Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 72

Kanu waa sabuur uu Sulaymaan tiriyey.

72 Ilaahow, boqorka xukummadaada sii,
Oo wiilka boqorkana xaqnimadaada sii.
Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo,
Oo masaakiintaadana caddaalad.
Buuruhu waxay dadka u keeni doonaan nabad,
Kuruhuna waxay nabad ugu keeni doonaan xaqnimada.
Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa,
Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa,
Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa.
Way kaa cabsan doonaan inta qorraxdu jirto,
Iyo inta dayaxu jiro tan iyo ka ab ka ab.
Isagu wuxuu u soo degi doonaa sida roob caws la jaray ku dul hoora,
Iyo sida tiixyo dhulka biyeeya.
Wakhtigiisa ayaa kan xaqa ahu barwaaqoobi doonaa,
Oo nabadduna way badan doontaa tan iyo inta dayaxu aanu mar dambe jiri doonin.
Oo isagu wuxuu u talin doonaa bad ilaa ka bad,
Iyo tan iyo Webiga iyo ilaa dhulka darfihiisa.
Kuwa cidlada degganu hortiisay ku sujuudi doonaan;
Oo cadaawayaashiisuna ciidday leefleefi doonaan.
10 Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro,
Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado.
11 Haah, oo boqorrada oo dhammu hortiisay ku wada sujuudi doonaan,
Oo quruumaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan.
12 Waayo, isagu wuxuu samatabbixin doonaa kan baahan markuu qayliyo,
Iyo miskiinka aan mid caawiya lahayn.
13 Wuxuu u nixi doonaa miskiinka iyo kan baahan,
Oo kuwa baahan naftoodana wuu badbaadin doonaa.
14 Naftooduu ka furan doonaa khiyaano iyo dulmi,
Oo dhiiggooduna hortiisuu qaali ku ahaan doonaa,
15 Oo isagu wuu noolaan doonaa, oo waxaa la siin doonaa dahabka Shebaa;
Had iyo goorba dadku way u ducayn doonaan,
Oo weliba maalinta oo dhan isagay ammaani doonaan.
16 Oo dhulka waxaa jiri doona hadhuudh badan xagga buuraha dushooda,
Oo midhihiisuna waxay u soo ruxmi doonaan sida Lubnaan oo kale,
Oo kuwa magaalada joogaana waxay u barwaaqoobi doonaan sida doogga dhulka.
17 Magiciisu weligiis buu waari doonaa,
Magiciisu waa sii jiri doonaa in alla intay qorraxdu jirto;
Oo dadku way ku barakoobi doonaan isaga,
Quruumaha oo dhammuna waxay ugu yeedhi doonaan farxaan.
18 Mahad waxaa leh Rabbiga Ilaahaa oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil,
Oo keligiis sameeya waxyaalo yaab badan,
19 Magiciisa ammaanta badanu mahad ha lahaado weligiisba,
Oo dhulka oo dhanna ammaantiisu ha ka buuxsanto.
Aamiin iyo Aamiin.
20 Daa'uud ina Yesay baryootannadiisii way dhammaadeen.

Sabuurradii 119:73-96

YOD.

73 Waxaa i sameeyey oo i qabanqaabiyey gacmahaaga,
Haddaba i sii waxgarasho aan amarradaada ku barto.
74 Kuwa kaa cabsadaa way i arki doonaan, wayna farxi doonaan,
Maxaa yeelay, waxaan rajo ku qabay eraygaaga.
75 Rabbiyow, waan ogahay in xukummadaadu ay xaq yihiin,
Iyo inaad aaminnimo igu dhibtay.
76 Waan ku baryayaaye raxmaddaadu ha ii noqoto qalbiqaboojin
Si waafaqsan eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay.
77 Naxariistaadu ha ii timaado si aan u noolaado,
Waayo, waxaa iga farxiya sharcigaaga.
78 Kuwa kibirka lahu ha ceeboobeen, waayo, si gardarro ah ayay igu afgembiyeen,
Aniguse waxaan aad uga fiirsan doonaa amarradaada.
79 Kuwa kaa cabsadaa ha ii soo noqdeen,
Oo waxay ogaan doonaan markhaatifurkaaga.
80 Qalbigaygu qaynuunnadaada ha ku qummanaado,
Si aanan u ceeboobin.

KAF.

81 Naftaydu waa u taag darnaataa badbaadintaada aan u xiisoodo aawadeed,
Laakiinse eraygaagaan rajo ku qabaa.
82 Sidii aan u lahaa, Goormaad i qalbi qaboojinaysaa?
Ayaa indhahaygu u gudheen eraygaaga aawadiis.
83 Waayo, waxaan noqday sidii sibraar qiiq ku dhex jiro,
Laakiinse innaba qaynuunnadaada ma aan illoobo.
84 Anoo addoonkaaga ah cimrigaygu waa intee?
Oo goormaad xukun ku soo dejinaysaa kuwa i silciya?
85 Kuwa kibirka leh oo aan sharcigaaga waafaqsanayn
Ayaa ii qoday godad.
86 Amarradaada oo dhammu waa wada daacad,
Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,
87 Dhulka ayay iga baabbi'in gaadheen,
Aniguse kama aan tegin amarradaadii.
88 Raxmaddaada igu soo noolee,
Oo anna waxaan dhawri doonaa markhaatifurka afkaaga.

LAMED.

89 Rabbiyow, eraygaagu weligiisba
Wuxuu taagan yahay samada.
90 Aaminnimadaaduna waxay gaadhaa tan iyo ka ab ka ab;
Dhulkaad dhistay, wuuna sii jirayaa.
91 Maantadan waxay u joogaan si qaynuunnadaada waafaqsan,
Waayo, wax waluba waa addoommadaada.
92 Haddaanu sharcigaagu iga farxin,
Waxaan kol hore ku halligmi lahaa dhibaatadii i haysatay.
93 Weligay amarradaada ma aan illoobi doono,
Waayo, iyagaad igu soo noolaysay.
94 Anigu waxaan ahay kaaga, haddaba i badbaadi,
Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
95 Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan,
Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.
96 Waxaan arkay in wax kasta oo kaamil ah ay dhammaad leeyihiin,
Amarkaaguse aad buu u ballaadhan yahay.

Bilowgii 22:1-18

Tijaabadii Ibraahim

22 Oo waxaa dhacay waxyaalahaas ka dib, in Ilaah tijaabiyey Ibraahim, oo uu ku yidhi, Ibraahimow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan. Markaasuu ku yidhi, Hadda kaxee wiilkaaga keligiis ah, kan aad jeceshahay, oo ah Isxaaq, oo u kac dalka Moriyaah; oo halkaas isaga sida allabari la gubo ku dul bixi buuraha middood oo aan kuu sheegi doono. Oo aroortii horaa Ibraahim kacay, oo wuxuu kooraystay dameerkiisii, oo wuxuu kaxaystay laba ka mid ah dhallinyaradiisii, iyo wiilkiisii Isxaaq; qoryihiina allabariga la gubo wuu u jeexjeexay, wuuna kacay, oo wuxuu tegey meeshii Ilaah u sheegay. Maalintii saddexaad ayuu Ibraahim indhihiisa kor u taagay, markaasuu meeshii oo ka fog arkay. Ibraahimna wuxuu raggiisii dhallinyarada ahaa ku yidhi, Idinku halkan dameerka la jooga, aniga iyo wiilkuna halkoo baannu tegaynaa oo Ilaah ku soo caabudaynaa, dabadeedna waannu idinku soo noqonaynaa. Ibraahimna wuxuu qaaday qoryihii allabariga la gubo, oo wuxuu saaray wiilkiisii Isxaaq, isna wuxuu gacantiisa ku qaaday dabkii iyo mindidii; markaasay labadoodiiba israaceen. Isxaaqna waa la hadlay aabbihiis Ibraahim, oo yidhi, Aabbow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan, wiilkaygiiyow. Markaasuu ku yidhi, Bal eeg, waa kuwan dabkii iyo qoryihii, laakiinse meeh wankii allabariga la gubo loo bixin lahaa? Ibraahimna wuxuu yidhi, Ilaah qudhiisaa keeni doona wankii allabariga la gubo loo bixin lahaa, wiilkaygiiyow; saas daraaddeed labadoodiiba way israaceen. Oo waxay yimaadeen meeshii Ilaah isaga u sheegay; Ibraahimna meeshaasuu ka dhisay meeshii allabariga, qoryihiina wuu hagaajiyey, markaasuu xidhay wiilkiisii Isxaaq, oo meeshii allabariga saaray qoryihii dushooda. 10 Ibraahimna gacantiisii buu fidiyey, oo mindidii buu u qaaday inuu wiilkiisii dilo. 11 Markaasay malaa'igtii Rabbigu samada uga yeedhay isaga, oo waxay ku tidhi, Ibraahimow, Ibraahimow. Kolkaasuu yidhi, Waa i kan. 12 Markaasay ku tidhi, Gacantaada ha saarin wiilka, waxbana ha ku samaynin: waayo, hadda waan garanayaa inaad Ilaah ka cabsatid, maxaa yeelay, igama aadan lexejeclaysan wiilkaaga, kaas oo ahaa wiilkaaga keligiis ah. 13 Markaasaa Ibraahim indhihiisii kor u taagay, oo wax fiiriyey, oo wuxuu dabadiisa ku arkay wan geesaha kayn kula jira. Markaasaa Ibraahim tegey oo wankii soo kaxeeyey, oo wuxuu u bixiyey allabari guban meeshii wiilkiisa. 14 Ibraahimna meeshaas wuxuu u bixiyey [a]Yehowah Yireh; xataa ilaa maanta waxaa la yidhaahdaa, Buurta Rabbiga ayaa lagu arki doonaa. 15 Kolkaasaa mar labaad malaa'igtii Rabbigu Ibraahim samada uga yeedhay, 16 oo waxay ku tidhi, Rabbigu wuxuu yidhi, Waxan aad samaysay aawadood, iyo wiilkaaga aadan iga lexejeclaysan, kaas oo ah wiilkaaga keligiis ah aawadiis ayaan nafsaddayda ku dhaartay 17 inaan barako ku barakayn doono, oo aan farcankaaga u tarmin doono sida xiddigaha cirka, iyo sida cammuudda taal badda xeebteeda; oo uu farcankaaguna hantiyi doono cadaawayaashiisa iriddooda; 18 oo ay quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan farcankaaga, maxaa yeelay, codkaygaad addeecday.

Cibraaniyada 11:23-31

23 Muusena markuu dhashay, waalidkiis rumaysad bay ku qariyeen saddex bilood, maxaa yeelay, waxay arkeen inuu ilmo wanaagsan yahay, kamana ay cabsan amarkii boqorka. 24 Muuse markuu weynaaday rumaysad buu ku diiday in loogu yeedho wiilkii gabadha Fircoon. 25 Oo wuxuu ka doortay in lala silciyo dadkii Ilaah intuu wakhti yar dembi ku farxi lahaa; 26 isagoo ku tirinaya cayda lagu caayo Masiixa aawadiis inay ka qiimo weyn tahay maalka Masar, waayo, wuxuu filanayay abaalgudka. 27 Rumaysad buu kaga tegey Masar isagoo aan ka cabsanayn boqorka cadhadiisii, waayo, wuxuu u adkaystay sidii mid fiirinaya kan aan la arkin. 28 Rumaysad buu ku sameeyey Kormaridda iyo dhiigga rushayntiisii inuusan Baabbi'iyihii curadyadu iyaga taaban. 29 Rumaysad bay ku dhex mareen Badda Cas sidii dhul engegan, laakiin markay Masriyiintu saas isku dayeen, way liqday.

30 Derbiyadii Yerixoo rumaysad bay ku dumeen kolkii toddoba maalmood lagu warwareegay dabadeed. 31 Dhilladii Raxab rumaysadkeedii aawadiis lama ay halligmin kuwii caasiyiinta ahaa, maxaa yeelay, basaasyadii bay nabad ku dhowaysay.

Yooxanaa 6:52-59

52 Sidaa aawadeed Yuhuuddu way isla murmeen iyagoo leh, Kanu sidee buu jidhkiisa inoo siin karaa inaannu cunno? 53 Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddaydnan jidhkii Wiilka Aadanaha cunin oo dhiiggiisa cabbin nolosha kuma lihidin gudihiinna. 54 Oo kii jidhkayga cuna oo dhiiggayga cabba wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, oo maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa. 55 Waayo, runtii jidhkaygu waa cunto, dhiiggayguna runtii waa wax la cabbo. 56 Kii jidhkayga cuna oo dhiiggayga cabba wuu igu jiraa, anna waan ku jiraa isaga. 57 Sida Aabbaha nool ii soo diray, aniguna Aabbahaan u noolahay daraaddiis, sidaasaa kii i cunaa isaguna u nolaan doonaa daraadday. 58 Tanu waa kibista samada ka soo degtay, ma aha sida tii awowayaashiin cuneen oo ay dhinteen. Kii kibistan cunaa, weligiis wuu noolaan doonaa. 59 Waxyaalahaas ayuu [a]sunagogga kaga dhex hadlay intuu Kafarna'um wax ku barayay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya