Book of Common Prayer
Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.
131 Rabbiyow, qalbigaygu kor isuma qaado, indhahayguna ma kibirsana,
Oo anna iskuma dhex tuuro axwaal waaweyn,
Ama waxyaalihii igu yaab badan.
2 Hubaal naftaydii waan dejiyey, oo waan xasilliyey,
Sida ilmo naas laga gudhiyey oo hooyadiis la jooga,
Naftaydu waxay iigu jirtaa sida ilmo naas laga gudhiyey.
3 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba,
Haddeer intii laga bilaabo iyo tan iyo weligiinba.
Gabayga meelokoridda.
132 Rabbiyow, bal xusuuso Daa'uud
Dhibaatooyinkiisii oo dhan,
2 Iyo siduu Rabbiga ugu dhaartay,
Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,
3 Hubaal anigu geli maayo teendhada gurigayga,
Sariirtaydana fuuli maayo,
4 Indhahayga seexasho isugu qaban maayo,
Il iyo baalna isu keeni maayo,
5 Ilaa aan meel u helo Rabbiga,
Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.
6 Bal eeg, annagu waxaan ku maqalnay Efraataah,
Oo waxaan ka helnay berrinkii duurka.
7 Waxaan geli doonnaa taambuugyadiisa,
Oo waxaan ku sujuudi doonnaa meeshuu cagaha saarto.
8 Rabbiyow, sara joogso, oo meeshaada nasashada gal,
Adiga iyo sanduuqa xooggaaguba.
9 Wadaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen,
Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.
10 Addoonkaagii Daa'uud daraaddiis
Ha sii jeedin kaaga subkan wejigiisa.
11 Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay,
Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo,
Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.
12 Carruurtaadu hadday xajiyaan axdigayga
Iyo markhaatifurkayga aan iyaga bari doono,
De markaas carruurtooduna weligood bay ku fadhiisan doonaan carshigaaga.
13 Waayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon,
Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto.
14 Halkanu waa meeshaydii nasashada weligeedba,
Halkanaan degganaan doonaa, waayo, waan jeclaystay.
15 Waxaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud,
Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.
16 Wadaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado,
Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.
17 Halkaas waxaan ka dhigi doonaa in gees Daa'uud u soo baxo,
Waxaan laambad u diyaariyey kii aan subkaday.
18 Cadaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb,
Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.
Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.
133 Bal eeg, siday u wanaagsan tahay oo ay u wacan tahay
Inay walaalo wadajir ku degganaadaan!
2 Waa sida saliidda qaaliga ah ee madaxa,
Oo ku soo dareertay gadhka,
Kaasoo ahaa gadhkii Haaruun,
Oo waxay soo gaadhay daraftii dharkiisa,
3 Waana sida dharabka Buur Xermoon,
Oo ku soo dega buuraha Siyoon,
Waayo, Rabbigu wuxuu amray inay halkaas ku dhacdo barako,
Taasoo ah nolosha tan iyo weligeedba.
Gabayga meelokoridda.
134 Bal eega, Rabbiga ammaana, Rabbiga addoommadiisa oo dhammow,
Kuwiinna goor habeennimo ah guriga Rabbiga dhex taaganow.
2 Gacmaha u taaga macbudka xaggiisa,
Oo Rabbiga ammaana.
3 Rabbigu Siyoon ha idinka soo barakeeyo,
Kaasoo ah kii sameeyey samada iyo dhulkaba.
135 Rabbiga ammaana.
Ammaana magaca Rabbiga,
Rabbiga addoommadiisow, isaga ammaana,
2 Kuwiinna guriga Rabbiga
Iyo barxadaha guriga Ilaaheenna dhex taaganow.
3 Rabbiga ammaana, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay,
Magiciisa ammaan ugu gabya, waayo, wuu wacan yahay.
4 Waayo, Rabbigu reer Yacquub nafsaddiisuu u doortay,
Hantidiisa gaarka ah ayuu u doortay reer binu Israa'iil.
5 Waayo, waan ogahay in Rabbigu weyn yahay,
Iyo in Sayidkeennu ka wada sarreeyo ilaahyada oo dhan.
6 Rabbigu wax alla wixii uu jeclaystayba wuu ku sameeyey
Samada iyo dhulka, iyo badaha iyo moolalka oo dhan dhexdooda.
7 Isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco,
Roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac,
Oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.
8 Isagaa laayay curadyadii Masar,
Kuwii dadka iyo kuwii duunyadaba.
9 Masaray, isagu wuxuu dhexdaada u soo diray calaamooyin iyo yaabab,
Oo wax buu ku soo kor daayay Fircoon iyo addoommadiisii oo dhanba.
10 Wuxuuna laayay quruumo badan,
Oo wuxuu dilay boqorro xoog badan, kuwaas oo ahaa
11 Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor,
Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan,
Iyo boqortooyooyinkii reer Kancaan oo dhan,
12 Oo dalkoodiina dhaxal ahaan buu u bixiyey,
Oo wuxuu dhaxal u siiyey dadkiisa reer binu Israa'iil.
13 Rabbiyow, magacaagu weligiisba wuu waaraa,
Rabbiyow, xusuustaadu waxay gaadhaa qarni kasta.
14 Waayo, Rabbigu dadkiisuu u garsoori doonaa,
Oo addoommadiisana wuu u naxariisan doonaa.
15 Sanamyada quruumuhu waa lacag iyo dahab,
Oo waa wax ay dad gacmaha ku sameeyeen.
16 Afaf way leeyihiin, laakiinse ma hadlaan,
Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,
17 Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan,
Oo afkoodana neefu kuma jirto.
18 Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan,
Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaaba.
19 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga ammaana,
Reer Haaruunow, Rabbiga ammaana,
20 Reer Laawiyow, Rabbiga ammaana,
Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga ammaana.
21 Rabbiga Yeruusaalem deggan ha laga ammaano Siyoon.
Rabbiga ammaana.
Digniin Ka Gees Ah Naagta Gogoldhaafta
7 Wiilkaygiiyow, erayadayda xaji,
Oo amarradaydana xaggaaga ku kaydso.
2 Amarradayda xaji aad noolaatide,
Oo sharcigaygana sida ishaada inankeeda u dhawr.
3 Farahaaga ku xidho,
Oo looxa qalbigaagana ku qoro.
4 Waxaad xigmadda ku tidhaahdaa, Adigu waxaad tahay walaashay,
Oo waxgarashadana waxaad ugu yeedhaa, saaxiibadday gacalisoy,
5 Si ay iyagu kaaga celiyaan naagta qalaad,
Taasoo erayadeeda kugu sasabata.
6 Waayo, anigoo jooga daaqadda gurigayga
Ayaan shabagga daaqadda wax ka fiiriyey,
7 Oo kuwa garaadka daran ayaan fiiriyey, oo waxaan barbaarrada ku dhex arkay
Nin dhallinyaraa oo aan innaba waxgarasho lahayn,
8 Isagoo maraya dariiqa xaafaddeeda u dhow,
Oo wuxuu raacay jidkii gurigeeda,
9 Oo waxay ahayd gabbaldhac oo makhribka ah, markii habeenkii madoobaanayay oo gudcur noqonayay.
10 Oo bal eeg, waxaa isagii ka hor timid naag
Sidii dhillo u lebbisan, oo qalbigeedu khiyaano miidhan yahay.
11 Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad,
Oo gurigeeda cag sooma dhigto.
12 Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa,
Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa.
13 Haddaba isagii way qabsatay, oo dhunkatay;
Iyadoo aan wejigeedu xishood lahayn ayay waxay isagii ku tidhi,
14 Anigu waxaan hayaa allabaryo nabdeed,
Oo maanta ayaan nidarradaydii bixiyey.
15 Haddaba waxaan u soo baxay inaan kula kulmo,
Oo aan aad iyo aad wejigaaga u doondoono, waanan ku helay.
16 Sariirtaydii waxaan ku goglay durraaxado daabac leh,
Iyo marooyin duntii Masar laga sameeyey.
17 Waxaan sariirtaydii ku cadariyey
Malmal iyo cuud iyo qorfe.
18 Kaalay, oo aan caashaq ka dheregno ilaa aroorta,
Oo aynu jacayl ku faraxsanaanno.
19 Waayo, ninkaygii guriga ma joogo,
Oo meel fog buu u sodcaalay,
20 Kiish lacag ahna wuu qaatay,
Oo wuxuu guriga ku soo noqon doonaa markuu dayaxu caddaado.
21 Hadalkeedii badnaa oo macaanaa ayay isagii isku yeelsiisay,
Oo waxay isagii ku qasabtay faankii beenta ahaa oo bushimeheeda.
22 Oo haddiiba iyadii buu daba galay,
Sidii dibi loo wado in la gowraco,
Ama sidii nacas loo wado in silsilado lagu jebiyo,
23 Jeer fallaadh beerka lagaga wareemo,
Sida shimbiru dabinka degdeg ku gasho,
Iyadoo aan ogayn in loo dhigay si nafteeda loo qaado.
24 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla,
Oo erayada afkayga dhegaysta.
25 Qalbigiinnu yaanu jidadkeeda u leexan,
Oo waddooyinkeedana ha ku dhex habaabina.
26 Waayo, iyadu waxay ridday kuwa badan oo dhaawacan,
Sida xaqiiqada kuway laysay aad bay u badan yihiin.
27 Gurigeedu waa jidkii She'ool,
Oo wuxuu hoos ugu dhaadhacaa dhimashada qolladaheeda.
Dhammaadka
13 Waxyaalahan waxaan idiinku soo qoray, idinka oo rumaystay magaca Wiilka Ilaah, si aad u ogaataan inaad nolosha weligeed ah leedihiin. 14 Oo tanu waa kalsoonaanta aynu isaga u qabno, taasoo ah haddaynu wax uun doonistiisa ku barinno, isagu wuu ina maqlaa, 15 oo haddaynu og nahay inuu inaga maqlo wax alla wixii aynu ka barinno, waxaynu og nahay inaynu leennahay waxyaalihii aynu isaga ka barinnay. 16 Haddii qof uun arko walaalkii oo samaynaya dembi aan xagga dhimashada ahayn, waa inuu Ilaah baryo; isaguna noloshuu siin doonaa kuwa samaynaya dembi aan xagga dhimashada ahayn. Waxaa jira dembi xagga dhimashada ah. Oo anigu odhan maayo, Kaas ha ka tukado. 17 Xaqdarrada oo dhammu waa dembi; oo waxaa jira dembi aan xagga dhimashada ahayn.
18 Waan og nahay in ku alla kii Ilaah ka dhashay aanu dembaabin. Maxaa yeelay, kii ka dhashay Ilaah naftiisuu ilaaliyaa, oo ka sharka lihina ma taabto. 19 Waxaynu og nahay inaynu kuwa Ilaah nahay, oo ay dunida oo dhammuna ku jirto gacanta ka sharka leh. 20 Waxaynu og nahay in Wiilka Ilaah yimid, oo wuxuu ina siiyey garasho si aynu ugu garanno kan runta ah; innaguna waa ku jirnaa kan runta ah, oo ah Wiilkiisa ee Ciise Masiix ah. Kanu waa Ilaaha runta ah iyo nolosha weligeed ah. 21 Carruurtiiyey, sanamyada iska ilaaliya.
55 Hadda Iidda Yuhuudda ee Kormaridda la yidhaahdaa waa dhowayd, kuwa badanna waxay u kaceen Yeruusaalem iyagoo dalka ka yimid Iiddii Kormaridda horteed inay isdaahiriyaan. 56 Sidaa daraaddeed ayay Ciise doondooneen, oo waxay isku yidhaahdeen, iyagoo macbudka dhex taagan, Maxay idinla tahay? Ma inuusan iidda imanaynin baa? 57 Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay amar ku bixiyeen, Hadduu qof ogaado meeshuu joogo waa inuu sheego, ha la qabtee.
Maryan Baa Ciise Beytaniya Ku Subagtay(A)
12 Haddaba lix maalmood ka hor Iidda Kormaridda, Ciise wuxuu yimid Beytaniya, meeshuu joogay Laasaros, kii Ciise kuwa dhintay ka soo sara kiciyey. 2 Sidaas daraaddeed halkaasaa casho loogu sameeyey, Maartana waa adeegaysay, oo Laasaros wuxuu ka mid ahaa kuwa cuntada ula fadhiistay. 3 Maryan haddaba waxay qaadday rodol cadar ah oo naaradiin qaaliya ah, waxayna marisay cagaha Ciise, oo timaheedii ayay cagihiisa ku tirtirtay. Gurigiina waxaa ka buuxsamay udgoonkii cadarka. 4 Laakiin Yuudas Iskariyod, oo ahaa mid xertiisii ka mid ah, oo gacangelin lahaa, wuxuu yidhi, 5 Maxaa cadarkan loogu iibin waayay saddex boqol oo dinaar, oo loo siin waayay masaakiinta? 6 Sidaas uma uu odhan dan uu ka lahaa masaakiinta, laakiin wuxuu u yidhi wuxuu ahaa tuug, oo kiishadda lacagta ayuu hayn jiray, wuuna kala bixi jiray wixii lagu rido. 7 Haddaba Ciise ayaa yidhi, Daaya. Waxay u haysay maalinta aasniintayda. 8 Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse idinlama joogo mar walba.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya