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,
10 Gacmahooda belaayadu ku jirto,
Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.
11 Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda,
Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.
12 Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman,
Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
28 Rabbiyow, adigaan kuu qayshan doonaa,
Dhagaxayga weynow, ha iska kay dhega tirin,
Waaba intaas oo haddaad iga aamusto,
Aan noqdaa sida kuwa yamayska hoos ugu dhaadhaca.
2 Maqal codka baryootankayga markaan kuu qayshado,
Oo aan gacmahayga u soo taago xagga meeshaada quduuska ah.
3 Ha ila jiidin kuwa sharka leh,
Iyo xumaanfalayaasha
Oo deriskooda nabadda kula hadla,
Laakiinse belaayadu qalbigooda ku jirto.
4 Iyaga u abaalmari sida shuqulkoodu yahay, iyo sida ay xumaanta falimahoodu tahay,
Iyaga u abaalmari sida shuqulka gacmahoodu yahay,
Oo waxa ay galabsadaan sii.
5 Iyaga wuu dumin doonaa, mana uu dhisi doono mar dambe,
Maxaa yeelay, kama ay fikirin Rabbiga shuqulladiisii
Iyo hawshii gacmihiisa toona.
6 Mahad waxaa leh Rabbiga,
Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.
7 Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga,
Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey,
Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey,
Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.
8 Rabbigu wuxuu dadkiisa u yahay xoog,
Oo kiisa subkanna wuxuu u yahay qalcad lagu badbaado.
9 Dadkaaga badbaadi, oo dhaxalkaagana barakee,
Oo weliba quudi, oo weligaaba kor u hay.
Kanu waa sabuur uu Daa'uud oo ahaa addoonkii Rabbiga u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
36 Kii shar leh xadgudubkiisu wuxuu qalbigiisa ka yidhaahdaa,
Ilaah ka cabsashadiisu indhahayga ma hor taal.
2 Waayo, wuu isfaaniyaa inaan dembigiisa la garan karin
Oo aan la nebcaanayn.
3 Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano,
Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.
4 Wuxuu sariirtiisa ku hindisaa xumaan,
Oo wuxuu joogsadaa jid aan wanaagsanayn,
Oo weliba sharka ma naco.
5 Rabbiyow, raxmaddaadu samooyinkay ku jirtaa,
Aaminnimadaaduna daruurahay gaadhaa.
6 Xaqnimadaadu waa sida buuraha Ilaah,
Oo xukummadaaduna waa mool dheer,
Rabbiyow, waxaad nabad gelisaa dadka iyo duunyadaba.
7 Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa!
Oo binu-aadmiguna wuxuu magangalaa hooska baalashaada.
8 Aad bay uga dhergi doonaan barwaaqada gurigaaga,
Oo waxaad iyaga ka waraabin doontaa webiga farxaddaada.
9 Waayo, isha noloshu aday kula jirtaa,
Oo iftiinkaagaannu iftiin ku aragnaa.
10 Raxmaddaada ugu sii wad kuwa ku yaqaan,
Oo xaqnimadaadana kuwa qalbigoodu qumman yahay.
11 Cagta kuwa kibirsan yaanay ii iman,
Oo kuwa sharka leh gacantooduna yaanay i eryin.
12 Xumaanfalayaashu halkaasay ku dhaceen,
Iyaga hoos baa loo riday, oo mana ay kari doonaan inay mar dambe soo kacaan.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey Yeduutuun oo ahaa madaxdii muusikaystayaasha.
39 Waxaan idhi, Jidadkaygaan iska jiri doonaa,
Si aanan carrabkayga ugu dembaabin,
Oo afkayga waxaan ku qaban doonaa xakame inta kii shar lahu i hor joogo.
2 Waan carrab beelay oo shib baan iska idhi, oo waan ka aamusay xataa wixii wanaagsanaa,
Tiiraanyadaydiina waa kacday.
3 Qalbigaygu uurkayguu ku kululaaday,
Oo intii aan fikirayay ayaa dabkii shidmay,
Markaasaan carrabkaygii ku hadlay, oo idhi,
4 Rabbiyow, i ogaysii ugu dambaystayda
Iyo cimrigayga dhererkiisu intuu yahay,
Oo i ogaysii inta tabardarradaydu tahay.
5 Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed
Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha,
Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash. (Selaah)
6 Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah,
Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah,
Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.
7 Haddaba Sayidow, bal maxaan sugaa?
Waayo, rajadaydu adigay kugu xidhan tahay.
8 Xadgudubyadayda oo dhan iga samatabbixi,
Oo ha iga dhigin mid nacasyadu caayaan.
9 Anigu waan carrab la'aa, oo afkaygana ma aan kala qaadin,
Maxaa yeelay, sidaasaad yeeshay.
10 Haddaba belaayadaada iga durki,
Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.
11 Markaad dadka canaanta ku edbisid xumaanta daraaddeed,
Waxaad quruxdiisa ka dhigtaa inay u baabba'do sidii balanbaallis oo kale,
Hubaal nin kastaaba waa bilaash. (Selaah)
12 Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig,
Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin,
Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga
Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.
13 Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee,
Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.
Riyadii Lagu Arkay Kuwii Rabbigu Soo Madaxfurtay
9 Oo bal eeg, waxyaalahaas ka dib waxaan arkay dad faro badan, oo aan ninna tirin karin, oo lagala soo baxay quruun kasta, iyo qabiil kasta, iyo dad kasta, iyo af kasta, oo taagan carshiga hortiisa iyo Wanka hortiisa, iyagoo qaba khamiisyo cadcad, gacmahana ku haysta caleemo timireed. 10 Oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn, iyagoo leh, Badbaado waxaa leh Ilaahayaga carshiga ku fadhiya iyo Wanka. 11 Oo malaa'igihii oo dhammuna waxay taagnaayeen carshiga hareerihiisa iyo odayaashii iyo afartii xayawaan hareerahooda; oo carshiga hortiisii ayay ku dhaceen oo intay wejigooda dhulka saareen ayay Ilaah caabudeen, 12 iyagoo leh, Aamiin; Ilaahayagu weligiis iyo weligiis ha lahaado barako, iyo ammaan, iyo xigmad, iyo mahad, iyo ciso, iyo xoog, iyo itaal. Aamiin.
13 Oo odayaashii midkood baa jawaabay oo wuxuu igu yidhi, Kuwan khamiisyada cadcad qabaa yay yihiin, xaggee bayse ka yimaadeen? 14 Oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waad taqaan. Markaasuu wuxuu igu yidhi, Kuwanu waa kuwii ka soo baxay dhibaatadii weynayd, oo waxay khamiisyadoodii ku maydheen oo ku caddeeyeen dhiiggii Wanka. 15 Sidaas daraaddeed waxay joogaan carshiga Ilaah hortiisa; oo waxay isaga ugu adeegaan macbudkiisa habeen iyo maalinba; oo kan carshiga ku fadhiyaana wuxuu dushooda ka dhisan doonaa taambuuggiisa. 16 Oo iyana mar dambe ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan mar dambe, qorraxda iyo kulaylkuna kuma ay dhici doonaan; 17 waayo, Wanka carshiga badhtankiisa jooga ayaa wuxuu ahaan doonaa adhijirkooda, oo wuxuu iyaga u hoggaamin doonaa ilaha biyaha nolosha; oo Ilaahna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa.
Toddobaatankii Xerta Ahaa Shuqulladoodii
10 Waxaa dabadeed Rabbigu wuxuu soo bixiyey toddobaatan kale, oo laba laba ayuu hortiisa u diray ilaa magaalo walba iyo meel walba oo uu tegi lahaa. 2 Wuxuuna ku yidhi, Waxa beerta laga gooynayaa way badan yihiin, shaqaalayaashuse waa yar yihiin. Sidaa darteed Sayidka beergooyska barya inuu shaqaalayaal beertiisa u soo diro. 3 Socda, oo ogaada, waxaan idiin dirayaa sida baraar oo yeey ku dhex jira. 4 Ha qaadanina kiish, ama qandi, ama kabo, ninnaba jidka ha ku nabdaadinina. 5 Guri alla gurigaad gashaan, horta waxaad ku tidhaahdaan, Gurigan nabad ha u ahaato. 6 Ina nabdeed hadduu halkaas joogo, nabaddiinnu waxay ahaan doontaa dushiisa, haddii kalese way idinku soo noqon doontaa. 7 Gurigaas qudhiisa jooga, idinkoo cunaya oo cabbaya waxay haystaan, waayo, shaqaaluhu waa istaahilaa abaalgudkiisa. Guriba guri ha u dhaafina. 8 Magaalo alla magaaladaad gashaan oo laydinka soo dhoweeya, waxa laydin soo hor dhigo cuna. 9 Bogsiiya kuwa buka oo halkaas jooga, oo ku dhaha, Boqortooyada Ilaah waa idinku soo dhow dahay. 10 Laakiin magaalo alla magaaladaad gashaan, oo aan laydinka soo dhowayn, u soo baxa jidadkeeda, oo dhaha, 11 Xataa siigada magaaladiinna ee cagahayaga soo raacday, waannu idinku tirtiraynaa, laakiin kan ogaada, Boqortooyadii Ilaah waa dhow dahay. 12 Waxaan idinku leeyahay, Maalintaas Sodom ayaa ka xisaab fududaan doonta magaaldaas.
Waxaa Hoog Leh Dadka Aan Ilaah Rumaysnayn Magaalooyinkooda(A)
13 Waa kuu hoog, Khorasinay. Waa kuu hoog, Beytsayday, waayo, shuqulladii xoogga lahaa oo laydinku dhex sameeyey haddii Turos iyo Siidoon lagu samayn lahaa, goor horay toobadkeeni lahaayeen, iyagoo dhar joonyad ah gashan oo dambas ku fadhiya. 14 Laakiin maalinta xisaabta Turos iyo Siidoon waa idinka xisaab fududaan doonaan. 15 Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaa lagu dejin doonaa [a]Haadees. 16 Kan idin maqlaa waa i maqlaa, kan idin diidaana, waa i diidaa, kan i diidaana, wuxuu diidaa kii i soo diray.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya