Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 66-67

Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

66 Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,
Oo ammaanta magiciisa ku gabya,
Ammaantiisana qurxiya.
Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa!
Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan.
Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan,
Wayna kuu gabyi doonaan,
Magacaagay u gabyi doonaan. (Selaah)
Bal kaalaya, oo arka shuqullada Ilaah,
Xagga binu-aadmiga wuxuu ku sameeyey waa cabsi badan yihiin.
Wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan,
Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug,
Oo halkaasaan isaga ku rayraynay.
Isagu weligiisba wuxuu ku taliyaa xooggiisa,
Oo indhihiisuna waxay fiiriyaan quruumaha,
Haddaba caasiyiintu yaanay kor isu qaadin. (Selaah)
Dadyahow, Ilaaheenna ammaana,
Oo codka ammaantiisa ha la maqlo,
Kaasoo nafteenna nolol ku haya,
Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo.
10 Waayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay,
Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo.
11 Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah,
Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn.
12 Dad baad madaxa naga saartay,
Oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo,
Laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah.
13 Haddaba anigu gurigaaga waxaan la soo geli doonaa allabaryo la gubo,
Oo waxaan kuu oofinayaa nidarradaydii
14 Bushimahaygu ay ku hadleen,
Oo afkaygu sheegay markii aan dhibaataysnaa.
15 Oo waxaan allabaryo la gubo kuugu soo bixinayaa xoolo buurbuuran
Iyo wanan iyo fooxood,
Oo waxaan kuu soo bixin doonaa dibiyo iyo orgiyo. (Selaah)
16 Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla,
Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.
17 Isagaan afkayga ugu qayshaday,
Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.
18 Haddaan dembi qalbigayga ku arkay,
Sayidku ima uu maqleen,
19 Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay,
Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.
20 Mahad waxaa leh Ilaaha
Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.

Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, waxaana lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.

67 Ilaahow, noo naxariiso, oo na barakee,
Oo wejigaaguna ha na iftiimiyo, (Selaah)
In jidkaaga laga ogaado dhulka,
Quruumaha oo dhan dhexdoodana laga wada ogaado caafimaadkaaga wax badbaadiya.
Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen,
Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.
Quruumuhu ha farxeen oo ha gabyeen farxad aawadeed,
Waayo, dadyowga waxaad ku xukumi doontaa caddaalad,
Oo quruumahana dhulkaad ugu talin doontaa. (Selaah)
Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen,
Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.
Dhulku wuxuu soo saaray midhihiisii,
Waxaa ina barakayn doona Ilaah, oo ah Ilaaheenna qudhiisa.
Ilaah waa ina barakayn doonaa,
Oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna way ka cabsan doonaan isaga.

Sabuurradii 116-117

116 Rabbiga waan jeclahay, maxaa yeelay, wuxuu maqlay
Codkaygii iyo baryootankaygii.
Dhegtuu ii dhigay,
Sidaas daraaddeed isagaan baryi doonaa intaan noolahay oo dhan.
Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey,
Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday.
Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug.
Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga,
Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi.
Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq,
Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay.
Rabbigu kuwa garaadka daran wuu dhawraa,
Hoos baa la ii soo dejiyey, kolkaasuu i badbaadshay.
Naftaydoy, nasashadaadii ku noqo,
Waayo, Rabbigu wax badan oo wanaagsan buu kuu sameeyey.
Waayo, naftayda waxaad ka samatabbixisay dhimasho,
Indhahaygana ilmo,
Cagahaygana kufid.
Waxaan ku socon doonaa Rabbiga hortiisa
Anigoo dhex jooga dalka kuwa nool.
10 Waan rumaysnaa, oo markaan hadlay
Aad baa la ii dhibay,
11 Anigoo degdegsan baan waxaan idhi,
Dadka oo dhammu waa beenaalayaal.
12 Bal maxaan Rabbiga uga celiyaa
Waxyaalihii uu ii taray oo dhan?
13 Waxaan qaadan doonaa koobka badbaadada,
Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.
14 Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii,
Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda.
15 Rabbiga hortiisa dhimashada quduusiintiisa
Ayaa qiimo weyn ku leh.
16 Rabbiyow, sida runta ah waxaan ahay addoonkaaga,
Waxaan ahay addoonkaaga, oo ah wiilka addoontaada,
Silsiladahaygii waad iga furtay.
17 Waxaan kuu soo bixin doonaa allabarigii mahadnaqidda,
Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.
18 Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii,
Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda,
19 Iyo guriga Rabbiga barxadihiisa,
Iyo dhexdaada, Yeruusaalemay.
Rabbiga ammaana.

117 Quruumaha oo dhammow, Rabbiga ammaana,
Dadyowga oo dhammow, ammaana isaga.
Waayo, naxariistiisu xaggeenna waa ku weyn tahay,
Rabbiga runtiisuna weligeedba way waartaa.
Rabbiga ammaana.

Ishacyaah 11:10-16

10 Oo maalintaas xididka Yesay ayaa dadyowga calan u ahaan doona. Isagay quruumuhu doondooni doonaan, oo rugtiisuna ammaan bay ahaan doontaa.

11 Oo maalintaas ayuu Sayidku gacantiisa mar labaad u soo fidin doonaa inuu dadkiisa hadhay ka soo celiyo Ashuur iyo Masar, iyo Fatroos, iyo Kuush, iyo Ceelaam, iyo Shincaar, iyo Xamaad, iyo gasiiradaha baddaba. 12 Oo calan ayuu quruumaha u taagi doonaa, wuxuuna soo shirin doonaa masaafurisyadii dadka Israa'iil, oo wuxuu isu soo ururin doonaa oo dhulka afartiisa daraf ka soo kaxayn doonaa kuwa kala firdhay oo dadka Yahuudah. 13 Oo weliba hinaasada reer Efrayim wuu idlaan doonaa, oo kuwa dadka Yahuudah dhibana waa la jari doonaa, reer Efrayim kuma hinaasi doonaan dadka Yahuudah, oo dadka Yahuudahna reer Efrayim ma dhibi doonaan. 14 Way duuli doonaan oo ku degi doonaan garbaha reer Falastiin xagga galbeed jooga, oo waxay wadajir u dhici doonaan dadka reer bari, gacantooday saari doonaan reer Edom iyo reer Moo'aab, oo reer Cammoonna iyagay addeeci doonaan. 15 Oo Rabbigu wuxuu dhammaantiis wada baabbi'in doonaa carrabka badda Masar, oo gacantiisa oo dabayl xoog leh wadata ayuu ku kor ruxi doonaa Webiga, oo intuu wax ku dhufto ayuu toddoba faraq u kala qaybin doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa in dadku kabo kaga gudbaan. 16 Oo dadkiisa hadhay waxaa u jiri doona jid weyn oo ka yimaada xagga Ashuur, sidii uu reer binu Israa'iilba ugu jiray waagii ay dalkii Masar ka soo baxeen.

Muujintii 20:11-21:8

Sarakicidda Kuwii Dhintay Iyo Xukunka Ugu Dambeeya

11 Oo markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin. 12 Oo markaasaan arkay kuwii dhintay, yar iyo weynba, iyagoo taagan carshiga hortiisii, markaasaa waxaa la furay kitaabbadii; oo haddana waxaa la furay kitaab kale oo ah kii nolosha; oo kuwii dhintay waxaa lagu xukumay waxyaalihii kitaabbadii ku qornaa, sidii ay shuqulladoodii ahaayeen. 13 Markaasaa baddii waxay sii daysay kuwii dhintay oo dhexdeedii ku jiray; oo dhimashadii iyo Haadeesna waxay sii daayeen kuwii dhintay oo dhexdoodii ku jiray; markaasaa iyagii waxaa laga xukumay nin walba sidii shuqulladiisu ahaayeen. 14 Oo dhimashadii iyo Haadeesba waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd. Oo taasu waa dhimashadii labaad oo ah badda dabka ah. 15 Oo ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd.

Samada Cusub Iyo Dhulka Cusub

21 Oo waxaan arkay samo cusub iyo dhul cusub; waayo, samadii hore iyo dhulkii hore way dhammaadeen; oo baddiina mar dambe ma ay jirin. Oo haddana waxaan arkay magaalada quduuska ah, taasoo ah Yeruusaalem cusub oo samada ka soo degaysa xagga Ilaah, iyadoo loo diyaariyey sidii aroosad ninkeedii loo sharraxay. Markaasaan maqlay cod weyn oo carshiga ka yeedhaya oo leh, Bal eeg, rugta Ilaah waxay la jirtaa dadka, oo isna wuxuu la degganaan doonaa iyaga, oo iyana waxay ahaan doonaan dadkiisa, oo Ilaah qudhiisuna wuxuu la jiri doonaa iyaga, oo wuxuu ahaan doonaa Ilaahood; oo isna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa, oo dhimashona mar dambe ma jiri doonto, oo mar dambena ma jiri doonaan murug iyo oohin iyo xanuun toona, waayo, waxyaalihii hore way dhammaadeen. Markaasaa kii carshiga ku fadhiyey wuxuu yidhi, Bal eeg, wax kastaba cusayb baan ka dhigayaa. Oo wuxuu igu yidhi, Qor, waayo, erayadanu waa aamin iyo run. Oo wuxuu igu yidhi, Iyagu way ahaadeen. Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, iyo bilowgii iyo dhammaadka. Oo kii harraadsan waxaan hadiyad ahaan uga waraabin doonaa isha biyaha nolosha. Oo kii guulaystaa wuxuu dhaxli doonaa waxyaalahan, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa Ilaah, isna wuxuu ii ahaan doonaa wiil. Laakiinse kuwa fulayaasha ah, iyo kuwa aan rumaysan, iyo kuwa karaahiyada ah, iyo gacankudhiiglayaasha, iyo kuwa sinaysta, iyo saaxiriinta, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo beenlowyada oo dhan waxaa qaybtoodu ku jiri doontaa badda ay dabka iyo baaruuddu ka ololayaan, oo taasuna waa dhimashada labaad.

Luukos 1:5-25

Dhalashada Yooxanaa Baabtiisaha Waa La Sii Sheegay

Wakhtigii Herodos ahaa boqorkii Yahuudiya, waxaa jiray wadaad la odhan jiray Sakariyas, oo ka mid ahaa safkii Abiya; haweenaydiisuna waxay ka mid ahayd hablihii reer Haaruun, magaceedana waxaa la odhan jiray Elisabed. Labadooduba xaq bay ku ahaayeen Ilaah hortiisa, oo qaynuunnadii iyo xukummadii Rabbiga ayay eedla'aan ku socon jireen. Ilmo ma ay lahayn, waayo, Elisabed madhalays bay ahayd, oo labadooduba way da'weynaayeen.

Waxaa dhacay, intuu shuqulkii wadaadnimadii safkiisa dartiis samaynayay Ilaah hortiisa, sida caadadii wadaadnimadu u ahayd, in shuqulkiisu ahaa inuu foox shido goortuu macbudka Rabbiga galay. 10 Saacaddii fooxa ayaa dadkii badnaa oo dhammu dibadda ku tukanayeen. 11 Markaasaa waxaa isaga u soo muuqatay malaa'igtii Rabbiga oo taagnayd meeshii fooxa lagu shido midigteeda. 12 Goortuu Sakariyas arkay ayuu naxay, wuuna cabsaday. 13 Laakiin malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Sakariyasow, waayo, baryadaadii waa la maqlay; afadaada Elisabedna wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Yooxanaa. 14 Waxaad heli doontaa farxad iyo rayrayn; dad badanna dhalashadiisa ayay ku farxi doonaan, 15 waayo, Rabbiga hortiisa nin weyn buu ku ahaan doonaa, mana cabbi doono khamri ama wax lagu sakhraamo. Waxaana xataa uurka hooyadiis kaga buuxsami doona Ruuxa Quduuskaa. 16 Reer binu Israa'iil badidoodana ayuu Rabbiga Ilaahooda ah ku soo jeedin doonaa. 17 Isaguna wuxuu ku hor mari doonaa ruuxii iyo xooggii Eliyaas inuu aabbayaasha qalbiyadooda ku soo jeediyo carruurta, iyo inuu caasiyiinta ku soo celiyo xigmadda kuwa xaqa ah, inuu Rabbiga u diyaargareeyo dad hagaagsan. 18 Sakariyas wuxuu malaa'igtii ku yidhi, Sidee baan waxan u garan doonaa? Waayo, anigu oday baan ahay, afadayduna waa da'weynaatay. 19 Malaa'igtii baa u jawaabtay oo ku tidhi, Anigu waxaan ahay Jibriil oo Ilaah hortiisa istaaga. Waxaa la ii soo diray inaan kula hadlo oo aan warkan wanaagsan kuu keeno. 20 Bal eeg, waad aamusnaan doontaa, mana hadli kari doonto, ilaa maalinta waxyaalahan dhici doonaan, waayo, waad rumaysan weyday hadalladayda wakhtigooda la oofin doono. 21 Dadkuna waxay sugayeen Sakariyas, oo waxay la yaabeen siduu macbudka ugu raagay. 22 Markuu soo baxay ayuu la hadli kari waayay, markaasay garteen inuu macbudka wax ku arkay. Kolkaasuu gacanta ugu sii tilmaamayay iyaga, isagoo sii carrab la'. 23 Kolkii maalmihii shuqulkiisii wadaadnimadu dhammaadeen ayuu wuxuu tegey gurigiisii.

24 Maalmahaas dabadeed afadiisa Elisabed ayaa uuraysatay, oo shan bilood ayay isqarisay iyadoo leh. 25 Sidaasaa Rabbigu iigu sameeyey maalmihii uu i eegay inuu ceebtayda dadka dhexdooda iiga qaado.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya