Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 31

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

31 Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, yaanan weligayba ceeboobin,
Oo xaqnimadaada igu samatabbixi.
Dhegtaada ii soo dhig, oo dhaqso ii samatabbixi,
Dhagax weyn oo xoog leh ii ahow, iyo guri laysku daafaco si aad ii badbaadisid.
Waayo, waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda,
Haddaba magacaaga daraaddiis ii hoggaami oo ii hanuuni.
Oo iga bixi shabagga dabinka ah oo ay qarsoodiga iigu dhigeen,
Waayo, waxaad tahay qalcaddayda.
Gacantaada ayaan ruuxayga u dhiibayaa,
Waayo, waad i soo furatay, Rabbiyow, Ilaaha runta ahow.
Waan neceb ahay kuwa hawada beenta ah ka fikira,
Laakiinse Rabbigaan isku halleeyaa.
Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa,
Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay,
Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,
Oo weliba iguma aad xidhin gacantii cadowga,
Oo cagtayda waxaad taagtay meel ballaadhan.
Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa,
Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.
10 Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid,
Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.
11 Cadaawayaashayda oo dhan daraaddood ayaan waxaan noqday mid ceebaysan,
Xataa deriskayga aad iyo aad baan ugu hor ceeboobay, oo kuwa i yaqaanna way iga cabsadeen,
Oo xataa kuwii dibadda igu arkay way iga carareen.
12 Sida qof dhintay oo laga samray ayaa layska kay illoobay,
Oo waxaan ahay sida weel jabay.
13 Waayo, waxaan maqlay kuwo badan oo caytamaya,
Iyo cabsi dhan kasta igaga wareegsan,
Oo intay ii wada tashadeen,
Ayay waxay ku arrinsadeen inay nafta iga qaadaan.
14 Laakiinse Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyey,
Oo waxaan idhi, Waxaad tahay Ilaahay.
15 Wakhtigaygu gacantaaduu ku jiraa,
Haddaba iga samatabbixi gacanta cadaawayaashayda, iyo weliba kuwa i silciya gacantooda.
16 Wejigaaga anoo addoonkaaga ah igu iftiimi,
Oo igu badbaadi raxmaddaada.
17 Rabbiyow, yaanan ceeboobin, waayo, adigaan kuu qayshaday,
Kuwa sharka lahu ha ceeboobeen, oo She'ool ha ku dhex aamuseen.
18 Ha carrab beeleen kuwa beenta sheegaa,
Oo kan xaqa ah si qallafsan wax uga sheega,
Iyagoo kibir iyo quudhsasho leh.
19 Wanaaggaagu weynaan badanaa, kan aad u kaydisay kuwa kaa cabsada,
Oo weliba aad binu-aadmiga hortiisa ugu diyaarisay kuwa isku kaa halleeya.
20 Dadka sirqoolladiisa waxaad iyaga kaga qarinaysaa joogistaada qarsoon,
Oo carrabka dirirtiisana waxaad iyaga kaga qarinaysaa taambuug.
21 Mahad waxaa leh Rabbiga,
Waayo, wuxuu raxmaddiisa yaabka leh igu tusay magaalo xoog weyn.
22 Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay,
Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.
23 Quduusiintiisa oo dhammay, Rabbiga jeclaada,
Rabbigu wuu ilaaliyaa kuwa aaminka ah,
Kan waxa kibirka ah falase aad iyo aad buu u abaalmariyaa.
24 Kuwiinna Rabbiga wax ka rajaynaya oo dhammow,
Adkaysta, oo qalbigiinnu ha dhiirranaado.

Sabuurradii 35

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

35 Rabbiyow, la dirir kuwa ila dirira,
Oo la dagaallan kuwa ila dagaallama.
Gaashaan iyo gabbaad qaado.
Oo caawimaaddayda daraaddeed u istaag.
Waran la soo bax, oo kuwa i eryanaya jidka ka goo,
Oo naftayda waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay badbaadadaada.
Kuwa naftayda doondoonayaa ha ceeboobeen, oo sharafdarro ha ku soo degto,
Oo kuwa waxyeelladayda u arrinsanayana dib ha loo celiyo, oo ha wareereen.
Ha noqdeen sida buunshe dabaysha hor socda,
Oo malaa'igta Rabbigu horay u sii kaxaynayso.
Jidkoodu ha noqdo gudcur iyo meel simbiriirixo leh,
Oo malaa'igta Rabbigu ha eryato.
Waayo, iyagu sababla'aan bay dabin god iigu qarsheen,
Oo sababla'aan bay naftayda god ugu qodeen.
Isagoo aan iska jirin halligaadu ha ku soo degto,
Oo dabinkiisuu qariyey isaga ha qabsado,
Oo isagu halligaaddaas ha ku dhaco.
Oo naftayduna Rabbigay aad ugu farxi doontaa,
Oo waxay ku rayrayn doontaa badbaadintiisa.
10 Lafahayga oo dhammu waxay odhan doonaan, Rabbiyow, bal yaa kula mid ah?
Kaaga kii miskiin ah ka samatabbixiya kii isaga ka xoog badan,
Haah, oo kii miskiin ah iyo kan baahanba ka samatabbixiya kii dhaca.
11 Waxaa kaca markhaatiyaal xaqdarro ah,
Oo waxay i weyddiiyaan waxyaalo aanan ogayn.
12 Wanaag xumaan bay iigaga abaalgudaan
Oo naftayda way gacal tiraan.
13 Laakiinse markay bukeen, dharkaygu wuxuu ahaa joonyado,
Oo naftaydana soon baan ku dhibay,
Oo tukashadayduna laabtayday ku soo noqotay.
14 Anigu waxaan u qaatay sidii isagoo ah saaxiibkay ama walaalkay,
Oo waxaan la foororsaday baroorasho sida mid hooyadiis u baroorta.
15 Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen,
Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba,
Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.
16 Sida labawejiilayaashu diyaafado uga dhex majaajiloodaan
Ayay igu ilko jirriqsadeen.
17 Sayidow, ilaa goormaad sii fiirinaysaa?
Naftayda halligaaddooda ka badbaadi,
Noloshaydana libaaxyada ka badbaadi.
18 Waxaan kaaga mahadnaqi doonaa shirka weyn dhexdiisa,
Oo dad fara badan dhexdooda ayaan kugu ammaani doonaa.
19 Kuwa sida qaladka ah cadowga iigu ahi, yaanay igu rayrayn,
Oo kuwa sababla'aanta ii necebuna yaanay isu il jebin.
20 Waayo, iyagu nabad kuma hadlaan,
Laakiinse waxay hadallo khiyaano miidhan ah ugu hindisaan kuwa dalka ku xasilloon.
21 Afkoodii aad bay iigu fureen,
Oo waxay yidhaahdeen, Ahaa, ahaa, annagaa indhahayaga ku aragnay.
22 Rabbiyow, adigu waad aragtay, haddaba ha iska aamusin,
Sayidow, ha iga fogaan.
23 Sara joogso, oo garsooriddayda u toos,
Oo dacwadayda dhegayso, Ilaahayow, Sayidkayow.
24 Rabbiyow, Ilaahayow, igu xukun sida ay xaqnimadaadu tahay,
Oo yaanay igu rayrayn.
25 Yaanay qalbigooda iska odhan, Ahaa, sidaasaannu doonaynaa,
Yaanay odhan, Isagii waannu liqnay.
26 Kuwa waxyeelladayda ku reyreeyaa ha wada ceeboobeen oo ha isku wareereen dhammaantood,
Oo iyagu ha huwadeen ceeb iyo sharafdarro kuwa iska kay weynaysiiyaa.
27 Kuwa xaqnimadayda jecelu farxad ha ku dhawaaqeen, oo ha farxeen,
Oo had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo,
Waayo, isagu wuxuu ku farxaa barwaaqada addoonkiisa.
28 Oo maalinta oo dhan carrabkaygu wuxuu ka hadli doonaa
Xaqnimadaada iyo ammaantaadaba.

Cesraa 3

Dibudhisiddii Meesha Allabariga

Oo markii bishii toddobaad la gaadhay, oo ay reer binu Israa'iilna iska degganaayeen magaalooyinkoodii, ayaa dadkii oo dhammu ugu soo wada urureen Yeruusaalem sidii nin keliya. Markaasaa waxaa istaagay Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, iyo walaalihiisii wadaaddada ahaa, iyo Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo walaalihiis, oo waxay dhiseen meeshii allabariga Ilaaha reer binu Israa'iil inay ku dul bixiyaan qurbaanno la gubo, sida ay ugu qoran tahay sharcigii Muuse oo ahaa ninka Ilaah. Oo meeshii allabariga waxay saareen saldhiggeedii, waayo, iyagu waxay ka cabsanayeen dadkii dalalka degganaa, oo waxay Rabbiga ugu dul bixiyeen qurbaanno la gubo oo ahaa kuwii subaxnimada iyo kuwii habeennimada. Oo iiddii taambuugyadana waxay u iideen sidii ay u qornayd, oo maalin kastana waxay tiro ku bixinayeen qurbaannada la gubo, sidii amarku ahaa, iyo intii maalin kasta layska doonayay; dabadeedna qurbaankii joogtada ahaa, iyo kuwii bilaha cusub, iyo iidihii Rabbiga oo quduuska ahaa, iyo kii qof waluba Rabbiga ikhtiyaarkiisa ugu bixiyey. Oo maalintii kowaad oo bishii toddobaad ayay bilaabeen inay Rabbiga u bixiyaan qurbaanno la gubo, laakiinse macbudka aasaaskiisii weli lama dhigin. Oo waxay wastaadyadii iyo nijaarradii siiyeen lacag; oo kuwii reer Siidoon iyo kuwii reer Turosna waxay siiyeen cunto, iyo cabniin, iyo saliid si ay geedaha kedarka la yidhaahdo Lubnaan uga keenaan oo ay badda u soo marsiiyaan ilaa Yaafaa, sidii uu Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ugu oggolaaday.

Dibudhisiddii Macbudka

Haddaba markay yimaadeen guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal sannaddii labaad bisheedii labaad ayay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, shuqulkii bilaabeen, iyaga iyo intii kale oo ahayd wadaaddadii walaalahood ahaa, iyo kuwii reer Laawi, iyo kulli intii maxaabiista ka soo baxday oo Yeruusaalem timid, oo kuwii reer Laawi intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weyn ayay u doorteen inay shuqulkii guriga Rabbiga u sarreeyaan. Markaasaa waxaa dhammaan istaagay Yeeshuuca, iyo wiilashiisii iyo walaalihiis, iyo Qadmii'eel iyo wiilashiisii oo ahaa reer Yahuudah, inay u sarreeyaan shaqaalaha ku jira guriga Rabbiga, iyo weliba wiilashii Xeenaadaad iyo wiilashoodii iyo walaalahood oo ahaa reer Laawi. 10 Oo kuwii gurigii dhisayay markay aasaaskii macbudka Rabbiga dhigeen waxaa istaagay wadaaddadii iyagoo dharkoodii xidhan oo turumbooyin wata, iyo kuwii reer Laawi oo ahaa ilma Aasaaf oo haysta suxuun laysku garaaco, inay Rabbiga ammaanaan sidii uu ahaa amarkii Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil. 11 Oo markaasay darandoorri u gabyeen iyagoo Rabbiga ammaanaya oo u mahadnaqaya, oo leh, Isagu wuu wanaagsan yahay, reer binu Israa'iilna weligiisba wuu u naxariistaa. Oo markay Rabbiga ammaaneen ayaa dadkii oo dhammu dhawaaq weyn ku dhawaaqay, maxaa yeelay, waxaa la dhigay aasaaskii gurigii Rabbiga. 12 Oo wadaaddadii badidood, iyo kuwii reer Laawi, iyo madaxdii qabiilooyinka oo ahaa odayaashii arkay gurigii hore ayaa aad u ooyay markay arkeen gurigan aasaaskiisii oo hortooda lagu dhigay, oo kuwo badanuna farxad bay la qayliyeen, 13 oo sidaas daraaddeed dadkii wuu kala sooci kari waayay dhawaaqii farxadda iyo qayladii oohinta, oo buuqiina waxaa laga maqlay meel fog.

1 Korintos 16:10-24

10 Timoteyos hadduu yimaado, dhawra, oo cabsila'aan ha idinkula joogo, waayo, wuxuu ka shaqeeyaa shuqulka Rabbiga sidayda oo kale. 11 Haddaba ninna yuusan fududaysan isaga. Laakiin nabad ku soo ambabbixiya, ha ii yimaadee, waayo, waxaan filanayaa inuu walaalaha soo raaco. 12 Xagga walaalka Abolloos aad baan u baryay isaga inuu walaalaha sii raaco oo idiin yimaado, laakiin raalli kama uu ahayn inuu haatan yimaado, laakiin wuu iman doonaa markuu nefis helo.

13 Soo jeeda, iimaanka ku adkaada, rag ahaada, xoogooba. 14 Wax kastoo aad samaysaanba, jacayl ku sameeya.

15 Walaalayaalow, waad garanaysaan kuwa guriga Istefanas jooga inay yihiin midhaha ugu horreeyey ee Akhaya iyo inay isu bixiyeen inay quduusiinta u adeegaan. Waxaan idinka baryayaa 16 inaad ka dambaysaan kuwaas oo kale iyo mid kasta oo la shaqeeya oo hawshooda. 17 Waxaan ku faraxsanahay imaatinka Istefanas iyo Fortunatos iyo Akhaykos, maxaa yeelay, wixii xaggiinna ka dhinnaa iyagaa dhammaystiray. 18 Waayo, ruuxayga iyo kiinnaba iyagaa nasiyey. Taa aawadeed aqoonsada kuwaas oo kale.

19 Kiniisadaha Aasiya way idin soo salaamayaan. Akula iyo Bariskillana aad bay idiin soo salaamayaan xagga Rabbiga, iyaga iyo kiniisadda gurigooda ku taalba. 20 Walaalaha oo dhammu way idin soo salaamayaan. Isku salaama dhunkasho quduus ah.

21 Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa. 22 Qof uun hadduusan Rabbiga jeclayn, ha inkaarnaado. Rabbigeennu waa imanayaa. 23 Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha idinla jirto. 24 Dhammaantiin jacaylkaygu ha idinla jiro xagga Ciise Masiix. Aamiin.

Matayos 12:22-32

Ciise Iyo Be'elsebul(A)

22 Markaasaa waxaa loo keenay jinnoole indha la' oo carrab la', wuuna bogsiiyey, sidaa darteed ninkii carrabka la'aa waa hadlay oo wax arkay. 23 Kolkaasaa dadkii badnaa oo dhammu yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn ina Daa'uud? 24 Laakiin Farrisiintu goortay maqleen, waxay yidhaahdeen, Kanu jinniyada wax kale kuma saaro Be'elsebul oo ah madaxda jinniyada maahee. 25 Laakiin isagoo garanaya fikirradooda ayuu ku yidhi, Boqortooyo walba oo kala qaybsantaa, cid la' bay noqotaa, oo magaalo walba iyo guri walba oo kala qaysamaa, ma taagnaan doonaan. 26 Haddii Shayddaan Shayddaan saaro, waa kala qaybsamaa. Haddaba boqortooyadiisu sidee bay u taagnaan doontaa? 27 Oo anigu haddii aan jinniyada ku saaro Be'elsebul, wiilashiinnu yay ku saaraan? Sidaa darteed iyagu waxay ahaanayaan xaakinnadiinna. 28 Laakiin haddaan jinniyada ku saaro Ruuxa Ilaah, waxaa idiin timid boqortooyada Ilaah.

29 Ama qof sidee buu kan xoog leh gurigiisa u geli karaa oo alaabtiisa u dhici karaa, haddaanu kolkii hore kan xoogga leh xidhin? Markaasuu gurigiisa dhici doonaa. 30 Kan aan ila jirin waa iga gees, oo kan aan ila ururin waa firdhiyaa. 31 Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Dembi walba iyo cay walba waa loo cafiyi doonaa dadka, laakiin cayda Ruuxa Quduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono. 32 Ku alla kii ku hadla hadal Wiilka Aadanaha ka gees ah waa loo cafiyi doonaa, laakiin ku alla kii ku hadla hadal Ruuxa Quduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono wakhtigan iyo wakhtiga iman doona.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya