Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Yoonad elem rexoqiim. Wuxuuna tiriyey markii reer Falastiin ay isaga Gad ku qabteen.
56 Ilaahow, ii naxariiso, waayo dad baa waxay doonayaan inay i liqaan;
Maalinta oo dhan isagoo diriraya ayuu i dulmaa.
2 Cadaawayaashaydu maalinta oo dhan waxay doonayaan inay i liqaan,
Waayo, kuwa kibirka igula diriraa waa tiro badan yihiin.
3 Markaan cabsado,
Waan isku kaa hallaynayaa.
4 Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa,
Waayo, Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo,
Haddaba bal binu-aadmigu muxuu igu samayn karaa?
5 Maalinta oo dhan erayadayda way qalloociyaan,
Fikirradooda oo dhammu waa igu col si ay shar iigu sameeyaan.
6 Way isa soo wada urursadaan, oo way dhuuntaan,
Oo waxay fiirsadaan tallaabooyinkayga,
Markay gaadayaan naftayda.
7 Iyagu ma xumaan bay ku baxsan doonaan?
Ilaahow, dadyowga adoo cadhaysan hoos u tuur.
8 Waad og tahay warwareeggayga,
Bal ilmadayda qaruuraddaada ku shub,
Waayo, miyaanay buuggaaga ku qorrayn?
9 Markaasaa cadaawayaashaydu dib u noqon doonaan maalinta aan kuu yeedho,
Waayo, waxaan ogahay in Ilaah ila jiro.
10 Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa,
Oo Rabbigana caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa.
11 Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo,
Haddaba bal dad muxuu igu samayn karaa?
12 Ilaahow, nidarradaada waan qabaa,
Oo waxaan kuu bixinayaa qurbaanno mahadnaqid ah.
13 Waayo, naftaydaad ka samatabbixisay dhimasho,
Sow cagahayga dhicitin kama aad samatabbixin?
Inaan Ilaah hortiisa ku socdo
Iftiinka kuwa nool.
Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed. Wuxuuna tiriyey markii uu Saa'uul ka cararay, oo uu godka galay.
57 Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso,
Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa,
Haah, waxaan magangeli doonaa hooska baalashaada,
Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.
2 Waxaan u qayshanayaa Ilaaha ugu sarreeya,
Oo ah Ilaaha wax kasta ii sameeya.
3 Isagu samaduu caawimaad ka soo diri doonaa, wuuna i badbaadin doonaa,
Markuu kan i liqi lahaa i caayo, (Selaah)
Ilaah wuxuu soo diri doonaa naxariistiisa iyo runtiisa.
4 Naftaydu waxay ku dhex jirtaa libaaxyo,
Oo anigu waxaan dhex jiifaa kuwo dab lagu shiday,
Kuwaasoo ah binu-aadmiga oo ilkahoodu yihiin warmo iyo fallaadho,
Oo carrabkooduna yahay seef af badan.
5 Ilaahow, samooyinka ka sara mar,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.
6 Dabin bay cagahayga u diyaariyeen,
Oo naftaydii baa foororsatay,
Oo waxay hortayda ka qodeen god,
Oo iyaga qudhoodii baa ku dhex dhacay. (Selaah)
7 Qalbigaa ii fadhiya, Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya,
Haddaba waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan ku gabyi doonaa.
8 Naftaydoy, toos, shareerad iyo kataaradoy, toosa,
Aniga qudhayduna waxaan toosi doonaa aroor hore.
9 Sayidow, dadyowga dhexdooda ayaan kaaga mahadnaqi doonaa,
Oo quruumaha dhexdooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa.
10 Waayo, naxariistaadu waa weyn tahay oo waxay gaadhaa samooyinka,
Oo runtaaduna waxay gaadhaa daruuraha.
11 Ilaahow, samooyinka ka sara mar,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.
Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed
58 Hubaal xaqnimada aamusnaan ma ku sheegtaan?
Binu-aadmigow, si qumman wax ma u xukuntaan?
2 Hubaal qalbiga waxaad ka samaysaan xumaato,
Oo waxaad ka fikirtaan dulmiga gacmihiinna oo aad dhulka ku samaysaan.
3 Kuwa sharka lahu waxay qalaad ku noqdaan uurkii hooyadood,
Oo mar alla markii ay dhashaan ayay habaabaan iyagoo been sheegaya.
4 Suntoodu waa sida abeesada waabaydeeda oo kale,
Iyagu waa sida jilbis dhega la' oo dhegihiisa fureeya,
5 Kaasoo aan maqlin codka saaxiriinta,
Iyagoo si caqli ah u sixraya.
6 Ilaahow, ilkahooda afkooda ku dhex burburi,
Rabbiyow, libaaxyada aaranka ah miciyahooda jejebi.
7 Ha u dhalaaleen sida biyo aad u durduraya.
Markuu fallaadhihiisa wax ku liishaamo, ha noqdeen sida wax kala jabay.
8 Ha noqdeen sida alalaxayda dhalaasha oo iska baabba'da,
Iyo sida dhicis naageed oo aan qorraxda arkin.
9 Intaan dheryihiinnu qodxaha taaban,
Ayuu kuwa qoyan iyo kuwa ololayaba ku kala firdhin doonaa dabayl cirwareen ah.
10 Kan xaqa ahu wuu rayrayn doonaa markuu arko aargudashada,
Oo wuxuu ku cago maydhan doonaa kan sharka leh dhiiggiisa.
11 Sidaas daraaddeed dadku wuxuu odhan doonaa, Hubaal kii xaq ahu abaalgud buu leeyahay,
Hubaal waxaa jira Ilaah dhulka xukuma.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
64 Ilaahow, codkayga maqal markii aan kuu soo cawdo,
Oo naftayda ka ilaali cadowga cabsidiisa.
2 Oo iga qari talada qarsoon oo kuwa sharka ka shaqeeya,
Iyo tirabadnaanta xumaanfalayaasha,
3 Oo carrabkooda u afeeyey sidii seef oo kale,
Oo fallaadhahoodii liishaamay kuwaas oo ah erayo qadhaadh,
4 Si ay meelo qarsoon kan qumman fallaadh ugaga ganaan,
Haddiiba si kedis ah ayay ugu ganaan, mana cabsadaan.
5 Qasdi shar ah bay isku dhiirrigeliyaan,
Waxay ku arrinsadaan inay si qarsoon dabinno u dhigaan,
Oo ay isyidhaahdaan, Bal yaa arki doona?
6 Waxay baadhaan xumaatooyin, iyagoo leh, Annagu baadhid caqli ah ayaannu ebinnay,
Fikirka ku jira uurka nin walba iyo qalbiguba waa mool dheer yihiin.
7 Laakiinse Ilaah waa toogan doonaa,
Oo haddiiba iyaga waxaa dhaawici doonta fallaadh.
8 Sidaas daraaddeed waa la kufin doonaa, iyagoo carrabkoodu col u yahay naftooda,
Wax alla wixii iyaga arka oo dhammu way carari doonaan.
9 Oo dadka oo dhammu way cabsan doonaan,
Oo waxay sheegi doonaan shuqulka Ilaah,
Oo si caqli ah ayay uga fikiri doonaan wuxuu sameeyey.
10 Kuwa xaqa ahu waxay ku farxi doonaan Rabbiga, oo isagay isku hallayn doonaan,
Oo inta qalbigoodu toosan yahay oo dhammuna way faani doonaan.
Kanu waa sabuur gabay ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
65 Ilaahow, ammaan baa Siyoon kugu sugaysa,
Oo nidarkana waa in adiga laguu oofiyo.
2 Kaaga baryootanka maqlow,
Dadka oo dhammu adigay kuu iman doonaan.
3 Waxaa iga adkaada xumaatooyin,
Xadgudubkayagase waad naga nadiifin doontaa.
4 Waxaa barakaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado,
Inuu degganaado barxadahaaga.
Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga,
Kaas oo ah meesha quduuska ah oo macbudkaaga.
5 Ilaaha badbaadadayadow,
Waxyaalo cabsi badan ayaad xaqnimo noogu jawaabi doontaa,
Waxaad tahay kalsoonida kuwa dunida darfaheeda oo dhan,
Iyo kuwa badda fogba,
6 Kaas oo xooggiisa buuraha ku adkeeya,
Isagoo dhexda xoog ku xidhay.
7 Wuxuu aamusiiyaa guuxa badaha, iyo guuxa hirarkooda,
Iyo dadyowga buuqooda.
8 Oo weliba kuwa dhulka meelaha ugu fog deggan waxay ka cabsadaan calaamooyinkaaga,
Oo adigu waad ka farxisaa meelaha ay subaxda iyo fiidkaba ka baxaan.
9 Dhulka waad soo booqataa, oo waad biyaysaa,
Oo aad baad u barwaaqaysaa,
Webiga Ilaahna biyaa ka buuxa,
Waxaad iyaga siisaa hadhuudh, markii aad dhulka sidaas u diyaarisay.
10 Adigu beerta jeexjeexeeda aad baad u waraabisaa,
Oo waxaad dejisaa jeexjeexa tuurahooda,
Oo tiixtiix baad ku jilcisaa,
Oo waxa ka soo baxana waad barakaysaa.
11 Sannadda waxaad taaj uga dhigtaa wanaaggaaga,
Oo waddooyinkaagana waxaa ka tifqa subag.
12 Waxay ku tifqaan daaqa cidlada,
Oo buuruhuna waxay guntadaan farxad.
13 Berrimmada daaqu waxay huwadaan tirooyin adhyo ah,
Dooxooyinkana waxaa qariya hadhuudh,
Markaasay farxad la qayliyaan, oo weliba gabyaan.
Xigmadda
7 Magac wanaagsanu waa ka sii fiican yahay saliid qaali ah, oo maalinta dhimashaduna waa ka fiican tahay maalinta dhalashada. 2 In guriga diyaafadda la tago waxaa ka wanaagsan in guriga baroorashada la tago, waayo, taasaa dadka oo dhan u dambaysa, oo kuwa nooluna qalbigay taas gashan doonaan. 3 Qosol waxaa ka wanaagsan murug, waayo, qalbigu wuxuu ku wanaagsanaadaa wejiga caloolxumadiisa. 4 Qalbiga kuwa xigmadda lahu wuxuu ku jiraa guriga baroorashada, laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu ku jiraa guriga farxadda. 5 Nin intuu nacasyada gabaygooda maqli lahaa waxaa ka wanaagsan inuu canaanta kuwa xigmadda leh maqlo. 6 Waayo, qosolka nacasku waa sida qodxo dheri hoostiis ka jacjac leh, oo taasuna waa wax aan waxba tarayn. 7 Hubaal dulmigu nin xigmad leh wuu waalaa, oo laaluushkuna qalbiguu ka kharribaa. 8 Wax bilowgiisa waxaa ka wanaagsan dhammaadkiisa, oo kii dulqaadasho badanuna waa ka wanaagsan yahay kii kibir badan. 9 Xanaaq ha ku degdegin, waayo, xanaaqu wuxuu ku jiraa laabta nacasyada. 10 Ha odhan, Waayihii hore bal maxay kuwan uga fiicnaayeen? Waayo, xaalkan si caqliya u weyddiin maysid. 11 Xigmaddu sida dhaxal oo kale ayay u wanaagsan tahay, oo waa u faa'iido kuwa qorraxda arka. 12 Waayo, xigmaddu waxay wax u daafacdaa sida lacagtu wax u daafacdo oo kale, laakiinse aqoonta faa'iidadeedu waa in xigmaddu ay nabadgeliso kuwa iyada haysta. 13 Bal Ilaah shuqulkiisa ka fiirso, waayo, wixii uu isagu qalloociyey bal yaa toosin kara? 14 Maalintii aad barwaaqaysan tahay aad u faraxsanow, oo maalintii aad dhibaataysan tahayna aad u fiirso in Ilaah mid u sameeyey sida kan kale si uusan ninna u ogaan karin waxa isaga dabadiis jiri doona.
12 Waxaan idinka baryayaa, walaalayaalow, inaad noqotaan sida aan ahay, waayo, anba waxaan ahay sida aad tihiin. Waxba iguma aydnaan xumayn. 13 Laakiin waad og tihiin in itaaldarrada jidhka aawadeed aan markii ugu horraysay injiilka idinku wacdiyey. 14 Waxa ku saabsan jidhkayga oo idin jirrabay ma aydnaan quudhsan, mana aydnaan nicin, laakiin waxaad ii aqbasheen sidii malaa'ig Ilaah, xataa sidii Ciise Masiix. 15 Haddaba meeday farxaddiinnii? Waayo, waxaan idiinku markhaati furayaa inaad ii bixin lahaydeen indhihiinna oo aad i siin lahaydeen, hadday suurtowbi lahayd. 16 Haddaba cadowgiinnii miyaan noqday runta aan idiin sheego aawadeed? 17 Aad bay idinku doondoonayaan si aan wanaagsanayn, laakiin waxay doonaan inay idinka kaayo xidhaan, si aad idinku iyaga u doondoontaan. 18 Waa wanaagsan tahay in aad loo doondoono wixii wanaagsan had iyo goorba, oo ayan ahayn markaan idinla joogo oo keliya. 19 Carruurtaydiiyey, mar kalaan idin foolanayaa ilaa Masiix idinku dhex abuurmo. 20 Waxaan jeclaan lahaa inaan haatan idinla joogo oo aan codkayga beddelo, waayo, waan idinka shakiyayaa.
Bogsiintii Gabadhii Aan Yuhuudda Ahayn(A)
21 Ciise ayaa meeshaas ka baxay, oo dhinacyada Turos iyo Siidoon ayuu u leexday. 22 Oo naag reer Kancaan ah ayaa soohdimahaas ka soo baxday oo qaylisay iyadoo leh, Ii naxariiso, Sayidow, ina Daa'uudow. Gabadhayda jinni baa si xun u waalaya. 23 Laakiin hadal uguma uu jawaabin. Markaasaa xertiisii u timid oo ka bariday iyagoo leh, Eri, waayo, way inaga daba qaylinaysaa. 24 Laakiin wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, La iima soo dirin, idaha lunsan oo reer binu Israa'iil maahee. 25 Laakiin iyadu way u timid oo sujuudday, oo waxay tidhi, Sayidow, i caawi. 26 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Ma wanaagsana in carruurta kibistooda la qaado oo eeyaha loo tuuro. 27 Waxay tidhi, Waa run, Sayidow, laakiin weliba eeyahu waxay cunaan jajabka ka dhaca miiska sayidkooda. 28 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Naagtay, rumaysadkaagu waa weyn yahay ee ha kuu noqoto sidaad doonaysid. Oo saacaddaasba gabadheedii waa bogsatay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya