Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Yoonad elem rexoqiim. Wuxuuna tiriyey markii reer Falastiin ay isaga Gad ku qabteen.
56 Ilaahow, ii naxariiso, waayo dad baa waxay doonayaan inay i liqaan;
Maalinta oo dhan isagoo diriraya ayuu i dulmaa.
2 Cadaawayaashaydu maalinta oo dhan waxay doonayaan inay i liqaan,
Waayo, kuwa kibirka igula diriraa waa tiro badan yihiin.
3 Markaan cabsado,
Waan isku kaa hallaynayaa.
4 Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa,
Waayo, Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo,
Haddaba bal binu-aadmigu muxuu igu samayn karaa?
5 Maalinta oo dhan erayadayda way qalloociyaan,
Fikirradooda oo dhammu waa igu col si ay shar iigu sameeyaan.
6 Way isa soo wada urursadaan, oo way dhuuntaan,
Oo waxay fiirsadaan tallaabooyinkayga,
Markay gaadayaan naftayda.
7 Iyagu ma xumaan bay ku baxsan doonaan?
Ilaahow, dadyowga adoo cadhaysan hoos u tuur.
8 Waad og tahay warwareeggayga,
Bal ilmadayda qaruuraddaada ku shub,
Waayo, miyaanay buuggaaga ku qorrayn?
9 Markaasaa cadaawayaashaydu dib u noqon doonaan maalinta aan kuu yeedho,
Waayo, waxaan ogahay in Ilaah ila jiro.
10 Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa,
Oo Rabbigana caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa.
11 Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo,
Haddaba bal dad muxuu igu samayn karaa?
12 Ilaahow, nidarradaada waan qabaa,
Oo waxaan kuu bixinayaa qurbaanno mahadnaqid ah.
13 Waayo, naftaydaad ka samatabbixisay dhimasho,
Sow cagahayga dhicitin kama aad samatabbixin?
Inaan Ilaah hortiisa ku socdo
Iftiinka kuwa nool.
Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed. Wuxuuna tiriyey markii uu Saa'uul ka cararay, oo uu godka galay.
57 Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso,
Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa,
Haah, waxaan magangeli doonaa hooska baalashaada,
Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.
2 Waxaan u qayshanayaa Ilaaha ugu sarreeya,
Oo ah Ilaaha wax kasta ii sameeya.
3 Isagu samaduu caawimaad ka soo diri doonaa, wuuna i badbaadin doonaa,
Markuu kan i liqi lahaa i caayo, (Selaah)
Ilaah wuxuu soo diri doonaa naxariistiisa iyo runtiisa.
4 Naftaydu waxay ku dhex jirtaa libaaxyo,
Oo anigu waxaan dhex jiifaa kuwo dab lagu shiday,
Kuwaasoo ah binu-aadmiga oo ilkahoodu yihiin warmo iyo fallaadho,
Oo carrabkooduna yahay seef af badan.
5 Ilaahow, samooyinka ka sara mar,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.
6 Dabin bay cagahayga u diyaariyeen,
Oo naftaydii baa foororsatay,
Oo waxay hortayda ka qodeen god,
Oo iyaga qudhoodii baa ku dhex dhacay. (Selaah)
7 Qalbigaa ii fadhiya, Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya,
Haddaba waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan ku gabyi doonaa.
8 Naftaydoy, toos, shareerad iyo kataaradoy, toosa,
Aniga qudhayduna waxaan toosi doonaa aroor hore.
9 Sayidow, dadyowga dhexdooda ayaan kaaga mahadnaqi doonaa,
Oo quruumaha dhexdooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa.
10 Waayo, naxariistaadu waa weyn tahay oo waxay gaadhaa samooyinka,
Oo runtaaduna waxay gaadhaa daruuraha.
11 Ilaahow, samooyinka ka sara mar,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.
Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed
58 Hubaal xaqnimada aamusnaan ma ku sheegtaan?
Binu-aadmigow, si qumman wax ma u xukuntaan?
2 Hubaal qalbiga waxaad ka samaysaan xumaato,
Oo waxaad ka fikirtaan dulmiga gacmihiinna oo aad dhulka ku samaysaan.
3 Kuwa sharka lahu waxay qalaad ku noqdaan uurkii hooyadood,
Oo mar alla markii ay dhashaan ayay habaabaan iyagoo been sheegaya.
4 Suntoodu waa sida abeesada waabaydeeda oo kale,
Iyagu waa sida jilbis dhega la' oo dhegihiisa fureeya,
5 Kaasoo aan maqlin codka saaxiriinta,
Iyagoo si caqli ah u sixraya.
6 Ilaahow, ilkahooda afkooda ku dhex burburi,
Rabbiyow, libaaxyada aaranka ah miciyahooda jejebi.
7 Ha u dhalaaleen sida biyo aad u durduraya.
Markuu fallaadhihiisa wax ku liishaamo, ha noqdeen sida wax kala jabay.
8 Ha noqdeen sida alalaxayda dhalaasha oo iska baabba'da,
Iyo sida dhicis naageed oo aan qorraxda arkin.
9 Intaan dheryihiinnu qodxaha taaban,
Ayuu kuwa qoyan iyo kuwa ololayaba ku kala firdhin doonaa dabayl cirwareen ah.
10 Kan xaqa ahu wuu rayrayn doonaa markuu arko aargudashada,
Oo wuxuu ku cago maydhan doonaa kan sharka leh dhiiggiisa.
11 Sidaas daraaddeed dadku wuxuu odhan doonaa, Hubaal kii xaq ahu abaalgud buu leeyahay,
Hubaal waxaa jira Ilaah dhulka xukuma.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
64 Ilaahow, codkayga maqal markii aan kuu soo cawdo,
Oo naftayda ka ilaali cadowga cabsidiisa.
2 Oo iga qari talada qarsoon oo kuwa sharka ka shaqeeya,
Iyo tirabadnaanta xumaanfalayaasha,
3 Oo carrabkooda u afeeyey sidii seef oo kale,
Oo fallaadhahoodii liishaamay kuwaas oo ah erayo qadhaadh,
4 Si ay meelo qarsoon kan qumman fallaadh ugaga ganaan,
Haddiiba si kedis ah ayay ugu ganaan, mana cabsadaan.
5 Qasdi shar ah bay isku dhiirrigeliyaan,
Waxay ku arrinsadaan inay si qarsoon dabinno u dhigaan,
Oo ay isyidhaahdaan, Bal yaa arki doona?
6 Waxay baadhaan xumaatooyin, iyagoo leh, Annagu baadhid caqli ah ayaannu ebinnay,
Fikirka ku jira uurka nin walba iyo qalbiguba waa mool dheer yihiin.
7 Laakiinse Ilaah waa toogan doonaa,
Oo haddiiba iyaga waxaa dhaawici doonta fallaadh.
8 Sidaas daraaddeed waa la kufin doonaa, iyagoo carrabkoodu col u yahay naftooda,
Wax alla wixii iyaga arka oo dhammu way carari doonaan.
9 Oo dadka oo dhammu way cabsan doonaan,
Oo waxay sheegi doonaan shuqulka Ilaah,
Oo si caqli ah ayay uga fikiri doonaan wuxuu sameeyey.
10 Kuwa xaqa ahu waxay ku farxi doonaan Rabbiga, oo isagay isku hallayn doonaan,
Oo inta qalbigoodu toosan yahay oo dhammuna way faani doonaan.
Kanu waa sabuur gabay ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
65 Ilaahow, ammaan baa Siyoon kugu sugaysa,
Oo nidarkana waa in adiga laguu oofiyo.
2 Kaaga baryootanka maqlow,
Dadka oo dhammu adigay kuu iman doonaan.
3 Waxaa iga adkaada xumaatooyin,
Xadgudubkayagase waad naga nadiifin doontaa.
4 Waxaa barakaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado,
Inuu degganaado barxadahaaga.
Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga,
Kaas oo ah meesha quduuska ah oo macbudkaaga.
5 Ilaaha badbaadadayadow,
Waxyaalo cabsi badan ayaad xaqnimo noogu jawaabi doontaa,
Waxaad tahay kalsoonida kuwa dunida darfaheeda oo dhan,
Iyo kuwa badda fogba,
6 Kaas oo xooggiisa buuraha ku adkeeya,
Isagoo dhexda xoog ku xidhay.
7 Wuxuu aamusiiyaa guuxa badaha, iyo guuxa hirarkooda,
Iyo dadyowga buuqooda.
8 Oo weliba kuwa dhulka meelaha ugu fog deggan waxay ka cabsadaan calaamooyinkaaga,
Oo adigu waad ka farxisaa meelaha ay subaxda iyo fiidkaba ka baxaan.
9 Dhulka waad soo booqataa, oo waad biyaysaa,
Oo aad baad u barwaaqaysaa,
Webiga Ilaahna biyaa ka buuxa,
Waxaad iyaga siisaa hadhuudh, markii aad dhulka sidaas u diyaarisay.
10 Adigu beerta jeexjeexeeda aad baad u waraabisaa,
Oo waxaad dejisaa jeexjeexa tuurahooda,
Oo tiixtiix baad ku jilcisaa,
Oo waxa ka soo baxana waad barakaysaa.
11 Sannadda waxaad taaj uga dhigtaa wanaaggaaga,
Oo waddooyinkaagana waxaa ka tifqa subag.
12 Waxay ku tifqaan daaqa cidlada,
Oo buuruhuna waxay guntadaan farxad.
13 Berrimmada daaqu waxay huwadaan tirooyin adhyo ah,
Dooxooyinkana waxaa qariya hadhuudh,
Markaasay farxad la qayliyaan, oo weliba gabyaan.
16 Kolkaasaa dadkii waxay ugu jawaabeen, Ilaah ha naga fogeeyo inaannu Rabbiga ka tagno oo aannu u adeegno ilaahyo kale; 17 waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa kii innaga iyo awowayaasheenba inaga soo saaray dalkii Masar oo ahaa gurigii addoonsiga, oo isagu waa kii calaamooyinkaas waaweyn ku sameeyey horteenna oo inagu dhawrayay jidkii aan soo marnay oo dhan, oo inaga samatabbixiyey dadkii aynu soo dhex soconnay oo dhan. 18 Oo Rabbigu wuxuu horteenna ka eryay dadkii oo dhan, iyo xataa reer Amor oo dalka degganaa; oo sidaas daraaddeed annaguna waxaannu u adeegi doonnaa Rabbiga, maxaa yeelay, isagu waa Ilaahayo. 19 Markaasaa Yashuuca wuxuu dadkii ku yidhi, Rabbiga uma aad adeegi kartaan; waayo, isagu waa Ilaah quduus ah; oo waa Ilaah masayr[a] ah, oo isagu idinkama cafiyi doono xadgudubkiinna iyo dembiyadiinna toona. 20 Oo markuu wax wanaagsan idiin sameeyo dabadeed, haddaad Rabbiga ka tagtaan, oo aad u adeegtaan ilaahyo qalaad, de markaas wuu soo jeesan doonaa oo wax xun buu idinku samayn doonaa, oo wuu idin baabbi'in doonaa. 21 Markaasaa dadkii waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Maya; laakiinse annagu Rabbiga waannu u adeegi doonnaa. 22 Yashuucana wuxuu dadkii ku yidhi, Idinka qudhiinnaa isku marag furaya inaad doorateen Rabbiga oo aad isaga u adeegaysaan. Kolkaasay yidhaahdeen, Annagaa ka marag ah. 23 Kolkaasuu yidhi, Haddaba iska fogeeya ilaahyada qalaad oo idinku dhex jira, oo qalbigiinna u jeediya Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. 24 Markaasaa dadkii waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu u adeegi doonnaa Rabbiga Ilaahayaga ah, oo weliba codkiisaannu maqli doonnaa. 25 Taas daraaddeed maalintaas ayaa Yashuuca dadkii axdi la dhigtay, oo Shekem buu ugu dejiyey qaynuun iyo amar. 26 Markaasaa Yashuuca erayadan ku qoray kitaabkii sharcigii Ilaah; oo dhagax weyn buu qaaday, oo wuxuu hoos qotonshay geedkii ku ag yiil taambuugga quduuskaa oo Rabbiga. 27 Yashuucana wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Bal ogaada, dhagaxanaa inagu marag furi doonee; waayo, wuxuu maqlay erayadii Rabbiga oo uu inagula hadlay oo dhan; sidaas daraaddeed wuxuu idinku noqon doonaa marag, si aydnaan Ilaahiinna u inkirin.
Yashuuca Oo Lagu Aasay Dalkii La Ballanqaaday
28 Markaasaa Yashuuca dadkii kala diray oo nin waluba wuxuu tegey dalkii dhaxalkiisa ahaa. 29 Oo taas dabadeed addoonkii Rabbiga oo ahaa Yashuuca ina Nuun ayaa dhintay, isagoo jira boqol iyo toban sannadood. 30 Oo waxay ku aaseen dalkii uu dhaxalka u helay oo ahaa Timnad Serah oo ku tiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo xagga woqooyi ka xigta buurta Gacash. 31 Reer binu Israa'iilna Rabbigay u adeegi jireen waagii Yashuuca oo dhan, iyo waagii odayaashii ka nolol dambeeyey Yashuuca oo dhan, kuwaas oo ogaa kulli shuqulkii Rabbigu u sameeyey reer binu Israa'iil. 32 Oo lafihii Yuusuf oo reer binu Israa'iil ka soo saareen Masar, waxay ku aaseen Shekem taasoo ah dhulkii yaraa oo Yacquub ka iibsaday reer Xamoor oo ahaa Shekem aabbihiis oo uu ka siistay boqol gogo' oo lacag ah; oo meeshaasu waxay dhaxal u noqotay reer Yuusuf. 33 Oo Elecaasaar ina Haaruunna wuu dhintay, oo waxay isna ku aaseen buurtii wiilkiisa Fiinexaas oo isaga laga siiyey dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim.
Salaan
16 Waxaan idin barayaa walaasheen Foybi oo ah mid u adeegta kiniisadda ku taal Kenekhreya, 2 inaad iyada ku dhowaysaan Rabbiga, sida quduusiinta u eg, oo aad ku caawintaan wax kasta oo ay idiinka baahan tahay, waayo, iyaduba kuwa badan bay caawintay iyo xataa aniga qudhayda.
3 Igu salaama Bariska iyo Akula kuwa iila shaqeeya Ciise Masiix, 4 oo noloshayda aawadeed qoortooda u dhibay. Keligay uma mahadnaqayo, laakiinse kiniisadaha dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhammuna ay ku mahadnaqayaan. 5 Iguna salaama kiniisadda gurigooda ku jirta. Igu salaama gacaliyahay Ebaynetos, kan ah midhaha ugu horreeya ee Aasiya xagga Masiixa. 6 Maryanna igu salaama, tan aad idiinku dadaashay. 7 Igu salaama Andaronikos iyo Yuniyas oo xigaalkayga ah oo layla xidhay, kuwa caanka ku ah rasuullada dhexdooda, kuwa hortayna Masiixa ku jiray. 8 Ambaliyas, gacaliyahayga xagga Rabbigana igu salaama. 9 Urbanos kan Masiixa noola shaqeeya iyo gacaliyahay Istakhusna igu salaama. 10 Abellees kan Masiixu u bogayna igu salaama. Kuwa reer Aristobulosna igu salaama. 11 Xigaalkay Herodiyosna igu salaama. Iguna salaama kuwa reer Narkisos oo Rabbiga ku jira. 12 Tarufayna iyo Tarufoosa oo Rabbiga u shaqeeyana igu salaama. Gacaliso Bersis oo Rabbiga aad ugu shaqaysayna igu salaama. 13 Igu salaama Rufus kan Rabbigu doortay iyo hooyadiis oo hooyaday oo kale ah. 14 Igu salaama Asunkiritos, iyo Filegoon, iyo Hermees, iyo Batrobas, iyo Hermaas, iyo walaalaha iyaga la jooga. 15 Igu salaama Filologos, iyo Yulya, iyo Neere'us, iyo walaashiis, iyo Olumbas, iyo quduusiinta iyaga la jooga oo dhan. 16 Midkiinba midka kale ha ku salaamo dhunkasho quduus ah. Kiniisadihii Masiixa oo dhammu waa idin soo salaamayaan.
24 Bilaatos goortuu arkay inuusan waxba ka tari karin in rabshad kacdo maahee, ayuu biyo qaatay oo dadka hortooda ku gacmo dhaqday oo wuxuu yidhi, Anigu waan ka eedla'ahay ninkan xaqa ah dhiiggiisa. Idinku yeelkiinna. 25 Dadkii oo dhammu waa wada jawaabeen oo yidhaahdeen, Dhiiggiisu annaga iyo carruurtayadaba ha dul saarnaado. 26 Markaasuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.
Ciise Waa Lagu Qodbay Iskutallaabta(A)
27 Markaasaa taliyaha askartiisii waxay Ciise geeyeen guriga taliyaha, oo waxay isaga ku soo ururiyeen askartii oo dhan. 28 Dharkiisii ayay ka qaadeen oo waxay u geliyeen dhar guduudan. 29 Markaasay taaj qodxan uga taxeen oo madaxiisay saareen, cawsduurna gacantiisa midigtaa ayay u geliyeen, oo intay hortiisa jilba joogsadeen oo ku majaajiloodeen ayay waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow. 30 Wayna ku candhuufeen, markaasay cawsduurkii ka qaadeen oo madaxay kaga dhufteen. 31 Oo goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya