Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab la afuufo oo muusika ah.
5 Rabbiyow, bal hadalladayda dhegta u dhig,
Oo ka fiirso fikirradayda.
2 Boqorkayga iyo Ilaahaygow, bal maqal codka baryadayda,
Waayo, adigaan kuu tukanayaa.
3 Rabbiyow, codkayga aroorta baad maqli doontaa,
Oo aroorta ayaan tukashadayda kugu soo hagaajin doonaa, oo waan soo jeedi doonaa.
4 Waayo, adigu ma ihid Ilaah xumaanta ku farxa,
Oo shar adiga kula jiri maayo.
5 Kan ismadax-weyneeya hortaada soo istaagi maayo,
Oo waxaad neceb tahay xumaanfalayaasha oo dhan.
6 Waad wada baabbi'in doontaa kuwa beenta ku hadla,
Rabbigu aad buu u karhaa kan dhiigyacabka ah iyo khaa'inkaba.
7 Laakiinse anigu kalgacaylkaaga badan ayaan gurigaaga ku soo gelayaa,
Oo anigoo kaa cabsanaya ayaan xagga macbudkaaga quduuska ah u soo tukan doonaa.
8 Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood xaqnimadaada igu hoggaami,
Oo jidkaaga hortayda ku toosi.
9 Waayo, afkooda daacadnimo kuma jirto,
Oo uurkooda hoosena waa xumaan miidhan,
Hungurigooduna waa qabri af bannaan,
Oo carrabkooduna waa sasabasho miidhan.
10 Ilaahow, iyaga kuwo eed leh ku tiri,
Oo iyagu taladooda ha ku baabbe'een,
Oo xadgudubkooda batay daraaddiis u tuur iyaga,
Waayo, way kugu caasiyoobeen.
11 Laakiinse kuwa adiga isku kaa halleeya oo dhammu ha reyreeyeen,
Oo farxad ha ku qayliyeen weligoodba, maxaa yeelay, adigaa daafaca iyaga,
Kuwa magacaaga jeceluna adiga ha kugu farxeen.
12 Waayo, Rabbiyow, kii xaq ah waad barakayn doontaa,
Oo waxaad hareerihiisa ku wareejinaysaa raallinimo sidii gaashaan oo kale.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah, oo Shemiiniid lagu luuqeeyo.
6 Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan,
Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
2 Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay,
Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.
3 Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay,
Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?
4 Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi,
Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.
5 Waayo, geeridu ma leh xusuus adiga lagugu xusuusto,
Bal yaase She'ool kaaga mahadnaqi doona?
6 Waxaan la daalay jibaadkayga,
Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa.
Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.
7 Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo,
Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.
8 Iga taga, kuwiinna xaqdarrada ka shaqeeya oo dhammow,
Waayo, Rabbigu waa maqlay codkii oohintayda.
9 Rabbigu waa maqlay baryootankaygii,
Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.
10 Cadaawayaashayda oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, oo aad iyo aad bay u dhibtoon doonaan,
Dib bay u noqon doonaan, oo si kediso ah ayay u ceeboobi doonaan.
10 Rabbiyow, maxaad meesha fog u istaagtay?
Oo maxaad u dhuumataa markii dhibaato jirto?
2 Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada,
Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.
3 Waayo, kii shar lahu wuxuu ku faanaa waxa qalbigiisu jecel yahay,
Oo kii damaci ahuna Rabbiga wuu nacaa, wuuna quudhsadaa.
4 Kii shar lahu isagoo wejigiisa kibir ka muuqdo wuxuu yidhaahdaa,
Isagu waxba i weyddiisan maayo.
Fikirradiisa oo dhammu waxaa weeye, Ilaah ma jiro.
5 Jidadkiisuu ku adag yahay had iyo goorba,
Xukummadaaduna waa ka sarreeyaan isaga, waana ka fog yihiin,
Oo cadaawayaashiisa oo dhanna wuu wada fudaydsadaa.
6 Oo wuxuu isyidhaahdaa, Anigu weligay dhaqdhaqaaqi maayo,
Oo tan iyo ka ab ka ab xumaanu i heli mayso.
7 Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi,
Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.
8 Isagu wuxuu fadhiistaa tuulooyinka meelahooda lagu dhuunto,
Oo kan aan xaqa qabinna wuxuu ku dilaa meelaha qarsoon,
Oo indhihiisuna waxay si qarsoon hoos uga fiiriyaan miskiinka.
9 Isagu wuxuu ku dhuuntaa meel qarsoon sida libaax godkiisa ku jira,
Oo wuxuu u gaadaa inuu miskiinka qabsado,
Oo intuu miskiinka qabsado ayuu ku soo jiitaa shabaggiisa.
10 Wuu foororsadaa, oo hoos isu gaabiyaa,
Oo masaakiinta waxaa ridda gacanta kuwiisa xoogga badan.
11 Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ilaah waa i illoobay,
Oo wejigiisiina wuu qariyey, weligiisna ima arki doono.
12 Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso, oo gacantaada kor u qaad,
Oo masaakiinta ha illoobin.
13 Bal kii shar lahu muxuu Ilaah u quudhsadaa?
Oo muxuu qalbigiisa uga leeyahay, Adigu waxba i weyddiisan maysid?
14 Waxaas baad aragtay, waayo, waad u jeeddaa belaayada iyo xanaaqa, inaad gacantaada ku aargudatid aawadeed,
Miskiinku adiguu isu kaa dhiibaa,
Waayo, adigu waxaad tahay agoonka kaalmeeyihiisa.
15 Kii shar leh gacantiisa jebi,
Oo sharrowga xumaantiisana doondoon ilaa aad mid dambe weydid.
16 Rabbigu waa boqor weligiis iyo weligiisba,
Oo quruumaha oo dhammuna dalkiisa way ka wada baabba'aan.
17 Rabbiyow, waad maqashay waxay kuwa is-hoosaysiiyaa doonayaan,
Oo qalbigooda waad diyaarin doontaa, oo dhegtaadana waad u dhigi doontaa,
18 Si aad gartooda u naqdid agoonta iyo kuwa la dulmay,
Si aan dadka dunidu mar dambe u noqon kuwo laga cabsado.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
11 Anigu Rabbigaan isku halleeyaa,
Haddaba idinku sidee baad naftayda ugu tidhaahdaan,
Sida shimbir oo kale buurtiinnii ku carara?
2 Waayo, bal eega, kuwa sharka lahu waxay xoodaan qaansada,
Fallaadhoodana waxay ku diyaariyaan xadhigga,
Inay kan qalbiga ka qumman goor gudcur ah ku ganaan.
3 Haddii aasaaska la dumiyo,
Kan xaqa ahu bal muxuu samayn karaa?
4 Rabbigu wuxuu ku jiraa macbudkiisa quduuska ah,
Rabbiga carshigiisu wuxuu yaal samada,
Indhihiisu way eegaan, oo indhihiisa daboolkooduna way imtixaamaan binu-aadmiga.
5 Rabbigu waa tijaabiyaa kii xaq ah,
Laakiinse kii shar leh iyo kii dulmi jecelba naftiisu way neceb tahay.
6 Kuwa shar leh wuxuu ku soo kor daadin doonaa dabinno,
Oo qaybta koobkooduna waxaa weeye dab iyo baaruud iyo dabayl hanfi ah.
7 Waayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay,
Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.
27 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid markuu boqorku kitaabkii duudduubnaa iyo erayadii uu Baaruug ka qoray afka Yeremyaah gubay dabadeed, oo wuxuu ku yidhi, 28 Haddana kitaab kale oo duudduuban soo qaad, oo waxaad ku qortaa erayadii kitaabkii duudduubnaa ee hore ku yiil oo dhan, kaasoo Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah uu gubay. 29 Oo boqorka dalka Yahuudah oo Yehooyaaqiim ahna waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad gubtay kitaabkii duudduubnaa, adigoo leh, Maxaad gudihiisa waxyaalahan ugu qortay, oo aad u tidhi, Sida xaqiiqada ah boqorka Baabuloon wuu iman doonaa oo dalkanna wuu baabbi'in doonaa, halkanna dad iyo duunyoba wuu ka gooyn doonaa? 30 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah ka leeyahay, Isagu ma uu yeelan doono mid carshigii Daa'uud ugu fadhiista, oo meydkiisa waxaa maalintii loo xoori doonaa kulaylka, habeenkiina sayaxa barafoobay. 31 Oo isaga iyo farcankiisa iyo addoommadiisaba xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo iyaga, iyo dadka Yeruusaalem deggan, iyo dadka dalka Yahuudahba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, laakiinse way maqli waayeen. 32 Markaas Yeremyaah wuxuu soo qaaday kitaab kale oo duudduuban, oo wuxuu u dhiibay karraanigii ahaa Baaruug ina Neeriiyaah, oo isna wuxuu afka Yeremyaah ka qoray erayadii ku yiil kitaabkii Yehooyaaqiim oo boqorka dalka Yahuudah ahu uu dabka ku gubay oo dhan, oo weliba waxaa iyagii lagu sii daray erayo kale oo badan oo iyagii la mid ah.
Yeremyaah Oo La Xiray
37 Oo Boqor Sidqiyaah oo ahaa ina Yoosiyaah ayaa boqor ka noqday meeshii Konyaah ina Yehooyaaqiim, kaasoo ahaa kii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu isaga boqor uga dhigay dalkii Yahuudah. 2 Laakiinse isagii, iyo addoommadiisii, iyo dadkii dalka toona midkoodna ma maqlin erayadii Rabbiga ee uu isagu kaga hadlay Nebi Yeremyaah.
Hadiyadaha Wax Sii Sheegidda Iyo Kuhadlidda Afafka Kale
14 Jacaylka raaca, oo weliba hadiyadaha Ruuxa ka yimaada aad u doona, oo siiba doona inaad wax sii sheegtaan. 2 Waayo, kii af uusan aqoon ku hadlaa, lama hadlo dadka, wuxuuse la hadlaa Ilaah, waayo, ninna ma garto; laakiin Ruuxa ayaa waxyaalaha qarsoon kaga dhex hadliya. 3 Laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dadka kula hadlaa hadallo wax dhisa oo gargaar iyo qalbiqaboojis leh. 4 Kii af uusan aqoon ku hadlaa wuu isdhisaa, laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dhisaa kiniisadda.
5 Waxaan jeclaan lahaa inaad dhammaantiin afaf ku wada hadashaan, laakiin waxaan ka sii jeclaan lahaa inaad wax sii sheegtaan. Kii afaf ku hadlaa hadduusan fasirin, waxaa ka sii weyn kii wax sii sheega, si ay kiniisaddu u hesho wax ay ku dhisanto. 6 Laakiin hadda, walaalayaalow, haddaan idiin imaado, anigoo afaf ku hadlaya, maxaan idiin tari doonaa, haddaanan idinkula hadlin muujin ama aqoon ama wax sii sheegid ama waxbarid?
7 Xataa waxyaalo aan naf lahayni markay dhawaaqaan, ha ahaadeen ama biibiile ama kataarad, haddaanay dhawaaqa kala soocin, sidee baa loo kala garanayaa waxa la yeedhiyo ama waxa kataaradda laga dhawaajiyo? 8 Hadduu buunku ku dhawaaqo cod aan la kala garan, yaa dagaal isu diyaargarayn doona?
9 Sidaasoo kalena idinku markaad af ku hadashaan haddaydnan ku hadlin hadal la garto, sidee baa loo garanayaa waxa lagu hadlayo? Waayo, dabayshaad la hadlaysaan. 10 Mindhaa waxaa dunida jira codad badan oo kala cayn ah, oo mid aan micne lahayni ma jiro. 11 Haddaba haddaanan garanaynin micnaha codka, waxaan kii hadlaya u ahaan doonaa nin qalaad, kan hadlayaana nin qalaad ayuu ii ahaan doonaa. 12 Sidaasoo kale idinkuna, idinkoo ku kulul hadiyadaha ruuxa, aad u dadaala inaad hadiyado badan u lahaataan kiniisadda dhisniinteeda.
Silaca(A)
16 Waxaan idiin dirayaa sidii ido yeey ku dhex jira, sidaa darteed caqli u lahaada sida abeesooyin, oo u sir la'aada sida qoolleyo. 17 Laakiin dad iska jira, waayo, waxay idiin dhiibi doonaan shirar, oo sunagogyadooda ayay idinku karbaashi doonaan. 18 Oo waxaa aawaday laydiin hor geeyn doonaa taliyayaal iyo boqorro inay marag ku noqoto iyaga iyo dadka aan Yuhuudda ahayn. 19 Laakiin goortay idin gacangeliyaan, ha ka welwelina sidaad u hadli doontaan ama waxaad ku hadli doontaan, waayo, waxaad ku hadli doontaan ayaa saacaddaas laydin siin doonaa. 20 Waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Aabbihiin kan idinka dhex hadlayaa. 21 Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiisa, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan oo dhimashay gaadhsiin doonaan. 22 Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta, kaasaa badbaadi doona. 23 Laakiin goortay magaaladan idinku silciyaan, tan kale u carara, waayo, runtii waxaan idinku leeyahay, Magaalooyinka Israa'iil ma wada gaadhi doontaan ilaa Wiilka Aadanahu yimaado.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya