Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 137

137 Waxaannu ag fadhiisannay webiyaashii Baabuloon,
Oo waannu ooynay markii aannu Siyoon soo xusuusannay.
Oo waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa.
Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay,
Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen,
Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood.
Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa
Dal qalaad dhexdiis?
Yeruusaalemay, haddaan ku illoobo,
Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii.
Carrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga,
Haddaanan ku xusuusan,
Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan
Farxaddayda ugu weyn.
Rabbiyow, soo xusuuso reer Edom,
Kuwaasoo maalintii Yeruusaalem yidhi,
Dumiya, dumiya, tan iyo aasaaskeeda.
Gabadha Baabuloonay, waa lagu baabbi'in doonaa,
Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaalmariya
Sidii aad nagu samaysay.
Waxaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada
Oo dhagaxa weyn ku dul tuura.

Sabuurradii 144

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

144 Mahad waxaa leh Rabbiga dhagaxayga weyn ah,
Oo gacmahayga dagaalka bara,
Farahaygana dirirta bara,
Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda,
Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga,
Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo,
Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya.
Rabbiyow, waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Ama wiilka aadanaha oo aad ka fikirtaa isaga?
Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn,
Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha.
Rabbiyow, samooyinkaaga foorori, oo soo dhaadhac,
Buuraha taabo, oo iyana way qiiqi doonaan.
Hillaac soo tuur, oo iyaga kala firdhi,
Fallaadhahaaga soo gan, oo iyaga jebi.
Gacantaada kor ka soo fidi,
Oo i badbaadi, oo iga samatabbixi biyaha badan,
Iyo gacanta shisheeyayaasha,
Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo,
Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
Ilaahow, gabay cusub ayaan kuugu gabyi doonaa,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa shareerad toban xadhig leh.
10 Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa,
Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh.
11 I badbaadi, oo iga samatabbixi gacanta shisheeyayaasha,
Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo,
Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
12 Markii wiilashayadu ay noqdaan sidii geedo yaraantoodii ku koray,
Oo gabdhahayaguna ay noqdaan sidii dhagaxyada rukunka oo loo qoray qaabkii guriga boqorka,
13 Markii maqsinnadayadu ay buuxsamaan iyagoo na siinaya alaab cayn kasta ah,
Idahayaguna ay noo dhalaan kumanyaal iyo kumaankun oo berrimmada noo jooga,
14 Markii dibidayadu ay aad u xoogaystaan,
Markaan la arag weerarid iyo qaxid,
Oo aan cabasho jirin jidadkayaga dhexdooda,
15 Waxaa faraxsan dadkii xaalkoodu sidaas yahay,
Haah, oo waxaa faraxsan dadkii Rabbigu Ilaahooda yahay.

Sabuurradii 104

104 Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Rabbiyow Ilaahayow, aad baad u weyn tahay,
Oo waxaad huwan tahay murwad iyo haybad.
Waxaad sida maro u huwataa nuur,
Oo samooyinkana waxaad u kala bixisaa sida daah oo kale.
Waxa qolkaaga saqafka u hayana waxaad dhigtaa biyaha dhexdooda,
Daruurahana waxaad ka dhigataa gaadhifaras,
Oo waxaad ku kor socotaa dabaysha baalasheeda,
Waxaad dabaysha ka dhigataa wargeeyayaashaada,
Oo waxaad midiidinyadaada ka dhigataa dab ololaya,
Adigaa dhigay aasaaska dhulka,
Si aanu weligiis u dhaqdhaqaaqin.
Waxaad ku dabooshay mool sidii dhar oo kale,
Biyihiina waxay joogsadeen buuraha korkooda.
Canaantaadii ayay ku carareen,
Oo codkii onkodkaaga ayay haddiiba ka baxsadeen,
Waxay kor u fuuleen buuraha, oo waxay hoos ugu dhaadheceen dooxooyinka,
Ilaa meeshii aad u samaysay.
Waxaad iyaga u dhigtay xudduud aanay soo dhaafin,
Si aanay mar kale u noqon oo aanay dhulka u daboolin.
10 Isagu dooxooyinka wuxuu ku soo daayaa ilo,
Iyana waxay durduraan buuraha dhexdooda,
11 Waxay waraabiyaan xayawaanka duurka jooga oo dhan,
Oo dameerdibadeedyaduna way harraad beelaan.
12 Haadda samadu iyagay ag degganaadaan,
Oo waxay ka dhex gabyaan laamaha.
13 Buuraha wuxuu ka waraabiyaa qolalkiisa,
Dhulkuna wuxuu ka dheregsan yahay midhihii shuqulladaada.
14 Isagu wuxuu ka dhigaa in dooggu xoolaha u soo baxo,
Oo geedaha yaryarna wuxuu u soo bixiyey in dadku ku isticmaalo,
Inuu dhulka cunto ka soo bixiyo,
15 Iyo khamri ka farxiya dadka qalbigiisa,
Iyo saliid uu wejiga ku dhaashado,
Iyo kibis qalbiga dadka xoogaysa.
16 Rabbiga dhirtiisu waa dheregsan tahay,
Kuwaas oo ah geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan oo uu isagu beeray,
17 Kuwaas oo ah meesha shimbirruhu buulkooda ay ka samaystaan,
Xuurtuna gurigeeda waxay ka kor dhisataa geedaha waaweyn.
18 Buuraha dhaadheer waxaa leh riyaha dibadda,
Dhagaxyada waaweynuna waxay gabbaad u yihiin walooyinka.
19 Isagu dayaxa wuxuu u sameeyey xilliyo,
Oo qorraxduna dhicitinkeeda way taqaan.
20 Waxaad samaysaa gudcur, oo habeen baa yimaada,
Markaasay xayawaanka duurku soo wada baxaan.
21 Libaaxyada aaranka ahu waxay u ciyaan ugaadhsigooda,
Cuntadoodana waxay ka sugaan xagga Ilaah.
22 Oo kolkii qorraxdu soo baxdana way noqdaan,
Oo waxay iska seexdaan godadkooda.
23 Dadku waa u soo baxaa shuqulkiisa
Iyo hawshiisa ilaa tan iyo fiidka.
24 Rabbiyow, shuqulladaadu tiro badanaa!
Kulligoodna xigmad baad ku samaysay,
Dhulka waxaa ka buuxa hodantinimadaada.
25 Halkoo waxaa ku taal bad weyn oo ballaadhan,
Gudaheedana waxaa ku jira waxyaalo gurguurta oo aan la tirin karin,
Iyo xayawaan waaweyn iyo kuwo yaryarba.
26 Halkaas waxaa ku socda doonniyo,
Oo waxaa halkaas yaal bahal badeed oo Lewiiyaataan la odhan jiray oo aad u abuurtay inuu ku dhex cayaaro.
27 Kuwaas oo dhammu adigay kaa sugaan,
Inaad cuntadooda siiso wakhti ku habboon.
28 Oo waxaad iyaga siiso ayay isu soo urursadaan,
Gacantaadaad furtaa oo waxay ka dhergaan waxyaalo wanaagsan.
29 Wejigaagaad qarisaa, oo way dhibtoodaan,
Naftoodaad ka qaaddaa oo way dhintaan,
Oo waxay ku noqdaan ciiddoodii.
30 Waxaad soo dirtaa ruuxaaga, kolkaasay iyagu abuurmaan,
Dhulkana waad cusboonaysiisaa.
31 Rabbiga ammaantiisu ha sii raagto weligeedba,
Oo Rabbigu ha ku reyreeyo shuqulladiisa.
32 Isagu dhulkuu eegaa, oo wuu gariiraa,
Wuxuu taabtaa buuraha, oo way qiiqaan.
33 Intaan noolahay oo dhan ayaan Rabbiga u gabyi doonaa,
Oo Ilaahay ayaan ammaan ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
34 Fikirkaygu isaga ha u macaanaado,
Rabbigaan ku rayrayn doonaa.
35 Dembilayaashu dhulka ha ka baabbe'een,
Oo kuwa sharka lahuna yaanay mar dambe sii jirin.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Rabbiga ammaana.

Miikaah 5:1-4

Ballanqaadkii Amiirka Beytlaxam Ka Soo Baxaya

Ciidammadoy, hadda waa inaad isa soo urursataan. Isagu waa inoo hareereeyey. Xaakinka dalka Israa'iil ul bay dhabanka kaga dhufan doonaan.

Laakiinse adigu Beytlaxam Efraataahay in kastoo aad ku yar tahay kumanyaalka reer Yahuudah, waxaa adiga iiga kaa soo bixi doona mid dalka Israa'iil taliye ka noqon doona, kaasoo bixitinkiisu ahaa waa hore, iyo tan iyo weligiis. Haddaba sidaas daraaddeed iyaguu gacangelin doonaa jeeray tan foolanaysa umusho, dabadeedna kuwa walaalihiis ka hadhay waxay ku noqon doonaan dadka Israa'iil. Oo isagu wuu istaagi doonaa, oo wuxuu adhigiisa ku daajin doonaa xoogga Rabbiga iyo haybadda magaca Rabbiga Ilaahiisa ah, oo iyana ammaan bay ku joogi doonaan, waayo, isagu haatan mid weyn buu ku ahaan doonaa tan iyo dhulka darfihiisa.

Miikaah 5:10-15

10 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas fardihiinna waan idinka dhex baabbi'in doonaa, oo gaadhifardoodkiinnana waan wada jejebin doonaa. 11 Oo magaalooyinka dalkiinna waan baabbi'in doonaa, oo qalcadihiinnana waan wada dumin doonaa. 12 Oo gacantiinnana sixir waan ka baabbi'in doonaa, oo mar dambena ma lahaan doontaan faaliyayaal. 13 Oo waxaan dhexdiinna ka baabbi'in doonaa taswiirahiinna xardhan iyo tiirarkiinna, oo mar dambe ma aad caabudi doontaan sancada gacmihiinna. 14 Oo dhexbadhtankiinna waan ka rujin doonaa geedihiinna Asheeraah ah, oo magaalooyinkiinnana waan wada dumin doonaa. 15 Oo quruumihii aan i dhegaysan waxaan kaga aargoosan doonaa xanaaq iyo cadho.

Falimaha Rasuullada 25:13-27

Agribba Iyo Bernikee

13 Haddaba kolkii dhawr maalmood la soo dhaafay ayaa waxaa Kaysariya yimid oo Feestos soo salaamay boqor Agribba iyo Bernikee. 14 Oo kolkii ay maalmo badan halkaas joogeen ayaa Feestos wuxuu boqorkii hor dhigay dacwadii Bawlos, oo wuxuu ku yidhi, Waxaa jira nin Feelikos ka tegey isagoo maxbuus ah; 15 kaasoo waagii aan Yeruusaalem joogay ay wadaaddadii sare iyo waayeelladii Yuhuuddu igu soo dacweeyeen iyagoo doonaya in la xukumo isagii. 16 Iyagii waxaan ugu jawaabay oo ku idhi, Ma aha caadada reer Rooma in ninna xukumaad loo dhiibo intaan mudduciyaasha layska hor keenin muddacalayga oo la siin fursad uu isaga daafaco xaalka lagu ashtakeeyey. 17 Haddaba markii ay halkan wada yimaadeen, anigu innaba siima aan raagin ee maalintii dambe ayaan waxaan ku fadhiistay kursigii xukumaadda, oo waxaan amray in ninka la keeno. 18 Laakiin markii ay mudduciyaashii istaageen, ma ay keenin innaba wax xumaan ah oo u eg wixii aan filanayay; 19 laakiin waxay lahaayeen su'aalo isaga ka gees ah oo ku saabsan diintooda iyo mid Ciise la odhan jiray oo dhintay, laakiin Bawlos leeyahay inuu nool yahay. 20 Haddaba anigoo ka shakiyaya sidii aan waxyaalahan u sii haybin lahaa, ayaan waxaan isagii weyddiistay bal inuu Yeruusaalem tegayo oo meeshaas lagu xukumo waxyaalahan iyo in kale. 21 Laakiin markii Bawlos doonayay in la sii hayo ilaa boqorku gar gooyo, waxaan amray in la sii hayo ilaa aan isaga Kaysar u diro. 22 Markaasaa Agribba wuxuu Feestos ku yidhi, Aniguba waxaan jeclaan lahaa inaan ninka maqlo. Markaasuu yidhi, Berritaad maqlaysaa.

23 Sidaas daraaddeed maalintii dambe ayaa Agribba iyo Bernikee waxay la yimaadeen bandhig weyn, oo waxay soo galeen maxkamaddii, iyaga iyo nimankii sare iyo raggii magaalada ugu waaweynaa. Markaasaa Feestos wuxuu amray in Bawlos loo keeno. 24 Markaasaa Feestos wuxuu yidhi, Boqor Agribba iyo ragga kale oo halkan nala jooga oo dhammow, waxaad arkaysaan ninkan Yuhuudda badan oo dhammu ay iiga soo cabteen Yeruusaalem iyo halkanba, iyagoo ku qaylinaya, Waajib ma aha in ninkanu sii noolaado. 25 Laakiin waxaan ogaaday inuusan samayn innaba wax dhimasho istaahila; oo isaga qudhiisuba wuxuu u ashtakooday boqorka, sidaas daraaddeed waxaan goostay inaan isaga diro. 26 Haddaba anigu ma hayo wax xaqiiqa ah oo ninkan ku saabsan oo aan sayidkayga u qoro. Sidaas daraaddeed ayaan isaga hortiinna u keenay, iyo khusuusan adiga hortaada, boqor Agribbow, in kolkii loo imtixaamo dabadeed aan helo wax aan qoro. 27 Waayo, waxay ila eg tahay caqliyaraan in maxbuus la diro iyadoo aan aad loo xaqiijin wixii lagu ashtakeeyey.

Luukos 8:16-25

Waxa Ilayska Laga Barto(A)

16 Ma jiro nin, goortuu ilays shido, weel ku daboola, ama sariir hoos geliya, laakiin wuxuu saaraa meeshii ilayska si ay kuwa soo galaa iftiinka u arkaan. 17 Waayo, wax qarsoon ma jiro oo aan soo muuqan doonin, wax daboolanna ma jiro oo aan la garan doonin oo aan bannaan soo bixi doonin. 18 Sidaa darteed u fiirsada sidaad u maqlaysaan, waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, ku alla kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wixii loo maleeyo inuu haysto.

Walaalnimada Runta Ah(B)

19 Markaasaa waxaa isaga u yimid hooyadiis iyo walaalihiis, wayna soo gaadhi kari waayeen dadkii badnaa aawadood. 20 Oo waxaa lagu yidhi, Hooyadaa iyo walaalahaa ayaa dibadda taagan oo doonaya inay ku arkaan. 21 Laakiin wuxuu ugu jawaabay, Hooyaday iyo walaalahay waa kuwan ereyga Ilaah maqla oo yeela.

Ciisaa Duufaankii Dejiyey(C)

22 Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu doonni fuulay isaga iyo xertiisiiba, wuxuuna iyaga ku yidhi, Dhanka kale oo badda aan u gudubno, goortaasay dhaqaaqeen. 23 Laakiin intay socdeen ayuu seexday, oo waxaa baddii ku soo dhacay duufaan weyn oo dabayl ah; doonnidiina ayaa buuxsamaysay, oo halis bay ku jireen. 24 Markaasay isaga u yimaadeen oo intay toosiyeen ayay ku yidhaahdeen, Macallimow, Macallimow, waa lumaynaaye. Kolkaasuu kacay oo canaantay dabayshii iyo hirarkii biyaha. Goortaasay degeen oo xawaal baa dhacday. 25 Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Rumaysadkiinnii meeh? Iyagoo baqaya oo yaabban waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan amra xataa dabaysha iyo biyaha oo ay yeelaan?

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya