Book of Common Prayer
MEM.
97 Aad baan sharcigaaga u jeclahay!
Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.
98 Amarradaadu waxay iga dhigaan ku ka sii caqli badan cadaawayaashayda.
Waayo, weligayba way ila jiraan.
99 Waan ka sii waxgarasho badnahay macallimiintayda oo dhan,
Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga.
100 Waan ka sii waxgarasho badnahay odayaasha,
Waayo, waxaan xajiyey amarradaada.
101 Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh,
Si aan eraygaaga u dhawro.
102 Xukummadaada gees ugama aan leexan,
Waayo, wax baad i bartay.
103 Erayadaadu dhanxanaggayga u macaan badanaa!
Afkayga malab way uga sii macaan badan yihiin!
104 Amarradaada ayaan waxgarasho ku helaa,
Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay.
NUN.
105 Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad,
Waddooyinkaygana iftiin.
106 Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey
Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.
107 Aad iyo aad baan u dhibaataysnahay,
Haddaba Rabbiyow, igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
108 Rabbiyow, waan ku baryayaaye, aqbal qurbaannada ikhtiyaarka ah oo afkayga,
Xukummadaadana i bar.
109 Naftaydu had iyo goorba waxay ku jirtaa khatar,
Habase yeeshee sharcigaaga ma illoobo.
110 Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin,
Laakiinse amarradaada kama aan amban.
111 Markhaatifurkaaga waxaan u qaatay sida dhaxal weligiis waaraya,
Waayo, kaasu waxa weeye waxa qalbigaygu ku reyreeya.
112 Qalbigayga waxaan u jeediyey inaan qaynuunnadaada oofiyo,
Tan iyo weligay iyo ilaa ugu dambaysta.
SAMEKH.
113 Waan necbahay kuwa labada qalbi leh,
Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
114 Waxaad tahay gabbaadkayga iyo gaashaankayga,
Oo waxaan rajo ku qabaa eraygaaga.
115 Kuwiinna xumaanta falow, iga taga,
Si aan amarrada Ilaahayga u xajiyo.
116 Rabbiyow, ii tiiri si eraygaaga waafaqsan si aan u noolaado,
Oo yaanan rajadayda ku ceeboobin.
117 Kor ii hay, oo waan badbaadi doonaa,
Oo had iyo goorba waxaan u fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
118 Kuwa qaynuunnadaada ka habaabay oo dhan waad fudaydsatay,
Waayo, khiyaanadoodu waa wax been ah.
119 Kuwa sharka leh oo dhulka oo dhan waxaad u fogaysaa sida wasakh oo kale,
Oo sidaas daraaddeed baan markhaatifurkaaga u jeclahay.
120 Jidhkaygu wuxuu la gariiraa cabsidaada,
Oo waxaan ka baqaa xukummadaada.
Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid.
81 Aad ugu gabya Ilaaha xooggeenna ah,
Oo farxad ugu qayliya Ilaaha Yacquub.
2 Sabuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka,
Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda.
3 Buunka afuufa markay bishu dhalato,
Iyo markuu dayaxu caddo buuxda yahay, iyo maalinta iiddeenna quduuska ah.
4 Waayo, taasu qaynuun bay u tahay reer binu Israa'iil,
Waana amar ka yimid Ilaaha Yacquub.
5 Oo wuxuu reer Yuusuf dhexdooda ka dhigay markhaati,
Markii uu dalkii Masar ku soo baxay,
Halkaas oo aan ka maqlay af aanan aqoon.
6 Garbihiisa waxaan ka qaaday culaabtii saarnayd,
Gacmihiisana waxaa laga xoreeyey dambiishii.
7 Waad ii dhawaaqatay markii dhib kuu yimid, oo anna waan ku soo samatabbixiyey,
Waxaan kaaga jawaabay onkodka meeshiisa qarsoon,
Oo waxaan kugu tijaabiyey biyihii Meriibaah. (Selaah)
8 Dadkaygiiyow, bal i maqla,
Oo anna waan idiin digi doonaa,
Reer binu Israa'iilow, bal haddaad i maqli lahaydeen!
9 Waa inaan ilaah qalaad idinku dhex jirin,
Oo waa inaydaan innaba ilaah qalaad caabudin.
10 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah,
Oo kaa soo bixiyey dalkii Masar,
Afkaaga aad u kala qaad, oo anna waan buuxin doonaa.
11 Laakiinse dadkaygii ma ay dhegaysan codkaygii,
Oo reer binu Israa'iilna ima aqbalin.
12 Sidaas daraaddeed waxaan u daayay inay ku socdaan madaxadayggooda.
Si ay taladooda ugu socdaan.
13 Bal may dadkaygu i dhegaystaan,
Oo reer binu Israa'iil bal may jidkayga ku socdaan!
14 Oo waxaan haddiiba jebin lahaa cadaawayaashooda,
Oo gacantaydana waan ku jeedin lahaa colkooda.
15 Kuwa Rabbiga necebu waxay hoos geli lahaayeen isaga,
Laakiinse wakhtigoodu weligiis wuu waari lahaa.
16 Oo weliba wuxuu iyaga ku quudin lahaa sarreenka ugu wanaagsan,
Oo waxaan ka dhergin lahaa malabka dhagaxa ka soo baxa.
Kanu waa sabuur uu Aasaaf tiriyey.
82 Ilaah wuxuu dhex istaagaa ururka Ilaah,
Oo wuxuu wax ku xukumaa ilaahyada dhexdooda,
2 Ilaa goormaad xaqdarro wax ku xukumaysaan?
Oo ilaa goormaad kuwa sharka leh u eexanaysaan? (Selaah)
3 Miskiinka iyo agoonka gar siiya,
Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka.
4 Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan,
Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh.
5 Iyagu waxba ma yaqaaniin, waxna garan maayaan,
Oo gudcur bay hor iyo dib ugu socdaan,
Dhulka aasaaskiisii oo dhammu waa wada dhaqdhaqaaqay.
6 Waxaan idhi, Idinku waxaad tihiin ilaahyo,
Oo dhammaantiin waxaad tihiin Ilaaha uga sarreeya wiilashiisii.
7 Habase yeeshee waxaad u dhiman doontaan sida dadka oo kale,
Oo waxaad u dhici doontaan sida amiirrada midkood.
8 Ilaahow, sara joogso oo dhulka xukun,
Waayo, waxaad dhaxli doontaa quruumaha oo dhan.
73 Haddaba wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo irid-dhawryadii, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo dadkii qaarkiis, iyo reer Netiiniim, iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay degeen magaalooyinkoodii.
Cesraa Wuxuu Akhriyey Sharciga
Oo markii bishii toddobaad la gaadhay reer binu Israa'iil waxay joogeen magaalooyinkoodii.
8 Oo dadkii oo dhammu iyagoo ah sidii nin keliya ayay dhammaantood ku soo wada urureen meesha bannaan oo iridda biyaha ka horraysa; oo karraanigii Cesraa ahaa ayay kula hadleen oo u sheegeen inuu keeno kitaabkii sharciga Muuse oo Rabbigu ku amray reer binu Israa'iil. 2 Markaasaa wadaadkii Cesraa sharcigii hor keenay ururkii ahaa rag iyo dumar iyo in alla intii waxgarasho ku maqli kartay oo dhan, oo waxayna ahayd bishii toddobaad maalinteedii kowaad. 3 Oo isna wixii kitaabkii ku qornaa ayuu ku akhriyey meeshii bannaanayd oo iridda biyaha ka horraysay, oo wuxuu akhriyeyey aroortii ilaa hadhkii, wuxuuna ku hor akhriyey raggii iyo dumarkii iyo kuwii garan karayay; oo dadkii oo dhammuna aad bay u dhegaysanayeen kitaabkii sharciga.
5 Markaasaa Cesraa kitaabkii furay iyadoo dadkii oo dhammu wada arkaan, (waayo, wuu ka wada korreeyey dadka oo dhan;) oo markuu furay ayaa dadkii oo dhammu wada istaagay. 6 Kolkaasaa Cesraa ammaanay Rabbiga ah Ilaaha weyn, oo dadkii oo dhammuna intay gacmaha kor u qaadeen ayay ku jawaabeen, Aamiin, Aamiin; oo intay madaxa foororiyeen ayay Rabbiga u sujuudeen oo wejiga dhulka saareen. 7 Oo weliba waxaa kaloo dadkii sharciga garansiiyey Yeeshuuca, iyo Baanii, iyo Sheereebyaah, iyo Yaamiin, iyo Caquub, iyo Shabbetay, iyo Hoodiyaah, iyo Macaseeyaah, iyo Qeliitaa, iyo Casaryaah, iyo Yoosaabaad, iyo Xaanaan, iyo Felaayaah, iyo kuwii reer Laawi, oo dadkiina meeshoodii ayay istaageen. 8 Oo kitaabkii sharciga Ilaah si bayaan ah ayaa loo akhriyey, waana la micneeyey si dadku u garto waxa la akhriyey. 9 Markaasaa Nexemyaah oo taliyaha ahaa, iyo wadaadkii Cesraa oo karraaniga ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo dadka wax bari jiray, waxay dadkii oo dhan ku wada yidhaahdeen, Maanta waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay maalin quduus ah, haddaba ha barooranina, hana ooyina, maxaa yeelay, dadkii oo dhammu way wada ooyeen markay maqleen erayadii sharciga. 10 Oo haddana wuxuu iyagii ku yidhi, Taga, oo baruurta cuna, oo wax macaan cabba, oo kii aan wax u diyaarsanaynna qayb u dira, waayo, maanta waxay Rabbigeenna u tahay maalin quduus ah, hana murugoonina, waayo, idinka waxaa xoog idiin ah farxadda Rabbiga. 11 Haddaba kuwii reer Laawi ayaa dadkii oo dhan aamusiiyey, oo waxay ku yidhaahdeen, War maanta waa quduuse iska aamusa oo ha murugoonina. 12 Markaasay dadkii oo dhammu iska tageen inay wax cunaan, oo wax cabbaan, oo ay qaybo diraan, oo ay aad u farxaan, maxaa yeelay, waxay garteen erayadii loo caddeeyey.
13 Oo madaxdii qabiilooyinka dadka oo dhan, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi ayaa maalintii labaad karraanigii Cesraa ugu soo wada urureen inay erayada sharciga aad u dhegaystaan. 14 Oo waxaa sharcigii ku qornaa oo ay ka dhex heleen in Rabbigu Muuse ku amray in reer binu Israa'iil ay waabab ku hoydaan inta lagu jiro iidda bisha toddobaad, 15 iyo inay iyaga waajib ku tahay inay kaga dhawaaqaan oo ka naadiyaan magaalooyinkooda oo dhan iyo xataa Yeruusaalem gudaheeda, oo ay yidhaahdaan, Buurta taga oo ka soo gura laamo saytuun ah, iyo kuwo saytuun dibadeed ah, iyo laamo ah geedo hadaas la yidhaahdo, iyo laamo cawbaar ah, iyo geedo waaweyn laamahood in laga sameeyo waabab sida qoran. 16 Sidaas daraaddeed dadkii way bexeen, oo laamihii keeneen, oo waxay dhisteen waabab, oo mid waluba wuxuu ka dhistay saqafka gurigiisa, iyo barxadahooda, iyo barxadihii guriga Ilaah, iyo meeshii bannaanayd oo Iridda Biyaha, iyo meeshii bannaanayd oo Iridda Efrayim. 17 Oo kulli intii maxaabiisnimada ka soo noqotay ururkoodii oo dhammu waxay dhisteen waabab oo waxay degeen waababkii; waayo, reer binu Israa'iil saas ma ay yeelin tan iyo wakhtigii Yashuuca ina Nuun iyo ilaa maalintaas. Oo ayaantaas waxaa jirtay farxad aad u weyn. 18 Oo maalintii ugu horraysay ilaa maalintii ugu dambaysay ayuu maalin kasta kitaabkii sharciga Ilaah akhriyi jiray. Oo toddoba maalmood way iidayeen, oo maalintii siddeedaadna waxaa jiray shir iidda lagu dhammaynayay sida qaynuunka waafaqsanayd.
21 Markaasaa malaa'ig xoog weynu waxay kor u qaadatay dhagax u eg dhagaxshiid weyn, oo waxay ku dhex tuurtay badda, oo waxay tidhi, Magaalada weyn oo Baabuloon sidaas oo kale xoog baa hoos loogu tuuri doonaa, oo hadda ka dibna lama heli doono. 22 Oo mar dambe dhexdaada lagama maqli doono codka kataaralayda, iyo muusikalayda, iyo kuwa biibiilaha ka dhawaajiya, iyo kuwa turumbada ka dhawaajiya; oo dhexdaada innaba lagama heli doono sancalow sanco kasta ha qabtee; oo sanqadha dhagaxshiidkana dhexdaada innaba lagama maqli doono mar dambe; 23 oo laambad iftiinkeedna mar dambe dhexdaada innaba kama ifi doono, oo codkii arooska iyo aroosaddana dhexdaada innaba mar dambe lagama maqli doono, waayo, baayacmushtariyadaadu waxay ahaayeen amiirradii dhulka, maxaa yeelay, saaxirnimadaadii ayaa quruumaha oo dhan lagu khiyaaneeyey. 24 Oo dhexdeeda waxaa laga helay dhiiggii nebiyadii iyo quduusiintii iyo dhiiggii kuwii dhulka lagu dilay oo dhan.
Dad Badan Baa La Bogsiiyey(A)
29 Markaasaa Ciise halkaas ka tegey, oo wuxuu u soo dhowaaday badda Galili, oo buurtuu fuulay oo halkaasuu fadhiistay. 30 Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la' iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey. 31 Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.
Waxaa Cunto La Siiyey Afar Kun Oo Nin(B)
32 Markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan. Dooni maayo inaan diro iyagoo sooman waaba intaas oo ay jidka ku itaal beelaane. 33 Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Innagoo meel cidla ah joogna, xaggee baynu ka helaynaa kibis intaa le'eg in dad sida u badanu ka dhergaan? 34 Ciise ayaa ku yidhi Immisa kibsood baad haysaan? Waxay yidhaahdeen, Toddoba iyo waxoogaa kalluun yaryar ah. 35 Oo wuxuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka fadhiistaan. 36 Markaasuu toddobadii kibsood iyo kalluunkii soo qaaday, oo goortuu ku mahadnaqay ayuu kala jejebiyey oo xertii siiyey, xertiina dadkii badnaa ayay siiyeen. 37 Dhammaantood way wada cuneen oo dhergeen, oo waxay soo ururiyeen toddoba dambiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay. 38 Dadkii cunayna waxay ahaayeen afar kun oo rag ah oo aan naagaha iyo carruurtu ku jirin. 39 Kolkuu dadkii badnaa diray dabadeed ayuu doonni fuulay, oo wuxuu galay soohdimaha Magadan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya