Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 2

Bal quruumuhu maxay u cadhoodaan,
Dadkuna maxay ugu fikiraan wax aan waxba ahayn?
Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin,
Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan
Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,
Silsiladahooda aan gooyno
Oo xadhkahoodana aan iska fogayno.
Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa,
Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa.
Markaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa,
Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh,
Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey
Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa,
Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga,
Maantaan ku dhalay.
I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha,
Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa.
Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah,
Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.
10 Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha,
Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha.
11 Rabbiga cabsi ugu adeega,
Oo reyreeya idinkoo gariiraya.
12 Wiilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane.
Waayo, cadhadiisu haddiiba way kululaan doontaa.
Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan.

Sabuurradii 26

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

26 Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda,
Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.
Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi,
Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh.
Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda,
Oo waxaan ku socday runtaada.
Lama aan fadhiisan waxmatarayaal,
Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo.
Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha,
Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo.
Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta,
Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,
Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo,
Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay,
Iyo meesha ammaantaadu joogto.
Naftayda ha la ururin dembilayaal,
Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,
10 Gacmahooda belaayadu ku jirto,
Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.
11 Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda,
Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.
12 Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman,
Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.

Ishacyaah 49:13-23

13 Samooyinkow, heesa, oo dhulkow, faraxsanow, buurahow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo kuwiisa dhibaataysanna wuu u naxariisan doonaa.

14 Laakiinse Siyoon waxay tidhi, Rabbigu waa iga tegey, oo Sayidku waa i illoobay. 15 Miyaa naagu ilmeheeda nuuga illoobi kartaa inayan wiilkii uurkeeda ka soo go'ay u naxariisan? Mindhaa kuwaasu way illoobi karaan, aniguse innaba ku illoobi maayo. 16 Bal eeg, waxaan kugu calaamadeeyey calaacalaha gacmahayga, oo derbiyadaaduna had iyo goorba way i hor yaalliin. 17 Carruurtaadu way soo degdegayaan, oo kuwii ku dumiyey iyo kuwii cidlada kaa dhigayba way kaa bixi doonaan. 18 Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Kuwaas oo dhammu way isa soo wada urursanayaan oo adigay kuu imanayaan. Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay, hubaal kuwaas oo dhan waxaad u xidhan doontaa sida sharraxaad oo kale, oo waxaad u huwan doontaa sida aroosaddu wax u huwato oo kale. 19 Waayo, baabba'aagii iyo meelahaagii cidloobay iyo dalkaagii burburayba haatan cidhiidhi bay ku noqon doonaan kuwa ku degaya, oo kuwii ku liqayna way kaa fogaan doonaan. 20 Carruurta aad dhashay markaad gablantay dabadeed ayaa kugu odhan doonta adigoo maqlaya, Meeshu aad bay noogu cidhiidhisan tahay, haddaba bal meel aannu degno noo bannee. 21 Markaasaad qalbigaaga iska odhan doontaa, Bal yaa kuwan ii dhalay? Maxaa yeelay, carruurtaydii waan ka gablamay, oo waxaan ahay mid cidlowday, oo la masaafuriyey, oo wareegta. Oo bal yaase kuwan ii koriyey? Waayo, anoo keligay ah ayaa layga tegey, ee haddaba kuwanu xaggee bay joogeen?

22 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, quruumahaan u gacan haadin doonaa, oo calankayga dadyowgaan u taagi doonaa, oo wiilashaada laabtooday ku keeni doonaan, oo gabdhahaagana garbahooday ku soo qaadi doonaan. 23 Oo boqorro waxay kuu noqon doonaan aabbayaal carruurtaada xannaaneeya, oo boqoradahoodu waxay kuu noqon doonaan hooyooyin carruurtaada nuujiya. Oo intay jaahooda dhulka saaraan ayay kuu sujuudi doonaan, oo waxay leefleefi doonaan ciidda cagahaaga. Markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay, oo kuwii i sugaa marnaba ma ay ceeboobi doonaan.

Matayos 18:1-14

Is-hoosaysiinta(A)

18 Saacaddaas ayaa xertii u timid Ciise oo waxay ku yidhaahdeen, Yaa haddaba boqortooyada jannada ugu weyn? Markaasuu wuxuu u yeedhay ilmo yar, oo dhexdooda ayuu joojiyey oo yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaydnan soo jeesan oo aydnaan noqon sida carruur oo kale, boqortooyada jannada ma geli doontaan. Ku alla kii haddaba isu hoosaysiiya sida ilmahan oo kale, kaas ayaa ugu weyn boqortooyada jannada, oo ku alla kii magacayga ilmahan oo kale ku aqbalaa, wuu i aqbalaa.

Ciise Wuxuu Ka Digay Inaan Dadka Kale La Xumayn(B)

Laakiin ku alla kii xumeeya yaryarkan i rumaystay midkood, waxaa u roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda moolkeeda lagu hafiyo. Waa u hoog dunida xumaanta aawadeed! Xumaantu waa inay timaado, laakiin waa u hoog ninka ay xumaantu ka timaado. Haddii gacantaadu ama cagtaadu ku xumayso, iska jar, oo iska tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad gacanla'aan iyo lugla'aan nolosha ku gashid intii adigoo laba gacmood iyo laba cagood leh lagugu tuuri lahaa dabka weligiis ah. Haddii ishaaduna ku xumayso iska bixi oo iska tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad il keliya nolosha ku gashid intii adigoo laba indhood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada dabka ah.

10 Iska jira inaydnaan yaryarkan midkood quudhsan, waayo, waxaan idinku leeyahay, Mar walba malaa'igahooda jannada ku jira ayaa wejiga Aabbahayga jannada ku jira eegaya. 11 Waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu u yimid inuu badbaadsho kii lumay.

Masaalka Ku Saabsan Laxdii Hallowday(C)

12 Maxay idinla tahay, Nin hadduu tiro ido ah leeyahay oo middood ay ka hallowdo, miyaanu sagaal iyo sagaashanka buuraha dushooda kaga tegin oo doonin tii hallowday? 13 Oo hadday noqoto inuu helo, runtii waxaan idinku leeyahay, taas aad buu ugu farxaa si uusan ugu farxin sagaal iyo sagaashankii aan hallaabin. 14 Sidaas oo kale, ma aha doonista Aabbihiinna jannada ku jira in yaryarkan midkood lumo.

Sabuurradii 19

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

19 Samooyinku waxay caddeeyaan ammaanta Ilaah,
Cirkuna wuxuu muujiyaa sancadii gacantiisa.
Maalinba maalinta ka dambaysaa waxay ku hadashaa hadal,
Oo habeenba habeenka ka dambeeyaa wuxuu caddeeyaa aqoon.
Ma jiro hadal ama af
Aan codkooda laga maqlin.
Codkoodii wuxuu dhex maray dhulka oo dhan,
Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu dambaysa.
Oo dhexdooda wuxuu taambuug u dhigay qorraxda,
Taasoo la mid ah aroos qolladdiisii ka soo baxaya,
Oo waxay u faraxdaa sida nin xoog leh oo baratamaya.
Waxay ka soo baxdaa samada darafkeeda,
Oo waxay ku soo wareegtaa hareeraheeda,
Oo kulaylkeedana wax ka qarsoonu ma jiraan.
Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa,
Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa.
Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan,
Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa.
Cabsida Rabbigu waa nadiif, weligeedna way raagtaa,
Xukummada Rabbigu waa run, waana wada xaq dhammaantood.
10 Iyagu waa wax xataa dahab laga sii jeclaado, haah, xataa dahab badan oo saafi ah,
Oo weliba way ka sii macaan yihiin malab iyo awlallada malabka.
11 Oo weliba addoonkaagana iyagaa loogu digay,
Oo xajintoodana waxaa ku jira abaalgud weyn.
12 Bal yaa qaladdadiisa garan kara?
Rabbow, iga nadiifi dembiyo qarsoon.
13 Anoo addoonkaaga ah iga hay waxyaalo aan ku kibro,
Oo yaanay ii talin,
Oo markaas kaamil baan ahaan doonaa,
Oo xadgudub weynna daahir baan ka ahaan doonaa.
14 Rabbiyow, xooggayga iyo bixiyahaygiiyow,
Erayada afkayga iyo fikirka qalbigaygu ha ahaadeen kuwo hortaada lagu aqbalo.

Sabuurradii 126

Gabayga meelokoridda.

126 Markii Rabbigu soo celiyey maxaabiistii Siyoon,
Waxaynu noqonnay sida kuwa riyooda.
Markaasaa afkeenna waxaa ka buuxsamay qosol,
Carrabkeennana gabay,
Kolkaasaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi,
Rabbigu waxyaalo waaweyn ayuu iyaga u sameeyey.
Rabbigu wuxuu inoo sameeyey waxyaalo waaweyn,
Oo aynu ku faraxsan nahay.
Rabbiyow, maxaabiisnimada mar kale nooga soo celi
Sida durdurrada koonfureed.
Kuwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan.
Kii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita,
Wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita.

Markos 10:13-16

Ciise Wuxuu U Duceeyey Carruur Yaryar(A)

13 Ilmo yaryar ayay u keeneen inuu taabto, xertuna way canaanatay. 14 Laakiin Ciise goortuu arkay, wuu cadhooday, oo wuxuu ku yidhi, Ilmaha yaryar daaya, ha ii yimaadeene, hana diidina, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada Ilaah. 15 Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono. 16 Gacmihiisuu ku qaaday oo intuu calaacalihiisa saaray, ayuu barakeeyey.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya