Book of Common Prayer
QOF.
145 Waxaan ku qayshaday qalbigayga oo dhan, haddaba Rabbiyow, ii jawaab,
Oo anna waxaan xajin doonaa qaynuunnadaada.
146 Waan kuu qayshaday ee i badbaadi,
Oo markhaatifurkaaga waan dhawri doonaa.
147 Waan ka soo hor maray waaga berigiisii, oo waan qayliyey,
Oo waxaan rajo ku qabay erayadaada.
148 Indhahaygu way ka hor mareen wakhtiga la soo jeedo oo habeennimo,
Si aan eraygaaga uga fikiro.
149 Codkayga u maqal si raxmaddaada waafaqsan,
Rabbiyow, igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
150 Kuwii xumaatada raaci jiray way soo dhowaanayaan,
Iyagu sharcigaaga way ka fog yihiin.
151 Rabbiyow, adigu waad dhow dahay,
Oo amarradaada oo dhammuna waa wada run.
152 Waxaan markhaatifurkaaga waa hore ka iqiin
Inaad u aasaastay si ay weligood u sii waaraan.
RESH.
153 Dhibaatadayda ka fiirso oo i samatabbixi,
Waayo, anigu sharcigaaga ma illoobo.
154 Dacwadayda ii muddac, oo i soo furo,
Igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
155 Kuwa sharka leh badbaadadu waa ka fog tahay,
Waayo, qaynuunnadaada ma ay doondoonaan.
156 Rabbiyow, naxariistaadu waa badan tahay,
Igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
157 Kuwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin,
Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.
158 Waxaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday,
Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.
159 Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay,
Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.
160 Eraygaaga dhammaantiisu waa run,
Mid kasta oo xukummadaada xaqa ah ka mid ahu wuu sii waaraa weligiisba.
SHIN.
161 Amiirraa sababla'aan ii silciyey,
Laakiinse qalbigaygu wuxuu ka baqaa erayadaada.
162 Waxaan eraygaaga ugu reyreeyaa
Sidii mid booli badan helay.
163 Beenta waan necbahay oo waan karahsaday,
Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
164 Maalintiiba toddoba jeer baan ku ammaanaa,
Waana xukummadaada xaqa ah daraaddood.
165 Kuwa sharcigaaga jecelu waxay haystaan nabad weyn,
Oo wax iyaga turuntureeyaa ma jiraan.
166 Rabbiyow, badbaadintaada waan u xiisooday,
Oo amarradaadiina waan oofiyey.
167 Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga,
Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.
168 Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga,
Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.
TAW.
169 Rabbiyow, qayladaydu ha ku soo dhowaato hortaada,
Oo waxgarasho ii sii si eraygaaga waafaqsan.
170 Baryootankaygu hortaada ha yimaado,
Oo ii samatabbixi si eraygaaga waafaqsan.
171 Bushimahaygu ammaan ha ku hadleen,
Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.
172 Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga,
Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.
173 Gacantaadu diyaar ha u ahaato inay i caawiso,
Waayo, amarradaadaan doortay.
174 Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday,
Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.
175 Naftaydu ha iska noolaato, wayna ku ammaani doontaa,
Oo xukummadaaduna ha i caawiyaan.
176 Waxaan u hallaabay sidii lax luntay, haddaba anigoo addoonkaaga ah i doondoon,
Waayo, amarradaada ma aan illoobo.
Gabayga meelokoridda.
128 Waxaa barakaysan mid kasta oo Rabbiga ka cabsada,
Oo jidadkiisa ku socda.
2 Waayo, waad cuni doontaa waxa gacmahaagu ku hawshoodeen,
Waadna farxi doontaa, oo waad barwaaqoobi doontaa.
3 Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala.
Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan.
4 Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa
Ninka Rabbiga ka cabsadaa.
5 Rabbigu Siyoon buu kaa barakayn doonaa,
Oo cimrigaaga oo dhan waxaad arki doontaa wanaagga Yeruusaalem.
6 Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda.
Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.
Gabayga meelokoridda.
129 Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen,
Reer binu Israa'iil hadda ha yidhaahdeen,
2 Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen,
Laakiinse igama ay adkaan.
3 Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay,
Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen.
4 Rabbigu waa xaq,
Oo isagu wuxuu kala gooyay xadhkihii kuwa sharka leh.
5 Inta Siyoon neceb oo dhammu,
Ha ceeboobeen oo dib ha u noqdeen.
6 Ha noqdeen sida cawska guryaha korkooda ka baxa
Oo engega intaanu korin,
7 Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin,
Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin.
8 Oo kuwa ag maraana ma yidhaahdaan,
Barakadii Rabbigu korkiinna ha ahaato.
Waxaan idiinku ducaynaynaa magaca Rabbiga.
Gabayga meelokoridda.
130 Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.
2 Sayidow, codkayga maqal,
Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon
Codka baryootankayga.
3 Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid,
Bal yaa istaagi doona, Sayidow?
4 Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid,
In adiga lagaa cabsado daraaddeed.
5 Waxaan sugaa Rabbiga,
Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.
6 Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa
In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa,
Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa.
7 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba,
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis
Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.
8 Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa
Dembiyadooda oo dhan.
15 Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay oo way ku dhici doontaa quruumaha oo dhan, oo sidaad samayseen ayaa idinkana laydiinku samayn doonaa, oo abaalgudkiinnii ayaa madaxiinna ku soo noqon doonaa. 16 Oo sidaad buurtayda quduuska ah korkeeda wax ugu cabteen ayaa quruumaha oo dhammuna had iyo goorba wax u cabbi doonaan, haah, iyagu way cabbi doonaan oo way liqi doonaan, oo waxay ahaan doonaan sidii iyagoo aan weligood ahaanin. 17 Laakiinse Buur Siyoon waxaa joogi doona kuwa baxsaday, oo iyana quduus bay ahaan doontaa, oo reer Yacquubna waxay lahaan doonaan waxyaalihii dhaxalkoodii ahaa. 18 Reer Yacquub dab buu ahaan doonaa, oo reer Yuusufna olol buu ahaan doonaa, reer Ceesawna bal jajab ah buu ahaan doonaa. Dhexdooday ku gubi doonaan oo iyagana way laasan doonaan, oo reer Ceesawna innaba waxba kama hadhi doonaan, waayo, Rabbigu sidaasuu ku hadlay. 19 Oo dadka koonfur degganu waxay hantiyi doonaan buurta Ceesaw, oo kuwa bannaanka degganuna waxay hantiyi doonaan dalka reer Falastiin, oo weliba waxay hantiyi doonaan dalka reer Efrayim, iyo dalka reer Samaariya, oo reer Benyaamiinna waxay hantiyi doonaan dalka Gilecaad. 20 Oo ciidankan dadka Israa'iil ee maxaabiista ahu waxay hantiyi doonaan dalka reer Kancaan tan iyo Sarefta, oo Yeruusaalem maxaabiisteeda Sefaaraad joogtaana waxay hantiyi doonaan magaalooyinka koonfureed. 21 Oo badbaadiyayaaluna waa iman doonaan Buur Siyoon, si ay buurta Ceesaw u xukumaan, oo boqortooyadana waxaa lahaan doona Rabbiga.
Dhagaxa Nool Iyo Quruunta Quduuska Ah
2 Haddaba sidaas daraaddeed iska wada fogeeya xumaan oo dhan, iyo khiyaano oo dhan, iyo labawejiilenimo, iyo hinaaso, iyo cay oo dhan, 2 oo sida carruur dhallaan ah u jeclaada caanaha ruuxa ee saafiga ah, si aad ugu kortaan xagga badbaadada, 3 haddii aad dhadhamiseen in Rabbigu raxmad leeyahay, 4 kaas oo aad u imanaysaan, oo ah dhagax nool, oo dadku diiday, laakiin xagga Ilaah laga doortay oo qaali ah. 5 Idinkuna sida dhagaxyo noolnool ayaa waxaa laydinka dhisayaa guri ruux ah inaad ahaataan wadaaddo quduus ah si aad xagga ruuxa uga bixisaan allabariyo uu Ilaah ku aqbalo Ciise Masiix. 6 Maxaa yeelay, waxaa Qorniinku leeyahay,
Bal eega, waxaan Siyoon dhex dhigayaa dhagax geeseed oo weyn, oo la doortay, oo qaali ah,
Oo kii isaga rumaystaa ma ceeboobi doono.
7 Haddaba sidaas daraaddeed qaalinimada waxaa leh idinkoo ah kuwa rumaysan, laakiinse xagga kuwa aan rumaysnayn,
Dhagaxii kuwa wax dhisa ay diideen,
Wuxuu noqday madaxa rukunka;
8 iyo
Dhagax lagu turunturoodo oo ah dhadhaab lagu xumaado; waayo, waxay ku turunturoodaan ereyga, maxaa yeelay, ma addeecsana; taas oo ah wixii loo xugmay. 9 Laakiinse idinku waxaad tihiin jinsi la doortay, iyo wadaaddada boqorka, iyo quruun quduus ah, iyo dad Ilaah iska leeyahay, inaad ogeysiisaan wanaagga kan gudcurka idiinka yeedhay oo idiinku yeedhay xagga nuurkiisa yaabka leh. 10 Idinku waagii hore dad ma aydin ahayn, laakiinse haatan waxaad tihiin dadka Ilaah, idinku markii hore naxariis ma aydin helin, laakiinse haatan naxariis baad hesheen.
Hodanka Faa'iidala'aantiisa(A)
23 Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada jannada galo waa ku adag tahay. 24 Haddana waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso. 25 Xertii goortay maqleen aad bay u yaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara? 26 Ciise intuu eegay ayuu ku yidhi, Waxanu uma suurtoobaan dadka, laakiin wax waluba waa u suurtoobaan Ilaah.
27 Markaas Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Annagu wax walba waannu ka soo wada tagnay, waana ku raacnay. Maxaannu haddaba heli doonnaa? 28 Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwiinna i soo raacay, wakhtiga cusboonaysiinta, goortii Wiilka Aadanahu carshiga ammaantiisa ku fadhiisto, idinkuna waxaad ku fadhiisan doontaan laba iyo toban carshi, idinkoo xukumaya laba-iyo-tobanka qolo oo Israa'iil. 29 Oo mid walba oo ka tegey guryo, ama walaalo, ama aabbe, ama hooyo, ama carruur, ama beero, magacayga aawadiis, wuxuu heli doonaa boqol laab, oo wuxuu dhaxli doonaa nolosha weligeed ah. 30 Kuwa badan oo hore waa dambayn doonaan, kuwa dambena waa horrayn doonaan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya