Book of Common Prayer
MEM.
97 Aad baan sharcigaaga u jeclahay!
Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.
98 Amarradaadu waxay iga dhigaan ku ka sii caqli badan cadaawayaashayda.
Waayo, weligayba way ila jiraan.
99 Waan ka sii waxgarasho badnahay macallimiintayda oo dhan,
Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga.
100 Waan ka sii waxgarasho badnahay odayaasha,
Waayo, waxaan xajiyey amarradaada.
101 Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh,
Si aan eraygaaga u dhawro.
102 Xukummadaada gees ugama aan leexan,
Waayo, wax baad i bartay.
103 Erayadaadu dhanxanaggayga u macaan badanaa!
Afkayga malab way uga sii macaan badan yihiin!
104 Amarradaada ayaan waxgarasho ku helaa,
Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay.
NUN.
105 Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad,
Waddooyinkaygana iftiin.
106 Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey
Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.
107 Aad iyo aad baan u dhibaataysnahay,
Haddaba Rabbiyow, igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
108 Rabbiyow, waan ku baryayaaye, aqbal qurbaannada ikhtiyaarka ah oo afkayga,
Xukummadaadana i bar.
109 Naftaydu had iyo goorba waxay ku jirtaa khatar,
Habase yeeshee sharcigaaga ma illoobo.
110 Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin,
Laakiinse amarradaada kama aan amban.
111 Markhaatifurkaaga waxaan u qaatay sida dhaxal weligiis waaraya,
Waayo, kaasu waxa weeye waxa qalbigaygu ku reyreeya.
112 Qalbigayga waxaan u jeediyey inaan qaynuunnadaada oofiyo,
Tan iyo weligay iyo ilaa ugu dambaysta.
SAMEKH.
113 Waan necbahay kuwa labada qalbi leh,
Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
114 Waxaad tahay gabbaadkayga iyo gaashaankayga,
Oo waxaan rajo ku qabaa eraygaaga.
115 Kuwiinna xumaanta falow, iga taga,
Si aan amarrada Ilaahayga u xajiyo.
116 Rabbiyow, ii tiiri si eraygaaga waafaqsan si aan u noolaado,
Oo yaanan rajadayda ku ceeboobin.
117 Kor ii hay, oo waan badbaadi doonaa,
Oo had iyo goorba waxaan u fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
118 Kuwa qaynuunnadaada ka habaabay oo dhan waad fudaydsatay,
Waayo, khiyaanadoodu waa wax been ah.
119 Kuwa sharka leh oo dhulka oo dhan waxaad u fogaysaa sida wasakh oo kale,
Oo sidaas daraaddeed baan markhaatifurkaaga u jeclahay.
120 Jidhkaygu wuxuu la gariiraa cabsidaada,
Oo waxaan ka baqaa xukummadaada.
Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid.
81 Aad ugu gabya Ilaaha xooggeenna ah,
Oo farxad ugu qayliya Ilaaha Yacquub.
2 Sabuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka,
Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda.
3 Buunka afuufa markay bishu dhalato,
Iyo markuu dayaxu caddo buuxda yahay, iyo maalinta iiddeenna quduuska ah.
4 Waayo, taasu qaynuun bay u tahay reer binu Israa'iil,
Waana amar ka yimid Ilaaha Yacquub.
5 Oo wuxuu reer Yuusuf dhexdooda ka dhigay markhaati,
Markii uu dalkii Masar ku soo baxay,
Halkaas oo aan ka maqlay af aanan aqoon.
6 Garbihiisa waxaan ka qaaday culaabtii saarnayd,
Gacmihiisana waxaa laga xoreeyey dambiishii.
7 Waad ii dhawaaqatay markii dhib kuu yimid, oo anna waan ku soo samatabbixiyey,
Waxaan kaaga jawaabay onkodka meeshiisa qarsoon,
Oo waxaan kugu tijaabiyey biyihii Meriibaah. (Selaah)
8 Dadkaygiiyow, bal i maqla,
Oo anna waan idiin digi doonaa,
Reer binu Israa'iilow, bal haddaad i maqli lahaydeen!
9 Waa inaan ilaah qalaad idinku dhex jirin,
Oo waa inaydaan innaba ilaah qalaad caabudin.
10 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah,
Oo kaa soo bixiyey dalkii Masar,
Afkaaga aad u kala qaad, oo anna waan buuxin doonaa.
11 Laakiinse dadkaygii ma ay dhegaysan codkaygii,
Oo reer binu Israa'iilna ima aqbalin.
12 Sidaas daraaddeed waxaan u daayay inay ku socdaan madaxadayggooda.
Si ay taladooda ugu socdaan.
13 Bal may dadkaygu i dhegaystaan,
Oo reer binu Israa'iil bal may jidkayga ku socdaan!
14 Oo waxaan haddiiba jebin lahaa cadaawayaashooda,
Oo gacantaydana waan ku jeedin lahaa colkooda.
15 Kuwa Rabbiga necebu waxay hoos geli lahaayeen isaga,
Laakiinse wakhtigoodu weligiis wuu waari lahaa.
16 Oo weliba wuxuu iyaga ku quudin lahaa sarreenka ugu wanaagsan,
Oo waxaan ka dhergin lahaa malabka dhagaxa ka soo baxa.
Kanu waa sabuur uu Aasaaf tiriyey.
82 Ilaah wuxuu dhex istaagaa ururka Ilaah,
Oo wuxuu wax ku xukumaa ilaahyada dhexdooda,
2 Ilaa goormaad xaqdarro wax ku xukumaysaan?
Oo ilaa goormaad kuwa sharka leh u eexanaysaan? (Selaah)
3 Miskiinka iyo agoonka gar siiya,
Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka.
4 Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan,
Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh.
5 Iyagu waxba ma yaqaaniin, waxna garan maayaan,
Oo gudcur bay hor iyo dib ugu socdaan,
Dhulka aasaaskiisii oo dhammu waa wada dhaqdhaqaaqay.
6 Waxaan idhi, Idinku waxaad tihiin ilaahyo,
Oo dhammaantiin waxaad tihiin Ilaaha uga sarreeya wiilashiisii.
7 Habase yeeshee waxaad u dhiman doontaan sida dadka oo kale,
Oo waxaad u dhici doontaan sida amiirrada midkood.
8 Ilaahow, sara joogso oo dhulka xukun,
Waayo, waxaad dhaxli doontaa quruumaha oo dhan.
19 Haddaba Gidcoon iyo boqolkii nin oo la jiray waxay yimaadeen meeshii xerada ku wareegsanayd, dhankii ugu fogaa, oo markaasna waxay ahayd habeenbadhkii goorta waardiyaha cusub la saaro; oo waxay afuufeen buunankii, jalxadihii gacmahooda ku jirayna way burburiyeen. 20 Markaasay saddexdii guutoba buunankii afuufeen, oo jalxadihiina way burburiyeen, oo qoryihii ololayayna waxay ku wada qabsadeen gacanta bidix, buunankiina gacanta midig inay afuufaan, oo waxay ku wada qayliyeen, Seeftii Rabbiga iyo Gidcoon. 21 Oo iyana nin waluba wuxuu istaagay meeshiisii iyagoo xerada ku wareegsan; markaasaa ciidankii oo dhammu wada yaacay; wayna qayliyeen oo carareen. 22 Oo iyana waxay afuufeen saddexdii boqol oo buun, markaasaa Rabbigu wuxuu nin walba ku kiciyey saaxiibkiis iyo ciidankii oo dhan; oo ciidankiina wuxuu sii cararayay ilaa Beytshitah oo ah xagga Sereeraad, iyo tan iyo xuduudka Aabeel Mehoolaah oo u dhow Tabbaad. 23 Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay isaga soo urureen reer Naftaali, iyo reer Aasheer, iyo reer Manaseh oo dhan, oo waxay eryoodeen reer Midyaan. 24 Markaasaa Gidcoon wargeeyayaal u diray dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Dhaadhaca, oo ka hor taga reer Midyaan, oo waxaad ka hor qabsataan biyaha ku jira tan iyo Beytbaaraah, iyo xataa Webi Urdun. Markaasay raggii reer Efrayim oo dhammu soo urureen oo waxay qabsadeen biyihii ku jiray tan iyo Beytbaaraah, iyo xataa Webi Urdun. 25 Oo waxay gacanta ku dhigeen labadii amiir oo reer Midyaan, oo ahaa Cooreeb iyo Se'eeb; oo markaasay Cooreeb ku dileen dhagaxii Cooreeb, oo Se'eebna waxay ku dileen macsaraddii Se'eeb, wayna sii eryoodeen reer Midyaan; markaasay madaxyadii Cooreeb iyo Se'eeb Gidcoon ugu keeneen Webi Urdun shishadiisa.
Sebah Iyo Salmunnac
8 Oo raggii reer Efrayim waxay Gidcoon ku yidhaahdeen, War maxaad waxan noogu samaysay, oo aad noogu yeedhi weyday, markaad u soo kacday inaad reer Midyaan la dagaallanto? Oo aad iyo aad bay u canaanteen isagii. 2 Oo isna wuxuu ku yidhi, Haddaba maxaan sameeyey oo u qalma waxaad samayseen? Ururinta dambe oo canabka reer Efrayim sow kama wanaagsana ururinta hore oo canabka reer Abiiceser? 3 Ilaah wuxuu gacanta idiin geliyey amiirradii reer Midyaan oo ahaa Cooreeb iyo Se'eeb; haddaba maxaan samayn karay oo u qalma waxaad samayseen? Oo markuu sidaas ku yidhi ayaa ciilkay u qabeen ka baxay. 4 Markaasay Gidcoon iyo saddexdii boqol oo nin ee la socotay isaga yimaadeen Webi Urdun, wayna ka gudbeen, oo in kastoo ay daalanaayeen weliba wax bay eryoonayeen. 5 Markaasuu dadkii reer Sukod ku yidhi, Waan idin baryayaaye, dadka ila socda kibis siiya, waayo, way daalan yihiin, oo anna waxaan eryoonayaa boqorrada reer Midyaan oo ah Sebah iyo Salmunnac. 6 Markaasaa amiirradii reer Sukod waxay ku yidhaahdeen, Sebah iyo Salmunnac miyey haatan gacantaada ku jiraan aannu colkaaga cunto siinnee? 7 Markaasaa Gidcoon wuxuu yidhi, Waa hagaag ee markii Rabbigu ii soo gacangeliyo Sebah iyo Salmunnac ayaan hilibkiinna ku jeexjeexi doonaa qodxanta cidlada iyo gocondhada. 8 Markaasuu intuu halkaas ka tegey ayuu u kacay xagga reer Fenuu'eel, sidii oo kaluu ku yidhi; oo raggii reer Fenuu'eel waxay ugu jawaabeen sidii ay reer Sukod ugu jawaabeen oo kale. 9 Kolkaasuu haddana wuxuu la hadlay raggii reer Fenuu'eel oo wuxuu ku yidhi, Markaan soo nabad noqdo ayaan dumin doonaa munaaraddan.
10 Haddaba Sebah iyo Salmunnac waxay joogeen Qarqor, iyaga iyo ciidammadoodii, oo waxay ku dhowaayeen shan iyo toban kun oo nin, oo intaasuna waxay ahayd intii ka hadhay ciidankii reer bariga oo dhan; waayo, waxaa ka la'day boqol iyo labaatan kun oo nin oo seefqaad ah. 11 Kolkaasaa Gidcoon u kacay xagga kuwii teendhooyinka degganaa oo ku jiray meel bari ka xigta Nobax iyo Yaagbehaah, oo wuxuu laayay ciidankii, maxaa yeelay, ciidanku nabad buu u fadhiyey. 12 Oo Sebah iyo Salmunnac way carareen, oo isna wuu eryooday, wuuna soo qabsaday labadii boqor oo reer Midyaan oo ahaa Sebah iyo Salmunnac, oo ciidankii oo dhanna wuu ka nixiyey.
Wacdigii Butros Ka Dhex Wacdiyey Macbudka
12 Markuu Butros dadkii arkay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, Maxaad waxan ula yaabsan tihiin, ama maxaad sidaas noogu fiirinaysaan sidii annagoo xooggayaga ama cibaadadayada ku socodsiinnay isaga? 13 Ilaaha Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub, oo ahaa Ilaaha awowayaasheen, wuxuu ammaanay Midiidinkiisii Ciise, kii aad gacangeliseen oo aad Bilaatos hortiisa ku diideen markuu goostay inuu sii daayo. 14 Laakiin idinku waxaad diideen Kan Quduuska iyo Xaqaba ah, oo waxaad weyddiisateen nin dhiig qaba in laydiin sii daayo, 15 oo waxaad disheen Amiirkii nolosha, kan Ilaah ka sare kiciyey kuwii dhintay, annaguna markhaatiyaal baannu ka nahay. 16 Magiciisa ayaa xoogsiiyey kan aad arkaysaan oo garanaysaan, rumaysadka uu magiciisa ku rumaystay aawadiis. Rumaysadka uu ku rumaystay isaga ayaa ninkan idinka oo dhan hortiinna ku siiyey caafimaadkan.
17 Waxaanan ogahay, walaalayaalow, inaad tan aqoonla'aan u samayseen, sidii madaxdiinnuba yeeshay oo kale. 18 Laakiin Ilaah sidaasuu u dhammeeyey waxyaalihii uu hore uga sheegay afafkii nebiyada oo dhan oo ahaa in Masiixu silci doono. 19 Haddaba toobadkeena oo soo noqda, si dembiyadiinna loo tirtiro, si ay wakhtiyo qabowjis lihii uga yimaadaan Rabbiga hortiisa, 20 oo uu soo diro Ciise Masiix, kii uu hore idiinku doortay, 21 kan ay waajibka tahay inay samadu aqbasho tan iyo wakhtiyada la soo celinayo wax walba oo Ilaah kaga hadlay afkii nebiyadiisii quduuska ahaa tan iyo bilowgii. 22 Muuse wuxuu yidhi, Rabbiga Ilaaha ahu wuxuu walaalihiinna dhexdooda idiinka kicin doonaa nebi anoo kale ah. Waa inaad isaga ka dhegaysataan wax kastuu idinku yidhaahdo. 23 Waxay noqon doontaa in naf kastoo aan nebigaas dhegaysan dadka laga dhex saari doono oo la baabbi'in doono. 24 Nebiyadii oo dhan tan iyo Samuu'eel iyo kuwii ka dambeeyey, in alla intii hadashay, waxay wada sheegeen maalmahan. 25 Waxaad tihiin wiilashii nebiyada iyo wiilashii axdigii Ilaah la dhigtay awowayaashiin, markuu Ibraahim ku yidhi, Qabiilooyinka dunida oo dhammu farcankaagay ku barakoobi doonaan. 26 Ilaah markuu Midiidinkiisii kiciyey, idinkuu markii hore idiin soo diray inuu idin barakeeyo markuu midkiin kasta dembiyadiisa ka soo jeediyo.
29 Maalintii labaad Yooxanaa wuxuu arkay Ciise oo ku soo socda, oo wuxuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah ee dembiga dunida qaadaya. 30 Kanu waa kii aan idhi, Waxaa iga daba imanaya nin iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray. 31 Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin inuu Israa'iil u soo muuqdo sidaa daraaddeed ayaan u imid anigoo dadka biyo ku baabtiisa. 32 Yooxanaa waa marag furay isagoo leh, Waxaan arkay Ruuxa oo samada uga soo degaya sidii qoolley oo kale, wuuna dul joogsaday isagii. 33 Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin kii ii soo diray inaan dadka biyo ku baabtiiso, wuxuu igu yidhi, Kii aad ku aragtid Ruuxa oo ku soo degaya oo ku dul joogsanaya, kaasu waa kan dadka ku baabtiisa Ruuxa Quduuska ah. 34 Anigu waan arkay, waana u marag furay in kanu yahay Wiilka Ilaah.
Xertii Ugu Horraysay
35 Mar kale maalintii dambe Yooxanaa waa taagnaa isaga iyo laba xertiisa ahayd. 36 Oo wuxuu arkay Ciise oo socda, markaasuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah. 37 Labadii xerta ahaydna way maqleen isagoo hadlaya, wayna raaceen Ciise. 38 Markaasaa Ciise soo jeestay, waana arkay iyagoo raacaya, kolkaasuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan? Waxay ku yidhaahdeen, Rabbi (waxaa lagu fasiraa Macallin), Xaggee baad deggan tahay? 39 Wuxuu ku yidhi, Kaalaya oo arka, Markaasay yimaadeen oo arkeen meeshuu degganaa, wayna la joogeen maalintaas. Goortaas waxay ahayd abbaaraha saacaddii tobnaad. 40 Mid ka mid ah labadii maqashay Yooxanaa oo raacday, wuxuu ahaa Andaros, Simoon Butros walaalkiis. 41 Isagu wuxuu hortii doonay walaalkiis Simoon oo ku yidhi, Waannu helnay Masiixa (kan lagu fasiro Kiristooska). 42 Markaasuu wuxuu u geeyey Ciise. Ciisena intuu eegay ayuu wuxuu ku yidhi, Adigu waxaad tahay Simoon ina Yoonis. Waxaa lagu odhan doonaa Keeyfas (oo fasirkiisu yahay Butros).
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya