Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
61 Ilaahow, qayladayda maqal,
Oo baryadaydana dhegta u dhig.
2 Markii qalbigaygu itaal darnaado, waxaan kaaga qayshan doonaa darafka dhulka ugu shisheeya,
Ii hoggaami dhagaxa iga dheer.
3 Waayo, waxaad ii ahayd magangal,
Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.
4 Anigu weligayba waxaan degganaan doonaa taambuuggaaga,
Oo waxaan magangeli doonaa baalashaada meeshooda qarsoon. (Selaah)
5 Waayo, Ilaahow, nidarradaydii waad maqashay,
Oo waxaad i siisay kuwa magacaaga ka cabsada dhaxalkooda.
6 Boqorka noloshiisa waad dheeraynaysaa,
Oo cimrigiisuna wuxuu noqon doonaa sida qarniyo badan.
7 Oo weligiisba wuxuu joogi doonaa Ilaah hortiisa,
Raxmad iyo run u diyaari, inay isaga dhawraan.
8 Markaasaan weligayba magacaaga ammaan ugu gabyi doonaa,
Si aan maalin kasta nidarradayda u oofiyo.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha. Oo wuxuu u tiriyey sidii Yeduutuun.
62 Naftaydu waxay sugtaa Ilaah oo keliya,
Oo badbaadadayduna waxay ka timaadaa xaggiisa.
2 Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah,
Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.
3 Balse idinku ilaa goormaad nin ku weeraraysaan,
Inaad kulligiin isaga dumisaan,
Sida derbi dhacaya, iyo deyr ligliganaya?
4 Iyagu waxay keliyahoo ku tashadaan si ay isaga sharaftiisa uga dejiyaan,
Oo waxay ku farxaan beensheegidda,
Afka way ka duceeyaan, laakiinse uurka way ka habaartamaan. (Selaah)
5 Naftaydoy, Ilaah oo qudha sug,
Waayo, isagaan wax ka filanayaa.
6 Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah,
Isagu waa munaaraddayda, oo aniga layma dhaqaajin doono.
7 Badbaadadayda iyo ammaantayduba waxay la jiraan Ilaah,
Dhagaxii xooggayga iyo magangalkaygaba waa xagga Ilaah.
8 Dadkow, isaga isku halleeya wakhti kastaba,
Oo qalbigiinna waxba ha kula hadhina Ilaah hortiisa,
Waayo, Ilaah baa magangal inoo ah. (Selaah)
9 Hubaal dad gun ahu waa xumbo,
Oo dad gob ahuna waa been,
Markii la miisaamo way kor mari doonaan,
Oo iyagu dhammaantood xumbo way ka fudud yihiin.
10 Dulmiga ha isku hallaynina,
Waxdhiciddana ha ku kibrina.
Maal hadduu idinku batona qalbigiinna ha raacinina.
11 Ilaah mar buu hadlay,
Oo laba goor baan maqlay,
In Ilaah xoogga iska leeyahay,
12 Oo weliba, Sayidow, adigu naxariis baad leedahay,
Waayo, nin kasta waxaad ugu abaalguddaa sidii camalladiisu ahaayeen.
Kanu waa sabuur gabay ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
68 Ilaah ha sara joogsado, oo cadaawayaashiisuna ha kala firdheen,
Kuwa necebuna hortiisa ha ka carareen.
2 Sida qiiqu u kala firdho, iyagana sidaasoo kale u kala firdhi,
Sida shamacu dabka ugu dhalaalo,
Sidaasoo kale kuwa sharka lahu Ilaah hortiisa ha ku baabbe'een.
3 Laakiinse kuwa xaqa ahu ha farxeen, oo Ilaah hortiisa ha ku reyreeyeen,
Haah, oo farxad ha ku reyreeyeen.
4 Ilaah u gabya, oo magiciisa ammaan ugu gabya,
Kan lamadegaanka dhex mara jid weyn u fala,
Magiciisu waa Yaah, ee hortiisa ku reyreeya.
5 Ilaah wuxuu rugtiisa quduuskaa ku yahay
Agoonta aabbahood iyo carmallada xaakinkooda.
6 Kuwa cidlaysan Ilaah reero ayuu u yeelaa,
Oo maxaabiistana intuu soo bixiyo ayuu barwaaqo dhex geeyaa,
Laakiinse caasiyiintu waxay degganaadaan dhul oommane ah.
7 Ilaahow, markaad dadkaaga hor kacday,
Markaad lamadegaanka ku dhex socotay, (Selaah)
8 Dhulku waa gariiray,
Samooyinkuna waxay ku de'een Ilaah hortiisa,
Xataa Buur Siinay nafteedu waxay ka gariirtay Ilaah hortiisa, kaasoo ah Ilaaha Israa'iil.
9 Ilaahow, waxaad soo daysay roob badan,
Oo kuwa dhaxalkaagu markay daallanaayeenna waad xoogaysay.
10 Ururkaagu halkaasuu dhex degganaa,
Ilaahow, wanaaggaaga aawadiis wax baad u diyaarisay masaakiinta.
11 Sayidku wuxuu bixiyey erayga,
Kuwa warka faafiyaana waa guuto weyn.
12 Boqorrada ciidammadu way cararaan, way cararaan,
Oo tan guriga ku hadha ayaa dhaca qaybisa.
13 Xeryaha idaha miyaad iska dhex jiifaysaan,
Sidii baadad qoolley oo lacag lagu dahaadhay,
Iyo baalasheeda oo dahab cas lagu dahaadhay?
14 Markii Qaadirku boqorrada halkaas ku kala dhex firdhiyey,
Waxay ahayd sida marka baraf cad ku da'o Salmoon.
15 Buur Ilaah waxaa ah Buur Baashaan.
Oo buur dheer waxaa ah Buur Baashaan.
16 Buurihiinnan dhaadheerow, bal maxaad u quudhsanaysaan
Buurta Ilaah uu jeclaaday inuu hoygiisii ka dhigto?
Haah, oo Rabbigu halkaasuu degganaan doonaa weligiisba.
17 Ilaah gaadhifardoodyadiisu waa labaatan kun, iyo xataa kumanyaal iyo kumaankun,
Sayidku wuu ku dhex jiraa iyaga, siduu Siinay ugu jiri jiray xagga meesha quduuska ah.
18 Adigu kor baad u baxday, oo waxaad qabatay oo kaxaysay kuwii maxaabiista ahaan jiray.
Oo waxaad hadiyado ka qaadatay dadka dhexdiisa,
Iyo xataa caasiyiintaba, in Rabbiga Ilaah ahu halkaas joogo aawadeed.
19 Waxaa mahad leh Sayidka maalin kasta culaabteenna inoo qaada,
Kaasoo ah Ilaaha ina badbaadiya. (Selaah)
20 Ilaah wuxuu inoo yahay Ilaaha samatabbixinta,
Ilaaha Sayidka ah ayaa iska leh dhimashada kabixiddeeda.
21 Laakiinse Ilaah wuxuu wax ku dhufan doonaa madaxa cadaawayaashiisa,
Iyo dhalada timaha leh oo kan xadgudubyadiisa ku sii socdaba.
22 Sayidku wuxuu yidhi, Waxaan iyaga ka soo celin doonaa xagga Baashaan,
Oo waxaan ka soo bixin doonaa badda moolkeeda,
23 Inaad cagtaada dhiig darsatid,
Iyo in eeyahaaga carrabkoodu uu qayb ka helo cadaawayaashaada.
24 Ilaahow, waxay arkeen tegiddaadii,
Taas oo ah tegiddii Ilaahay oo ah Boqorkayga oo uu galay meesha quduuska ah.
25 Gabayayaashii way hor mareen, muusikaystayaashiina way raaceen,
Dhexdana waxaa ku jiray hablo daf ku cayaaraya.
26 Kuwiinnan isha Israa'iil ka soo farcamayow,
Shirarka ku dhex ammaana Ilaaha Sayidka ah.
27 Waxaa jooga Benyaamiin yar oo ah taliyahooda,
Iyo amiirrada reer Yahuudah iyo guddigooda,
Iyo amiirrada reer Sebulun iyo amiirrada reer Naftaali.
28 Ilaahaagu xooggaaguu amray,
Ilaahow, waxaad noo samaysay noo xoogee.
29 Macbudkaaga Yeruusaalem ku yaal daraaddiis
Ayaa boqorro waxay kuugu keeni doonaan hadiyado.
30 Canaano dugaagga cawsduurka ku dhex jira,
Iyo dibida tirada badan, iyo weylaha dadka
Oo ku tumanaya lacagta gogo'a ah,
Isagu wuu kala firdhiyey dadyowga dagaalka jecel.
31 Masar waxaa ka iman doona amiirro,
Itoobiyana haddiiba gacmaheeday u hoorsan doontaa Ilaah.
32 Boqortooyooyinka dhulkow, Ilaah u gabya,
Ammaan ugu gabya Sayidka, (Selaah)
33 Kaasoo kor fuushan samada samooyinka sare, oo weligoodba jiray,
Bal eega, wuxuu ku hadlaa codkiisa, oo weliba codkiisu waa xoog badan yahay.
34 Ilaah xoog ka sheega,
Waayo, sharaftiisu waxay dul joogtaa reer binu Israa'iil,
Oo xooggiisuna wuxuu ku jiraa samooyinka.
35 Ilaahow, meelahaaga quduuska ah waxaad ka tahay mid laga cabsado,
Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu dadkiisa siiyaa xoog iyo itaal.
Mahad waxaa leh Ilaah.
40 Oo weliba Rabbigu Ayuub buu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
41 War bahalbadeedka Lewiiyaataan la yidhaahdo miyaad jillaab kalluun
ku soo bixin kartaa?
Carrabkiisase ma hoos baad xadhig ugu adkayn kartaa?
2 Ma sankiisaad xadhig ku xidhi kartaa?
Mase daankiisaad jillaab ku duleelin kartaa?
3 Isagu ma aad buu kuu baryi doonaa?
Mase hadal macaan buu kugula hadli doonaa?
4 Ma axdi buu kula dhigan doonaa,
Si aad addoon uga dhigatid weligiisba?
5 Ma waxaad isaga ula cayaari doontaa sidaad shimbir ula cayaartid oo kale?
Miyaadse gabdhahaaga u xidhi doontaa?
6 Kalluumaystayaashu miyey isaga iibin doonaan?
Mase baayacmushtariyaasha bay u qaybin doonaan?
7 Haraggiisa miyaad hotooyin ka buuxin kartaa?
Madaxiisase miyaad warmaha kalluunka lagu qabsado ka buuxin kartaa?
8 Gacantaada isaga kor saar,
Markaas dagaalka xusuuso, oo mar dambe saas yeeli maysid!
9 Bal eeg, in isaga la qabto rajo ma leh,
Xataa haddii isaga la arko, sow hoos loo dhici maayo?
10 Ma jiro mid ku dhaca inuu isaga kiciyo,
Haddaba waa ayo kan aniga i hor istaagi kara?
11 Bal yaa hore wax ii siiyey oo aan haatan u celiyaa?
Waxa samada ka hooseeya oo dhan anigaa leh.
Bawlos Ayaa Riyo Wax Ku Arkay
6 Markaasay waxay dhex mareen dhulka Farugiya iyo Galatiya iyagoo Ruuxa Quduuska ahu u diiday inay ereyga kaga dhex hadlaan Aasiya, 7 oo markay Musiya u dhowaadeen waxay isku dayeen inay Bituniya galaan; laakiin Ruuxa Ciise uma oggolaan; 8 markaasay soo dhaafeen Musiya oo waxay yimaadeen Taroo'as. 9 Oo habeennimo ayaa Bawlos wax riyo ku arkay. Waxaa taagnaa nin reer Makedoniya ah isagoo ka baryaya oo leh, Makedoniya kaalay oo na caawi. 10 Oo markuu riyadii arkay dabadeed markiiba waxaannu doonnay inaannu Makedoniya tagno, taasoo nala noqotay in Ilaah noogu yeedhay inaannu iyaga injiilka ku wacdinno.
Bawlos Wuxuu U Gudbay Makedoniya
11 Haddaba ayaannu Taroo'as ka dhoofnay, oo waxaannu toos u aadnay Samotraki, maalintii xigtayna waxaannu nimid Ne'abolis; 12 markaasaannu meeshaas ka tagnay, oo waxaannu aadnay Filiboy, taas oo ah magaalomadaxda reer Makedoniya, oo ay reer Rooma u taliyaan, magaaladaas waxaannu joognay dhawr maalmood. 13 Maalintii sabtida ahayd ayaannu iridda ka baxnay, oo waxaannu tagnay webi dhinaciis, meeshaas oo aannu u malaynay meel lagu tukado; markaasaannu fadhiisannay, oo waxaannu la hadallay dumarkii urursanaa. 14 Oo naag Ludiya la odhan jiray, oo dhar guduudan iibin jirtay, oo magaalada Tu'ateyra ka iman jirtay, oo Ilaah caabudi jirtay baa na maqashay; taasoo Rabbigu qalbigeeda furay inay dhegaysato waxyaalihii Bawlos ku hadlay. 15 Oo markii la baabtiisay iyada iyo dadkii gurigeeda, ayay naga bariday iyadoo leh. Haddaad qiyaasaysaan inaan Rabbiga aamin u ahay, gurigayga kaalaya oo jooga. Waana na yeelsiisay.
9 Haddaba dad badan oo Yuhuud ah baa waxay ogaadeen inuu halkaas joogo, wayna u yimaadeen, ma aha Ciise aawadii oo keliya laakiin inay arkaan Laasarosna, kii uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey. 10 Wadaaddadii sare waxay ku tashadeen inay Laasarosna dilaan. 11 Waayo, aawadiis ayaa Yuhuud badani ku tagtay oo Ciise rumaysatay.
Ciise Guul Buu Ku Galay Yeruusaalem(A)
12 Maalintii xigtay dad badan oo u yimid iiddii, markay maqleen inuu Ciise Yeruusaalem imanayo, 13 waxay qaateen laamihii geedaha timirta ah, oo ay baxeen inay ka hor tagaan, iyagoo ku dhawaaqaya [a]Hoosanna, waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya oo boqorka Israa'iil ah. 14 Ciise wuxuu helay dameer yar oo fuulay, siday ugu qoran tahay, 15 Ha biqin, gabadhii Siyoonay; bal eeg, Boqorkaagu waa imanayaa isagoo fuushan qayl dameereed. 16 Markii hore xertiisii waxyaalahaas ma ay garan, laakiin markii Ciise ammaanmay dabadeed ayay xusuusteen in waxyaalahaas xaggiisa laga qoray iyo in waxyaalahaas lagu sameeyey isaga. 17 Haddaba waxaa marag furay dadkii badnaa ee la joogay markuu Laasaros xabaasha uga yeedhay oo uu kuwa dhintay ka soo sara kiciyey. 18 Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa u kaceen inay ka hor tagaan, waayo, waxay maqleen inuu calaamadaas sameeyey. 19 Haddaba Farrisiintii waxay dhexdoodii isku yidhaahdeen, Waad arkaysaan sidaydnaan waxba u taraynin. Eega, dunidii oo dhan baa raacdaye.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya