Book of Common Prayer
Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
55 Ilaahow, tukashadayda dhegta u dhig,
Oo baryootankaygana ha iska qarin.
2 I maqal, oo ii jawaab,
Waxaan la nasan waayaa calaacalkayga, waanan la taahaa,
3 Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis,
Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed,
Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan,
Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan.
4 Wadnuhu aad buu ii xanuunayaa,
Oo waxaa igu dhacday cabsida dhimashada.
5 Baqdin iyo gariir ayaa igu soo degay,
Oo naxdin baa i dabooshay.
6 Oo anna waxaan is-idhi, Waxaan jeclaan lahaa inaan baalal yeesho sida qoolley oo kale!
Markaasaan iska duuli lahaa oo nasan lahaa.
7 Bal eeg, markaasaan iska warwareegi lahaa meel fog,
Oo waxaan degganaan lahaa cidlada. (Selaah)
8 Waxaan gabbaad kaga carari lahaa
Dabaysha hufada ah iyo duufaanka.
9 Sayidow, iyaga baabbi'i, oo afafkoodana kala duw
Waayo, waxaan magaalada ku arkay dulmi iyo dirir.
10 Maalin iyo habeenba derbiyadeeday ku dul wareegaan,
Oo weliba waxaa ku dhex jira xumaan iyo belaayo.
11 Dhexdeedana waxaa ku jira shar,
Dulmi iyo khiyaanona kama tagaan jidadkeeda.
12 Waayo, kii i caayay cadaawe ma ahayn,
Maxaa yeelay, waan u adkaysan kari lahaa,
Mana ahayn kii i necbaa oo iska kay weyneeyey,
Maxaa yeelay, waan ka dhuuman lahaa isaga,
13 Laakiinse wuxuu ahaa adiga oo ah nin ila mid ah,
Iyo jaalkay iyo saaxiibkay.
14 Si wanaagsan baynu u wada sheekaysan jirnay,
Oo waxaynu ku dhex socon jirnay guriga Ilaah, innagoo guuto badan la soconna.
15 Dhimasho ha ku soo kediso iyaga,
Oo iyagoo noolnool She'ool ha ku dhaceen,
Waayo, xumaan baa ku jirta hoygooda iyo dhexdooda.
16 Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa,
Oo Rabbigaa i badbaadin doona.
17 Fiidka, iyo subaxda, iyo duhurkaba, anigu waan cataabi doonaa, oo waan taahi doonaa,
Oo isna codkayguu maqli doonaa.
18 Naftayda nabadduu kaga samatabbixiyey dagaalkii iga geesta ahaa,
Waayo, kuwii ila diriray way badnaayeen.
19 Ilaah oo ah kan weligiis waara,
Wuu maqli doonaa oo u jawaabi doonaa iyaga,
Kuwaas oo aan beddelmin, (Selaah)
Oo aan Ilaah ka cabsan.
20 Isagu wuxuu u gacan qaaday kii isaga heshiiska la ahaa,
Oo axdigiisiina wuu buriyey.
21 Afkiisu wuxuu u nuglaa sidii subag oo kale,
Laakiinse qalbigiisu wuxuu ahaa dagaal,
Erayadiisu saliid way ka jilicsanaayeen,
Laakiinse waxay ahaayeen seefo galkii laga siibay.
22 Culaabtaada Rabbiga saar, oo isna wuu ku xanaanayn doonaa,
Waayo, isagu kan xaqa ah marnaba u dayn maayo in la dhaqaajiyo.
23 Laakiinse, Ilaahow, iyaga waxaad ku dhaadhicin doontaa yamayska halligaadda,
Dhiigyocabyada iyo dadka khaa'innada ahu cimrigooda nus ma kadban doonaan,
Laakiinse anigu waan isku kaa hallayn doonaa.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
138 Qalbigayga oo dhan ayaan kugu mahadnaqi doonaa,
Oo ilaahyada hortooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa,
2 Waxaan u soo tukan doonaa macbudkaaga quduuska ah xaggiisa,
Oo magacaagana waxaan ugu mahadnaqi doonaa raxmaddaada iyo runtaada aawadood,
Waayo, eraygaaga ayaad ka sii weynaysay magacaaga oo dhan.
3 Maalintii aan qayshaday waad ii jawaabtay,
Waanad igu kalsooni gelisay xooggii aad naftayda u yeeshay.
4 Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan,
Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga.
5 Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga,
Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay.
6 Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya,
Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.
7 In kastoo aan ku dhex socdo dhibaato waad i soo noolayn doontaa,
Oo waxaad gacantaada ku soo fidin doontaa cadhada cadaawayaashayda,
Oo gacantaada midigna way i badbaadin doontaa.
8 Rabbigaa kaamil ka dhigi doona waxa igu saabsan,
Rabbiyow, naxariistaadu weligeedba way sii waartaa,
Ha ka tegin shuqulladii gacmahaaga.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
139 Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay.
2 Waad og tahay fadhiisashadayda iyo sara kiciddaydaba,
Oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa.
3 Socodkayga iyo seexashadaydaba waad baadhaa,
Oo jidadkayga oo dhanna waad wada taqaan.
4 Waayo, Rabbiyow, eray aanad aqoonu carrabkayga kuma jiro,
Laakiinse adigu waad wada og tahay.
5 Adigu hor iyo dibba waad iga xidhay,
Oo gacantaadaad i saartay.
6 Aqoontaas oo kale aad iyo aad bay iigu yaab badan tahay,
Waa wax sare, oo anigu ma aan gaadhi karo.
7 Bal xaggee baan ruuxaaga ka tagaa?
Xaggee baanse wejigaaga uga cararaa?
8 Haddaan samada koro, halkaasaad joogtaa,
Haddaan sariirtayda She'ool dhex dhigtona, bal eeg, halkaasna waad joogtaa.
9 Haddaan qaato baalasha subaxda,
Iyo haddaan dego badda darafyadeeda ugu shisheeyaba,
10 Xataa halkaas gacantaada ayaa i hoggaamin doonta,
Oo midigtaada ayaa i soo qaban doonta.
11 Haddaan idhaahdo, Hubaal gudcurkaa i qarin doona,
Oo iftiinka igu wareegsanu habeennimuu noqon doonaa,
12 Xataa gudcurku igama kaa qariyo,
Laakiinse habeenku wuxuu u iftiimaa sida maalinta oo kale,
Gudcurka iyo iftiinku waa isugu kaa mid.
13 Waayo, kelyahayga adigaa sameeyey,
Oo adigaa igu daboolay maxalkii hooyaday.
14 Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waxaa la ii sameeyey si cabsi iyo yaab badan,
Shuqulladaadu waa yaab badan yihiin,
Oo naftayduna taas aad bay u taqaan.
15 Lafahaygu kaama qarsoonayn,
Markii laygu sameeyey qarsoodiga,
Oo farsamada yaabka leh laygu sameeyey dhulka meesha ugu hoosaysa.
16 Indhahaagu way i arkeen markaan uurjiifka ahaa,
Oo xubnahaygu kitaabkaagay ku wada qornaayeen,
Kuwaas oo maalin ka maalin la qabanqaabiyey
Intaan midkoodna jirin ka hor.
17 Ilaahow, fikirradaadu ila qiimo badanaa!
Oo tiro badanaa!
18 Haddaan tiriyo, way ka sii tiro badan yihiin ciidda,
Oo markaan tooso weli adigaan kula joogaa.
19 Ilaahow, hubaal waxaad layn doontaa kuwa sharka leh,
Haddaba iga taga, raggiinna dhiigyocabyada ahow.
20 Waayo, iyagu si xun ayay wax kaaga sheegaan,
Oo cadaawayaashaaduna micnela'aan bay magacaaga ku soo qaadqaadaan.
21 Rabbiyow, sow ma aan nebci kuwa ku neceb?
Oo sow kama aan murugaysni kuwa kugu kaca?
22 Nacayb dhan ayaan ku necbahay iyaga,
Oo waxaan iyaga u haystaa cadaawayaashayda.
23 Ilaahow, i baadh, oo qalbigayga garo,
I tijaabi, oo fikirradayda ogow,
Dibudhisiddii Oo La Horjoogsaday
4 Laakiinse markii Sanballad maqlay inaannu derbigii dhisaynay ayuu cadhooday, oo aad u dhirfay, oo Yuhuuddiina wuu ku majaajilooday. 2 Markaasuu ka hor hadlay walaalihiis iyo ciidankii Samaariya, oo wuxuu yidhi, War Yuhuuddan itaalka daranu waxay samaynayaan waa maxay? Iyaga ma la daynayaa? Oo miyey allabaryayaan? Oo ma maalin bay hawshaas ku dhammaynayaan? Oo dhagxantii miyey ka soo noolaynayaan tuulmooyinkii waxyaalaha baabba'ay oo gubtay? 3 Oo haddana Toobiyaah oo ahaa reer Cammoon oo agtiisa taagnaa wuxuu yidhi, Waxa ay dhisayaan oo dhan xataa haddii dawaco fuusho way kala burburinaysaa derbigooda dhagaxa ah. 4 Ilaahayagow, bal maqal, waayo, waa nala quudhsadaye; caydooda dib ugu celi madaxooda, oo iyaga u gacangeli dal dhaca oo maxaabiis ahaan u kaxaysta. 5 Oo xumaantoodana ha dedin, oo dembigoodana yaan hortaada laga tirtirin, waayo, kuwii wax dhisayay hortooda ayay kaaga xanaajiyeen. 6 Haddaba derbigii waannu dhisnay; oo derbigii oo dhan waa lays qabadsiiyey ilaa qotonkiisii badhkiis la gaadhsiiyey, waayo dadku waxay maanka ku hayeen inay shaqeeyaan.
7 Laakiinse markii Sanballad, iyo Toobiyaah, iyo kuwii Carbeed, iyo reer Cammoon, iyo reer Ashdood ay maqleen in derbiyadii Yeruusaalem cusboonaysiintoodii ay hore u socotay iyo in la bilaabay in daldaloolladii la fureeyo ayay aad u cadhoodeen. 8 Markaasay dhammaantood shirqool ku wada arrinsadeen inay soo kacaan oo Yeruusaalem la diriraan, iyo inay dhexdeeda qas ka ridaan. 9 Laakiinse waxaannu barinnay Ilaahayo, oo iyaga aawadood ayaannu yeelnay waardiyayaal naga ilaaliya habeen iyo maalinba. 10 Markaasaa dadkii dalka Yahuudah waxay yidhaahdeen, Kuwa culaysyada qaada xooggoodii waa yaraaday, oo waxaa jira waxyaalo dundumay oo badan, sidaa daraaddeed derbiga ma dhisi karno. 11 Oo cadaawayaashayadiina waxay yidhaahdeen, Iyagu ma ay ogaan doonaan, mana ay arki doonaan jeeraan dhex tagno oo aan iyaga layno, oo shuqulkana aan joojinno. 12 Oo markii Yuhuuddii iyaga ag degganayd ay yimaadeen, waxay toban jeer nagu yidhaahdeen, Idinku waa inaad meel walba nooga soo noqotaan. 13 Haddaba sidaas daraaddeed meeshii ugu hoosaysay oo derbiga ka dambaysay oo meelaha bannaan ku yiil ayaan taagay dadkii qoloqolo u safan oo wada haysta seefahoodii, iyo warmahoodii, iyo qaansooyinkoodiiba. 14 Oo intaan wax fiiriyey ayaan kacay oo waxaan ku idhi kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo dadka intiisii kaleba, Iyaga ha ka cabsanina, ee waxaad xusuusataan Sayidka weyn oo laga cabsado, oo waxaad u dirirtaan walaalihiin, iyo wiilashiinna, iyo gabdhihiinna, iyo naagihiinna, iyo guryihiinnaba. 15 Haddaba markii cadaawayaashayadii ay maqleen inaannu taas ogaannay, oo uu Ilaah taladoodii kala riday, ayaannu kulligayo ku noqonnay derbigii oo mid waluba wuxuu qabtay shuqulkiisii. 16 Oo intii markaas ka dambaysay midiidinnadaydii badhkood shuqulkii bay sameeyeen, oo badhkoodii kalena waxay hayeen warmihii, iyo gaashaammadii, iyo qaansooyinkii, iyo jubbado bir ah, oo taliyayaashii oo dhammuna way daba taagnaayeen dadkii dalka Yahuudah oo dhan. 17 Oo kuwii derbiga dhisayay iyo kuwii wax culus isa saarayba mid waluba gacmihiisa middood wuxuu ku sameeyey shuqulkii, midda kale wuxuu ku haystay hubkiisii dagaalka. 18 Oo kuwii wax dhisayayna mid walba seeftiisu dhinaca ayay ugu xidhnayd, oo sidaasayna wax u dhisayeen. Oo kii buunka yeedhin jirayna aniguu i ag joogay. 19 Oo waxaan ku idhi kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo dadka intiisii kaleba, Shuqulku waa weyn yahay, wuuna ballaadhan yahay, annana derbiga dushiisa waannu ku kala firidhsan nahay, oo midba midka kale wuu ka fog yahay. 20 Meel alla meeshii aad ka maqashaan dhawaaqa buunka, halkaas noogu soo urura; waxaa inoo diriri doona Ilaaheenna. 21 Sidaasaannu shuqulkii u qabannay; oo dadka badhkiisna waxay warmaha haysteen markii waagu beryay iyo tan iyo jeeray xiddiguhu muuqdeen. 22 Oo sidaas oo kale isla markaas waxaan dadkii ku idhi, Mid kasta iyo midiidinkiisu ha ku soo hoydeen Yeruusaalem, si ay habeenkii waardiyayaal noogu noqdaan, maalintiina ay u hawshoodaan. 23 Haddaba sidaas daraaddeed aniga iyo walaalahay, iyo midiidinnadaydii, iyo raggii waardiyaha ahaa oo i daba socday toona midkayana dharkiisii iskama furin, oo mid kastaaba isagoo hubkiisii u xidhan yahay ayaa biyaha xaggooda tegey.
4 Oo waxaan maqlay intoodii la shaabadeeyey tiradoodii, waxayna ahaayeen boqol iyo afar iyo afartan kun oo intaasaa laga shaabadeeyey qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan.
5 Qabiilka reer Yahuudah waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Ruubeenna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Gaadna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
6 Qabiilka reer Aasheerna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Naftaalina waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Manasehna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
7 Qabiilka reer Simecoonna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Laawina waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Isaakaarna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
8 Qabiilka reer Sebulunna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Yuusufna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Benyaamiinna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun.
Riyadii Lagu Arkay Kuwii Rabbigu Soo Madaxfurtay
9 Oo bal eeg, waxyaalahaas ka dib waxaan arkay dad faro badan, oo aan ninna tirin karin, oo lagala soo baxay quruun kasta, iyo qabiil kasta, iyo dad kasta, iyo af kasta, oo taagan carshiga hortiisa iyo Wanka hortiisa, iyagoo qaba khamiisyo cadcad, gacmahana ku haysta caleemo timireed. 10 Oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn, iyagoo leh, Badbaado waxaa leh Ilaahayaga carshiga ku fadhiya iyo Wanka. 11 Oo malaa'igihii oo dhammuna waxay taagnaayeen carshiga hareerihiisa iyo odayaashii iyo afartii xayawaan hareerahooda; oo carshiga hortiisii ayay ku dhaceen oo intay wejigooda dhulka saareen ayay Ilaah caabudeen, 12 iyagoo leh, Aamiin; Ilaahayagu weligiis iyo weligiis ha lahaado barako, iyo ammaan, iyo xigmad, iyo mahad, iyo ciso, iyo xoog, iyo itaal. Aamiin.
13 Oo odayaashii midkood baa jawaabay oo wuxuu igu yidhi, Kuwan khamiisyada cadcad qabaa yay yihiin, xaggee bayse ka yimaadeen? 14 Oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waad taqaan. Markaasuu wuxuu igu yidhi, Kuwanu waa kuwii ka soo baxay dhibaatadii weynayd, oo waxay khamiisyadoodii ku maydheen oo ku caddeeyeen dhiiggii Wanka. 15 Sidaas daraaddeed waxay joogaan carshiga Ilaah hortiisa; oo waxay isaga ugu adeegaan macbudkiisa habeen iyo maalinba; oo kan carshiga ku fadhiyaana wuxuu dushooda ka dhisan doonaa taambuuggiisa. 16 Oo iyana mar dambe ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan mar dambe, qorraxda iyo kulaylkuna kuma ay dhici doonaan; 17 waayo, Wanka carshiga badhtankiisa jooga ayaa wuxuu ahaan doonaa adhijirkooda, oo wuxuu iyaga u hoggaamin doonaa ilaha biyaha nolosha; oo Ilaahna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa.
Masaalka Ku Saabsan Iniin Khardal Ah, Iyo Masaalka Ku Saabsan Khamiir(A)
31 Masaal kale ayuu u saaray oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay iniin khardal, tan uu nin qaaday oo beertiisa ku beeray. 32 Taas waa ka wada yar tahay iniinaha oo dhan, laakiin goortay weynaato, way ka weyn tahay dhalatada oo dhan, oo waxay noqotaa geed dheer si ay shimbirraha cirku u yimaadaan oo laamaheeda ugu degaan.
33 Masaal kale ayuu kula hadlay, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay khamiir, kan naagi intay qaadday ay saddex qiyaasood oo bur ah ku dhex qooshtay ilaa ay wada khamiireen.
34 Waxan oo dhan ayaa Ciise masaallo kula hadlay dadkii badnaa, oo masaalla'aan kulama uu hadlin iyaga. 35 Si ay u noqoto wixii nebiga lagaga dhex hadlay isagoo leh,
Afkayga waxaan ku furayaa masaallo,
Oo wax qarsoonna tan iyo aasaaskii dunida ayaan ku dhawaaqayaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya