Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 101

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

101 Waxaan ka gabyi doonaa naxariis iyo garsoorid,
Rabbiyow, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaan.
Oo waxaan u dhawrsan doonaa si qumman oo caqliya,
Bal goormaad ii iman doontaa?
Waxaan gurigayga ku dhex socon doonaa qalbi qumman.
Indhahayga hortooda wax xun ma dhigi doono,
Waan necbahay kuwa leexda shuqulkooda,
Oo innaba iguma dhegi doono.
Qalbi qalloocanu wuu iga fogaan doonaa,
Oo innaba wax shar ah ma aqoon doono.
Kii qarsoodi u xanta deriskiisa, kaas waan baabbi'in doonaa,
Kii isla madax weyn oo qalbigiisu kibirsan yahayna uma dulqaadan doono.
Indhahaygu waxay la jiri doonaan kuwa aamiinka ah oo dalka deggan, si ay iila joogaan aawadeed,
Kii si qumman u socda ayaa ii adeegi doona.
Kii khiyaano ka shaqeeyaase gurigayga ma joogi doono,
Kii been ku hadlaana hortayda kuma xoogaysan doono.
Subax ilaa ka subax ayaan wada baabbi'in doonaa kuwa sharka leh oo dalka deggan oo dhan,
Si aan magaalada Rabbiga uga baabbi'iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhan.

Sabuurradii 109:1-30

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

109 Ilaaha ammaantaydow, ha iska aamusin,
Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba,
Oo waxay igula hadleen carrab been sheega.
Oo weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan,
Oo sababla'aan bay igula dirireen.
Anigoo jecel bay cadow ii yihiin,
Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa.
Wanaag waxay iigaga abaalgudeen xumaan,
Jacaylna nacayb.
Nin shar leh ka sarraysii isaga,
Oo Shayddaan ha istaago midigtiisa.
Markii la xukumo, ha soo baxo isagoo dembi lagu helay,
Oo tukashadiisiina dembi ha noqoto.
Cimrigiisu ha yaraado,
Jagadiisana mid kale ha qaato.
Carruurtiisu ha agoontoobeen,
Naagtiisuna carmal ha noqoto.
10 Carruurtiisu kuwa warwareega ha noqdeen oo ha dawarsadeen,
Cuntadoodana ha ka doondooneen meelahooda cidlada ah.
11 Midka korsaarta qaataa ha qabsado wuxuu haysto oo dhan,
Oo shisheeyayaalna ha ka dheceen wixii uu ku hawshooday.
12 Yaanu jirin mid isaga u sii naxariistaa,
Oo yaanu jirin mid u naxa carruurtiisa agoonta ah.
13 Farcankiisu ha baabba'o,
Oo qarniga soo socda magacooda ha la tirtiro.
14 Xumaantii awowayaashiis Rabbigu ha soo xusuusto,
Oo dembigii hooyadiisna yaan la tirtirin.
15 Rabbiga ha hor joogeen had iyo goorba,
Si uu xusuustooda uga gooyo dhulka.
16 Maxaa yeelay, isagu wuu xusuusan waayay inuu u naxariisto
Miskiinka, iyo kan baahan, iyo kan qalbiga ka murugaysan,
Laakiinse wuxuu u silciyey inuu iyaga laayo aawadeed.
17 Wuxuu jeclaaday habaaridda, markaasaa habaar ku soo degay,
Ducaynta kuma farxin, ducona way ka sii fogaatay isaga.
18 Oo weliba isagu wuxuu sidii dharkiisii u huwaday habaaridda,
Oo iyana waxay gashay uurkiisa hoose sidii biyo oo kale,
Oo lafihiisana waxay u gashay sidii saliid.
19 Isaga ha u ahaato sida marada uu huwado,
Iyo sida dhex-xidhka uu ku xidho had iyo goorba,
20 Tanu waa abaalmarinta cadaawayaashaydu ay xagga Rabbiga ka helaan,
Iyo kuwa naftayda xumaan ka sheegaba.
21 Laakiinse Ilaahow, Sayidow, magacaaga daraaddiis wax iigu yeel,
Naxariistaadu waa wanaagsan tahay, ee sidaas daraaddeed ii samatabbixi,
22 Waayo, anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan,
Oo qalbigayguna wuu igu dhex dhaawacmay.
23 Waxaan u dhammaaday sida hoos sii libdhaya,
Waxaan u gilgilmaa sida ayax oo kale.
24 Jilbahaygu soon bay la taag darnaadaan,
Oo jidhkayguna baruurla'aanteed wuu la caatoobaa.
25 Oo weliba waxaan iyaga u noqday cay,
Oo kolkay i arkaan ayay madaxa ruxruxaan.
26 Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi,
Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,
27 Si ay u ogaadaan in tanu tahay shaqadii gacaantaada,
Iyo inaad taas samaysay, Rabbiyow.
28 Iyagu ha habaartameen, adiguse i barakee,
Kolkay kacaan, way ceeboobi doonaan, laakiinse anigoo addoonkaaga ah waan rayrayn doonaa.
29 Cadaawayaashaydu sharafdarro ha xidheen,
Oo ceebtooda ha u huwadeen sida go' oo kale.
30 Afkaygaan aad ugaga mahadnaqi doonaa Rabbiga,
Haah, oo waxaan isaga ku ammaani doonaa dadka badan dhexdiisa.

Sabuurradii 119:121-144

CAYN.

121 Waxaan sameeyey xukun iyo caddaalad,
Haddaba ha iiga tegin kuwa i dulma.
122 Anoo addoonkaaga ah wanaag daraaddiis ii dammiino,
Oo kuwa kibirsanu yaanay i dulmin.
123 Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan,
Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.
124 Anoo addoonkaaga ah iila macaamilow si naxariistaada waafaqsan,
Oo qaynuunnadaada i bar.
125 Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii,
Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.
126 Waa wakhtiga aad shaqayn lahayd, Rabbiyow,
Waayo, sharcigaaga way buriyeen.
127 Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay
Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.
128 Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan,
Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.

FE.

129 Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay,
Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.
130 Erayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa,
Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.
131 Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday,
Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.
132 Ii soo jeeso, oo ii naxariiso,
Sidaad kuwa magacaaga jecel u samaysid.
133 Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga,
Oo dembina yaanu ii talin.
134 Dadka dulmigiisa iga bixi,
Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.
135 Anoo addoonkaaga ah wejigaaga iigu iftiimi,
Oo qaynuunnadaada i bar.
136 Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah,
Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.

SADE.

137 Rabbiyow, xaq baad tahay,
Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.
138 Markhaatifurkaaga waxaad ku amartay xaqnimo
Iyo daacadnimo oo dhan.
139 Waxaa i baabba'shay qiirada aan kuu qabo,
Maxaa yeelay, cadaawayaashaydu waxay illoobeen erayadaada.
140 Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay,
Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.
141 Anigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa,
Laakiinse amarradaada ma illoobo.
142 Xaqnimadaadu waa xaqnimo weligeed sii waaraysa,
Oo sharcigaaguna waa run.
143 Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday.
Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.
144 Markhaatifurkaagu weligiisba waa xaq,
Haddaba waxgarasho i sii, oo anna waan sii noolaan doonaa.

Xaakinnada 13:15-24

15 Maanoo'axna wuxuu malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Waan ku baryayaaye, aan ku raajinno intii aannu orgi yar kuu diyaarinayno. 16 Oo malaa'igtii Rabbiguna waxay Maanoo'ax ku tidhi, In kastoo aad i raajiso, anigu cuni maayo cuntadaada; oo haddaad diyaarisid allabari la gubo, waa inaad Rabbiga u bixisid. Waayo, Maanoo'ax ma uu ogayn inay malaa'igtii Rabbiga tahay. 17 Markaasuu Maanoo'ax malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Magacaa, si markay erayadaadu ahaadaan, aannu kuu murwayno? 18 Malaa'igtii Rabbiguna waxay ku tidhi, Maxaad magacayga u haybsanaysaa, waaba yaabe? 19 Sidaas daraaddeed Maanoo'ax wuxuu qaaday orgigii yaraa iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, oo dhagax dushiis buu Rabbiga ugu bixiyey; oo malaa'igtiina yaab bay samaysay, Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen. 20 Waayo, markii ololkii meesha allabariga ka kacay xagga samada, ayay malaa'igtii Rabbigu kor u raacday ololkii meesha allabariga; Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen; oo intay dhaceen ayay wejigoodii dhulka saareen. 21 Laakiinse malaa'igtii Rabbigu mar dambe uma ay muuqan Maanoo'ax iyo afadiisii. Markaasaa Maanoo'ax ogaaday inay ahayd malaa'igtii Rabbiga. 22 Oo Maanoo'axna wuxuu afadiisii ku yidhi, Hubaal waynu dhimanaynaa, maxaa yeelay, waxaynu aragnay Ilaah. 23 Laakiinse afadiisii waxay ku tidhi, Hadduu Rabbigu doonayo inuu ina dilo, inagama uu aqbaleen qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah, oo waxyaalahan oo dhanna inama uu tuseen, oo haatanna inooma uu sheegeen waxyaalo caynkan ah. 24 Oo naagtiina wiil bay dhashay, oo magiciisiina waxay u bixisay Samsoon; wiilkiina wuu koray, Ilaahna wuu barakeeyey isagii.

Falimaha Rasuullada 6

Toddobadii Waa La Doortay

Waagaas waxaa dhacay, intii xertu badnaysay, in Yuhuuddii Gariigta ahayd ay ka gunuunaceen Cibraaniyadii, maxaa yeelay, carmalladoodii laga dhintay wixii maalin walba la siin jiray looguma hagarbixin. Markaasaa laba-iyo-tobankii, intay isugu yeedheen kuwa badan oo xerta ka mid ahaa, waxay ku yidhaahdeen, Ma wanaagsana inaannu ereyga Ilaah iska dayno oo aannu miisas ka adeegno. Haddaba, walaalayaalow, waxaad dhexdiinna ka xushaan toddoba nin oo sharaf leh, oo ay ka buuxaan Ruuxa iyo xigmaddu, oo aynu u dooranno shuqulkan. Annaguse waxaannu ku sii adkaysan doonnaa tukasho iyo shuqulka ereyga. Hadalkiina waa ka wada farxiyey dadkii badnaa oo dhan; oo waxay doorteen Istefanos oo ahaa nin ay ka buuxaan rumaysad iyo Ruuxa Quduuska ahu, iyo Filibos, iyo Barokhoros, iyo Nikanoor, iyo Timoon, iyo Barmenaas, iyo Nikolas kii reer Antiyokh oo diinta soo galay. Kuwaasay rasuulladii hor keeneen; oo markay tukadeen dabadeed, ayay gacmahoodii saareen.

Markaasaa ereygii Ilaah faafay, tiradii xertiina Yeruusaalem aad ugu badatay, oo tiro badan oo wadaaddo ahina iimaankay yeeleen.

Ashtakadii Lagu Ashtakeeyey Istefanos

Markaasaa Istefanos oo ay nimco iyo xoog ka buuxaan ayaa dadka dhexdiisa ku sameeyey yaabab iyo calaamooyin waaweyn. Laakiin waxaa kacay oo Istefanos la murmay kuwii sunagogga la odhan jiray sunagogga Libertiinta, iyo kan reer Kuranaya, iyo reer Iskanderiya, iyo kuwa Kilikiya iyo Aasiya. 10 Iyaguna waa is-hor taagi kari waayeen xigmaddii iyo Ruuxii uu ku hadlay. 11 Markaasay niman laaluusheen, oo nimankii baa waxay yidhaahdeen, Waxaannu maqalnay isagoo Muuse iyo Ilaahba caayaya. 12 Markaasay kiciyeen dadkii iyo waayeelladii iyo culimmadii, oo intay isagii ku soo kediyeen oo qabteen, ayay shirkii geeyeen. 13 Markaasay waxay soo taageen markhaatiyaal been ah oo leh, Ninkanu iskama daayo inuu meeshan quduuska ah iyo sharciga erayo xunxun ka sheego, 14 waayo, waxaannu maqalnay isagoo leh, Ciisahan reer Naasared meeshan buu dumin doonaa, wuxuuna beddeli doonaa caadooyinkii Muuse inooga tegey. 15 Oo kuwii shirka wada fadhiyey oo dhan, iyagoo aad u fiirinaya, waxay arkeen wejigiisii oo ah sidii weji malaa'igeed oo kale.

Yooxanaa 4:1-26

Ciise Iyo Naagtii Reer Samaariya

Kolkii Ciise ogaaday inay Farrisiintu maqleen inuu yeelanayay oo baabtiisayay xer ka badan intii Yooxanaa (in kastoo Ciise qudhiisu uusan baabtiisin, laakiin xertiisu way baabtiisayeen), ayuu Yuhuudiya ka tegey, wuxuuna mar kale u kacay Galili. Oo wuxuu lahaa inuu Samaariya dhex maro. Haddaba wuxuu yimid magaalada Samaariya, oo Sukhar la odhan jiray, oo ku dhowayd dalkii Yacquub siiyey wiilkiisii Yuusuf. Waxaana meeshaas jiray ceelkii Yacquub. Haddaba Ciise oo sodcaal ku soo daalay, wuxuu fadhiistay ceelka agtiisa. Saacaddiina waxay ku qiyaasnayd lixda.

Markaasaa waxaa timid naag reer Samaariya ah inay biyo dhaansato. Kolkaasaa Ciise wuxuu ku yidhi iyada, I waraabi. Maxaa yeelay, xertiisii magaaladay ku maqnaayeen inay cunto soo iibsadaan. Naagtii reer Samaariya ahayd waxay haddaba ku tidhi isaga, Sidee baad, adigoo Yuhuudi ah, biyo ii weyddiisanaysaa, anigoo naag reer Samaariya ah? (Waayo, dan iskuma leh Yuhuudda iyo reer Samaariya.) 10 Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Haddaad garanaysid hadiyaddii Ilaah iyo kuu yahay kan kugu leh, I waraabi, adigu waad weyddiisan lahayd isaga, oo wuxuu ku siin lahaa biyaha nool. 11 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waxaad biyo ku dhaansato ma haysatid, ceelkuna wuu dheer yahay. Haddaba xaggee baad ka helaysaa biyaha nool? 12 Miyaad ka weyn tahay awowahayagii Yacquub oo ceelka na siiyey oo isaga qudhiisu ka cabbay iyo wiilashiisii iyo xoolihiisuba? 13 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Kii kasta oo biyahan ka cabbaa, mar kale wuu harraadi doonaa, 14 laakiin ku alla kii ka cabba biyahaan siin doono, weligiis ma harraadi doono, laakiin biyahaan siin doono waxay gudihiisa ku noqon doonaan il biyo ka duulayaan tan iyo nolosha weligeed ah. 15 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, biyahan i sii inaanan haddana harraadin oo aanan halkan iman inaan ka dhaansado. 16 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Tag oo ninkaagii u soo yeedh, oo halkan kaalay. 17 Naagtii ayaa u jawaabtay oo ku tidhi, Nin ma lihi. Ciise wuxuu ku yidhi, Run baad ku hadashay, Nin ma lihi. 18 Waayo, shan nin baad lahayd, kan aad haddeer haysatidna ninkaagii ma aha. Taas run baad ku sheegtay. 19 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waan gartay inaad nebi tahay. 20 Awowayaashayo buurtan ayay ku caabudi jireen, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Yeruusaalem waa meeshii la leeyahay in lagu caabudo. 21 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Naag yahay, i rumee, saacaddu waa imanaysaa markii aydnaan Aabbaha ku caabudi doonin ama buurtan ama Yeruusaalem midnaba. 22 Idinku waxaad caabuddaan waxaydnaan oqoon, annaguse waxaannu caabudnaa waxaannu naqaan, waayo, badbaadintu waxay ka timaadaa Yuhuudda. 23 Laakiin saacaddii baa imanaysa, waana joogtaa imminkada, markii caabudayaasha runta ihi ay Aabbaha ku caabudi doonaan ruuxa iyo runta, waayo, Aabbuhu wuxuu doonayaa caabudayaashaas oo kale. 24 Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta. 25 Naagtii waxay ku tidhi, Waa ogahay Masiixu inuu imanayo (kan Kiristoos la yidhaahdo); oo markuu yimaado, wax walba ayuu noo sheegi doonaa. 26 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigoo kula hadlaya ayaa ah isaga.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya