Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, si wax loogu xusuusto.
70 Ilaahow, soo dhaqso oo i samatabbixi,
Rabbiyow, soo dhaqso oo i caawi.
2 Kuwa doondoonaya inay naftayda iga qaadaan
Ha ceeboobeen oo ha wareereen,
Oo kuwa waxyeelladayda ku farxaana
Dib ha u noqdeen oo ha sharaf beeleen.
3 Kuwa Ahaa, Ahaa, lahu,
Ceebtooda dib ha ula noqdeen.
4 Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen,
Oo kuwa badbaadintaada jeceluna had iyo goorba ha yidhaahdeen,
Ilaah ha la weyneeyo.
5 Laakiinse miskiin iyo mid baahan baan ahay,
Ilaahow, ii soo dhaqso,
Waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga.
Rabbiyow, ha iga raagin.
71 Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa,
Yaanan weligay wareerin.
2 Xaqnimadaada igu samatabbixi oo i nabad geli,
Dhegta ii dhig, oo i badbaadi.
3 Ii noqo dhagax weyn oo rug ah, oo aan had iyo goorba ku noqnoqdo,
Waxaad amar ku bixisay in lay badbaadsho,
Waayo, adigu waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda.
4 Ilaahayow, iga badbaadi kan sharka leh gacantiisa,
Iyo gacanta xaqlaawaha iyo ninka nacabkaa.
5 Waayo, Sayidow Ilaahow, waxaad tahay rajadayda,
Oo waxaad tahay kii aan isku hallaynayay tan iyo yaraantaydii.
6 Tan iyo uurkii hooyaday adigaa i tiirinayay,
Waxaad tahay kii iga soo bixiyey uurkii hooyaday,
Had iyo goorba adigaan ku ammaani doonaa.
7 Anigu kuwo badan baan u ahay sidii wax yaab leh,
Laakiinse adigu waxaad ii tahay magangal xoog leh.
8 Maalin kasta waxaa afkayga ka buuxi doona
Ammaantaada iyo sharaftaada.
9 Ha i tuurin markaan gaboobo,
Oo ha i dayrin markaan itaal darnaado.
10 Waayo, cadaawayaashaydu waxay ka hadlaan wax igu saabsan,
Oo kuwa naftayda inay iga qaadaan doonayaana way wada arrinsadaan,
11 Oo waxay isyidhaahdaan, Ilaah baa dayriyey,
Haddaba ka daba taga oo qabta, waayo, ma jiro mid samatabbixinayaa.
12 Ilaahow, ha iga fogaan,
Ilaahayow, soo dhaqso oo i caawi.
13 Kuwa naftayda cadaawayaal ku ahu ha ceeboobeen oo ha baabba'een,
Oo kuwa waxyeelladayda doondoonayana ceeb iyo sharafdarro ha ku bateen.
14 Laakiinse anigu had iyo goorba wax baan rajaynayaa,
Oo weliba waan kuu sii ammaanayaa aad iyo aad.
15 Afkaygu wuxuu maalinta oo dhan ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, iyo badbaadintaada,
Waayo, anigu ma aqaan intay tiro le'eg yihiin.
16 Waxaan la imanayaa Sayidka Ilaahaa shuqulladiisa xoogga leh,
Oo waxaan ka hadli doonaa xaqnimadaada, taasoo ah taada oo keliya.
17 Ilaahow, wax baad i bari jirtay tan iyo yaraantaydii,
Oo ilaa haatanna waxaan caddayn jiray shuqulladaada yaabka badan.
18 Ilaahow, ha i dayrin, xataa markaan gaboobo oo madaxaygu cirroobo,
Jeeraan xooggaaga uga warramo farcanka dambe
Oo aan itaalkaaga uga sheekeeyo mid kasta oo hadda ka dib imanaya.
19 Ilaahow, xaqnimadaadu aad iyo aad bay u sarraysaa,
Ilaahow, adiga oo waxyaalaha waaweyn sameeyey,
Bal yaa kula mid ah?
20 Adiga oo na tusay dhibaatooyin badan oo aad u xun,
Ayaa haddana na noolayn doona,
Oo haddana waxaad naga soo saari doontaa dhulka moolkiisa.
21 Weynaantayda ii sii kordhi,
Oo intaad soo jeesatid i qalbi qabooji.
22 Ilaahow, waxaan kugu ammaani doonaa alaab muusiko ah,
Oo runtaadaan ammaani doonaa,
Israa'iil kiisa Quduuska ahow,
Waxaan ammaan kuugula gabyi doonaa kataarad.
23 Bushimahaygu aad bay ugu farxi doonaan, markaan ammaan kuugu gabyo,
Oo xataa naftaydii aad soo furatayna way rayrayn doonta.
24 Oo weliba carrabkayguna maalinta oo dhan wuxuu ka sheekayn doonaa xaqnimadaada,
Waayo, kuwa waxyeelladayda doondoonayaa way ceeboobaan, oo way isku wareeraan.
Kanu waa sabuur Maskiil ah oo Aasaaf tiriyey.
74 Ilaahow, bal maxaad weligaaba noo xoortay?
Oo bal maxaa cadhadaadu ugu kululaataa idaha daaqsintaada?
2 Bal soo xusuuso ururkaaga aad waa hore soo iibsatay,
Oo aad u soo furatay inay ahaadaan qabiilkaad dhaxashay,
Oo weliba Buur Siyoon oo aad degganaatana soo xusuuso.
3 Tallaabooyinkaaga u soo qaad xagga baabba'a weligiis ah,
Iyo xagga xumaanta uu cadowgu meesha quduuska ah ku sameeyey oo dhan.
4 Cadaawayaashaadii waxay ka qayliyeen shirkaaga dhexdiisa,
Oo waxay calaamad ahaan u qotonsadeen calammadoodii.
5 Waxay u ekaadeen sidii niman faasas u qaatay hawd jiq ah.
6 Haddaba shuqulkiisii la qoray oo dhan
Waxay ku wada dumiyaan gudmo iyo dubbayaal.
7 Meeshaada quduuska ah dab bay ku dhejiyeen,
Oo waxay wada nijaaseeyeen meeshii magacaaga hoyga u ahayd.
8 Waxay qalbigooda iska yidhaahdeen, Kaalaya aan dhammaantood baabbi'innee,
Waxay wada gubeen sunagogyadii Ilaah oo dalka ku dhex yiil oo dhan.
9 Annagu calaamadahayagii ma aragno,
Oo innaba mar dambe nebi ma jiro,
Dhexdayadana ma joogo mid garanaya ilaa goorma.
10 Ilaahow, ilaa goormaa cadowgu caytamayaa?
Cadowgu miyuu magacaaga caayayaa weligiisba?
11 Bal maxaad gacantaada midig dib ugu celisaa?
Laabtaada ka soo bixi oo iyaga baabbi'i.
12 Laakiinse Ilaah waa boqorkayga tan iyo waa hore,
Isagoo badbaadin ka dhex samaynaya dhulka.
13 Xooggaagaad badda ku kala qaybisay,
Oo masbadeedyada ku dhex jirana madaxaad ka jebisaa.
14 Waxaad kala burburisay madaxyada bahalbadeedyada oo Lewiiyaataan la odhan jiray,
Oo cunto ahaan ayaad u siisay dadkii cidlada degganaa.
15 Waxaad kala furtay ilo iyo durdurro,
Oo waxaad qallajisay webiyo waaweyn.
16 Maalinta adigaa iska leh, habeenkana adigaa iska leh,
Oo adigaa diyaariyey iftiinka iyo qorraxdaba.
17 Adigu waxaad samaysay dhulka soohdimihiisa oo dhan,
Oo adigaa sameeyey diraac iyo xagaaba.
18 Rabbiyow, xusuuso in cadowgu caytamay,
Iyo in dad nacas ahu magacaaga caayay.
19 Qoolleydaada nafteeda ha u gacangelin dugaagga,
Weligaaba ha illoobin nafta masaakiintaada,
20 Bal soo fiiri axdigaaga,
Dhulka meelihiisa gudcurka ah waxaa ka buuxa hoyaalka dulmiga.
21 Kuwa la dulmay yaanay dib u noqon iyagoo ceeboobay,
Miskiinka iyo kan baahanu magacaaga ha ammaaneen.
22 Ilaahow, sara joogso, oo dacwadaada u muddac.
Bal xusuuso siday dadka nacaska ahu maalinta oo dhan kuu caayaan.
23 Ha illoobin codka cadaawayaashaada,
Kuwa kugu kaca buuqoodu had iyo goorba wuu soo kacaa.
Cesraa Oo Yeruusaalem Yimid
7 Haddaba waxyaalahaas dabadeed intii Artaxshasta oo boqorkii Faaris ahaa dowladnimada haystay ayaa Baabuloon waxaa ka soo kacay Cesraa ina Seraayaah, oo ahaa ina Casaryaah, ina Xilqiyaah, 2 ina Shalluum, ina Saadooq, ina Axiituub, 3 ina Amaryaah, ina Casaryaah, ina Meraayood, 4 ina Seraxyaah, ina Cusii, ina Buqii, 5 ina Abiishuuca, ina Fiinexaas, ina Elecaasaar, ina Haaruun kii ahaa wadaadka sare; 6 oo Cesraahan ayaa ka tegey Baabuloon, oo wuxuu ahaa karraani aad u yaqaan sharcigii Muuse uu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil siiyey; oo boqorkuna wuxuu siiyey wixii uu weyddiistay oo dhan sidii ay gacantii Rabbiga Ilaahiis ahu u saarnayd. 7 Oo sannaddii toddobaad oo dowladnimadii Boqor Artaxshasta waxaa Yeruusaalem tegey qaar ah reer binu Israa'iil, iyo wadaaddada, iyo reer Laawi, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryadii, iyo reer Netiiniim. 8 Oo wuxuu Yeruusaalem yimid boqorka sannaddiisii toddobaad, bisheedii shanaad. 9 Baabuloon ayuu ka soo baxay bishii kowaad maalinteedii kowaad, oo wuxuu Yeruusaalem yimid bishii shanaad maalinteedii kowaad, sidii ay gacantii Ilaahiisa oo wanaagsanayd u saarnayd. 10 Waayo, Cesraa wuxuu qalbigiisa u diyaariyey inuu doondoono oo sameeyo Rabbiga sharcigiisa iyo inuu reer binu Israa'iil baro qaynuunno iyo xukummo.
Warqaddii Boqor Artaxshasta U Diray Cesraa
11 Haddaba kanu waa naqilkii warqaddii uu Boqor Artaxshasta siiyey Cesraa oo ahaa wadaadkii iyo karraanigii kaasoo ahaa karraanigii erayadii amarrada Rabbiga iyo qaynuunnadiisii uu reer binu Israa'iil siiyey. 12 Anigoo ah Artaxshasta boqorkii boqorrada, waxaan u qorayaa wadaadkii Cesraa oo ah karraanigii sharciga Ilaaha samada ee kaamil ah, iyo wax la mid ah.
Salaan
13 Waxaan amar ku bixinayaa in dadka reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadooda, iyo reer Laawi, inta boqortooyadayda ku jirta, ee ikhtiyaarkooda u doonaya inay Yeruusaalem tagaan, ay dhammaan ku raacaan. 14 Waxaa ku soo diray boqorkii iyo toddobadiisii lataliye inaad soo warsatid Yahuudah iyo Yeruusaalem, sida waafaqsan sharciga Ilaahaaga oo gacantaada ku jira, 15 iyo inaad qaaddid lacagta iyo dahabka ay boqorka iyo lataliyayaashiisu ikhtiyaarkooda ugu bixiyeen Ilaaha reer binu Israa'iil oo rugtiisu tahay Yeruusaalem, 16 iyo kulli lacagta iyo dahabka aad ka heli doonto gobolka Baabuloon oo dhan, iyo qurbaanka dadku ikhtiyaarka u bixiyo, iyo kan wadaaddadu ay ikhtiyaarkooda ugu bixiyaan guriga Ilaahooda oo Yeruusaalem ku yaal aawadiis, 17 haddaba sidaas daraaddeed waa inaad aad ugu dadaashaa inaad lacagtan ku iibiso dibi, iyo wanan, iyo baraar, iyo qurbaannadooda hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, oo aad ku dul bixisaa meesha allabariga ee guriga Ilaahaaga oo Yeruusaalem ku yaal. 18 Oo lacagta iyo dahabka intooda kale ku sameeya wax alla wixii adiga iyo walaalahaa idinla wanaagsan oo sida Ilaahiin doonayo ah. 19 Oo weelasha laguugu dhiibay in lagu qabto adeegidda guriga Ilaahaaga waxaad hor geeysaa Ilaaha Yeruusaalem. 20 Oo wax alla wixii kaloo loogu baahan yahay guriga Ilaahaaga aawadiis, ee kugu habboon inaad bixiso, ka bixi boqorka gurigiisa khasnadda ah. 21 Oo weliba anigoo ah Boqor Artaxshasta waxaan amar ku siinayaa khasnajiyada webiga shishadiisa jooga oo dhan, in dadaal lagu sameeyo wax alla wixii uu idin weyddiisto wadaadka Cesraa oo ah karraaniga sharciga Ilaaha samada, 22 intii ku siman boqol talanti oo lacag ah, iyo boqol kor oo sarreen ah, iyo boqol bad oo khamri ah, iyo boqol bad oo saliid ah, iyo cusbo aan la xisaabin intay tahay. 23 Haddaba wax alla wixii Ilaaha samadu uu amro saas dadaal ha loogu sameeyo guriga Ilaaha samada aawadiis, waayo, bal maxay cadho ugu dhacaysaa boqortooyada boqorka iyo wiilashiisa? 24 Oo weliba waxaannu ku ogeysiinaynaa inaanay xalaal ahaan doonin in gabbaro, canshuur, amase baad toona la saaro wadaaddada, iyo kuwa reer Laawi, iyo nimanka gabayaaga ah, iyo irid-dhawryada, iyo reer Netiiniim, iyo addoommada gurigan Ilaah midkoodna. 25 Oo adigoo Cesraa ahu xigmadda Ilaahaagu ku siiyey ku dooro xaakinno iyo qaadiyo u garsoora dadka webiga ka shisheeya oo dhan, in alla inta taqaan sharciyada Ilaahaaga, oo kii aan aqoonna bara. 26 Oo ku alla kii aan addeecin sharciga Ilaahaaga iyo sharciga boqorka, xukun ha lagu soo dejiyo, iyadoo aad loogu dadaalayo, hadday tahay in la dilo, ama in la masaafuriyo, ama in xoolihiisa lagala wareego, amase in la xidho.
Riyadii Lagu Arkay Wanka Iyo Kuwuu Soo Madaxfurtay
14 Oo bal eeg, waxaan arkay Wankii oo ku dul taagan Buur Siyoon, oo waxaa isaga la jiray boqol iyo afar iyo afartan kun oo qof, oo waxaa wejiga ugu qornaa isaga magiciisa iyo magaca aabbihiis. 2 Markaasaan samada ka maqlay cod u eg biyo badan codkood iyo onkod weyn codkiis; oo codkii aan maqlayna wuxuu u ekaa kataaraley ka dhawaajinaysa kataaradahooda; 3 markaasay carshiga hortiisa iyo afartii xayawaan iyo odayaasha hortoodii waxay ku gabyeen gabay cusub; oo gabaygaas ninna ma baran karin, boqol iyo afar iyo afartanka kun oo dunida laga soo iibsaday mooyaane. 4 Kuwanu waa kuwii aan naagaha ku nijaasoobin; waayo, iyagu waa daahir; kuwanu waa kuwa Wanka u raaca meel alla meeshuu tagoba. Kuwan waxaa laga soo iibsaday dadka inay midhaha ugu horreeya u noqdaan Ilaah iyo Wankaba. 5 Oo afkooda innaba been lagama helin, iinna ma leh.
Riyadii Lagu Arkay Saddexdii Malaa'igood
6 Oo haddana waxaan arkay malaa'ig kale oo samada dhex duulaysa iyadoo wadata injiil daa'imis ah inay u naadiso kuwa dhulka deggan iyo quruun kasta iyo qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta; 7 iyadoo cod weyn ku leh, Ilaah ka cabsada, oo isaga ammaana, waayo, saacaddii xukunkiisu way timid. Oo caabuda kii sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo ilaha biyaha ah.
8 Oo malaa'ig kale oo labaad ayaa soo raacday, oo waxay lahayd, Waxaa dhacday oo dhacday Baabuloontii weynayd, taasoo quruumaha oo dhan ka waraabisay khamrigii cadhada sinadeeda.
9 Oo haddana waxaa soo raacday malaa'ig kale oo saddexaad, iyadoo cod weyn ku leh, Haddii nin caabudo bahalka iyo sanamkiisa, ama uu aqbalo sumad in lagaga dhigo wejiga ama gacanta, 10 isna wuxuu ka cabbi doonaa khamriga cadhada Ilaah oo lagu shubay koobka cadhadiisa isagoo aan badhxanayn; oo waxaa isaga lagu silcin doonaa dab iyo baaruud malaa'igaha quduuska ah hortooda iyo Wanka hortiisa. 11 Oo qiiqa caddibaaddooda kor buu u baxayaa weligiis iyo weligiis, oo kuwa caabuda bahalka iyo sanamkiisa, iyo ku alla kii aqbala sumadda magiciisa nasasho heli maayaan habeen iyo maalin toona. 12 Waa kaa samirkii quduusiinta, kuwaas oo ah kuwa xajiya amarrada Ilaah iyo iimaanka Ciise.
13 Oo haddana waxaan samada ka maqlay cod igu leh, Qor, Waxaa barakaysan kuwa hadda ka dib dhimanaya iyagoo Rabbiga rumaysan. Ruuxii wuxuu leeyahay, Haah, iyagu waa inay ka nastaan hawshoodii, waayo, waxaa iyaga la socda shuqulladoodii.
Dhimashadii Yooxanaa Baabtiisaha(A)
14 Waagaas taliye Herodos ayaa warkii Ciise maqlay, 2 oo wuxuu midiidinyadiisii ku yidhi, Kanu waa Yooxanaa Baabtiisaha. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, sidaa darteed shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan. 3 Waayo, Herodos baa Yooxanaa qabtay oo intuu xidhay ayuu u xabbisay, walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed. 4 Waayo, Yooxanaa wuxuu ku yidhi, Xalaal kuuma aha inaad haysatid, 5 oo goortuu doonay inuu dilo, dadkii badnaa ayuu ka baqay, maxaa yeelay, waxay u haysteen sidii nebi oo kale. 6 Goortii maalintii la xusuustay dhalashadii Herodos timid, gabadhii Herodiya ayaa dadkii dhexdiisa ku cayaartay, oo Herodos ayay ka farxisay. 7 Kolkaasuu dhaar ku ballanqaaday inuu siiyo wixii ay weyddiisatoba. 8 Iyadoo hooyadeed hore ula soo talisay ayay tidhi, Halkan xeedho igu soo sii madaxa Yooxanaa Baabtiisaha. 9 Boqorkii waa calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuu ku amray in la siiyo. 10 Markaasuu cid diray oo Yooxanaa xabsigaa madaxa lagaga gooyay. 11 Madaxiisiina waxaa lagu keenay xeedho, oo gabadhii la siiyey, iyaduna hooyadeed bay u keentay. 12 Markaasaa xertiisii timid, oo meydkiisay qaadeen oo aaseen, kolkaasay tageen oo Ciise u warrameen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya