Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 89

Kanu waa sabuur Maskiil ah oo uu Eetaan kii reer Cesraax tiriyey.

89 Anigu weligayba waxaan ku gabyi doonaa Rabbiga waxyaalihiisa naxariista leh,
Oo aaminnimadaadana afkaygaan ka ab ka ab ku ogeysiinayaa.
Waayo, waxaan idhi, Naxariistu weligeedba way dhisnaan doontaa,
Oo aaminnimadaadana waxaad ku adkayn doontaa samooyinka qudhooda.
Axdi baan la dhigtay kii aan doortay,
Oo waxaan u dhaartay addoonkaygii Daa'uud, oo ku idhi,
Farcankaaga weligayba waan sii adkayn doonaa,
Oo carshigaaguna wuu dhisnaan doonaa tan iyo ka ab ka ab. (Selaah)
Rabbiyow, samooyinku waxay ammaani doonaan yaababkaaga,
Oo weliba aaminnimadaadana waxaa laga dhex sheegi doonaa shirka kuwa quduuska ah.
Waayo, bal yaa cirka ku jira oo Rabbiga lala simi karaa?
Bal yaase ku dhex jira wiilasha kuwa xoogga badan oo Rabbiga la mid ah,
Kaas oo ah Ilaaha ugu cabsida badan guddiga kuwa quduuska ah,
Oo waajibka tahay in kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu ay ka cabsadaan.
Rabbiyow Ilaaha ciidammadow,
Bal yaa sidaada u xoog badan, Rabbiyow?
Aaminnimadaadu hareerahaagay ku wareegsan tahay.
Adigaa u taliya badda kibirkeeda,
Oo markii hirarkeedu kacaan adigaa dejiya.
10 Rahab waxaad u kala burburisay sidii mid la dilay,
Oo cadaawayaashaadiina waxaad ku kala firdhisay gacanta xooggaaga.
11 Samooyinka adigaa iska leh, dhulkana adigaa iska leh,
Dunida iyo waxaa ka buuxana adigaa aasaasay.
12 Woqooyi iyo koonfurba adigaa abuuray,
Taaboor iyo Xermoonba magacaagay ku reyreeyaan.
13 Adigu waxaad leedahay dhudhun itaal weyn,
Gacantaaduna way xoog badan tahay, midigtaaduna way sarraysaa.
14 Carshigaaga aasaaskiisu waxa weeye xaq iyo caddaalad,
Oo naxariista iyo runtuna way ku hor socdaan.
15 Waxaa barakaysan dadka yaqaan dhawaaqa farxadda leh,
Rabbiyow, waxay ku socdaan wejigaaga iftiinkiisa,
16 Maalinta oo dhan waxay ku reyreeyaan magacaaga,
Oo waxay ku sara marayaan xaqnimadaada.
17 Waayo, waxaad tahay ammaantii xooggooda,
Oo raallinimadaada daraaddeed ayaa geeskayaga kor loogu sarraysiin doonaa.
18 Waayo, gaashaankayaga waxaa iska leh Rabbiga,
Oo boqorkayagana waxaa iska leh Kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
19 Markaas quduusiintaada waxaad kula hadashay muuqasho,
Oo waxaad ku tidhi, Waxaan caawimaad kor saaray mid xoog badan,
Oo waxaan sarraysiiyey mid dadka laga doortay.
20 Waxaan helay addoonkaygii Daa'uud ahaa,
Oo waxaan ku subkay saliiddaydii quduuska ahayd,
21 Oo gacantaydu isagay la jiri doontaa,
Dhudhunkayguna isaguu xoogayn doonaa.
22 Cadowgu ma dulmi doono,
Wiilka sharnimaduna ma dhibi doono.
23 Oo cadaawayaashiisa hortiisaan ku wada burburin doonaa,
Oo kuwa isaga necebna waan layn doonaa.
24 Laakiinse aaminnimadayda iyo naxariistaydu isagay la jiri doonaan,
Oo geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa magacayga.
25 Oo weliba gacantiisa waxaan ka sarraysiin doonaa badda,
Midigtiisana webiyaasha.
26 Aniguu ii qayshan doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Adigu waxaad tahay aabbahay,
Iyo Ilaahay, iyo dhagaxii weynaa oo badbaadadayda.
27 Oo weliba waxaan isaga ka dhigi doonaa curadkayga,
Oo wuxuu ahaan doonaa boqorrada dunida kan ugu wada sarreeya.
28 Weligayba waxaan isaga u hayn doonaa naxariistayda,
Oo axdigayguna isaguu ku sii adkaan doona.
29 Oo weliba farcankiisana waxaan ka dhigi doonaa mid weligiis waara,
Carshigiisana sida wakhtiga samada.
30 Carruurtiisu hadday sharcigayga ka tagaan,
Oo aanay ku socon xukummadayda,
31 Hadday qaynuunnadayda jebiyaan,
Oo aanay amarradayda dhawrin,
32 Markaas xadgudubkooda waxaan kaga abaalmarin doonaa ul,
Xumaantoodana jeedal.
33 Laakiinse naxariistayda oo dhan kama wada qaadi doono,
Aaminnimadayduna inay isaga gabto uma oggolaan doono.
34 Axdigayga ma jebin doono,
Oo wixii afkayga ka soo baxayna ma beddeli doono.
35 Mar baan waxaan ku dhaartay quduusnimadayda,
Oo Daa'uud been uma sheegi doono,
36 Farcankiisu weligiisuu waari doonaa,
Carshigiisuna wuxuu u waari doonaa sida qorraxda hortayda ka ifaysa.
37 Oo wuxuu weligiisba u sii jiri doonaa sida dayaxa,
Iyo sida markhaatiga daacadda ah oo cirka jooga. (Selaah)
38 Laakiinse adigu waad xoortay oo waad nacday,
Oo waxaad u cadhootay kaaga subkan.
39 Axdigii addoonkaaga waad nacday,
Oo taajkiisiina waad nijaasaysay oo dhulka ku tuurtay.
40 Deyrarkiisii oo dhan waad dumisay,
Oo qalcadihiisii oo dhanna waad burburisay.
41 Wax alla wixii jidka soo mara oo dhanba isagay dhacaan,
Oo derisyadiisana wuxuu u noqday cay.
42 Waxaad kor u qaadday midigtii kuwii dulmayay,
Cadaawayaashiisii oo dhanna waad ka farxisay.
43 Oo weliba afka seeftiisana dib baad u celisaa,
Isagiina kama aad dhigin inuu dagaalka ku sii adkaysto.
44 Iftiinkiisii waad demisay,
Carshigiisiina dhulkaad ku tuurtay.
45 Cimrigii dhallinyaranimadiisii waad soo gaabisay,
Oo waxaad isagii ka muujisay ceeb. (Selaah)
46 Rabbiyow, ilaa goormaad isqarin doontaa? Ma weligaa baa?
Oo ilaa goormay cadhadaadu sida dab u ololi doontaa?
47 Bal xusuuso sida wakhtigaygu u gaaban yahay,
Waayo, sidaad binu-aadmiga oo dhan u abuurtay micnedarnaa!
48 Bal waa ninkee kan iska noolaan doona isagoo aan dhimasho arkin,
Oo naftiisa ka samatabbixin doona xoogga She'ool? (Selaah)
49 Sayidow, meeday naxariistaadii hore,
Oo aad Daa'uud aaminnimadaada ugu dhaaratay?
50 Sayidow, bal soo xusuuso cayda addoommadaada,
Iyo sida aan laabta ugu sido cayda dadka badan oo dhan,
51 Rabbiyow, waana tii ay cadaawayaashaadu igu caayeen,
Oo waa tii ay ku caayeen tallaabooyinka kaaga subkan.
52 Mahad waxaa leh Rabbiga tan iyo weligiisba.
Aamiin, iyo aamiin.

Boqorradii Labaad 17:24-41

Dad La Dejiyey Samaariya

24 Markaasaa boqorkii Ashuur dad ka keenay xagga Baabuloon, iyo Kuutaah, iyo Cawaa, iyo Xamaad, iyo Sefarwayiim, oo wuxuu dejiyey magaalooyinkii Samaariya, meeshay dadkii Israa'iil ka degganaan jireen, oo waxay hantiyeen Samaariya, magaalooyinkeediina way degeen. 25 Oo markay bilaabeen inay meeshaas degaan Rabbiga kama ay cabsan jirin, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu dhexdooda u soo diray libaaxyo, kuwaasoo iyagii qaar ka laayay. 26 Sidaas daraaddeed boqorkii Ashuur ayaa lala hadlay oo lagu yidhi, War quruumihii aad kaxaysay oo aad magaalooyinka Samaariya dejisay ma ay yaqaaniin camalka Ilaaha dalkaas, oo sidaas daraaddeed wuxuu dhexdooda u soo diray libaaxyo, oo bal eeg, libaaxyadu way laayaan, maxaa yeelay, iyagu ma ay yaqaaniin camalka Ilaaha dalkaas. 27 Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu bixiyey amar, oo yidhi, Wadaaddadii aad ka soo kaxayseen midkood halkaas ku celiya, oo halkaas ha tago oo ha dego, dadkana ha baro camalka Ilaaha dalkaas. 28 Haddaba wadaaddadii ay Samaariya ka soo kaxeeyeen midkood ayaa yimid, oo wuxuu degay Beytel, oo wuxuu dadkii baray siday Rabbiga uga cabsan lahaayeen. 29 Habase yeeshee quruun waluba waxay samaysatay ilaahyo ay iyagu leeyihiin, oo waxay dhex dhigteen guryihii meelaha sarsare oo ay reer Samaariya samaysteen, oo quruun waluba waxay dhex dhigteen magaalooyinkii ay iyagu degganaayeen. 30 Oo dadkii reer Baabuloon waxay samaysteen Sukood Benood, dadkii reer Kuudna waxay samaysteen Neergal, dadkii reer Xamaadna waxay samaysteen Ashiimaa, 31 oo reer Cawaana waxay samaysteen Nibxas iyo Tartaq, oo reer Sefarwayiimna waxay carruurtoodii dab ugu gubeen Adrammeleg iyo Canammeleg oo ahaa ilaahyadii reer Sefarwayiim. 32 Rabbiga way ka cabsan jireen oo waxay dadkooda ka dooran jireen wadaaddadii meelaha sarsare, kuwaasoo ugu allabaryi jiray guryihii meelaha sarsare. 33 Rabbiga way ka cabsan jireen, isla markaasna waxay u adeegi jireen ilaahyadoodii sidii quruumihii iyaga laga soo dhex kaxeeyey ay yeeli jireen. 34 Oo ilaa maantadan waxay sameeyaan sidii caadooyinkoodii hore ay ahaayeen, oo Rabbiga kama cabsadaan, mana ay sameeyaan qaynuunnadoodii, iyo xukummadoodii, iyo sharcigii iyo amarkii uu Rabbigu amray reer Yacquub, kii uu Israa'iil u bixiyey, 35 kuwaasoo uu Rabbigu axdi la dhigtay, oo uu ku amray, isagoo leh, Idinku ilaahyo kale ha ka cabsanina, hana u sujuudina, hana u adeegina, allabarina ha u bixinina; 36 laakiinse waxaad ka cabsataan Rabbigii dalkii Masar idinkaga soo bixiyey xoogga weyn iyo cudud fidsan, isagana u sujuuda oo allabari u bixiya; 37 oo qaynuunnadii, iyo xukummadii, iyo sharcigii, iyo amarkii uu idiin qoray waa inaad dhawrtaan oo aad weligiinba samaysaan, oo waa inaydnaan ka cabsan ilaahyo kale. 38 Oo axdigii aan idinla dhigtayna waa inaydnaan illoobin, oo aydnaan ilaahyo kale ka cabsan; 39 laakiinse waxaad ka cabsataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo isna wuxuu idinka samatabbixin doonaa gacanta cadaawayaashiinna oo dhan. 40 Habase yeeshee iyagu ma ayan dhegaysan, laakiinse waxay sameeyeen sidii caadadoodii hore ay ahayd. 41 Quruumahaasu waxay ka cabsan jireen Rabbiga, isla markaasna waxay u adeegi jireen sanamyadoodii xardhanaa, oo carruurtoodiina saasoo kalay yeeleen, oo carruurtii carruurtooduna saasoo kalay yeeleen, oo sidii awowayaashood samayn jireen ayay iyaguna sameeyaan ilaa maantadan la joogo.

1 Korintos 7:25-31

25 Amar bikradaha ku saabsan kama haysto xagga Rabbiga, laakiin waxaan kula talinayaa sida mid Rabbiga naxariis ka helay inuu aamin ahaado. 26 Sidaa daraaddeed waxay ila tahay dhibta haatan joogta aawadeed inay u roon tahay nin inuu sii ahaado siduu yahay. 27 Miyaad naag ku xidhan tahay? Ha doonin inaad ka furnaato. Miyaad naag ka furan tahay? Ha doonin naag. 28 Laakiin haddaad guursatid ma aad dembaabin, bikraduna hadday guursato ma ay dembaabin, laakiin kuwaas oo kale xagga jidhka dhib bay ka heli doonaan, laakiin dhibtaasaan idinka celin lahaa. 29 Laakiin waxaan leeyahay, walaalayaalow, wakhtiga waa la soo gaabiyey, hadda kaddib kuwa naagaha qabaa ha ahaadeen sidii iyagoo aan qabin; 30 oo kuwa ooyaana sidii iyagoo aan ooyin, kuwa farxaana sidii iyagoo aan farxin, kuwa wax iibsadaana sidii iyagoo aan waxba lahayn; 31 kuwa dunidan ku isticmaalaana, sidii iyagoo aan aad ugu isticmaalin, waayo, xaalka dunidan waa idlaanayaa.

Matayos 6:25-34

25 Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, iyo waxaad cabbi doontaan, jidhkiinnana ha ugu welwelina waxaad u huwan doontaan. Naftu miyaanay ka roonayn cuntada, jidhkuna miyaanu ka roonayn dharka? 26 Shimbirraha cirka eega, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, maqsinnona waxba kuma urursadaan, oo Aabbihiinna jannada ku jira ayaa cunto siiya. Idinku miyaydnaan ka roonayn? 27 Midkiinnee intuu welwelo dhererkiisa dhudhun ku dari kara?

28 Maxaad dharka ugu welweshaan? Fiiriya ubaxyada duurka siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan. 29 Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtigii ammaantiisa oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood. 30 Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysadyarayaalow? 31 Sidaa darteed ha ku welwelina, idinkoo leh, Maxaannu cunaynaa? ama, Maxaannu cabbaynaa? ama, Maxaannu huwanaynaa? 32 Waayo, quruumuhu waxaas oo dhan ayay doondoonaan. Aabbihiinna jannada ku jiraa waa og yahay inaad waxaas oo dhan u baahan tihiin. 33 Laakiin horta doondoona boqortooyadii Ilaah iyo xaqnimadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydinku dari doonaa. 34 Sidaa darteed berrito ha ka welwelina, waayo, berrito iyadaa isu welwelaysa. Maalinta sharkeedu waa ku filan yahay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya