Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 24

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

24 Rabbigaa iska leh dhulka iyo waxa ka buuxa oo dhan,
Iyo dunida iyo kuwa degganba.
Waayo, isagaa badaha dushooda ka aasaasay,
Oo wuxuu ka dul dhisay webiyaasha.
Bal yaa fuuli doona Rabbiga buurtiisa?
Oo bal yaa dhex istaagi doona meeshiisa quduuska ah?
Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay,
Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin,
Oo aan si khiyaano leh u dhaaran.
Kaasu wuxuu Rabbiga ka heli doonaa barako,
Ilaaha badbaadadiisana xaqnimo.
Kanu waxaa weeye qarnigii kuwa isaga doondoona,
Oo waa kuwa wejigaaga doondoona, Ilaaha Yacquubow. (Selaah)
Irdahow, madaxiinna kor u qaada,
Oo albaabbada daa'imiska ahow, kor ha laydiin qaado,
Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.
Bal waa ayo Boqorka ammaantu?
Waa Rabbiga xoog iyo itaal badan,
Waa Rabbiga dagaalka ku xoog badan.
Irdahow, madaxiinna kor u qaada,
Oo albaabbada daa'imiska ahow, madaxiinna kor u qaada,
Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.
10 Bal waa ayo Boqorkan ammaantu?
Waa Rabbiga ciidammada,
Isaga weeye Boqorka ammaantu. (Selaah)

Sabuurradii 29

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

29 Kuwiinna carruurta Ilaah ahow, Rabbiga ammaana,
Rabbiga ka sheega ammaan iyo xoog.
Rabbiga ku ammaana ammaanta magiciisu mudan yahay,
Rabbiga ku caabuda quruxda quduuska ah.
Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha,
Ilaaha ammaantu wuu onkodaa,
Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan.
Rabbiga codkiisu waa xoog badan yahay,
Rabbiga codkiisu waa haybad badan yahay.
Rabbiga codkiisu wuxuu jebiyaa geedaha kedarka ah,
Haah, oo Rabbigu wuxuu kala jebjebiyaa geedaha kedarka ah oo Lubnaan.
Oo weliba wuxuu iyaga ka dhigaa inay u boodboodaan sida weyl oo kale,
Lubnaan iyo Siryonba wuxuu ka dhigaa sida gisi yar.
Rabbiga codkiisu wuxuu googooyaa ololka dabka.
Rabbiga codkiisu wuxuu ruxruxaa cidlada,
Rabbigu wuxuu ruxruxaa cidlada Qaadeesh.
Rabbiga codkiisu wuxuu dhaliyaa deerooyinka,
Oo kayntana caleemaha wuu ka daadiyaa,
Oo wax kasta oo macbudkiisa ku jiraana waxay yidhaahdaan, Ammaan.
10 Rabbigu wuxuu dul fadhiyaa daadka,
Haah, oo Rabbigu wuxuu weligiisba u fadhiyaa sida boqor oo kale.
11 Rabbigu dadkiisuu xoogayn doonaa,
Oo Rabbigu nabad buu dadkiisa ku barakayn doonaa.

Sabuurradii 8

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid.

Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.
Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga,
Waana cadaawayaashaada daraaddood,
Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.
Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey,
Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?
Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha,
Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.
Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga,
Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,
Idaha iyo lo'da oo dhan,
Iyo xayawaanka duurka joogaba,
Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda,
Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.
Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!

Sabuurradii 84

Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, oo Gitiid lagu luuqeeyo.

84 Rabbiga ciidammadow, taambuugyadaadu sidee bay u yihiin wax la jeclaado!
Naftaydu waxay u xiisaysan tahay Rabbiga barxadihiisa,
Qalbigayga iyo jiidhkayguba waxay u dhawaaqaan Ilaaha nool.
Haah, shimbirtu waxay nafsaddeeda u heshay guri,
Dabafallaadhuna buul ay yaryarkeeda ku dhasho,
Kaas oo ah meelaha allabarigaaga, Rabbiga ciidammadow,
Boqorkaygiiyow, Ilaahaygiiyow.
Waxaa barakaysan kuwa gurigaaga deggan,
Weligoodba way ku sii ammaani doonaan.
Waxaa barakaysan ninkii xooggiisu xaggaaga ka yimaado,
Oo ay jidadka sare oo Siyoon qalbigiisa ku jiraan.
Markay dhex maraan Dooxadii Oohinta waxay ka dhigaan meel ilo badan leh,
Haah, oo roobka hore ayaa barakooyin ka buuxiya.
Way xoogaystaan, oo weliba way sii xoogaystaan,
Oo midkood kastaaba Ilaah buu ka hor muuqdaa Siyoon dhexdeeda.
Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, baryadayda maqal,
Ilaaha Yacquubow, bal dhegta ii dhig, (Selaah)
Ilaahow, gaashaankayagiiyow, bal eeg,
Oo bal kaaga la subkay wejigiisa fiiri.
10 Waayo, maalin barxadahaaga la joogo way ka sii wanaagsan tahay kun maalmood oo kale.
Intaan teendhooyinka sharka joogi lahaa,
Waxaan ka sii jeclaan lahaa inaan guriga Ilaah iridjooge u ahaado.
11 Waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waxa weeye qorrax iyo gaashaan,
Rabbigu wax wanaagsan kalama hadhi doono kuwa si qumman u socda.
Wuxuuna siin doonaa naxariis iyo sharaf.
12 Rabbiga ciidammadow,
Waxaa barakaysan ninkii isku kaa halleeya.

Bilowgii 3:8-15

Oo waxay maqleen codkii Rabbiga Ilaaha ah, isagoo beerta dhex socda kolkii maalintu qaboobayd: oo ninkii iyo naagtiisii way iska qariyeen Ilaah, oo waxay ku dhuunteen geedihii beerta dhexdooda. Oo Rabbiga Ilaah ahu wuu u yeedhay ninkii, oo wuxuu ku yidhi, Xaggee baad joogtaa? 10 Isagiina wuxuu yidhi, Codkaagaan beerta ka dhex maqlay, waanan cabsaday, maxaa yeelay, waan qaawanaa; oo waan isqariyey. 11 Kolkaasuu ku yidhi, Yaa kuu sheegay inaad qaawan tahay? Miyaad wax ka cuntay geedkii aan kugu amray inaadan wax ka cunin? 12 Ninkiina wuxuu yidhi, Naagtii aad i siisay inay ila joogto ayaa geedkii wax iga siisay, oo anna waan cunay. 13 Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu naagtii ku yidhi, Waa maxay waxan aad samaysay? Naagtiina waxay tidhi, Abeesadaa i khiyaanaysay oo anna waan cunay.

14 Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu abeesadii ku yidhi, Waxan aad samaysay aawadiis waad ka habaaran tahay xoolaha oo dhan, iyo dugaag kasta oo duurka jooga; waxaanad ku socon doontaa boggaaga, ciid baanad cuni doontaa maalmaha cimrigaaga oo dhan: 15 oo colaad baan idin dhex dhigi doonaa adiga iyo naagta, iyo farcankaaga iyo farcankeeda; oo madaxaaguu burburin doonaa, adiguna cedhibtiisaad burburin doontaa.

Muujintii 12:1-10

Riyadii Lagu Arkay Naagtii Iyo Masduulaagii

12 Markaasaa waxaa samada ka muuqatay calaamo weyn, taas oo ahayd naag qorraxda huwan, oo dayaxuna wuxuu ka hooseeyey cagaheeda, madaxana waxaa u saarnaa taaj laba iyo toban xiddigood ah, oo uur bay lahayd; wayna qaylinaysay iyadoo foolanaysa oo xanuunsanaysa oo doonaysa inay umusho. Oo haddana samada waxaa ka muuqatay calaamo kale; oo bal eeg waxaa la arkay masduulaa weyn oo cas, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees, oo madaxyadiisii waxaa u saarnaa toddoba taaj. Oo dabadiisiina waxay soo jiidday xiddigihii samada saddex meelood oo meel, oo waxay ku soo tuurtay dhulka; markaasaa masduulaagii wuxuu is-hor taagay naagtii ku dhowayd inay umusho, si uu ilmaha uga liqo markay umusho. Oo waxay umushay ilmo lab; kaas oo loo xugmay inuu quruumaha oo dhan ul bir ah ku xukumo; oo ilmaheediina waxaa kor loogu qaaday xagga Ilaah iyo carshigiisa. Oo naagtiina waxay u carartay xagga cidlada, halkaasoo Ilaah iyada uga diyaariyey meel lagu quudiyo kun iyo laba boqol iyo lixdan maalmood.

Markaasaa samada waxaa ka dhacay dagaal, oo Mikaa'iil iyo malaa'igihiisii waxay u soo baxeen inay la diriraan masduulaagii; oo masduulaagii iyo malaa'igihiisiina way la dirireen; kamana ay adkaan, meeshoodiina mar dambe samada lagama helin. Oo masduulaagii weynaa oo ahaa maskii duqa ahaa hoos baa loo soo tuuray, kaasoo la yidhaahdo Ibliis iyo Shayddaan, kii dunida oo dhan khiyaaneeyey. Waxaa isaga lagu soo tuuray dhulka, oo malaa'igihiisiina hoos baa loola soo tuuray isaga.

10 Oo haddana waxaan samada ka maqlay cod weyn oo leh, Haatan waxaa yimid badbaadadii, iyo xooggii, iyo boqortooyadii Ilaaheenna, iyo amarkii Masiixiisa; maxaa yeelay, kii walaalaheen dacweyn jiray hoos baa loo tuuray, kaasoo iyaga ku dacweyn jiray Ilaaheenna hortiisa habeen iyo maalinba.

Yooxanaa 3:16-21

16 Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah. 17 Ilaah Wiilka uguma soo dirin dunida inuu xukumo dunida, laakiin wuxuu u soo diray inay dunidu ku badbaaddo isaga. 18 Kii isaga rumaystaa ma xukumna, laakiinse kii aan isaga rumaysan, hore ayaa loo xukumay, maxaa yeelay, wuxuusan rumaysan magaca Wiilka Ilaah oo keliya oo dhashay. 19 Kanu waa xukunka, nuurka ayaa dunida yimid, dadkiise waxay nuurkii ka jeclaadeen gudcurka, maxaa yeelay, shuqulladoodu shar bay ahaayeen. 20 Nin kastoo shar falaa nuurkuu nebcaadaa, umana yimaado nuurka, si aan shuqulladiisa loogu canaanan. 21 Laakiinse kii runta falaa, nuurkuu yimaadaa si shuqulladiisu u muuqdaan in Ilaah laga sameeyey.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya