Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 63

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markuu joogay cidlada reer Yahuudah.

63 Ilaahow, waxaad tahay Ilaahay, oo anna goor hore ayaan ku doondooni doonaa,
Naftaydu adigay kuu oomman tahay, jidhkayguna aduu kuu xiisoodaa,
Anoo jooga dhul engegan oo daal miidhan ah oo aan biyo lahayn.
Si aan u arko xooggaaga iyo ammaantaadaba aawadeed,
Ayaan kaa fiiriyey meesha quduuska ah.
Waayo, raxmaddaadu way ka sii wanaagsan tahay nolol,
Haddaba bushimahaygu way ku ammaani doonaan.
Sidaas daraaddeed waan kugu mahadnaqayaa intaan noolahay,
Oo gacmahaygana kor baan ugu qaadi doonaa magacaaga aawadiis.
Naftaydu waxay u dhergi doontaa sida mid dhuux iyo baruur uga dhergo,
Oo afkayguna wuxuu kugu ammaani doonaa bushimo faraxsan
Kolkaan sariirtayda kugu soo xusuusto
Oo aan kaa fikiro habeenka markaan soo jeedo.
Waayo, waxaad ii ahayd caawimaad,
Oo hooska baalashaada ayaan ku rayrayn doonaa.
Naftaydu adigay ku raacdaa,
Oo gacantaada midigna way i tiirisaa. (Selaah)
Laakiinse kuwa naftayda u doondoonaya inay halligaan aawadeed,
Waxay geli doonaan dhulka meelaha ugu hooseeya.
10 Waxaa iyaga loo gacangelin doonaa xoogga seefta,
Oo waxay qayb u noqon doonaan dawacooyinka.
11 Laakiinse boqorku wuxuu ku rayrayn doonaa Ilaah,
Mid kasta oo isaga ku dhaartaa wuu faani doonaa,
Waayo, kuwa beenta sheega afkooda waa la aamusiin doonaa.

Sabuurradii 103

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

103 Naftaydoy, Rabbiga ammaan,
Oo inta igu jirta oo dhammay, ammaana magiciisa quduuska ah.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan,
Oo ha illoobin wanaagga uu kuu sameeyo oo dhan.
Isagaa kaa cafiya dembiyadaada oo dhan,
Oo kaa bogsiiya cudurradaada oo dhan,
Oo naftaada ka badbaadiya halligaadda,
Oo raxmad iyo naxariis kugu barakeeya,
Oo kaa dhergiya waxyaalaha wanwanaagsan,
Si ay dhallinyaranimadaadu ugu cusboonaato sida gorgorka oo kale.
Rabbigu wuxuu falaa xaqnimo,
Gar buuna u gooyaa kuwa dulman oo dhan.
Isagu wuxuu Muuse garansiiyey jidadkiisii,
Reer binu Israa'iilna falimihiisii.
Rabbigu waa raxmad badan yahay, waana nimco miidhan,
Cadho wuu u gaabiyaa, waana naxariis badan yahay.
Isagu had iyo goor wax canaanan maayo,
Oo sii cadhaysnaan maayo ilaa weligiis.
10 Isagu inoolama uu macaamiloon sidii dembiyadeennu ahaayeen,
Oo inooguma uu abaalmarin sidii xumaatooyinkeennu ahaayeen.
11 Waayo, sida samadu dhulka uga sarrayso,
Sidaas oo kalaa naxariistiisu ugu weyn tahay kuwa isaga ka cabsada.
12 Sida barigu uga fog yahay galbeedka,
Sidaas oo kaluu xadgudubkeennii inooga fogeeyey.
13 Sida aabbe carruurtiisa ugu naxo oo kale
Ayaa Rabbigu ugu naxaa kuwa isaga ka cabsada.
14 Waayo, abuuristeennuu og yahay,
Oo wuu xusuusan yahay inaan innagu ciid nahay.
15 Laakiinse dadka cimrigiisu waa sida doog oo kale,
Sida ubaxa berrinka ayuu u barwaaqoobaa.
16 Waayo, dabayl baa dul marta, wuuna baabba'aa,
Oo meeshiisiina mar dambe ma aqoon doonto.
17 Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba,
Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda,
18 Kuwaas oo ah kuwa axdigiisa xajiya
Iyo kuwa amarradiisa xusuusta oo wada yeela.
19 Rabbigu carshigiisii wuxuu ka dhistay samooyinka,
Oo boqortooyadiisuna wax walbay u talisaa.
20 Malaa'igihiisa xoogga badan oo eraygiisa oofiya
Oo codka hadalkiisa maqlow,
Rabbiga ammaana.
21 Rabbiga ammaana, ciidammadiisa oo dhammow,
Idinkoo ah midiidinyadiisa wuxuu doonayo sameeyow,
22 Shuqulladiisa oo dhammow, Rabbiga ku ammaana
Meel kasta oo dowladnimadiisa ahba,
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.

Ayuub 25

Bildad

25 Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

Dowladnimo iyo cabsiba isagaa leh,
Oo meelihiisa sarena nabad buu ka dhigaa.
Ciidammadiisu ma tiray leeyihiin?
Oo yuu yahay kan aan iftiinkiisu ku soo bixin?
Balse sidee baa nin u kari karaa inuu Ilaah hortiisa xaq ku ahaado?
Mid naagu dhashayse sidee buu u karaa inuu nadiif ahaado?
Bal eeg, xataa dayuxu hortiisa nuur kuma leh,
Oo xiddiguhuna hortiisa daahir kuma aha.
Intee buu ka sii liitaa nin dirxi ahu!
Iyo binu-aadmiga dirxiga ahu!

Ayuub 27:1-6

27 Oo haddana Ayuub ayaa hadalkiisii sii waday, oo wuxuu yidhi,
Waxaan ku dhaartay Ilaaha nool oo xaqayga iga qaaday,
Kaasoo ah Ilaaha Qaadirka ah oo naftayda dhibay;
(Waayo, naftaydii weli waa igu jirtaa,
Oo ruuxii Ilaahna weli wuxuu ku jiraa sankayga labadiisa dul.)
Hubaal bushimahaygu xaqdarro ku hadli maayaan,
Oo carrabkayguna khiyaano sheegi maayo.
Ilaah ha iga fogeeyo inaan xaq idinka dhigo,
Jeeraan dhinto daacadnimadayda iska tuuri maayo.
Xaqnimadayda waan xajisanayaa, oo iska sii dayn maayo,
Oo qalbigaygu i ceebayn maayo intaan noolahay oo dhan.

Muujintii 14:1-7

Riyadii Lagu Arkay Wanka Iyo Kuwuu Soo Madaxfurtay

14 Oo bal eeg, waxaan arkay Wankii oo ku dul taagan Buur Siyoon, oo waxaa isaga la jiray boqol iyo afar iyo afartan kun oo qof, oo waxaa wejiga ugu qornaa isaga magiciisa iyo magaca aabbihiis. Markaasaan samada ka maqlay cod u eg biyo badan codkood iyo onkod weyn codkiis; oo codkii aan maqlayna wuxuu u ekaa kataaraley ka dhawaajinaysa kataaradahooda; markaasay carshiga hortiisa iyo afartii xayawaan iyo odayaasha hortoodii waxay ku gabyeen gabay cusub; oo gabaygaas ninna ma baran karin, boqol iyo afar iyo afartanka kun oo dunida laga soo iibsaday mooyaane. Kuwanu waa kuwii aan naagaha ku nijaasoobin; waayo, iyagu waa daahir; kuwanu waa kuwa Wanka u raaca meel alla meeshuu tagoba. Kuwan waxaa laga soo iibsaday dadka inay midhaha ugu horreeya u noqdaan Ilaah iyo Wankaba. Oo afkooda innaba been lagama helin, iinna ma leh.

Riyadii Lagu Arkay Saddexdii Malaa'igood

Oo haddana waxaan arkay malaa'ig kale oo samada dhex duulaysa iyadoo wadata injiil daa'imis ah inay u naadiso kuwa dhulka deggan iyo quruun kasta iyo qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta; iyadoo cod weyn ku leh, Ilaah ka cabsada, oo isaga ammaana, waayo, saacaddii xukunkiisu way timid. Oo caabuda kii sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo ilaha biyaha ah.

Muujintii 14:13

13 Oo haddana waxaan samada ka maqlay cod igu leh, Qor, Waxaa barakaysan kuwa hadda ka dib dhimanaya iyagoo Rabbiga rumaysan. Ruuxii wuxuu leeyahay, Haah, iyagu waa inay ka nastaan hawshoodii, waayo, waxaa iyaga la socda shuqulladoodii.

Matayos 5:13-20

Wixii Laga Bartay Cusbo Iyo Laambad(A)

13 Idinku waxaad tihiin cusbadii dhulka, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa? Dabadeed waxba tari mayso in dibadda loo tuuro oo dadku ku tunto maahee. 14 Idinku waxaad tihiin iftiinkii dunida. Magaalo buur ku taallu ma qarsoomi karto. 15 Ilays looma shido in la hoos geliyo weel, laakiin waxaa la saaraa meeshii ilayska, oo wuu u iftiimaa kuwa guriga ku jira oo dhan. 16 Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan.

Sharcigii Hore Iyo Sharciga Ciise

17 Ha u malaynina inaan u imid inaan sharciga ama qorniintii nebiyada baabbi'iyo; uma aan iman inaan baabbi'iyo, laakiin waxaan u imid inaan wada oofiyo 18 Runtii waxaan idinku leeyahay, Intaan cirka iyo dhulku idlaan, xaraf ama dhibic keliya ka idlaan mayso sharciga ilaa ay wada noqdaan. 19 Sidaa darteed kii jebiya qaynuunnadan kuwa ugu yar midkood, oo sidaas dadka u bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan uga yar boqortooyadii jannada, laakiin kii yeela oo bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan weyn boqortooyadii jannada. 20 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Xaqnimadiinnu haddaanay ka badnaan tan culimmada iyo Farrisiinta, geliba maysaan boqortooyadii jannada.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya