Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
40 Anigu Rabbiga samir baan ku sugay,
Oo isna wuu i soo jalleecay, qayladaydiina wuu maqlay,
2 Oo weliba wuxuu iga soo bixiyey yamays baabba' ah, iyo dhoobada dhiriqda ah,
Oo wuxuu cagaha ii saaray dhagax weyn, oo socodkaygiina wuu xoogeeyey.
3 Oo afkaygiina wuxuu geliyey gabay cusub, kaas oo ah ammaanta Ilaaheenna.
Kuwo badan baa arki doona, wayna cabsan doonaan,
Rabbigayna isku hallayn doonaan.
4 Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya,
Oo aan u jeedin kuwa kibirsan ama kuwa beenta ku leexda.
5 Rabbiyow, Ilaahayow, shuqullada yaabka badan oo aad samaysay way badan yihiin,
Oo fikirradaada aad naga qabtidna way badan yihiin,
Oo iyaga lama xisaabi karo,
Haddii aan sheego oo ka hadlo,
Iyagu way ka sii badan yihiin wax la tirin karo.
6 Allabari iyo qurbaan kuma aad faraxsanid,
Oo anna dhegahaygii waad ii furtay,
Qurbaan la gubo iyo qurbaanka dembiga midna ima aad weyddiisan.
7 Oo markaasaan idhi, Bal eeg, anigu waan imid,
Oo kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran.
8 Ilaahayow, waxaan jeclahay inaan sameeyo doonistaada,
Haah, oo sharcigaagu wuxuu ku dhex jiraa qalbigayga.
9 Xaqnimo baan shirka weyn ku dhex wacdiyey,
Oo bal eeg, inaanan bushimahayga ka joojin,
Waad og tahay, Rabbiyow.
10 Xaqnimadaada qalbigayga kuma aan qarin,
Aaminnimadaada iyo badbaadintaadana waan sheegay,
Oo raxmaddaada iyo runtaadana kama aan qarin shirka weyn.
11 Rabbiyow, naxariistaada ha iga ceshan,
Raxmaddaada iyo runtaaduna had iyo goorba ha i dhawreen.
12 Waayo, xumaatooyin aan la tirin karin ayaa i hareereeyey,
Oo dembiyadaydii ayaa i qabsaday, sidaas daraaddeed kor ma fiirin karo,
Iyagu way ka badan yihiin timaha madaxayga, oo qalbigaygiina waa i gabay.
13 Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i samatabbixi,
Rabbiyow, u soo dhaqso inaad i caawiso.
14 Kuwa doonaya inay naftayda halligaan ha ceeboobeen,
Oo dhammaantood ha wareereen,
Oo kuwa waxyeelladayda ku farxana
Dib ha loo celiyo, oo sharafdarro ha ku soo degto.
15 Kuwa aniga, Ahaa, Ahaa, igu yidhaahda,
Ceebtooda daraaddeed ha la fajeceen.
16 Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen,
Oo kuwa badbaadintaada jecelu had iyo goorba ha yidhaahdeen,
Rabbiga ha la weyneeyo!
17 Laakiinse anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan,
Sayidkuse waa i xusuustaa.
Ilaahayow, waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga,
Haddaba ha iga raagin.
Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, markii ay reer Sif Saa'uul u yimaadeen oo ay ku yidhaahdeen, Daa'uud miyaanu dhuumasho noo dhex joogin? Waxaana lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
54 Ilaahow, magacaaga igu badbaadi,
Oo xooggaaga iigu garsoor.
2 Ilaahow, baryadayda maqal,
Oo erayada afkayga dhegta u dhig,
3 Waayo, shisheeyayaal baa igu kacay,
Oo rag dulmi badan ayaa doonayay inay nafta iga qaadaan,
Iyagu Ilaah kama fikirin. (Selaah)
4 Bal eega, Ilaah waa gargaarahayga,
Oo Sayidkuna wuxuu la jiraa kuwa naftayda tiiriya.
5 Isagu sharka wuxuu ku celin doonaa cadaawayaashayda,
Iyaga runtaada ku baabbi'i.
6 Waxaan kuu qali doonaa qurbaan ikhtiyaar ah,
Rabbiyow, magacaaga waan ku mahadnaqi doonaa, waayo wuu wanaagsan yahay.
7 Waayo, isagu wuxuu iga samatabbixiyey dhibaato oo dhan,
Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha markii nebi Naataan u yimid, kolkuu Batshebac u tegey dabadeed.
51 Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay,
Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay.
2 Xumaantayda iga wada maydh,
Oo iga nadiifi dembigayga.
3 Waayo, anigu waan ogahay xadgudubyadayda,
Oo dembigayguna hortayduu yaallaa had iyo goorba.
4 Adiga keliya ayaan kugu dembaabay,
Oo waxaan sameeyey wax hortaada ku xun,
Inaad xaq ahaatid markaad hadashid,
Oo aad daahir ahaatid markaad wax xukunto.
5 Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan,
Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi.
6 Bal eeg, waxaad uurka ka jeceshahay run,
Oo meesha qarsoon waxaad iga ogeysiinaysaa xigmad.
7 Haddaba geed husob ah igu daahiri, oo anna nadiif baan ahaan doonaa,
I maydh, oo anna baraf cad waan ka sii caddaan doonaa.
8 I maqashii farxad iyo rayrayn,
Inay lafihii aad jejebisay farxaan.
9 Wejigaaga ka qari dembiyadayda,
Oo iga tirtir xumaatooyinkayga oo dhan.
10 Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah,
Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.
11 Hortaada ha iga xoorin,
Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.
12 Farxaddii badbaadintaada ii soo celi,
Oo ruux raalli ah igu tiiri.
13 Oo markaas kuwa xadgudba jidkaagaan bari doonaa,
Oo dembilayaashuna adigay kuu soo noqon doonaan.
14 Ilaahow, Ilaaha badbaadadaydow, dhiiggelidda iga samatabbixi,
Markaasaa carrabkaygu wuxuu aad uga gabyi doonaa xaqnimadaada.
15 Sayidow, bushimahayga fur,
Oo afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaantaada.
16 Waayo, adigu kuma faraxdid allabari, haddii kalese waan bixin lahaa,
Qurbaan gubanna kuma cajebiyo.
17 Allabaryada Ilaah waa ruux is-hoosaysiintiisa,
Ilaahow, adigu quudhsan maysid qalbi hoosaysan oo qoomamaysan.
18 Siyoon wanaag ugu samee sidaad doonayso,
Oo Yeruusaalem derbiyadeedana dhis.
19 Oo markaas adigu waxaad ku farxi doontaa allabaryada xaqnimada iyo qurbaan guban, iyo allabari wada guban dhammaantiis,
Oo markaasay dibiyo ku dul bixin doonaan meeshaada allabariga.
Artaxshasta Oo Nexemyaah U Diray Yeruusaalem
2 Bishii Niisaan oo ahayd sannaddii labaatanaad oo boqor Artaxshasta, iyadoo khamri hor yaal isaga ayaan khamrigii qaaday oo boqorkii siiyey. Hadda ka hor anigu boqorka hortiisa caloolxumo kuma joogi jirin. 2 Oo boqorkii wuxuu igu yidhi, War maxaa wejigaagu u murugaysan yahay adigoo aan bukayn? Tanu wax kale ma aha waase tiiraanyo qalbiga ku jirta. Markaasaan aad u baqay, 3 oo waxaan boqorkii ku idhi, Boqorow, weligaaba noolow. Bal maxaa wejigaygu la murugaysnaan waayay, iyadoo magaalada ah meeshii awowayaashay xabaalahoodu ahaayeen ay baabba' tahay, oo irdaheediina dab lagu gubay? 4 Markaasaa boqorkii wuxuu igu yidhi, Hadda maxaad iga baryaysaa? Kolkaasaan Ilaaha samada baryay. 5 Oo waxaan boqorkii ku idhi, Boqorow, hadday ku farxiso, oo haddaad raalli iga tahay anoo addoonkaaga ah, waxaan doonayaa inaad ii dirtid dalka Yahuudah oo ay ku taal magaalada awowayaashay xabaalahoodu yihiin, inaan dhiso. 6 Kolkaasaa boqorkii wuxuu igu yidhi, (iyadoo boqoraddiina agtiisa fadhido) Sodcaalkaagu tan iyo goormuu ahaanayaa? Goormaadse soo noqonaysaa? Markaasuu boqorku ku farxay inuu i diro; oo waxaan u qabtay wakhti. 7 Oo weliba waxaan boqorkii ku idhi, Boqorow, haddaad raalli ka tahay, ha lay siiyo warqado aan u geeyo taliyayaasha webiga ka shisheeya, si ay igu oggolaadaan inaan dhex maro dalkooda ilaa aan gaadho dalka Yahuudah; 8 iyo warqad kaloo aan siiyo Aasaaf oo ah kan dhawra dhirta boqorka, si uu ii siiyo alwaax aan ku sameeyo waxa haya saqafka irdaha qalcadda ee guriga u dhow, iyo derbiga magaalada iyo guriga aan geli doono. Oo boqorkiina wuu ii wada oggolaaday sidii ay gacantii wanaagsanayd ee Ilaahay ii saarnayd. 9 Markaasaan u imid taliyayaashii webiga ka shisheeyey, oo iyagii siiyey warqadihii boqorka. Oo weliba waxaa boqorku igu daray saraakiil ciidanka ka tirsan iyo fardooley. 10 Oo Sanballad oo ahaa reer Xoron, iyo addoonkii ahaa Toobiyaah oo ahaa reer Cammoon markay maqleen inuu yimid nin doonaya wanaagga reer binu Israa'iil ayay aad iyo aad u murugoodeen.
Nexemyaah Oo Kormeeray Derbiyadii Yeruusaalem
11 Markaasaan Yeruusaalem imid, oo halkaasaan saddex maalmood iska joogay. 12 Oo habeennimadii ayaan kacay, anigoo ay dhawr nin ila socdaan, oo ninna uma aan sheegin waxa Ilaahay qalbigayga geliyey inaan Yeruusaalem u sameeyo. Oo neefna ilama jirin neefkii aan fuushanaa mooyaane. 13 Oo habeennimo ayaan ka baxay Iriddii Dooxada, oo ku tiil xagga Ceelkii Maska, oo waxaan maray xagga Iriddii Digada, waanan fiiriyey derbiyadii Yeruusaalem oo wada dunsanaa, iyo irdaheedii dabka lagu gubay. 14 Oo haddana waxaan tegey Iriddii Isha biyaha iyo xaggii Balligii Boqorka; laakiinse neefkii aan fuushanaa meeluu maro ma jirin. 15 Oo haddana waxaan habeennimo tegey xaggii durdurka, oo derbigii baan fiiriyey, kolkaasaan dib u noqday, oo magaaladii ka soo galay xaggii Iriddii Dooxada, oo saasaan u soo noqday. 16 Oo taliyayaashiina ma ay ogayn meel aan tegey iyo wixii aan sameeyey toona; oo weli waxba uma aan sheegin Yuhuuddii, iyo wadaaddadii, iyo kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo intii kaloo shuqulka samaysay toona. 17 Markaasaan ku idhi, War waad aragtaan xaalka xun oo aan ku jirno, iyo sida Yeruusaalem u baabba'day, iyo in irdaheedii dab lagu gubay. Haddaba kaalaya oo aan dhisno derbiga Yeruusaalem, si aynaan mar dambe u sii ceebaysnaan. 18 Oo waxaan iyagii wax uga sheegay gacantii Ilaahay oo korkayga ku wanaagsanayd, iyo weliba erayadii uu boqorku igula hadlay. Oo iyana waxay yidhaahdeen, Ina kiciya aan dhisnee. Sidaasay gacmahoodii shuqulkii wanaagsanaa ugu xoogeeyeen. 19 Laakiinse Sanballad oo ahaa reer Xoron, iyo addoonkii ahaa Toobiyaah oo ahaa reer Cammoon, iyo Geshem oo ahaa Carab, markay taas maqleen ayay nagu qosleen, oo na quudhsadeen, oo waxay yidhaahdeen, War waxaad samaynaysaan waa maxay? Ma boqorkaad ku caasiyoobaysaan? 20 Markaasaan jawaabay oo ku idhi, Ilaaha samadu wuu na liibaanin doonnaa, oo sidaas daraaddeed annagoo addoommadiisa ah waannu kici doonnaa, wax baannuna dhisi doonnaa, laakiinse idinku Yeruusaalem kuma lihidin qayb, ama xaq, amase xusuus toona.
12 Oo haddana waxaan arkay markii uu furay shaabaddii lixaad, markaasaa waxaa dhacay dhulgariir weyn; oo qorraxduna waxay u madoobaatay sidii joonyad dhogor ah, oo dayaxii oo dhammuna wuxuu noqday sidii dhiig oo kale; 13 oo xiddigihii samaduna waxay ku soo daateen dhulka sida geed berde ahi u tuuro midhihiisa aan bislaan markii dabayl weyni ruxdo. 14 Oo samadiina waxaa loo qaaday sidii kitaab la duubay oo kale, oo buur walba iyo gasiirad walbaba meeshoodii waa laga dhaqaajiyey. 15 Oo boqorradii dunida, iyo amiirrada, iyo saraakiisha sare, iyo taajiriinta, iyo kuwa xoogga weyn ah, iyo addoon kasta iyo mid kasta oo xor ahuba, waxay ku dhuunteen godadka iyo dhagaxyada buuraha; 16 oo waxay ku yidhaahdeen buurihii iyo dhagaxyadii, Nagu soo dhaca oo naga qariya kan carshiga ku fadhiya wejigiisa iyo cadhada Wanka, 17 waayo, waxaa timid maalintii weynayd oo cadhadooda; bal yaa awooda inuu istaago?
Waxaa La Shaabadeeyey Boqol Iyo Afar Iyo Afartankii Kun Oo Qof
7 Taas dabadeed waxaan arkay afar malaa'igood oo taagan afarta gees oo dhulka, oo xajinaya afarta dabaylood, si aan dabaylu ugu dhicin dhulka ama badda ama dhirta. 2 Oo waxaan arkay malaa'ig kale oo ka soo baxaysa qorrax ka soo baxa oo haysata shaabadda Ilaaha nool; oo cod weyn bay ugu dhawaaqday afartii malaa'igood oo amarka lagu siiyey inay wax yeelaan dhulka iyo badda, oo waxay ku tidhi, 3 Waxba ha yeelina dhulka iyo badda iyo dhirta toona, jeer aannu addoommada Ilaahayaga wejiga ka shaabadayno. 4 Oo waxaan maqlay intoodii la shaabadeeyey tiradoodii, waxayna ahaayeen boqol iyo afar iyo afartan kun oo intaasaa laga shaabadeeyey qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan.
Masaalka Ku Saabsan Gocondhada
24 Masaal kale ayuu u saaray, oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin beertiisa abuur wanaagsan ku abuuray. 25 Laakiin waxaa yimid cadowgiisa intii dadku hurday, oo wuxuu sarreenka kaga dhex abuuray gocondho, markaasuu tegey. 26 Laakiin markii geedku soo baxay oo uu midho dhalay, markaasaa gocondhadii soo muuqatay. 27 Kolkaasaa odayga reerka addoommadiisu u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Sayidow, miyaanad abuur wanaagsan beertaada ku abuurin? Xaggee haddaba gocondhadu uga timid? 28 Wuxuu ku yidhi, Nin cadow ah ayaa waxan sameeyey. Addoommadii waxay ku yidhaahdeen, Ma waxaad doonaysaa haddaba inaannu tagno oo ururinno? 29 Wuxuuse ku yidhi, Maya, waaba intaas oo goortaad gocondhada ururinaysaan aad sarreenka la rurujisaan. 30 Labadoodu ha isla baxaan ilaa beergooyska, oo wakhtiga beergooyska waxaan kuwa gooya ku odhanayaa, Horta waxaad ururisaan gocondhadii, oo xidhmo xidhmo isugu xidha in la gubo, laakiin sarreenka ku soo ururiya maqsinkayga.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya