Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, si wax loogu xusuusto.
70 Ilaahow, soo dhaqso oo i samatabbixi,
Rabbiyow, soo dhaqso oo i caawi.
2 Kuwa doondoonaya inay naftayda iga qaadaan
Ha ceeboobeen oo ha wareereen,
Oo kuwa waxyeelladayda ku farxaana
Dib ha u noqdeen oo ha sharaf beeleen.
3 Kuwa Ahaa, Ahaa, lahu,
Ceebtooda dib ha ula noqdeen.
4 Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen,
Oo kuwa badbaadintaada jeceluna had iyo goorba ha yidhaahdeen,
Ilaah ha la weyneeyo.
5 Laakiinse miskiin iyo mid baahan baan ahay,
Ilaahow, ii soo dhaqso,
Waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga.
Rabbiyow, ha iga raagin.
71 Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa,
Yaanan weligay wareerin.
2 Xaqnimadaada igu samatabbixi oo i nabad geli,
Dhegta ii dhig, oo i badbaadi.
3 Ii noqo dhagax weyn oo rug ah, oo aan had iyo goorba ku noqnoqdo,
Waxaad amar ku bixisay in lay badbaadsho,
Waayo, adigu waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda.
4 Ilaahayow, iga badbaadi kan sharka leh gacantiisa,
Iyo gacanta xaqlaawaha iyo ninka nacabkaa.
5 Waayo, Sayidow Ilaahow, waxaad tahay rajadayda,
Oo waxaad tahay kii aan isku hallaynayay tan iyo yaraantaydii.
6 Tan iyo uurkii hooyaday adigaa i tiirinayay,
Waxaad tahay kii iga soo bixiyey uurkii hooyaday,
Had iyo goorba adigaan ku ammaani doonaa.
7 Anigu kuwo badan baan u ahay sidii wax yaab leh,
Laakiinse adigu waxaad ii tahay magangal xoog leh.
8 Maalin kasta waxaa afkayga ka buuxi doona
Ammaantaada iyo sharaftaada.
9 Ha i tuurin markaan gaboobo,
Oo ha i dayrin markaan itaal darnaado.
10 Waayo, cadaawayaashaydu waxay ka hadlaan wax igu saabsan,
Oo kuwa naftayda inay iga qaadaan doonayaana way wada arrinsadaan,
11 Oo waxay isyidhaahdaan, Ilaah baa dayriyey,
Haddaba ka daba taga oo qabta, waayo, ma jiro mid samatabbixinayaa.
12 Ilaahow, ha iga fogaan,
Ilaahayow, soo dhaqso oo i caawi.
13 Kuwa naftayda cadaawayaal ku ahu ha ceeboobeen oo ha baabba'een,
Oo kuwa waxyeelladayda doondoonayana ceeb iyo sharafdarro ha ku bateen.
14 Laakiinse anigu had iyo goorba wax baan rajaynayaa,
Oo weliba waan kuu sii ammaanayaa aad iyo aad.
15 Afkaygu wuxuu maalinta oo dhan ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, iyo badbaadintaada,
Waayo, anigu ma aqaan intay tiro le'eg yihiin.
16 Waxaan la imanayaa Sayidka Ilaahaa shuqulladiisa xoogga leh,
Oo waxaan ka hadli doonaa xaqnimadaada, taasoo ah taada oo keliya.
17 Ilaahow, wax baad i bari jirtay tan iyo yaraantaydii,
Oo ilaa haatanna waxaan caddayn jiray shuqulladaada yaabka badan.
18 Ilaahow, ha i dayrin, xataa markaan gaboobo oo madaxaygu cirroobo,
Jeeraan xooggaaga uga warramo farcanka dambe
Oo aan itaalkaaga uga sheekeeyo mid kasta oo hadda ka dib imanaya.
19 Ilaahow, xaqnimadaadu aad iyo aad bay u sarraysaa,
Ilaahow, adiga oo waxyaalaha waaweyn sameeyey,
Bal yaa kula mid ah?
20 Adiga oo na tusay dhibaatooyin badan oo aad u xun,
Ayaa haddana na noolayn doona,
Oo haddana waxaad naga soo saari doontaa dhulka moolkiisa.
21 Weynaantayda ii sii kordhi,
Oo intaad soo jeesatid i qalbi qabooji.
22 Ilaahow, waxaan kugu ammaani doonaa alaab muusiko ah,
Oo runtaadaan ammaani doonaa,
Israa'iil kiisa Quduuska ahow,
Waxaan ammaan kuugula gabyi doonaa kataarad.
23 Bushimahaygu aad bay ugu farxi doonaan, markaan ammaan kuugu gabyo,
Oo xataa naftaydii aad soo furatayna way rayrayn doonta.
24 Oo weliba carrabkayguna maalinta oo dhan wuxuu ka sheekayn doonaa xaqnimadaada,
Waayo, kuwa waxyeelladayda doondoonayaa way ceeboobaan, oo way isku wareeraan.
Kanu waa sabuur Maskiil ah oo Aasaaf tiriyey.
74 Ilaahow, bal maxaad weligaaba noo xoortay?
Oo bal maxaa cadhadaadu ugu kululaataa idaha daaqsintaada?
2 Bal soo xusuuso ururkaaga aad waa hore soo iibsatay,
Oo aad u soo furatay inay ahaadaan qabiilkaad dhaxashay,
Oo weliba Buur Siyoon oo aad degganaatana soo xusuuso.
3 Tallaabooyinkaaga u soo qaad xagga baabba'a weligiis ah,
Iyo xagga xumaanta uu cadowgu meesha quduuska ah ku sameeyey oo dhan.
4 Cadaawayaashaadii waxay ka qayliyeen shirkaaga dhexdiisa,
Oo waxay calaamad ahaan u qotonsadeen calammadoodii.
5 Waxay u ekaadeen sidii niman faasas u qaatay hawd jiq ah.
6 Haddaba shuqulkiisii la qoray oo dhan
Waxay ku wada dumiyaan gudmo iyo dubbayaal.
7 Meeshaada quduuska ah dab bay ku dhejiyeen,
Oo waxay wada nijaaseeyeen meeshii magacaaga hoyga u ahayd.
8 Waxay qalbigooda iska yidhaahdeen, Kaalaya aan dhammaantood baabbi'innee,
Waxay wada gubeen sunagogyadii Ilaah oo dalka ku dhex yiil oo dhan.
9 Annagu calaamadahayagii ma aragno,
Oo innaba mar dambe nebi ma jiro,
Dhexdayadana ma joogo mid garanaya ilaa goorma.
10 Ilaahow, ilaa goormaa cadowgu caytamayaa?
Cadowgu miyuu magacaaga caayayaa weligiisba?
11 Bal maxaad gacantaada midig dib ugu celisaa?
Laabtaada ka soo bixi oo iyaga baabbi'i.
12 Laakiinse Ilaah waa boqorkayga tan iyo waa hore,
Isagoo badbaadin ka dhex samaynaya dhulka.
13 Xooggaagaad badda ku kala qaybisay,
Oo masbadeedyada ku dhex jirana madaxaad ka jebisaa.
14 Waxaad kala burburisay madaxyada bahalbadeedyada oo Lewiiyaataan la odhan jiray,
Oo cunto ahaan ayaad u siisay dadkii cidlada degganaa.
15 Waxaad kala furtay ilo iyo durdurro,
Oo waxaad qallajisay webiyo waaweyn.
16 Maalinta adigaa iska leh, habeenkana adigaa iska leh,
Oo adigaa diyaariyey iftiinka iyo qorraxdaba.
17 Adigu waxaad samaysay dhulka soohdimihiisa oo dhan,
Oo adigaa sameeyey diraac iyo xagaaba.
18 Rabbiyow, xusuuso in cadowgu caytamay,
Iyo in dad nacas ahu magacaaga caayay.
19 Qoolleydaada nafteeda ha u gacangelin dugaagga,
Weligaaba ha illoobin nafta masaakiintaada,
20 Bal soo fiiri axdigaaga,
Dhulka meelihiisa gudcurka ah waxaa ka buuxa hoyaalka dulmiga.
21 Kuwa la dulmay yaanay dib u noqon iyagoo ceeboobay,
Miskiinka iyo kan baahanu magacaaga ha ammaaneen.
22 Ilaahow, sara joogso, oo dacwadaada u muddac.
Bal xusuuso siday dadka nacaska ahu maalinta oo dhan kuu caayaan.
23 Ha illoobin codka cadaawayaashaada,
Kuwa kugu kaca buuqoodu had iyo goorba wuu soo kacaa.
Kibis Biyo Dul Taal
11 Kibistaada biyaha korkooda ku tuur, waayo, maalmo badan dabadood waad heli doontaa. 2 Oo toddoba qaybood u kala qaybi iyo weliba siddeed, waayo, masiibada dhulka iman doonta garan maysid. 3 Haddii daruuruhu roob ka buuxsamaan, dhulkay ku soo daataan, oo haddii geed xagga koonfureed amase xagga woqooyi u dhaco, meeshuu u dhacay ayuu oolli doonaa. 4 Kii dabaysha eegaa waxba ma uu beeran doono, oo kii daruuraha fiiriyaana waxba ma goosan doono. 5 Sida aadan dabaysha jidkeeda u garanayn, ama aadan sida lafuhu ugu dhex samaysmaan naag uur leh maxalkeed u garanayn, saas oo kale ayaadan shuqulka Ilaaha wax walba sameeya u garanayn. 6 Iniinahaaga aroorta beero, oo fiidkana gacantaada ha ceshan, waayo, innaba garan maysid mid liibaani doona, kan ama kaas, iyo inay labadooduba isku si u wanaagsanaan doonaan iyo in kale.
Xusuuso Abuurahaaga Inta Aad Dhallinyar Tahay
7 Sida runta ah iftiinku waa macaan yahay, oo indhahana way u wanaagsan tahay inay qorraxda arkaan. 8 Haddii nin sannado badan noolaado, kulligood ha ku farxo, laakiinse ha xusuusto maalmaha gudcurka, waayo, iyagu way badnaan doonaan. Waxa imanaya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn.
Midhaha Ruuxa
16 Laakiin waxaan leeyahay, Ruuxa ku socda, kolkaas aydnaan damaca jidhka yeelayne. 17 Waayo, damaca jidhku waa ka gees Ruuxa, Ruuxuna waa ka gees jidhka, maxaa yeelay, kuwanu waa kala gees, si aydnaan u samayn waxyaalahaad doonaysaan. 18 Laakiinse haddii Ruuxu idin hoggaamiyo, sharciga kuma hoos jirtaan. 19 Shuqullada jidhku waa muuqdaan, waana kuwan, sino, wasakhnimo, dhillanimo, 20 sanamcaabudid, sixirnimo, cadownimo, dirir, masayr, xanaaq, is-ilaaq, iskala qaybqaybin, bidcinimo, 21 xaasidnimo, sakhraannimo, rabshooyin iyo waxyaalo la mid ah. Kuwaas waan idiinka digayaa, sidaan markii horeba idiinku sheegay, in kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeyaa ayan dhaxli doonin boqortooyada Ilaah. 22 Laakiin midhaha Ruuxu waa jacayl, farxad, nabad, dulqaadasho, roonaan, wanaag, aaminnimo, 23 qabownimo, iscelin; waxa caynkaas ah sharci ka gees ahu ma jiro. 24 Kuwa Ciise Masiix waxay iskutallaabta ku qodbeen jidhka iyo kacsigiisa xaaraanta ah iyo damacyadiisa sharka ah.
Butros Wuxuu Qiray Inuu Ciise Yahay Masiixa(A)
13 Ciise goortuu dhinacyada Kaysariya Filibos yimid ayuu xertiisii weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Dadku yay ku sheegaan Wiilka Aadanaha? 14 Waxay yidhaahdeen, Qaar waxay yidhaahdaan, Yooxanaa Baabtiisaha, qaarna Eliyaas, qaar kalena waxay yidhaahdaan, Yeremyaah, ama nebiyada midkood. 15 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? 16 Simoon Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad tahay Masiixa ah Wiilka Ilaaha nool. 17 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad barakaysan tahay Simoon ina Yoonis, waayo, bini-aadmi tan kuuma muujin, laakiin Aabbahayga jannada ku jira ayaa kuu muujiyey. 18 Anigu waxaan kugu leeyahay, Butros baad tahay, oo dhagaxan ayaan ka dul dhisan doonaa kiniisaddayda, oo albaabbadii Haadees kama adkaan doonaan. 19 Waxaan ku siin doonaa furayaasha boqortooyada jannada, oo wax alla wixii aad dhulka ku xidho ayaa jannada ku xidhnaan doona, oo wax alla wixii aad dhulka ku furto ayaa jannada ku furnaan doona. 20 Markaasuu xertii ku amray inaanay cidna u sheegin inuu Masiixa yahay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya