Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 16-17

Kanu waa gabay Mikhtaam ah oo Daa'uud tiriyey.

16 Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.
Waxaan Rabbiga ku idhi, Sayidkayga baad tahay,
Oo innaba wanaag ma haysto la'aantaa.
Quduusiinta dhulka joogtaa
Waxaa weeye kuwa sharafta leh oo aan aad iyo aad ula faraxsanahay.
Kuwa ilaaha kale u dheereeya murugtoodu waa badnaan doontaa,
Laakiinse anigu bixin maayo qurbaankooda cabniinka oo dhiigga ah,
Oo magacyadoodana bushimahayga ku soo qaadi maayo.
Rabbigu waxaa weeye qaybtii dhaxalkayga iyo koobkayga,
Adigu qaybtayda waad xannaanaysaa.
Dhulqaybsigii meelo wacan baan ku helay,
Haah, oo waxaan leeyahay dhaxal wanaagsan.
Anigu waxaan ammaanayaa Rabbiga i waaniyey,
Habeenkiina uurkaygu wax buu i baraa.
Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku xusuustaa,
Oo anigu innaba dhaqdhaqaaqi maayo,
Maxaa yeelay, isagu wuxuu joogaa midigtayda.
Taas aawadeed qalbigaygu waa faraxsan yahay oo naftayduna way rayraysaa,
Oo weliba jidhkayguna ammaan buu ku jiri doonaa.
10 Maxaa yeelay, naftayda She'ool kuma dayn doontid,
Kaaga quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.
11 Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha,
Hortaada farxad baa ka buuxda,
Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.

Baryootankii Daa'uud.

17 Rabbiyow, xaqa maqal, oo qayladayda u jeeso,
Oo baryadayda dhegta u dhig, taasoo aan ka bixin bushimo khiyaano leh.
Xukunkaygu ha ka yimaado hortaada,
Oo indhahaaguna caddaalad ha fiiriyeen.
Qalbigayga waad tijaabisay, oo habeennimaad i soo booqatay,
Waad i imtixaantay, oo wax shar ah igama aad helin,
Waxaan u qasdiyey inaanu afkaygu xadgudbin.
Shuqulladii dadkana waan ka hadhay,
Oo erayada bushimahaaga ayaan kaga joogsaday jidadkii kuwa wax dulma oo dhan.
Si aanay cagahaygu u simbiriirixan,
Tallaabooyinkayga ku adkee waddooyinkaaga.
Ilaahow, waan ku baryay, waayo, waad ii jawaabi doontaa,
Bal dhegta ii dhig, oo hadalkayga maqal.
Bal muuji raxmaddaada yaabka leh,
Adigoo kuwa isku kaa halleeya gacantaada midig kaga badbaadiya
Kuwa ku kaca iyaga.
Ii dhawr sida isha inankeeda,
Oo igu qari hooska baalashaada.
Waxaad iga qarisaa kuwa sharka leh oo i kharriba,
Kuwaas oo ah cadaawayaasha naftayda oo hareerahayga ku wareegsan.
10 Qalbigooday xidheen,
Oo afkooduna wuxuu ku hadlaa waxyaalo kibir miidhan ah.
11 Oo haatan waxay cidhiidhiyeen tallaabooyinkayagii,
Oo waxay noogu dhaygageen inay dhulka nagu tuuraan aawadeed.
12 Isagu waa sida aar libaax ugaadhsi damacsan,
Iyo sida aaran libaax oo meelo qarsoon ku dhuunta.
13 Rabbiyow, kac,
Oo isaga ka hor tag, oo dhulka hoos ugu tuur,
Oo naftaydana kan sharka leh seeftaada kaga samatabbixi,
14 Rabbiyow, waxaad dadka igaga samatabbixisaa gacantaada,
Kuwaas oo ah dadka dunida, oo qaybtoodu ku jirto nolosha adduunkan,
Oo aad calooshooda ka buuxisaa khasnaddaada,
Iyagu waxay ka dhergeen carruur,
Oo maalkooda hadhayna waxay uga tagaan dhallaankooda.
15 Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa,
Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.

Sabuurradii 22

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Ayeled Shaxar.

22 Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?
Oo aad uga fogaatay caawimaaddayda iyo hadalka hinraaggayga?
Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid,
Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto.
Laakiinse adigu quduus baad tahay,
Oo kursigaaga waxaad ka dhigtaa ammaanta reer binu Israa'iil.
Awowayaashayo adigay isku kaa halleeyeen,
Iyagu way isku kaa halleeyeen, oo adna waad samatabbixisay.
Adigay kuu qayshadeen, oo way samatabbexeen,
Way isku kaa halleeyeen, oo mana ay ceeboobin.
Laakiinse anigu waxaan ahay dixiri, oo dad ma ahi,
Waxaan ahay mid la caayo, oo dadku quudhsado.
Oo kuwa i arka oo dhammu way igu qoslaan,
Bushimahay yuubaan, oo madaxay lulaan, iyagoo leh,
Rabbiguu isku halleeyey, ha samatabbixiyo,
Bal isagu waa kan ku faraxsane hadda ha samatabbixiyo.
Laakiinse adigu waxaad tahay kii uurka iga soo bixiyey,
Oo intaan naasaha hooyaday nuugayay, waxaad iga dhigtay mid ku aaminsan.
10 Aniga dushaadaa laygu soo tuuray markaan uurka ka soo baxay,
Xataa tan iyo intaan uurkii hooyaday ku jiray, Ilaahaygaad ahayd.
11 Ha iga fogaan, waayo, dhib baa soo dhow,
Qof i caawiyaana ma jiro.
12 Waxaa i hareereeyey dibiyo badan,
Oo kuwii Baashaan oo xoogga badnaa ayaa hareerahayga isku wareejiyey.
13 Afkooday iigu fureen,
Sidii libaax hamuunsan oo ciyaya.
14 Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale,
Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen,
Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale,
Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.
15 Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale,
Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay,
Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.
16 Waayo, waxaa i hareereeyey eeyo,
Oo waxaa hareerahayga isku wareejiyey shirkii xumaanfalayaasha,
Oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha.
17 Lafahaygii oo dhan waan tirin karaa,
Oo iyagu way i fiiriyaan oo igu dhaygagaan,
18 Dharkayga bay qaybsadaan,
Oo maradaydana saami bay u ritaan.
19 Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan,
Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.
20 Naftayda ka samatabbixi seefta,
Noloshaydana ka samatabbixi xoogga eeyga.
21 Iga badbaadi libaaxa afkiisa,
Haah, xataa geesihii gisiyada waad iiga jawaabtay.
22 Magacaaga waan u sheegi doonaa walaalahay,
Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.
23 Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, ammaana isaga,
Farcanka Yacquubow, sharfa isaga,
Oo kuwiinna Israa'iil ka soo farcamayow, isaga ka wada cabsada.
24 Waayo, isagu ma quudhsan, mana karhin kan la dhibay dhibkiisa,
Oo wejigiisiina kama uu qarin isagii,
Laakiinse markuu u qayshaday ayuu maqlay.
25 Xaggaaga ayaa ammaantaydu kaga imanaysaa shirka weyn dhexdiisa,
Oo nidarradayda waxaan ku bixinayaa kuwa isaga ka cabsada hortooda.
26 Oo waxaa wax cuni doona oo ka dhergi doona kuwa camalka qabow,
Kuwa Rabbiga doondoonaa isagay ammaani doonaan,
Qalbigiinnu weligiis ha noolaado.
27 Dunida darafyadeeda oo dhammu waxay soo xusuusan doonaan oo u soo jeesan doonaan Rabbiga.
Oo qolooyinka quruumaha oo dhammu waxay ku sujuudi doonaan hortaada.
28 Waayo, boqortooyada waxaa leh Rabbiga,
Oo isagu waa taliyihii quruumaha.
29 Dunida kuweeda buurbuuran oo dhammu wax bay cuni oo Ilaah bay caabudi doonaan,
Oo inta ciidda gasha oo dhammuna hortiisay ku sujuudi doonaan,
Xataa kii aan naftiisa sii noolayn karin.
30 Farcan baa isaga u adeegi doona,
Oo Sayidka waxaa looga sheekayn doonaa qarniga iman doona.
31 Oo iyagu way iman doonaan oo waxay dadka dhalan doona u sheegi doonaan
Xaqnimadiisa iyo inuu sameeyeyba.

Caamoos 5:1-17

Baroor Iyo U Yeerid In La Toobadkeeno

Dadka Israa'iilow, maqla eraygan aan idiinku barooranayo. Bikradda ah dalka Israa'iil waa dhacday, oo mar dambena ma sara joogsan doonto. Dalkeedii ayaa lagu dayriyey, oo qof kor u qaada lama arko. Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Magaaladii ay kuni ka bixi jireen boqol baa u hadhi doona, oo tii ay boqoli ka bixi jireenna toban baa dadka Israa'iil u hadhi doona. Waayo, Rabbigu wuxuu dadka Israa'iil ku leeyahay, Aniga i doondoona aad noolaataane. Laakiinse Beytel ha doondoonina, Gilgaalna ha gelina, Bi'ir Shebacna ha u gudbina, waayo, sida xaqiiqada ah Gilgaal maxaabiisnimo bay geli doontaa, oo Beytelna way baabbi'i doontaa. Si aad u noolaataan, oo uusan Rabbigu sidii dab reer Yuusuf ugu soo farabbaxsan, oo aan dabku laasan, oo aan Beytel laga waayin wax demiya, Rabbiga doondoona, kuwiinna caddaaladda u roga dacar oo xaqnimadana dhulka ku tuura. Doondoona kan sameeyey ururrada xiddigaha ah oo la yidhaahdo Toddobaadyada iyo Oriyon, oo gudcurka subaxnimo u beddela, oo maalintana madoobeeya si ay habeen u noqoto, kan biyaha badda u yeedha oo dhulka ku daadiya, magiciisu waa Rabbi. Isagu baabba' buu ku dejiyaa kuwa xoogga badan, si ay baabba'du ugu dhacdo qalcadda. 10 Way neceb yihiin kii iridda wax ku canaanta, oo way karhaan kii si qumman u hadla. 11 Miskiinka baad ku tumataan, oo waxaad ka qaadataan sarreen badan, sidaas daraaddeed guryihii aad dhagax la qoray ka dhisateen kuma hoyan doontaan, oo beercanabyadii wanwanaagsanaa ee aad beerateenna khamrigooda kama cabbi doontaan. 12 Waayo, waan ogahay xadgudubyadiinnu inay badan yihiin, iyo dembiyadiinnu inay waaweyn yihiin, kuwiinnan kii xaqa ah dhiba, ee laaluush qaata, oo masaakiinta iridda joogtana xaqooda ka leexiya. 13 Haddaba kii miyir lahu wakhtigaas wuu aamusnaan doonaa, waayo, waa wakhti shar ah. 14 Wanaagga doondoona, sharkase ha doondoonina, aad noolaataane, oo sidaasuu Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu idiinla jiri doonaa sidaad u tidhaahdaan. 15 Sharka nebcaada, oo wanaagga jeclaada, oo caddaalad iridda ku sameeya, waayo, waxaa suurtowda in Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu uu u roonaado kuwa reer Yuusuf ka hadhay. 16 Haddaba Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Sayidku wuxuu leeyahay, Dariiqyada oo dhan waxaa ka yeedhi doonta baroor, oo jidadka oo dhan waxaa laga odhan doonaa, Hoogay! Hoogay! Oo ninka beerreyda ah waxaa loogu yeedhi doonaa tacsi, oo kuwa baroorta aad u yaqaanna waxaa loogu yeedhi doonaa baroorasho. 17 Oo beercanabyada oo dhanna waxaa jiri doonta baroorasho, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan idin dhex mari doonaa.

Yuudas 1-16

WARQADDII
YUUDAS

Salaan

Anigoo Yuudas ah oo ah addoonkii Ciise Masiix, Yacquubna walaalkiis ah, waxaan warqaddan u qorayaa kuwa loo yeedhay oo Ilaaha Aabbaha ahu jecel yahay, Ciise Masiixna loo dhawray. Naxariis iyo nabad iyo jacayl ha idiin bateen.

Kadigidda Macallimiin Been Ah Iyo Dabiicad Qudhun Ah(A)

Gacaliyayaalow, intaan aad u dadaalayay inaan idiin soo qoro wax ku saabsan badbaadada inaga dhexaysa, waxaa dirqi igu noqday inaan idiin soo qoro oo aan idinku waaniyo inaad aad ugu dadaashaan iimaankii mar la wada siiyey quduusiinta oo dhan. Waayo, waxaa jira niman qarsoodi idiinku soo galay, waana kuwii waa hore xukunkan loo qoray, oo ah kuwa aan cibaadada lahayn, oo nimcada Ilaaheenna ku beddela nijaas, oo inkira Ciise Masiix oo ah Sayidkeenna iyo Rabbigeenna keliya.

Hadda, in kastoo aad hore u tiqiineen wax kasta, waxaan jeclahay inaan idin xusuusiyo sidii Rabbigu dad uga badbaadiyey dalka Masar, dabadeedna u baabbi'iyey kuwii aan rumaysan isaga; oo malaa'igihii aan dhawrin madaxtinimadoodii, laakiinse rugtoodii ka tegey, wuxuu ilaa xukunka maalinta weyn ku hayaa silsilado weligood ah iyagoo gudcur ku hoos jira. Si la mid ah Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii kale ee ku wareegsanaa oo sinaystay oo jidh kale uga daba orday, ayaa masaal laga dhigay, iyagoo ciqaabta dabka weligiis ah ku silcaya.

Weliba kuwan riyooda sidaas oo kalay jidhkooda u nijaaseeyaan, sayidnimadana u nacaan, oo kuwa derejada leh u caayaan. Laakiin Mikaa'iil oo ah malagga sare markuu Ibliiska kula murmayay meydkii Muuse aawadiis, kuma uu dhicin inuu xukun cay ah ku xukumo, laakiinse wuxuu ku yidhi, Rabbigu ha ku canaanto. 10 Laakiin kuwanu wax kastoo ayan garanaynba way caayaan, oo waxay ku baabba'aan waxay abuuristooda ku garanayaan sida xayawaanka aan caqliga lahayn. 11 Waa u hoog iyaga, waayo, waxay raaceen jidkii Qaabiil, oo faa'iido aawadeed ayay Balcaam qaladkiisii ugu yaaceen, oo waxay ku halligmeen fallaagadii Qorax. 12 Kuwanu waa dhagaxyo qarsoon oo ku dhex jira cashooyinkiinna jacaylka markay idinla faysteeyaan iyagoo aan cabsanaynin; waxayna yihiin adhijirro naftooda jira, iyo daruuro aan biyo lahayn oo dabaylo kaxeeyaan, iyo geedo jiilaal oo aan midho lahayn, oo laba goor dhintay, oo la rujiyey; 13 iyo hirar kacsan oo badda, oo ceebtoodu xumbaynayso, iyo xiddigo ambaday, oo madowga gudcurka weligood loo hayaa.

14 Enoog oo ahaa farcankii toddobaad oo Aadan isna kuwanuu wax ka sii sheegay isagoo leh, Bal eega, Rabbigu wuxuu yimid isagoo wata quduusiintiisii aan tirada lahayn, 15 inuu xukun ku soo dejiyo kulli, iyo inuu kuwa aan cibaadada lahayn oo dhan ku caddeeyo shuqulladoodii cibaadola'aanta ahaa oo ay cibaadola'aanta ku sameeyeen, iyo waxyaalihii adkaa oo dhan oo ay dembilayaasha aan cibaadada lahaynu isaga ka sheegeen. 16 Kuwanu waa kuwa gunuunaca, oo cawda, oo damacyadooda xaaraanta ah ka daba orda, afkooduna wuxuu ku hadlaa hadallo isweyneyn ah, dadkana way u kala eexdaan inay faa'iido helaan aawadeed.

Matayos 22:1-14

Masaalka Ku Saabsan Diyaafadda Arooska

22 Ciise ayaa u jawaabay oo mar kale masaallo kula hadlay, oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxay la mid tahay sidii boqor wiilkiisa aroos u dhigay. Addoommadiisii ayuu u diray inay u yeedhaan kuwa arooska loogu yeedhay, mana ay doonaynin inay yimaadaan. Haddana addoommo kale ayuu diray oo wuxuu ku yidhi, Kuwii loo yeedhay waxaad ku tidhaahdaan, Bal eega, cuntadaydii waan diyaargareeyey, dibiyadaydii iyo neefafkaygii buurbuurnaana waa la qalay, wax walubana waa diyar, ee arooska kaalaya. Laakiin way fududaysteen, oo iska tageen, mid beertiisuu aaday, mid kalena wuxuu aaday baayacmushtarigiisii. Kuwii kalena addoommadiisii ayay qabteen, wayna caayeen oo dileen. Laakiin boqorkii markuu maqlay wuu cadhooday, oo askartiisii buu u diray oo baabbi'iyey kuwaasoo dhiig qabay, magaaladoodiina wuu gubay. Markaasuu addoommadiisii ku yidhi, Arooskii waa diyaar, kuwii loo yeedhayse ma ay istaahilin. Haddaba taga meesha jidadka ku kala leexdaan, oo in alla intaad heshaan arooska ugu yeedha. 10 Markaasaa addoommadaas jidadkay u baxeen, oo ay soo ururiyeen kuwii ay heleen oo dhan, kuwii sharka lahaa iyo kuwii wanaagsanaaba; gurigii arooskana waxaa laga buuxiyey marti. 11 Laakiin boqorkii kolkuu soo galay inuu martida eego, wuxuu meesha ku arkay nin aan dharkii arooska qabin, 12 oo wuxuu ku yidhi, Saaxiibow, sidee baad halkan u soo gashay adigoo aan dharkii arooska qabin? Wuuna iska aamusay. 13 Markaasaa boqorkii wuxuu midiidinyadii ku yidhi, Lugaha iyo gacmaha ka xidha, oo gudcurka dibadda ah ku tuura; halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi. 14 Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya