Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 38

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey inuu wax ku xusuusto.

38 Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan,
Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
Waayo, fallaadhahaagii aad bay ii mudeen,
Oo gacantaaduna way igu soo degtay.
Jidhkaygu fayoobaan ma leh, waana xanaaqaaga daraaddiis,
Oo lafahayguna caafimaad ma leh, waana dembigayga daraaddiis.
Waayo, xumaatooyinkaygii waxay ka sare mareen madaxayga,
Sida rar culus ayay igu culus yihiin aad iyo aad.
Nabrahaygu way urayaan, wayna qudhmuun yihiin,
Waana nacasnimadayda daraaddeed.
Waan xanuunsanayaa, oo aad baan hoos ugu gotay,
Oo maalinta oo dhanna oohin baan la wareegaa.
Waayo, dhexdayda waxaa ka buuxa olol,
Oo jidhkayguna fayoobaan ma leh.
Waan itaal daranahay, oo aad baan u burbursanahay,
Oo waxaan la cabaaday buuqa qalbigayga ku jira.
Sayidow, waxaan jeclahay oo dhammu waxay yaalliin hortaada,
Oo taahiddayduna kaama qarsoona.
10 Wadnahaa i fig leh, oo xooggaygiina waa i gabay,
Oo weliba iftiinkii indhahayguna waa iga tegey.
11 Kuwa i jecel iyo saaxiibbadayba belaayadayda way ka durkaan,
Oo xigaaladaydiina meel fog bay istaagaan.
12 Oo kuwa naftayda doondoonaana dabinno bay ii dhigaan,
Oo kuwa inay wax i yeelaan doonayaana waxay ku hadlaan waxyaalo xun,
Oo maalinta oo dhan waxay ku tashadaan khiyaano.
13 Laakiinse anigu waxba kama maqlo sida nin dhega la',
Oo waxaan la mid ahay nin carrab la' oo aan afkiisa kala qaadin.
14 Haah, oo waxaan la mid ahay nin aan waxba maqlin,
Oo aan afkiisa murammo ku jirin.
15 Waayo, Rabbiyow, adaan wax kaa rajaynayaa,
Oo adna waad ii jawaabi doontaa, Sayidow Ilaahaygiiyow.
16 Waayo, waxaan idhi, Yaanay igu rayrayn,
Oo markii cagtaydu simbiriirixato, yaanay iska kay weynayn.
17 Waayo, waxaan ku dhowahay inaan dhaco,
Oo tiiraanyadayduna had iyo goorba way i hor taalaa.
18 Haddaba anigu xumaantayda waan sheegi doonaa,
Oo dembigaygana waan ka qoomamoon doonaa.
19 Laakiinse cadaawayaashaydu waa dadaal badan yihiin, xoogna way leeyihiin,
Oo kuwa gardarrada igu necebuna way tarmeen.
20 Oo weliba kuwa sharka wanaagga ku gudaana
Waa cadaawayaashayda, maxaa yeelay, waxaan raacaa waxa wanaagsan.
21 Rabbiyow, ha i dayrin,
Ilaahayow, ha iga fogaan.
22 Soo dhaqso oo i caawi,
Sayidow, badbaadadaydow.

Sabuurradii 119:25-48

DALED.

25 Naftaydu waxay ku dhegtaa ciidda,
Haddaba ii noolee si eraygaaga waafaqsan.
26 Waxaan kuu sheegay jidadkaygii, oo adna waad ii jawaabtay,
Bal qaynuunnadaada i bar.
27 Jidka amarradaada i garansii,
Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.
28 Naftaydu waxay la dhacdaa murug,
Haddaba ii xoogee si eraygaaga waafaqsan.
29 Jidka beenta iga fogee,
Oo si raxmad leh sharcigaaga ii sii.
30 Waxaan doortay jidka aaminnimadaada,
Oo waxaan hortayda dhigay xukummadaadii.
31 Markhaatifurkaaga waan xajiyaa,
Rabbiyow, ha i ceebayn.
32 Waxaan ku ordi doonaa jidka amarradaada
Markii aad qalbigayga ballaadhisid.

HE.

33 Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar,
Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.
34 Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa,
Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.
35 Igu kexee waddada amarradaada,
Waayo, kaasaan ku farxaa.
36 Qalbigayga u soo jeedi xagga markhaatifurkaaga,
Oo ha u leexin xagga faa'iidada xaqdarrada ah.
37 Indhahayga inay fiiriyaan wax aan micne lahayn ka sii jeedi,
Oo jidadkaaga igu noolee.
38 Eraygaaga ii xaqiiji anoo addoonkaaga ah
Oo doonaya inaan kaa cabsado.
39 Caydayda aan ka cabsanayo iga leexi,
Waayo, xukummadaadu waa wanaagsan yihiin.
40 Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada,
Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.

WAW.

41 Rabbiyow, naxariistaada iyo weliba badbaadintaadu
Ha iigu yimaadeen si eraygaaga waafaqsan.
42 Markaasaan jawaab u heli doonaa kan i caaya,
Waayo, waxaan isku halleeyaa eraygaaga.
43 Oo erayga runta ahna dhammaantiis afkayga ha ka gooyn,
Waayo, waxaan rajo ku qabay xukummadaada.
44 Markaasaan had iyo goorba dhawri doonaa sharcigaaga
Weligay iyo weligayba.
45 Oo waxaan ku socon doonaa xorriyad,
Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
46 Oo weliba waxaan markhaatifurkaaga ka sheegi doonaa boqorro hortooda,
Mana ceeboobi doono.
47 Oo waxaan ku farxi doonaa amarradaada
Aan jeclaaday.
48 Oo weliba waxaan gacmaha u hoorsan doonaa amarradaada aan jeclaaday,
Oo aad baan ugu fiirsan doonaa qaynuunnadaada.

Bilowgii 9:18-29

Wiilashii Nuux

18 Oo wiilashii Nuux oo doonnidii ka soo baxay, waxay ahaayeen Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed: Xaamna waa Kancaan aabbihiis. 19 Saddexdanu waxay ahaayeen wiilashii Nuux; oo iyagii farcankoodii baa dhulka oo dhan ku fiday.

20 Nuuxna wuxuu bilaabay inuu beerrey noqdo, oo wuxuu beertay canab. 21 Kolkaasuu wax ka cabbay khamrigeedii, wuuna sakhraamay; oo teendhadiisii dhexdeeda ayuu ku qaawanaa. 22 Oo Xaam, oo ahaa Kancaan aabbihiis, ayaa arkay qaawanaantii aabbihiis, kolkaasuu u sheegay labadii walaalihiis ahayd oo dibadda joogta. 23 Kolkaasaa Sheem iyo Yaafed dhar qaadeen, oo labadoodu garbahay saareen, oo dib dib u socdeen, kolkaasay qaawanaantii aabbahood ku dedeen, oo wejiyadooduna way sii jeedeen, mana ay arkin qaawanaantii aabbahood. 24 Nuuxna khamrigiisii wuu ka soo miyirsaday, wuuna ogaaday wixii wiilkiisa yaru ku sameeyey. 25 Kolkaasuu yidhi,

Inkaaru ha ku dhacdo Kancaan;
Addoonkii addoommaduu u noqon doonaa walaalihiis.

26 Oo wuxuu yidhi,

Ammaanu ha u ahaato Rabbiga ah Ilaaha Sheem,
Kancaanna addoon ha u noqdo.
27 Ilaah ha fidiyo Yaafed,
Hana dego teendhooyinka Sheem;
Kancaanna addoon ha u noqdo isaga.

28 Nuuxna daadka ka dib wuxuu sii noolaa saddex boqol iyo konton sannadood. 29 Wakhtigii Nuux noolaa oo dhammuna waxay ahaayeen sagaal boqol iyo konton sannadood; dabadeedna wuu dhintay.

Cibraaniyada 6:1-12

Taas daraaddeed aynu iska dayno ka hadlidda waxyaalihii ugu horreeyey ee Masiix, oo hore aynu ugu soconno kaamilnimada, oo yeynan mar kale dhigin aasaaska ka-toobadkeenidda shuqulladii dhintay, iyo iimaanka xagga Ilaah, iyo waxbaridda baabtiisyada, iyo gacmo-dul-saaridda, iyo sarakicidda kuwii dhintay, iyo xukunka weligiis ah. Oo tan waynu samayn doonnaa haddii Ilaah idmo. Kuwii mar loo iftiimiyey, oo hadiyaddii jannada dhadhamiyey, oo laga dhigay kuwa ka qayb galay Ruuxa Quduuskaa, oo dhadhamiyey eraygii wanaagsanaa ee Ilaah iyo xoogagga wakhtiga iman doona, oo dabadeedna dhacay, ma suurtowdo in loo cusboonaysiiyo toobadkeenidda, iyagoo mar kale Wiilka Ilaah iskutallaabta isugu qodbaya oo bayaan u ceebaynaya. Waayo, dhulka cabbay roobka marar badan ku dul da'a, oo u soo saara geedo u wanaagsan kuwii beeray, wuxuu Ilaah ka helaa barako, laakiin hadduu dhalo qodxan iyo yamaarug, waxtar ma leh, oo habaar buu ku dhow yahay, ugudambaystiisana waa in la gubaa.

Laakiin gacaliyayaalow, wax ka wanaagsan oo idinku saabsan ayaa lana aaminsiiyey iyo waxyaalaha badbaadada, in kastoo aannu sidan u hadalnay. 10 Waayo, Ilaah ma xaqdarra, mana illoobo shuqulkiinna iyo jacaylka aad magiciisa u qabtaan, maxaa yeelay, quduusiinta ayaad u adeegteen oo weli waad u adeegtaan. 11 Oo annagu waxaannu jecel nahay in midkiin kastaa muujiyo dadaalkaas oo kale tan iyo hubaasha rajada ilaa ugu dambaysta, 12 inaydnaan caajisiin noqon laakiin aad noqotaan kuwo ku dayda kuwa rumaysadka iyo dulqaadashada ku dhaxla ballamada.

Yooxanaa 3:22-36

Yooxanaa Baabtiisihii Mar Labaad Ayuu Ciise U Sii Marag Furay

22 Waxaas dabadeed Ciise iyo xertiisii waxay yimaadeen dalka Yahuudiya, oo meeshaas ayuu iyaga la joogay oo dad ku baabtiisay. 23 Yooxanaana wuxuu dad ku baabtiisayay Caynoon oo ku dhow Saalim, waayo, meeshaasu waxay lahayd biyo badan, iyaguna way yimaadeen, waana la baabtiisay. 24 Waayo, Yooxanaa weli xabsiga laguma tuurin. 25 Sidaa aawadeed waxaa ka dhex kacay Yooxanaa xertiisii iyo nin Yuhuudi ahaa weyddiis oo daahirinta ku saabsan. 26 Markaasay u yimaadeen Yooxanaa oo ku yidhaahdeen, Macallimow, kii kula jiray Webi Urdun shishadiisa oo aad marag u furtay ayaa dad baabtiisaya, oo dadka oo dhan way u imanayaan. 27 Yooxanaa waa u jawaabay oo ku yidhi, Ninna waxba ma heli karo haddaan jannada laga siin. 28 Idinka qudhiinnu markhaatiyaal baad tihiin inaan idhi, Anigu ma ihi Masiixa, laakiin hortiisa ayaa lay soo diray. 29 Kii aroosadda qabaa waa arooska, laakiin saaxiibka arooska oo ag taagan oo maqla isaga, aad buu ugu farxaa codkii arooska daraaddiis. Sidaa aawadeed farxaddaydu waa dhan tahay. 30 Isagu waa inuu kordho, aniguse waa inaan yaraado.

Kan Jannada Ka Yimid

31 Kii xagga sare ka yimaadaa, dhammaan ayuu ka sarreeyaa; kii dunida ka yimaadaana waa kii dunida, oo wuxuu ka hadlaa dunida. Kii jannada ka yimaadaa, dhammaan ayuu ka sarreeyaa. 32 Wuxuu arkay oo maqlay waxaas ayuu ka marag furaa, ninnana maraggiisa ma aqbalo. 33 Kii maraggiisa aqbalay wuxuu xaqiijiyey in Ilaah run yahay. 34 Waayo, kii Ilaah soo diray ayaa ereygii Ilaah ku hadla, maxaa yeelay, isagu qiyaas kuma siiyo Ruuxa. 35 Aabbuhu wuu jecel yahay Wiilka, oo wax walba ayuu gacanta u geliyey. 36 Kii Wiilka rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, kii aan Wiilka rumaysanse, nolosha ma arki doono, laakiin cadhadii Ilaah ayaa ku taal isaga.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya