Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
37 Ha isku dhibin xumaanfalayaasha aawadood,
Hana uga hinaasin kuwa xaqdarrada sameeya.
2 Waayo, iyaga haddiiba waxaa loo jari doonaa sida cawska oo kale,
Oo waxay u engegi doonaan sida geedo yaryar oo qoyan.
3 Rabbiga isku hallee oo wanaag samee,
Oo sidaasaad dalka ku degganaan doontaa, oo ammaan baad ku daaqi doontaa.
4 Haddaba Rabbiga ku farax,
Oo wuxuu ku siin doonaa waxa qalbigaagu doonayo.
5 Jidkaaga Rabbiga ku aamin,
Isagana isku hallee, wuuna samaynayaaye.
6 Xaqnimadaada wuxuu u soo bixin doonaa sida nuurka oo kale,
Gartaadana sida duhurka oo kale.
7 Rabbiga ku hor xasilloonow, oo isaga samir ku sug,
Oo ha isku dhibin kii jidkiisa ku barwaaqaysan
Iyo ninkii hindisooyin shar ah sameeya toona.
8 Cadhada ka joogso, oo dhirifka ka tag,
Hana isku dhibin inaad shar samaysid.
9 Waayo, xumaanfalayaashu way go'i doonaan,
Laakiinse kuwa Rabbiga sugaa dalkay dhaxli doonaan.
10 Wakhti yar dabadeedna kan sharka lahu ma jiri doono,
Bal meeshiisa aad baad ugu fiirsan doontaa, oo isna ma jiri doono.
11 Laakiinse kuwa camalka qabow dalkay dhaxli doonaan,
Oo waxay ku farxi doonaan nabad badan.
12 Kan sharka lahu wuxuu shirqool u dhigaa kan xaqa ah,
Oo isaga ayuu u ilko jirriqsadaa.
13 Oo Sayidku wuu ku qosli doonaa isaga,
Waayo, wuxuu arkaa in maalintiisu soo dhowaanayso.
14 Kuwa sharka lahu waxay la bexeen seeftoodii, qaansadoodiina way xooteen,
Si ay miskiinka iyo kan baahan hoos ugu tuuraan,
Oo ay laayaan kuwa jidkooda ku qumman.
15 Seeftoodu waxay mudi doontaa wadnahooda,
Oo qaansooyinkooduna way kala jebi doonaan.
16 Inta yar oo mid xaq ahu haystaa
Way ka sii wanaagsan tahay kuwa sharka leh maalkooda badan.
17 Waayo, kuwa sharka leh gacmahoodu way jebi doonaan,
Laakiinse Rabbigu kuwa xaqa ah wuu tiiriyaa.
18 Rabbigu wuu yaqaan kuwa kaamilka ah cimrigooda,
Oo dhaxalkooduna weligiisba wuu waarayaa.
19 Iyagu ma ceeboobi doonaan wakhtiga shar jiro,
Oo wakhtiga abaaru dhacdona way dhergi doonaan.
20 Laakiinse kuwa sharka lahu way halligmi doonaan,
Cadaawayaasha Rabbiguna waxay ahaan doonaan sida inta wanaagsan oo doogga,
Way baabbi'i doonaan, sida qiiqa oo kale way u baabbi'i doonaan.
21 Kii shar lahu wax buu amaahdaa, mana bixiyo mar dambe,
Laakiinse kan xaqa ahu wuu naxariistaa, waxna wuu bixiyaa.
22 Oo kuwuu barakeeyo ayaa dalka dhaxli doona,
Laakiinse kuwuu habaaraa way go'i doonaan.
23 Dadka socodkiisa waxaa hagaajiya Rabbiga,
Oo jidkiisuu ku farxaa.
24 Oo in kastoo uu kufo, haddana ma wada dhici doono,
Waayo, Rabbiga ayaa gacantiisa ku tiiriya.
25 Waan dhallin yaraan jiray, oo haatanna waan gaboobay,
Oo weligay ma arag mid xaq ah oo la dayriyey,
Ama carruurtiisa oo cunto tuugsanaysa.
26 Maalinta oo dhan wuu naxariistaa oo wax buu amaahiyaa,
Oo carruurtiisuna way barakaysan yihiin.
27 Sharka ka fogow, oo wanaag samee,
Oo weligaa baad degganaan doontaa.
28 Waayo, Rabbigu wuxuu jecel yahay caddaaladda,
Mana uu dayrsho quduusiintiisa,
Laakiinse iyaga weligoodba waa la ilaashaa,
Illowse kuwa sharka leh carruurtoodu way go'i doonaan.
29 Kuwa xaqa ahu dalkay dhaxli doonaan,
Oo weligoodna way dhex degganaan doonaan.
30 Kan xaqa ah afkiisu wuxuu ka hadlaa xigmadda,
Carrabkiisuna wuxuu ku hadlaa caddaaladda.
31 Oo Ilaahiisa sharcigiisu waa ku jiraa qalbigiisa,
Oo tallaabooyinkiisana midnaba dib uma simbiriirixan doonto.
32 Kan sharka lahu wuxuu fiiriyaa kan xaqa ah,
Oo wuxuu doondoonaa inuu isaga dilo.
33 Rabbigu isaga gacantiisa ku dayn maayo,
Oo eedayn maayo marka la xukumo isaga.
34 Rabbiga sug, oo jidkiisa xaji,
Oo wuxuu kuu sara marin doonaa inaad dalka dhaxasho,
Waad arki doontaa marka kuwa sharka lahu go'aan.
35 Waxaan arkay ku shar leh oo dulun badan,
Oo isu kala bixiya sida geed cagaar ah oo dhulkiisii ka baxay.
36 Laakiin waa la ag maray, oo isagii lama arag,
Oo waan doondoonay, laakiinse waa la waayay.
37 Bal fiiri ninka kaamilka ah, oo bal eeg, kan qumman,
Waayo, ninkaas ugu dambaystiisu waa nabad.
38 Laakiinse kuwa xadgudbaa dhammaantood wadajir bay u baabbi'i doonaan,
Oo kuwa sharka lahuna ugu dambaystooda way go'i doonaan.
39 Kuwa xaqa ahse badbaadadoodu waa xagga Rabbiga,
Oo wakhtiga dhibaatada isagu waa qalcaddooda.
40 Oo Rabbigu iyaguu caawiyaa, wuuna samatabbixiyaa,
Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa kuwa sharka leh, wuuna badbaadiyaa,
Maxaa yeelay, isagay magangaleen.
Rabbiga Waa Ilaah
32 Bal haatan weyddii waayihii tegey oo idinka horreeyey, ilamaa maalintii Ilaah dadka ku abuuray dhulka, iyo samada geesteed ilaa geesteeda kale, inay jireen ama la maqlay wax sidan oo kale u weyn. 33 War weligeed dad ma maqlay codkii Ilaah oo ka hadlaya dab dhexdiisa sidaad u maqasheen oo kale, oo ma sii noolaaday? 34 Oo weligiis Ilaah maysku dayay inuu quruun dhexdeed kala soo baxo quruun kale, oo ma kaga soo bixiyey jirrabaadyo, iyo calaamooyin, iyo yaabab, iyo dagaal, iyo gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkoo u jeeda uu idiinku sameeyey dalkii Masar? 35 Oo taas waxaa laydiin tusay inaad ogaataan in Rabbigu yahay Ilaah, oo isaga mooyaane mid kale ma jiro. 36 Oo isagu samaduu codkiisa idinka maqashiiyey si uu wax idiin baro, oo dhulka dushiisana wuxuu idinka tusay dabkiisii weynaa, oo erayadiisiina waad ka maqashay dabka dhexdiisa. 37 Wuxuu jeclaa awowayaashiin, oo sidaas daraaddeed ayuu doortay farcankoodii iyaga ka dambeeyey, oo wuxuu dalkii Masar idinkaga soo bixiyey lajiriddiisa iyo xooggiisa weyn, 38 iyo inuu hortiinna ka eryo quruumo idinka waaweyn oo idinka xoog badan, oo uu dalkooda idin geliyo oo uu dhaxal idiin siiyo siday maanta tahay. 39 Haddaba maanta ogaada oo qalbiga geliya in Rabbigu yahay Ilaah jooga xagga samada sare iyo xagga dhulka hooseba, oo isaga mooyaane uusan mid kale jirin. 40 Oo waa inaad dhawrtaan qaynuunnadiisa iyo amarradiisa aan maanta idinku amrayo, inaad idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaaba nabdoonaataan, oo uu cimrigiinnu ku dheeraado dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo inaad weligiin lahaataan.
Adeegayaasha Axdiga Cusub
3 Miyaannu bilaabaynaa inaannu haddana is-ammaanno? Ama miyaannu u baahan nahay warqado ammaan ah in laydiin diro ama in laydiinka soo diro sida qaar kale? 2 Idinku waxaad tihiin warqaddayada ee qalbigayaga ku qoran, tan ay dadka oo dhammu garanayaan oo akhriyaan, 3 idinkoo muuqanaya inaad tihiin warqadda Masiixa ee ah taannu ka adeegnay, ee aan khad lagu qorin, laakiinse lagu qoray Ruuxa Ilaaha nool, oo aan lagu qorin looxyo dhagax ah dushood laakiin lagu qoray looxyo qalbiyo jiidh ah dushood. 4 Hubaalkan oo kale ayaannu Masiix ku leennahay xaggii Ilaah; 5 ma aha inaannu isku filan nahay inaannu wax ka tashanno xagga qudhayada, laakiin iskufillaantayadu waa xagga Ilaah, 6 kan haddana naga dhigay kuwa ku filan inaannu ka adeegno axdiga cusub, ma aha xagga qorniinka, laakiin xagga ruuxa, waayo, qorniinku wax buu dilaa, laakiin ruuxu wax buu nooleeyaa. 7 Laakiin adeegidda dhimashada keentaa ee qorniin lagu xardhay dhagaxyo, hadday ammaan la ahaatay, si aan reer binu Israa'iil u karin inay Muuse wejigiisa aad u eegaan ammaanta wejigiisa aawadeed ee ah tan idlaanaysa, 8 sidaanay u ahayn adeegidda ruuxa inay la ahaan doonto ammaan? 9 Waayo, hadday adeegidda xukunka keentaa ammaan ahayd, adeegidda xaqnimada keentaa aad bay uga ammaan badan tahay. 10 Waayo, wixii ammaan lahaan jiray, ammaan kama lahayn wixii kan ku saabsan, ammaanta ka sarraysa aawadeed. 11 Waayo, haddii waxa idlaanayaa ammaan lahaan jiray, intee ka badan baa waxa hadhaa ammaan leeyahay.
12 Haddaba rajo caynkaas ah oo aannu leennahay aawadeed bayaan ayaannu u hadalnaa. 13 Ma nihin sida Muuse, kan indho shareertay inaan reer binu Israa'iil aad u eegin dhammaadka tan idlaanaysay. 14 Laakiin fikirradoodii way adkaadeen. Waayo, tan iyo maalintaas markii axdiga hore la akhriyo, indho shareerkaas ayaa hadha isagoo aan laga saarin, kan xagga Masiix ka idlaaday. 15 Laakiin tan iyo maalintaas mar alla markii Muuse wax laga akhriyo dabool ayaa qalbigooda saaran. 16 Laakiin mar alla markii loo soo leexdo Rabbiga daboolka waa laga qaadaa. 17 Rabbigu waa Ruuxa, oo meeshii Ruuxa Rabbigu joogana, waxaa jira xorriyad. 18 Laakiin dhammaanteen innagoo aan indho shareernayn, ammaanta Rabbiga ayaynu arkaynaa sidii oo muraayad lagu arko, oo isu-ekaanta ayaa laynoo roogayaa, ammaan ilaa ammaan, sida tan xagga Rabbiga Ruuxa ah ka timaada.
Wakiilkii Aan Aamminka Ahayn
16 Haddana wuxuu xertii ku yidhi, Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo wakiil lahaa, kan loogu ashtakeeyey inuu alaabtiisa khasaarinayay. 2 Markaasuu u yeedhay oo ku yidhi, Waa maxay waxan kugu saabsan ee aan maqlayo? I sii xisaabtii wakiilnimadaada, waayo, hadda ka dib wakiil sii ahaan kari maysid. 3 Markaasaa wakiilkii isku yidhi, Maxaan sameeyaa, waayo, sayidkayga ayaa wakiilnimadii iga qaadaya? Itaal aan wax ku qodo ma lihi, inaan dawarsadona waan ka xishoonayaa. 4 Waan garanayaa waxaan samaynayo, in goortii wakiilnimada layga saaro ay dadku guryahooda iigu dhowayn doonaan. 5 Markaasuu u yeedhay mid walba oo sayidkiisu dayn ku lahaa. Kii hore ayuu ku yidhi, Sayidkaygu immisuu kugu leeyahay? 6 Wuxuu yidhi, Boqol qiyaasood oo saliid ah. Markaasuu ku yidhi, Wixii laguu qoray soo qaad, oo dhaqso u fadhiiso oo qor, Konton. 7 Markaasuu wuxuu mid kale ku yidhi, Immisuu kugu leeyahay? Isaguna wuxuu yidhi, Boqol qiyaasood oo sarreen ah. Markaasuu ku yidhi. Wixii laguu qoray soo qaad, oo qor, Siddeetan. 8 Sayidkiisii ayaa wakiilkii xaqa darnaa faaniyey, waayo, si caqli leh ayuu u sameeyey, waayo, wiilashii wakhtigan waxay wiilasha iftiinka kaga caqli badan yihiin waxa qarnigooda ku saabsan.
Sida Qumman Oo Maalka Loo Isticmaalo
9 Oo waxaan idinku leeyahay, Saaxiibbo ku samaysta maalka xaqdarrada in goortuu dhammaado ay idiinku dhoweeyaan degmooyinka weligood ah.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya