Book of Common Prayer
Gabayga meelokoridda.
121 Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa,
Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa?
2 Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa
Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka.
3 Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo,
Kan ku dhawraa ma gam'i doono.
4 Bal eeg, kan reer binu Israa'iil dhawraa
Ma gam'i doono, mana seexan doono.
5 Kan ku dhawraa waa Rabbiga,
Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan.
6 Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto.
Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.
7 Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta,
Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada.
8 Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba
Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.
Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.
122 Waan farxay markay igu yidhaahdeen,
Ina keena, aan guriga Rabbiga tagnee.
2 Yeruusaalemay, cagahayagu
Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda,
3 Yeruusaalem waxaa loo dhisay
Sida magaalo isku wada dheggan,
4 Halkaasay qabiilooyinka, oo ah qabiilooyinka Rabbigu kor ugu baxaan
Inay Israa'iil u marag furaan,
Iyo inay magaca Rabbiga ku mahadnaqaan.
5 Waayo, waxaa yaalla carshiyo garsoorid loo dhigay,
Waana carshiyadii reerka Daa'uud.
6 Yeruusaalem nabad ugu duceeya.
Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan.
7 Nabadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda,
Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer.
8 Walaalahay iyo rafiiqyadayda daraaddood
Ayaan hadda waxaan odhanayaa, Nabadu gudahaaga ha ku jirto.
9 Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis
Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa.
Gabayga meelokoridda.
123 Kaaga samooyinka dhex fadhiyow,
Adigaan indhahayga kor kuugu taagaa.
2 Bal eeg, sida ay indhaha addoommadu u fiiriyaan gacanta sayidkooda,
Iyo sida ay gabadh indhaheedu u fiiriyaan gacanta sayidaddeeda
Ayay indhahayagu u fiiriyaan Rabbiga Ilaahayaga ah,
Ilaa uu noo naxariisto.
3 Rabbiyow, noo naxariiso, annaga noo naxariiso,
Waayo, waxaa aad nooga buuxda quudhsasho.
4 Naftayadii waxaa aad uga batay
Qosolka kuwa istareexsan
Iyo quudhsashadii kuwa kibirsan.
Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.
131 Rabbiyow, qalbigaygu kor isuma qaado, indhahayguna ma kibirsana,
Oo anna iskuma dhex tuuro axwaal waaweyn,
Ama waxyaalihii igu yaab badan.
2 Hubaal naftaydii waan dejiyey, oo waan xasilliyey,
Sida ilmo naas laga gudhiyey oo hooyadiis la jooga,
Naftaydu waxay iigu jirtaa sida ilmo naas laga gudhiyey.
3 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba,
Haddeer intii laga bilaabo iyo tan iyo weligiinba.
Gabayga meelokoridda.
132 Rabbiyow, bal xusuuso Daa'uud
Dhibaatooyinkiisii oo dhan,
2 Iyo siduu Rabbiga ugu dhaartay,
Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,
3 Hubaal anigu geli maayo teendhada gurigayga,
Sariirtaydana fuuli maayo,
4 Indhahayga seexasho isugu qaban maayo,
Il iyo baalna isu keeni maayo,
5 Ilaa aan meel u helo Rabbiga,
Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.
6 Bal eeg, annagu waxaan ku maqalnay Efraataah,
Oo waxaan ka helnay berrinkii duurka.
7 Waxaan geli doonnaa taambuugyadiisa,
Oo waxaan ku sujuudi doonnaa meeshuu cagaha saarto.
8 Rabbiyow, sara joogso, oo meeshaada nasashada gal,
Adiga iyo sanduuqa xooggaaguba.
9 Wadaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen,
Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.
10 Addoonkaagii Daa'uud daraaddiis
Ha sii jeedin kaaga subkan wejigiisa.
11 Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay,
Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo,
Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.
12 Carruurtaadu hadday xajiyaan axdigayga
Iyo markhaatifurkayga aan iyaga bari doono,
De markaas carruurtooduna weligood bay ku fadhiisan doonaan carshigaaga.
13 Waayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon,
Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto.
14 Halkanu waa meeshaydii nasashada weligeedba,
Halkanaan degganaan doonaa, waayo, waan jeclaystay.
15 Waxaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud,
Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.
16 Wadaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado,
Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.
17 Halkaas waxaan ka dhigi doonaa in gees Daa'uud u soo baxo,
Waxaan laambad u diyaariyey kii aan subkaday.
18 Cadaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb,
Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.
14 Rabbigu wuxuu leeyahay, Hawsha Masar, iyo baayacmushtariga Itoobiya, iyo reer Saabaa'iim oo ah dad sarajoog dheer idinkay idiin soo gudbi doonaan, oo kuwiinnay ahaan doonaan. Iyagu way idin daba socon doonaan, oo waxay idiin soo gudbi doonaan iyagoo silsiladaysan, oo way idiin sujuudi doonaan, wayna idin baryi doonaan, iyagoo leh, Sida xaqiiqada ah Ilaah dhexdiinnu jiraa, oo mid kalena ma jiro, oo isaga mooyaane Ilaah kale ma jiro. 15 Ilaaha reer binu Israa'iil oo ah Badbaadiyahow, sida runta ah waxaad tahay Ilaah isqariya. 16 Iyagu dhammaantood way ceeboobi doonaan oo giddigoodna way sharafjabi doonaan, oo kuwa sanamyo sameeya oo dhammu way wada qasmi doonaan. 17 Laakiinse Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku badbaadin doonaa badbaado daa'im ah, oo idinku weligiin iyo weligiinba ma aad ceeboobi doontaan, mana aad sharafjabi doontaan.
18 Waayo, Rabbiga samooyinka uumay oo ah Ilaaha dhulka uumay, oo sameeyey, oo dhisay, oo aan si aan waxba tarayn u uumin, laakiinse u uumay in la degganaado wuxuu leeyahay, Anigaa Rabbiga ah mid kalena ma jiro. 19 Anigu kuma hadlin qarsoodi iyo meel gudcur ah oo dhulka ka mid ah. Farcanka Yacquub kuma odhan, Si aan waxba tarin ii doondoona. Aniga Rabbiga ahu waxaan ku hadlaa xaqnimo, oo waxaan sheegaa waxyaalo qumman.
Qaybtii Uu Bawlos Ka Qaatay Shuqulka Ciise Masiix
24 Haatan waxaan ku farxaa xanuunsigayga aan idiin xanuunsado, oo waxaan dhammaystiraa dhibaatooyinka Masiixa oo jidhkayga ku dhiman jidhkiisa aawadiis kaasoo ah kiniisadda. 25 Taas waxaa la iiga dhigay midiidin xagga wakiilnimada Ilaah oo aniga aawadiin la ii siiyey inaan dhammaan erayga Ilaah ku wada wacdiyo. 26 Wuxuu ahaa wax aan la garanayn oo qarsoonaa tan iyo weligiis iyo qarni kasta, laakiinse haatan waxaa loo muujiyey quduusiintiisa. 27 Kuwaas Ilaah baa ku farxay inuu iyaga ogeysiiyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta qarsoodigan ee ku dhex jira quruumaha, kaas oo ah Masiixa idinku jira oo ah rajada ammaanta. 28 Isaga waannu naadinnaa, annagoo nin kasta waaninayna oo nin kasta wax ku barayna xigmad oo dhan, inaannu nin walba hor keenno isagoo Masiixa kaamil ku ah. 29 Taas ayaan u hawshoodaa anigoo aad u dadaalaya sida uu yahay shuqulkiisa si xoog leh igaga dhex shaqeeyaa.
2 Waxaan jeclaan lahaa inaad ogaataan sida weyn oo aan idiinku dadaalayo idinka iyo kuwa La'odikiya jooga iyo in alla intii aan arag wejigayga anoo nool; 2 inay qalbiyadoodu dhiirranaadaan, iyagoo jacayl isugu xidhan, iyo inay wada helaan hodantinimada hubaasha waxgarashada, inay ogaadaan qarsoodiga Ilaah, kaas oo ah Masiixa. 3 Isaga waxaa ku wada qarsoon waxyaalaha qaaliga ah oo dhan oo ah xigmadda iyo aqoonta.
La Mid-ahaanshaha Ciise Masiix, Iyo Ka-digidda Cilmiga Beenta Ah
4 Taas waxaan u leeyahay inaan ninna idinku khiyaanayn hadal sasabasho ah. 5 In kastoo aan idinka maqnahay xagga jidhka, weliba waan idinla joogaa xagga ruuxa, anigoo faraxsan oo fiirinaya nidaamkiinna iyo adkaanta rumaysadkiinna, xagga Masiixa.
6 Haddaba sidaad u aqbasheen Rabbi Ciise Masiix, ku socda, 7 idinkoo isaga xidid ku yeeshay oo ku dhismay, oo rumaysadkiinna ku adkaaday, taas oo ah sidii laydiin baray, oo aad u mahadnaqa.
Nuurka Dunida
12 Haddaba Ciise ayaa mar kale la hadlay iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa, gudcurka kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha. 13 Sidaa aawadeed Farrisiintu waxay ku yidhaahdeen, Marag baad isu furaysaa, maraggaagguna run ma aha. 14 Ciise baa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, In kastoo aan marag isu furo, maraggaygu waa run, waayo, waxaan garanayaa meeshaan ka imid iyo meeshaan tegayo, idinkuse garan maysaan meeshaan ka imid ama meeshaan tegayo. 15 Idinku waxaad wax ka xukuntaan xagga jidhka, aniguse ninna ma xukumo. 16 Haddaan xukumo, xukunkaygu waa run, waayo, anigu keligay ma ihi, laakiin waa aniga iyo Aabbahaygii i soo diray. 17 Sharcigiinna waxaa ku qoran, Laba nin maraggoodu waa run. 18 Anigu waxaan ahay kii isu marag fura, oo Aabbahaygii i soo dirayna ayaa ii marag fura. 19 Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, I garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya